Friday, 2 July 2021

Banka Tuuyo

W/q: Axmed Ibraahin Cawaale    E-mail: aiawaleh@gmail.com


Hees-ciyaareed hore:

Saddex waa war beenaad:

Berbera buuri laga waa

Basra timir kamey iman

Banka Tuuyo caws male !

Dhammaadkii qarnigii 19aad, sahamiyihii Ingiriis ee Swayne, oo wax ka qoray hodontinnimada daaq iyo duurjoogeed ee banka Tuuyo, waxa uu tusaale u soo qaatay Wiyisha oo gabbaad ka dhigata geedcawseedka duurka loo yaqaan iyo ugaadh aad u kala duwan, isla markaana  ay adag tahay in la tiro koobo.[1] Geedcawseedka duurku hadda waa gabaabsi, waxana tirtiray daaq xad-dhaaf ah, dhismaha oo loo adeegsadao, iyo  beraagta oo lagu dedo.

Lixdaneeyadii qarnigii 20aad, waxa aan carruurnimadaydii  xasuustaa banka oo dareemada (dherer inta ay ka qabto) aannu burarka baarka ka gunti jirnay, si aannu u soo tilmaansanno marka aannu guriga ku laabanaynno, si aanaan guriga uga habaabin – illeyn waa ban aan lahayn geedo dhaadheer oo la tilmaansado.  Banku waxa uu ahaa tigaad isku siideysan oo aan kala go’ lahayn, isla markaana aaney dhextaalleynin gawaano dirriyoobey. Dixida ayaa iyana si baahasan uga bixi jirtay. Ugaadh tiro badan ayaa indhaahaaga dhinaca aad u jeedisoba ay qabanayeen.  Sidoo kale geelal tiro badan ayaa gu’gii lagu dhex arki jiray banka. Aqal-Soomaaliga ay reeruhu dhisan jireen ayaa  aad uga  waynaa buulasha maanta xoolo-raacatadu dhisato, aqabka wax lagu dhistaana badi waxa laga diyaarin jiray dhiroonka iyo xoolaha.  Gaadiidkii (awrtii) la raran jiray hadda waxa beddelay dameero, maxaa yeelay aqallo waaweyn la ma dhisto, meelo durugsanna looma  guuro, marar badanna reeraha baabuur ayaa u dhaamisa (gu’ iyo jiilaal), weyna degaamoobeen.


 

Maanta duurkii ma jiro, dareemadii iyo dixidii ma jiraan, duurjoogtii iyo shimbirihii kala caynka ahaa ma joogaan ama  waa faro-ku-tiris, cirkuna waxa uu ka qaawan yahay muuqaalkii haaddii oogada sare gaaf-wareegi jirtay ee raqaha fogaan sare ka bidhaansan jirtay.   Amminiba ta ka sii dambaysay ayaa isbeddel ku imanaayaya saansaanka deegaan iyo habnololeedka dadka. Xilliyo dhexa cawska qabsaday banka waxa ugu badnaa Sifaar. Se maanta wey adag tahay in bur Sifaar ah banka  lagu arko.  Beryahan dambe waxa bankii si baahsan u qabsaday geedgaabka ‘Hiisha’ oo xoolo-dhaqatada mar xoolahooda daaq u ah, marna inta ay rujiyaan ku deyrta xerooyinkooda.  Waxa kale oo aan arkay in bankii hareeraha ka soo ururayo oo dhirtii gooddigu si xawli leh ugu soo fidayso.  Gooddiga banka waxa  halkiisii hore ku hayn jiray  oodda awrta lagu soo raran jiray si banka  gudihiisa guryaha loogu ooto. Hadda dameero ayaa la rarta, wax macno ahna samayn meyso in ood yar gooddi lagaga soo raraa, markaas waa  in hiisha uun la rujistaa!  Dhinaca kale, cawska yaraaday waxa uu xoolaha ku xambaaray inay dhaameel qudhaca iyo maraaga cunaan, ka dibna ay dhirtaasi si fudud u tarmaan. 

