Dhaqan


Ijibbaati

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

Eray guun ah, oo gun weyn, ula jeeddadiisana laga dhex heli karo dhaqan ka horreeyay Islaamka.

Waxa la maqlaa goor ay geeriyi dhacday ama timid. Kolkaas qofka geeriyooday cidda ugu dhow – ha ahaadaan xaaskiisii, hooyadii/hooyadeed, walaashii/walaasheed ama ayaydii/ayaydeed – loo sii daayo in ay ka ag dhawaato hilbaha (maydka) si ay ugu “ijibbaatido”. Ijibbaatigu waxa uu koobsadaa mararka qaarkood oohin iyo ku dhegdheg. Waxana la rumaysnaa in uu u dhigan yahay “samirsiis” iyo in uu qofku maanka ku guntado ARAGGII UGU DAMBEEYAY ee qofka qoyska ka baxay. Qof maqane ah haddii loo sheego geerida qof sokeeye ah , ayaa mararka qaar lala sugaa si uu ugu “ijibbaatiyo”. Marka uu yimaaddona waxa la lagu dhawaaqaa “Waar u banneeya ha ku ijibbaatido e!”

Waxa aan baadhay bal in eray la mid ah laga heli karo Afka Oromada, waxana aan helay “Ijibbaata/ijibbaatii” oo u dhigan erayga Af Carabiga ah ee “taxaddi تحدي” ama Af Soomaali ahaan “carin”.

Haddii ereyga asalkiisu la ula jeeddo ahaa “carin/hawiraad”, oo ay labada erey (Soomaali iyo Oromo) ay isku ula jeeddo yihiin, waxa ay u egtahay in eegmada ugu dambaysa ay sahay u tahay qofkaas waayay mid ka mid ah xigaalkii; sahaydaas oo uu ugu babac dhigi karo dareenno nafsi ah oo sii daba jebin lahaa ammin dheer - haddii aanu indhaha ku sii sagootiyin. Waa ta qof la waayay, lana baadi goobayo la yidhaahdo "Raq iyo Ruux" ama "Geeri iyo Nolol" ama "Inta ay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto!" Haaheey, aragga kama-dambayska ahi raadayntiisa ayuu leeyahay.

Kuusha iyo Adeegsigeeda: Milicsi Taariikheed

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Kuushu waxa ay ka mid tahay agabka ay dumarka Soomaaliyeed isku qurxiyaan.  Waana dhaqan soo jireen ah oo la fili karo in uu la bilaabmay jiritaanka aadanaha.  Kuusha ugu caansan ee weli ka sii hadhay dhaqankii  hore ee Soomaalidu waxa ay tahay cunnaabi.  Waxa  yaalaaba laga soo dhoofin jiray carriga Hindiya.  Dhallinyarada wiilasha ah ayaa iyaguna xarrago ahaan, qoorta ku xidhan jiray hal ama laba mid oo kuul ah, oo odhon jiray ‘Makaawi.'   Sidoo kale, magaca ‘Kuul' oo ragga loo bixin jiray ayaa muujin u ah in raggu xidhan jireen kuusha – ama tusbax ahaan ha u qaataan, ama qurux ahaan  ha u xidhaan e.
Waxa haddaba la is-weyddiin karaa, sida dharkii cudbiga ka samaysnaa ee ay ka mid ahaayeen Baftadii,[1] Maraykaanidii, Maxamuudidii iqk, ay suuqa uga saareen hugii  saanta laga diyaarin jiray – ee uu ka mid ahaa Dhuugu, ma laga yaabaa in kuushaas dibedda laga soo dhoofsan jiray ay iyana meesha ka saartay kuulo hore, oo herodhalad ahaa,  ragga iyo dumarka Soomaalidu xidhan jireen?  Haddaba, sida uu qabo qoraagani, erey-celintu waa “HAA”. 

