Thursday 22 September 2011

Sidee buu Doorsoonka Cimilo u Saameeyey Xilligii Idaha Sumalka Lagu sii Deyn Jiray? WQ.Axmed Ibraahim Cawaale

 Waxa Af Soomali u dooriyey: Axmed Ibraahim Cawaale 

Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay aqoon-baadhis ay wada sameeyeen hay’adda Candlelight iyo Jaamacadda Camuud. Waxa uu ku saabasan yahay sida uu doorsoonka cimilo u saameeyey xoolo-dhaqatada.
Dhaqan-ahaan, xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, xilli go’an mooyaane, si joogto ah sumalka uguma daraan idaha. Waxa ay sidaas u yeelaan in dhalmadoodu aaney ugu beegmin xilli adag (sida Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalitaan, ka dibna laga yaabo in ay abaarta ku riiqdaan oo ka soo doogi waayaan.
Habeenka la yidhaahdo "Dambasame/Dambarsame" ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii deyso si ay u rimaan.
Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dabshidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida.


Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar). Kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaasbey iduhu 150 cisho ka dib u dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli roobku si fiican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Waa xilliga la yidhaahdo “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.

Is-beddelka ku dhacay habeen-tirisigaas, oo loo tiirin karo doorsoonka cimilada, waxa ay badi bulshada reer-guuraaga ahi dareentay bilowgii toddobaataneeyadii boqolleydii (qarnigii) laga soo gudbey.
Waxa ay xoolo-dhaqatadu ogaadeen in beryahan dambe aanay habboonayn in habeenka dambasame sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaa ee roobka di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan beryahan dambe isku halleyn lahayn. Saas daraadeed waxa ay reer-guuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey. Halkaas waxa innooga muuqan karta sida ay reer-guuraagu isugu habeeyeen ama ula jaan-qaadeen saamaynta doorsoonka cimilada.


Hab kale oo ay Soomaalidu u adeegsan jirtay talo-ka-gaadhista goorta ay Sumalka idaha ku sii daayaan oo ay aad ugu kalsoonaan jireen waxa uu ahaa iyadoo ay ka faashadaan qoobleyda ah Cawsha (Gazella soemmerringii); maxaa yeelay lama arag weligeed iyada oo dhashay xilli abaar ah, tiiyoo laga yaabo in xoolaha iyo ugaadha kale ay dhalaan xilli adag, kolkaasna dhashu ka dhimato.

Sheeko-dhaqameed ayaa odhonaysaa sidan:
Cawshu waxa ay daalacataa xiddigaha, waxaana la yidhi waa ay ka saadaalin og tahay dadka, maxaa yeelay lama arko cawsha oo xilli abaareed dhasha, marka la barbar dhigo ugaadha kale. Saas darteed, waxa xoolo-dhaqatada caado u ahaan jirtay in ka hor inta aaney sumalka ku sii deyn idaha in ay hubiyaan in ay ku beegaan xilliga uu Cawlku cawsha orgaynayo. Goor habeennimo ah ayey gudi jireen (guurayn jireen) iyagoo raad-guraya Cawsha. Kolkaas haddii ay arkaan in Cawlku cawlaha orgaynayo, markiiba sumalka ayey idaha ku sii deyn jireen. Waxana jira in idaha iyo cawshu isku sid yihiin (ama muddo is le’eg caloosha ku sidi karaan dhasha).

Sidoo kale, aqoon-baadhis ayaa xidhiidh ka dhexaysiinaysa hab-dhaqanka galmada ee Cawsha iyo kolba sida uu xilligu yahay (in uu ku habboon yahay in ay hawshaas gutaan iyo in kale). (Spinage, 1973).

Waxa jira odhaahyo badan, heeso, maahmaaho iyo gabayo laga tiriyey fariidnimada Cawlka, marka laga hadlayo arrinkan. Gabayaagii caanka ahaa ee Cali Dhuux ayaa tixdan tiriyey:

Markuu cawlku cawlaha orgayn, waa u cibaaroone
Cisaday ku uuraysatiyo, caadaduu garane
Cashaday calool gelahayaan, canugga beertiisu
Curcurada iyo lawyada intuu, ku cuskaduu saaro
Cirridiyo iyo cagaar miday ku dhalan, caadka kor u eegye
Hadba cirirka loo nuuriyuu ku cibro qaataaye

Sheekadani waxa ay isku-xidh ku sameyneysaa aqoonta hadhaaga ah, ku-tidh-ku-teen, iyo isbeddellada beryahan dambe jira. Qoobley ugaadheed oo xiddigaha daalacataa waa arrin la yaab leh. Ha yeeshee, haddii aynu isku deyno in aynu aqoontaas hadhaaga ah barbar dhigno aqoonta cusub ee sayniska, waxa la xaqiijiyey in ay qoobleyda qaarkood awoodaan in ay dib u dhigi karaan foosha, haddii aanu ahayn xilliga ay cawsha dheddiga ahi dhali doonto mid ku habboon – sida abaarta oo kale. Halkaas waxa ay ku xaqiijin karaan in neefka ay dhalaan uu ka badbaado silica iyo soomal-haadka abaarta. Taas waxa aynu uga jeednaa in Cawshu ay goor kasta dhasho xilli roob curtay!



Haddaba arrinka murugada lehi waxa weeye in Cawshii tiro ahaan ay carriga Soomaalida ku sii yaraanayso. Waxa uu Ururka Caalamiga ah ee Badbaadinta Dabiicadda (International Union for the Conservation of Nature) ku suntay in Cawshu ku sugan tahay xaalad ‘nuglaaashiinyo', waxaana la geliyey Liiska Guduudan ee muujinaaya in xayawaankaas uu ku sii siqayo dabar go'. Saas daraadeed, dhifnimada Cawsha ayaa ka dhigi karta in aan si baahsan loogu adeegsan karin ku-jaan-goynta sumal-ku-darsigii Urur-xiddigeedka “Laxaha”
 

No comments:

Post a Comment