Muuqaalkani waa Jugley, waana duurjoogta keliya ee aan ku dhex arkay banka intii aan ka tallaabayay socdaal aan dhowaan ku maray.  Arrinta xiisaha lehi waxa ay ahayd inaan tiro dhowr iyo toban nafley shimbirkan ah  goobtaas ku arkay.

Inta aan kamaradii la beegsaday ayaan hoosta ka idhi “Il cadow iyo ugaadhsato Carbeed Alle ku ma tuso!”

Haa ! Fiicnaan lahaydee in kamaradu qoriga beddesho.



[1] H.G.C. Swayne, Seventeen Trips Through Somaliland: A Record of Exploration and Big Game Shooting  - 1885 to 1893.  Page 297

Monday, 21 June 2021

Midho Daray

W/q Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

Haddii aad maqashay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “midho daray duuduub baa lagu liqaa”, oo u dhigan “ha isku baadhbaadhin kolley noole yar ayaad gudaha ugu tegi doontaaye”, waxa is weyddiin mudan “ horta maxaa ka dhexeeya noolahaas yar iyo midhaha geedka?”

Wax kale ma ahe waa isku danaysi (mutualism). Darayga iyo guud ahaan dhammaan bah-dhireedka geedka tiinka (fig) oo tiro ahaan lagu hilaadiyo in ka badan 800 oo jaad, waa ay ka siman yihiin in noolahaas yari midhahooda ku lammaanaado – haba ku sii kala badnaadeene.

Arrinka isku danaysiga geedaha bah-dhireedka tiinka iyo noolahaasi yari waa mid yaab badan. Qaabka bacriminta dhirtaasi waa ay ka duwan yihiin sida dhirta kale u bacrimaan. Maxaa yeelay, jaad kasta oo bah-dhireedkaas ka mid ahi waxa uu baahidiisa bacrimineed iyo tarmineed ugu tiirsan yahay jaad goonni ah oo ka mid ah kumannaanka noole ee baalka leh ee u qaabaysan sida duburlaxa.


Qisadani waa mid ku saabsan noole nafahoodii huraya, si ay u rumeeyaan in tafiirtoodu arlada u sii joogaan.

Ugu horrayn, bah-dhireedka tiinku ma bixiyaan ubax muuqda, se ubaxoodu waxa uu ku dhex qarsoon yahay midhaha geedka.

Noole dheddig ah oo ka mid ah baalleydaas u gaarka ah geedaha tiinka ayaa gudaha u gelaysa mid ka mid ah midhaha geedka iyada oo ulajeeddadeedu tahay inay hesho guri ay ku dhasho. Waxa ay ka gelaysaa god yar oo midhka meel kaga yaal. Godka oo aad cidhiidhi ugu ah noolaha yar ee aan weliba dhererkeedu ka badanayn 2 sentimitar, waxa iskudeygeedaas kaga go’aya baalasheeda. Ha yeeshee dan iyo muraad kama laha, iyada oo og inaanay dib u duuli doonin. Marka ay  gudaha gasho, waxa markiiba awdma (soo xidhma) daloolkii yaraa. Waxqabadkeeda ugu dambeeyaa waa in ay ugxaanteeda dhigtaa halkii ku habboonayd, ka dibna wey dhimanaysaa. Xilli ka dib, midhkii geedka ayaa sidaas ku dhammaystirmaya oo bislaanaya. Ugxaantiina waxa ugu horrayn ka soo baxaya noolihii cusbaa labkoodii, baalal se ma lahaa, mana u baahan doonaan; maxaa yeelay amminta ay noolaan doonaan ayaaba iska yar. Yoolka noloshoodu waxa uu ku kooban yahay laba ujeeddo: In ay la galmoodaan dheddiga yaryar ee aan weli dhammays tirmin. Marka ay howshaas gutaan, waxa ay gudo galaan howshii labaad ee u dambaysay meertada noloshooda – taas oo ah in ay derbiga midhaha geedka dalahaooliyaan, bannaankana u baxaan. Kuwa dabadood kobci doona ayay u bannaynayaan. Ha yeeshee godkaas yar ee bixitaan ama baxsasho iyaga waxba uguma filna, maxaa yeelay, kolleyba wey dhimanayaan kol haddii aanay baalal lahayn.