Sida ka jirtay, ama ilaa maantaba looga adeegsado, dhulal kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxa ay dumarka Soomaalidu kuusha ka samaysan jireen midhaha dhirta qaarkood ama  qorigooda.  Mararka kale, sida ka jirta meelo kale oo Afrika ah,   waxa kuusha laga diyaarin jiray xabko iyo caleemo la isku budliyay, lana biyeeyay, kaddibna dab la saaray, ugu dambaynna marka ay isla qaboobaan loo qaabayn jiray kuul ahaan, markii xigayna dalool loo sameeyay si loo taxo.
Badhtamihii 2016kii, waxa gacantayda soo gashay kuul la ii sheegay in laga soo qoday meel aan ka fogayn Hargeysa.  Kuushaasi waxa ay judhiiba iigu muuqatay in ay  ahayd mid aan walaaya (dibed) laga keenin.  Waxa ay keloo iila muuqatay in laga qoray dhagaxciideed.  Kaddib, meel ayaa aan ku xereeyay si aan ugu kaydiyo.  Haddaba waxa dhacday maalin dambe oo aan is-idhi la soo bax, in markii aan furay kiishkii ay ku jireen, aan arkay in qaarkood qoyeen, isla markaana ay kala furfurmeen, gudahoodana uu ka muuqday cagaar caleemeed!  Show qolkii aan dhigay ayaa ku soo darroorimooday. Waxa aan is idhi, da'ahaan facweynaantooda ayaa laga yaabaa in ay la furfurmeen. Se markoodii hore ee ay dhulka ku aasnaayeen, weel dhoobo ah ayaa ay ku dhowrsoonaayeen.
Kuul aad u fac weyn oo  xilliyo hore Soomaalidu adeegsan jirtay, kana samaysan caleen iyo xabko

Dhagxanta ayaa iyana laga samaysan jiray kuul, iyada oo loo xulanayo quruxda ay leeyihiin, sida ka muuqata kuwan ku muujisan muuqaalkan hoose, oo la ii sheegay in laga soo qoday meel u dhow magaalada Jinacsani, oo ka tirsan degaanka Jigjiga.