Ka dib, gudaha waxa kasoo baxaya oo godkii yara bannaanka iyo iftiinka ugu baxaya walaalahood oo qaab ahaan dhammays tirmay.  Ha yeeshee iyana waxa ay noolaan doonaan laba beri oo keliya, oo ay meertadii nololeed ee walaalahoodii ka horreeyay mareen iyana mari doonaa, oo hore ka bilaabi doonaan.

Midho daray ama barde haddii aad cuni doonto, xasuusta ku hey qisadaas yaabka leh; illeyn iyaba waad cibro-qaadasho e.

Tuesday, 18 May 2021

Geedkii Berdaha ahaa ee Wadaamago

W/Q Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

Aniga saaka dabbaaldeggaygii 18 May waxa hadheeyay dhicitaanka geedkii caanka ahaa, misane guunka ahaa ee Wadaamago. Geedkan da’ahaan, astaan ahaan iyo dhaqan ahaanba waxa uu ahaa mid u qalma magacbixinta lagu maamuuso dhirta la jaadka ah ee ah “heritage trees” oo ah in uu yahay dhaxal soojireen ah.
Haddaba maxaad ka taqaannaa geeka berdaha?
Geedkani waxa uu ka mid yahay bah-dhireedka la isku yidhaahdo “fig trees” oo ah tiinka uu Eebbe ku dhex xusay Qur’aanka kariimka. Bah-dhireedkaas inta kuwa dhulkeenna ka baxa waxa ka mid ah Berdaha (Ficus vasta) oo dhowr jaad ah, Darayga (Ficus sycamorus) iqk. Bah-dhireedkani, qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka adduunka waxa looga aqoonsanyahay in ay yihiin dhir barako la la xidhiidhiyo.
Masiixiyiintu, sida ku qoran Baybalka waxa ay rumaysanyihiin in uu ahaa geedkii ay Nebi Aadan iyo Xaawi caleentiisa dhar ka samaysteen si ay ugu qariyaan ‘xumaantoodii’ ka dib markii ay cuneen midhihii geedkii looga digay.
Si la mid ah diimaha reer Bariga, sida ta Hinduuska iyo Buudiisamka waxa looga yaqaan in uu yahay berdahoodu (Ficus religosa) geed amran. Tusaale ahaan, qolooyinka rumaysan diinta Buudiisamku, waxa ay qabaan in aasaasihii diintaasi, Gautama Buddha, in wax loo nuuriyay (enlightment) xilli uu ku hoos khalaaweynayay geedkaas.
Haddii aynu u nimaadno diimihii hore ee ka jiray Geeska Afrika, waxa la isla qirsanyahay in bah-dhireedka Berduhu, siiba (Berdaha iyo Daraygu) ay iyana ahaayeen qaar amran oo dadyowga rumaysnaa diintii Waaq ay barako la beegsan jiray taas oo la rumaysnaa in rooxaanta “Ayaan ama Ayaana” ay ku soo degi jirtay.
Kal hore, bishii Noofambar, waxa dalka Kiiniya ka dhacday in Nayroobi gudaheeda loo baahday in la gooyo geed guun ah oo Berde ah – maxaa yeelay waxa ku soo hagaagtay jidweyne isku xidhayay qayb ka mid ah caasimadda iyo gegada Dayuuraduhu ka haadaan ee Joomo Kiniyaata. Arrintaa waxa baajiyay olole ay qaadeen duqey ka soo jeedda qabiilka Kuukuuyaha oo rumaysnaa in geedkani yahay mid amran, goyntiisuna soo dedejin doonto dhibaato iyo hoog. Arrinta se ka darani waxa ay ahayd rumayn ay qabeen Kuukuuyada oo ahayd in haddii uu dhaco ama qallalo geed Berde ahi in ay taasi tilmaan u tahay in hoggaan jiray gabbalku u dhacayo, mid kalena beddelayo. Warkani oo ku soo baxay BBC News 30 Noofembar 2020, waxa uu dareen geliyay madaxweynihii dalka Kiiniya oo isaguba ka soo jeeday Kuukuuyada. Sidaas ayuuna ku baajiyay in geedkii la gooyo!
Adduunyada, dhirtan oo kale waxa hareeraha lagaga dhisaa wax ka ilaaliya in ay dabayli riddo, sida kan hoos ka muuqda oo jaadkiisu yahay (Brazil Nut Tree) oo aan ku dhex arkay beerta nasashada Berdana Botanical Garden oo ku taal Kuala Lumpur, dalka Maleesiya.
Geed ku yaal beer nasasho ku taal Kuala Lumpur oo sabbad lagu dhisay si aanu u dhicin