Kuul dhagaxaan kala midab duwan laga sameeyay oo laga helay magaalada Jinacsani, oo u dhow Jigjiga
Xograadin aan sameeyay oo ku saabsan kuulaha xerodhaladka ah ee bulshooyinka Afrikaanka, iyo meelo kale oo adduunka ahba laga adeegsado, waxa si xiisahayga soo jiitay dhaqan ka jira Afrikada Galbeed.
Dalalka Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal, waxa jira kuulo ay dumarku diyaariyaan, kaddibna  qurux ahaan u xidhaan.  Waxa ay bulshooyinkooda dumarka ahi rumaysan yihiin in xidhashada kuulahaasi xoojiyaan dareenka raganimo ee raggooda.  Kuushan oo la carfiyay, waxa laga sameeyaa cajiin laga diyaariyay midho kala duwan, oo uu ugu door-roon yahay midhaha geed la yidhaahdo Detarium microcarpum.   Magaca ay kuushani ku suuq gashay waa “Myrrh Beads” ama “Kuusha Malmalka”.  Ha yeeshee, kuushani wax xidhiidh ah lama laha Malmalka – maxaa yeelay, geedka dhiddinka ee laga gurto Malmalku kama baxo galbeedka Afrika.
Kuul rucub-rucub ah oo dumarka Galbeedka Afrika dhexda ku xidhaan.
Qaab ay dumarkaasi u diyaariyaan kuushaas,  oo ay hooyo  waliba inanteeda u sii gudbin jirtay, ammin aad u dheer, ayaa sidan ah:
Waxa ay dumarku midhaha la budliyay ee geedkaas kor ku xusan  ku qasaan jaws, dhegayare, iyo ubaxyo.  Kaddib, biyo kulul ayay ku daraan, dab aan xoog u shidnaynna waa ay  saaraan, heer uu cajiinku noqdo mid is-jiidjiidanaya marka ay biyuhu yaraadaan.  Cajiinkii oo aan qaboobin ayaa ay dumarka u qaabeeyaan kuulo yaryar, daloolna qodax ama irbad ugu sameeyaan.  Kaddibna cadceedda ayay u dhigaan si ay u engegaan una adkaadaan.  Kuulahaas, badiba, midabkoodu waa maarriin.  Se, dalka Sinigaal oo kale, waa la midabeeyaa oo loo rogaa casaan, madow ama cagaar.
Dalka Maali, tusaale ahaan, dumarka la qabo ayaa kuusha dhexdooda ku xidha; lafta misigta ayaana kor  u qabata, iyaga oo laga dhigay dhowr dhudood, loona taxay qaab tusbaxyo dhaadheer oo kale (sida ku muujisan muuqaalkan hoose).   Dumarka reer Sinigaal, mararka qaarkood waxa ay kuusha dhex muquuriyaan udug (cadar), waxana ay ku sii qurxiyaan kuulo quraarad ka samaysan.  Marka ay haweenay dhexda ku xidhato, marada hoosteeda ayay mariyaan, kolkaas oo udugga kuushaas iyo dhididka jidhkeeda oo isku milmay ay xoojiyaan carfiga wax saaqaya – heer  ku filan in ay raggooda soo dabaan!  Haddaba in kasta oo aanay kuushaasi marada ka muuqan, carfigeeda wax saaqayaa, oo ay dumarkaasi ku lammaaneeyaan dhaqdhaqaaq gaar ah oo miskuhu sameeyaan, iyo jabaqda kuulaha isku dhacayaa, ayaa  dhegaha, dhaayaha, iyo dareenka  raggooda muusoond geliya.
Adeegsiyada kale ee kuulahan  waxa ka mid ah in dhexda lagu yareeyo ama lagu qaabeeyo, si la mid ah sidii gashaantimihii hore ee Soomaalidu dhexda xadhigga ugu xidhan jireen.  Kuushaas ay dhexda ku xidhaan dumarka Galbeeka Afrika, waxa ay kaloo ay ahayd tilmaame habboon oo lagu garan karo in dhexdu weynaanayso iyo in kale.  Mar Allaale marka ay kuushu giigsanto, waa xilligii ay inantu ka howl geli lahayd in ay cuntadeeda wax ka beddesho.
Si la mid ah, dhulalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, midhaha dhegayaraha ayaa ay dumarka Carabtu dhaqan ahaan u door bidi jireen, tiiyoo ay rumaysnaayeen in ay ku lammaan tahay awoodo xoojiya dareenka ‘ragannimo’ ee raggooda.   Caruusadaha ayaa xidhan jiray rucubo taxan oo dhegayare ah, lana carfiyay, oo loo qaabeeyay sidii kuul qoorxidh ah, laguna dhex tarraxay dhagaxaan midabbo leh, dhururi lacageed, alaalaxay,  iyo kuulo quraarad ah – mararka qaarkoodna dhowr kuulood oo dahab ka samaysan.  Sidoo kale, waxa ay rumaysnaayeen in kuusha jaadkan oo kale ahi ay baydhiso belaayada.  Sidaas daraaddeed, hooyada ugubka ahi waxa ay xidhan jirtay qoorxidh ka samaysan dhegayare, ammin ku siman 40 dharaarood – ummulitaankeeda kaddib  (inta ay ka afartanbaxayso).
Haddaba, waxa la is-weyddiin karaa bal in uu xidhiidh ka dhexayn karo kuushaas hore ee laga helay dhulkeenna (ee aan kor ku soo xusay), kana samaysan walaxo asalkoodu ka soo jeedaan dhir, iyo dhinaca kale dhaqankan weli ka sii jira Galbeedka Afrika -  in kasta oo degaan-ahaan aad u kala durugsan yihiin.  Waxa aan is-oggolaysiiyay anigu in sidaas wax ka jiraan.  
Qodob xoojin kara fiditaanka iyo is-weydaarsiga farsamooyin ee bulshooyinka kala duwan, waxa ka mid ah  faafitaanka ciyaardhaqameedka loo yaqaanno Leelo-goobalay.  Xogo badan ayaa laga hayaa dalal badan oo Afrika ku yaal in laga ciyaaro si la mid ah sida Soomaalida dhexdeeda.  Sidaas awgeed, waxa ay tahay  suurotgal in waayo hore xaawaleydii  carrigeenna ku noolaan jirtay ay dhaqankaas la wadaagi jireen reer Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal!

Dhinaca kale, xiise ballaadhan oo aan u hayay kuulodhaqameedkii ka horreeyay kuwa dibedda laga soo dhoofsado, ayaa igu xambaaray in aan kuushan ku muujisay midigta, oo aan u taxan qaab tusbax ah, aan ka sameeyo midhaha geedka quudka.   Runtii si lama-filaan ah ayaa aan u helay maankaashiga (fikirka) ah in aan tusbax ka sameeyo.  Bilowgii waxa aan is-lahaa saliid ka tuuji midhaha, sida ta geedka Kulanka loo yaqaan.  Ha yeeshee, markii aan ogaaday in dhuuxa midhahani aanay dhumuc la sheegi karo lahayn, saliid wax ku ool ahna laga tuujin karin, isla markaana ay xoog u adag tahay lafta dahaadhka ahi, ayaa ay igu soo dhacday in midhahani noqon karaan kuul ama tusbax aad u tayo sarreeya.
Nasiibwanaag, geedkani midho badan ayuu bixiyaa, cimilada adagna waa u adkaysi badan yahay, xidhidkana waa uu iska tarmiyaa (rhizomes), markaa looma baqi karo in adeegsi kale oo midhahiisa ahi dhibaato ku keeni karo tiradiisa. 





[1] Bafto, Maraykaani iyo Maxamuudi, waxa ay ahaayeen maryaha cudbiga ka samaysay ee Soomaalidu xidhan jirtay oo meelo kala duwan ka iman jiray.  Bafto, waxa ay ka iman jiray Hindiya, Maraykaanidu dalka maraykanka, Maxamuudiduna dalka Masar.

Dawo-dhaqameedka Dhirta iyo Saansaanka ku Xeeran

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

In kasta oo carriga ay Soomaalidu ku dhaqan tahay badi lagu tilmaamo dhul qarfo-u-eeke ah (semi-arid), haddana waxa uu ku caan baxay kala-duwanaansho noole (dhir, dhiroon iyo xayawaanba) oo aad u tiro badan. Ayaan-darro se, wax badan oo ka mid ah nooleyaashaasi waa ay sii libdhayaan. Haddii aynu soo qaadanno dhirta, waxa ugu sii daran geed-gaabka oo markooda horeba u nugul ku tumashada iyo cagta xoolaha iyo dadka. Dawo-dhaqameedka intooda badanna waxa lagala soo baxaa geed-gaabka. Qaabka loo soo goosto ayaan loo miidaan deyin, iyadoo badi la abbaaro xididka ama diirka/jidhifta oo geedka naafonimo iyo dhimasho gaadhsiisa. Tusaale waxa innoo filan asal-ka-diirashada Galoolka.
Aqoonta dhiroonka loo adeegsado wax-iskula-daalku (dabiibka) waxa ay ahayd mid ay Soomaalidu waayihii hore horumar weyn ka sameysay. Waxa xilliyada dambe soo kordhaya kal-xidhiidh-furan ka dhex jira dadka iyo dhirta. Waxana arrintan loo tiirin kara dhowrkan qodob:
  1. Isu-gudbintii aqoonta hadhaadiga ah (indigenous knowledge), oo horrayso iyo dambaysoba la yidhaahdo Soomaalida waa ay ku bakhaysha, ayaan beryahan jirin. Xilliyadii hore, haddii qofka geedo-gooyaha ah lagu maamuuso sabeen adhi ah waa uu sheegi jiray geedka iyo adeegsigiisaba. Hadda se, odeyga ayaabaan wiilkiisu u gudbinayn ama wax uga sheegaynin.
  2. Dhiroon badan oo loo adeegsan jiray daaweyn ayaa la xaalufiyey ama iskood meesha uga baxay ka dib markii uu baaba’ay ama tayo-dhac ku dhacay hoy-deegaankoodi (habitat loss).
  3. Kalsoonidii lagu qabay dawo-dhaqameedka oo hoos u sii socota. Waxana ay taasi timid kolkii ay luntay ama la lumiyey aqoontaas hadhaadiga ahayd ee lagu garan lahaa jirro walba geedka ku habboon, qaybta, xilliga iyo sida loo adeegsanaayo.
  4. Faafitaanka adeegsiga dawooyinka la soo dhoofsaday.