Waxa la is weyddiin doonaa: Toloow geedku dib ma uga soo fiili doono gunta. Runtii weli ma hayo muuqaallo muujinaya dhibta gaadhay inta ay le’eg tahay, se waxa la samayn karaa inta si fiican loo gammuuro ayaa dhoobo madaxa laga marin karaa, waxana aan ku abdo weynahay in uu dib u soo fiili doono. Haddii se rabitaan jiray, waxaan suurtogal ahayni ma jiro: Laamihii oo la gaagaabiyo, lana taago waxa lagu abuuri karaa 1000 geed in ka badan.
Waa ka xumahay in reer Wadaamago iyo inta geedkaas taqaannay magaciisa, jeclaydna muuqaalkiisu ay arkaan dhaawaca halista ah ee soo gaadhay. Waxaan se is-weyddiinayaa saaka 18 May, Reer Wadaamago miyey dabbaal degayaan mise murugo iyo gurmad ayay ku jiraan?

Saturday, 15 May 2021

Qorfayn buug: Muhammad: A Prophet for Our Time

Waxa gorfayn kooban ku sameeyay: Axmed Ibraahin Cawaale

Muhammad: A Prophet for Our Time

Waxa qortay: Karen Armstrong

Waxa uu soo baxay: 2006

Muxammad: Nebi ku Habboon Joogtadeenna

Waxa aynu ka wada dheregsannahay fahanka qalloocan iyo muuqaalka weecsan ee tiro badan oo ka mid ah bulshooyinka Reer Galbeedku ka qabaan Islaamka iyo Nebi Maxammed (NNKA).  Nacaybkaas iyo maro-ku-dhegga aragtiyeed ee  bulshooyinkaas ka jafmi la’ waxa loo celin karaa xilliyadii dagaalladii Macatab-ku-dirika ee qarniyadii  11-13aad.

Aragtiyahaas oo ay bilow ahaan fidiyeen madaxdii mikinisaduhu, isla markaana la dhex rooreen bulshooyinkoodii, waxa ay ilaa maanta yihiin qaar ka horjoogsada in ay doco kale ka eegaan isla markaana ballaadhiyaan aqoonta ay u leeyihiin Islaamka iyo waxa uu xambaarsanyahay.  Haddana sidaas oo ay tahay, waxa jiray ilaa haatanna jira dhawaaqyo  iyo qoraallo ku aaddan burinta aragtiyahaas. Qaar ka mid ah kuwaasi waa: Louis Massignon, Henri Corbin, Annemarie Schimmel, Wilfred Cantwell Smith, iqk.