Dadaalkii Muuse Ismail Galaal (AHN) uu sameeyey ee uu ku ururiyey magacyada dhirta loo adeegsado daaaweynta waa mid dhaxal gal ah, waxa se loo baahan yahay in halkaas laga sii amba. Waxa kale oo habboon in dhirtaas magacyadooda, adeegsigooda iyo muuqaalkoodaba meel la isugu keeno. Maxaa yeelay, kol haddii ay aqoontaasi sii lumeyso, muuqaalku (sawirku) waa muhiim.
Waxa uu arrinkani i xasuusiyey nin dhalliyaro ah oo la odhon jiray Yuusuf Cabdillahi Rooble (AHN) oo taysadiisii Jaamicadeed ku sameeyey dawo-dhaqameedka, oo ururiyey dhir aad u tiro badan; ayaan darro se waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii lagu xasuuqay xeebtii Jasiira (17 July, 1989). Qoraalkiisina sidaas ayuu ku lumay.
Liiska dhirta loo adeegsado dawo-dhaqameedku waa uu dheeraan karaa, ha yeeshee waxa aynu u baahannahay in ciduun iska xil saarto ururintooda. Waxa taas barbar yaalla ilaalinta deegaanka oo sal-dhig u ah in ay sii jiraan dhirtaasi. Dhirtaas faa’iidadeedu innaga uun innaguma koobnaan karto e waa dhaxal Aadamuhu wadaagaan, innagana xilbaa innaga saaran in aynu dhowrno si faa’iidadeedu cid walba u gaadho. Haddii se aynu aqoonteeda iyo il-baxnimadeeda la nimaadno, faa’iido weyn oo dhaqan-dhaqaale iyo mid caafimaad ayey inoo yeelan kartaa. Waxa uu se arrinkani hadda u muuqdaa mid ka-niib-keeniddiisu aad u fogyahay.
Waxa adduunka ka jira wax loo yaqaanno budhcadda dhiroonka (bio-piracy) oo abuurka ama abqaalka dhiroonka ka xada dalalka soo koraaya (sideenna oo kale) kana iibiya shirkadaha dawooyinka sameeya, ka dibna ay shirkadahaasi diiwaan-gashadaan dawooyinkaas (patenting), oo taas micnaheedu yahay in xitaa dadkii dhirta laga soo xaday aaney warshadeysan karin!
Waxa uu adduunku joogaa xilli uu sii xoogoobayo adeegsiga dawo-dhaqmeedku, hal-ku-dhigguna waa “in dib loogu laabto dabiicadda” (back to nature). War-bixin ay soo saartay WHO, wax ku dhow 80% dadka ku nool arlada ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada dawo-dhaqameed. Dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo keliya ayey dawo-dhaqameedku meel aad u sarraysa kaga jirtaa. Aqoonta dawo-dhireedkana (herbalism) waxa loo galaa jaamicado, xeel-dheerina (takhasus) waa lagu sameeyaa. Meelo badan oo Afrika ah, oo ay ku xoogan tahay adeegsiga dawo-dhaqameedku, waxa ay geeda-gooyeyaashu u ololeeyaan sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen.
Haddii aynu u soo noqonno dhinaceenna, iyadoo ay xilli hore habboonayd in dadaal la geliyo aqoonta dawo-dhaqameedka iyo dhiroonka wax lagu dabiibaa xaaladda ay ku sugan yihiin, haddana “caano qubtayba dabadeed la qabay”. Waxana habboon in ay jaamicadaha dalka, siiba kuwa bixiya aqoonta dhakhtarnimadu, iyo ciddii kale ee danaynaysaba sidii ay uga howl-geli lahaayeen diiwaan-gelinta aqoontaas hadhaadiga ah ee sii lumaysa. Waxa, sidoo kale, habboon in aqoon-baadhisyo (daraasado) la xidhiidhsan arrinkan la sameeyo, ka dibna lagu daba cidhbiyo wax-qabad ku aaddan badbaadinta iyo horumarinta dawo-dhaqameedka.