Karen Armstrong oo ah 1oraaga buuggani waxa ay u dhalatay dalka Biritayn (ama sida ay Soomaalidu u taqaan Ingiriiska). Hore waxa ay u ahaan jirtay raahibad ka tirsan mikinisadda Roman Kaatoligga, waxa ay se aad wax uga qortay isbarbardhigga diimaha. Tirada buugaagta ay qortayna waxa ay gaadhayaan soddon, ku dhowaadna shan iyo afartan af ayaa loo tarjumay.

Buuggani waxa uu u dhiganyahay taariikhnololeedkii Nebi Maxamed oo weliba si cilmiyeysan ayay u faaqidayso. Karen waxa ay qabatay daraasad qoto dheer, iyada oo aan keliya ku kaaftoomin kaydka qoraal ee Reer Galbeed balse kansho u heshay qoraalladii taariikhyahanno Muslimiin ah sida Ibn Isxaaq, Al-Waaqidi, Ibn Sacad, Ibn Jariir Ad-Dabari, iqk. Waxa kale oo buuggeeda laga dhex heli karaa in ay aqoon qoto dheer u leedahay diinta Islaamka, aadna u daraasaysay Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana si xooggan u tixraacday.

Karen Armstrong oo tilmaan ka bixisay darta ay u qortay buuggan, waxa ay tidhi:

Waxa aan goostay inaan qoro taariikhnololeed ku saabsan Nebiga si aan isugu quturo aragtiyahaas tarajaysan (dhufayska lala soo jiifo) ee ay adagtahay in si fudud loo beddelo. Waxa aynnu leenahay taariikh dheer oo aynu Islaamka  ka qabno cabsi una qabno nacayb (Islamophobia) – arrimahaas oo soo bilaabmay xilliyadii dagaaladii Macatab-ku-dirirka…… hadda ka dib se, innooma cuntanto sii-haysadka nacaybkaasi, maxaa yeelay, waxa uun bey sii shidaalinaysaa nacaybka iyo gacan-ka-hahdalka innaga soo noqonaya dhinacooda  oo ay isla jeerkaas ka faa’iideysan doonaan kuwooda xagjirka ahi.   Nebi Maxamed ma ahayn nin qas iyo qalalaase u saaxiib ahaa; waana in aynu taariikhnololeedkiisa u eegno si dheelli-tirnaani ku jirto, si aynu u mahadinno ugana faa’iideysanno waxyaabaha uu xaqiijiyay oo wax badan laga baran karo.

Karen waxa ay qabtaa in Nebi Maxamed (NNKHA) in le’eg inta uu ahaa hage iyo  hoggaamiye ruuxi ah, in uu aha isbeddel-dhaliye u adeega soornaan (caddaalad) bulsho, waxana uu sidoo kale ahaa siyaasi maskax badan iyo dagaalyahan xeelado badan.  Intaas uun kuma eka e, taariikhnololeedkiisa waxa laga dheehan karaa raxmaddiisa, dulqaadkiisa, dadnimo-wanaaggiisa.

Karen dhawaaqeedu iyo farriinta uu buuggu xambaarsanyahay waxa uu ugu horreeyn u dhacayaa akhristeyaasha Reer Galbeedka. Sida aan filayona waa yaryahay qof si miyir iyo dhugasho ku jirto u akhriya oo aan ugu yaraan wax iska doorin aragtiyooyinka weecsan ee Reer Galbeedku ka qabaan Islaamka.

Buug kasta oo la qoro dhalliil lagama waayo, se isu celcelin falcelinta uu buuggan ka dhex helay aqoonyahannada iyo culimo badan oo Muslimiin ahi waad mid togan.

Ugu dambayn, haddii uu jiro qof aan Muslim ahayn oo weliba Reer Galbeed ah oo aad jeceshahay in aad u soo ban dhigto Islaamka, buuggani waxa uu awood u leeyahay in uu ka biyeeyo aragtiyo weecan oo hore loogu disay, waxana uu u furi doonaa hamuun uu ku raadsado buugaag kale oo ka gacan siisa inuu naftiisa la heshiisiiyo qaadashada Islaamka.