W.Q.: Ahmed Ibrahim Awale 
aiawaleh@gmail.com

++++++++++++++

Suxuloow Waa Saxar!

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘ili ayaan badanaa, hareeraheeduna ayaan daranaa’. Odhaah kale ayaa u dhigan sidan “Ileey ama itaal lahow, ama ayaan lahow!  Waxay dooratay ayaankii!”  Waxa ay se ila tahay in ishu aanay wax dheeraad ah ka sidanin jidhka intiisa kale  bal se  “ayaan badnaanteeda” loo tiirin karo uun aragga ay iska arki karto halisaha oo markaa ay baalasha is-qabadsiiso ama (iyadoo kaashanaysa maanka) ay dhinac isaga barbariso halis ku soo fool leh. 



Ishu aad bey ugu nugushahay walaxa soo-galowtiga ku ah gurigeeda ama baradeeda. Waxa ugu yar ee dhibaatayn kara waxa ka mid ah saxarka.  Doorroonaanta araggu u leeyahay noolaha awgeed, dadku ma fududaystaan waxa ugu yar ee soo gaadha isha. Markiiba qofku waxa uu cid kale ka raadsadaa gacan siin. Ciddaasina si hagar la’aan ah ayay ugu fidiyaan wixii samato bixin ah.  Markiiba waxa la arki karaa qofkii isha saxarku ka gaadhay oo isu dhiibay qofkii kale ee uu wax-tar biday. Indhaha ayuu u kala qabtaa, marna baalasha ayuu  kala jiidaa, mar kor marna hoos eeg buu ku yidhaahdaa, isagoo indhaha ku biniininaya  oo raadinaya meesha ay taallo walaxda soo-galowtiga ah.




 Haddii ay dhibtu ka timid ciid ay sidatay saxar-qaad dabayleed, waxa uu isku dayaa in uu xoog ugu afuufo isha gudaheeda, isagoo neef ka buuxiyay labada can, dibnahana (bushimahana) soo ururiyay si uu u xoojiyo xawaaraha neefta – in ku filan in ay isha bannaanka ka soo dhigto ciid yar oo ay ilmo qoysay.  Sida uu u kala daran yahay xanuunku, mararka qaarkood, sanka ayaa  isha la ooya oo biyo ka yimaaddaan.


 Waxay kaloo Soomaalidu rumaysan tahay in ishu liqdo walaxa qaarkood  sida ciidda iyo saxarrada yaryar. Ha yeeshee, mararka qaarkood, siiba arooryada hore, waxa dacallada isha lagu arkaa xafajo ay la socdaan wax ka mid ah walaxihii soo-galowtiga ahaa.


Islaamaha qaarkood baa la yidhaahdaa hoodo ayay ku leeyihiin saxar bixinta iyagoo carrabka caaradiisa ula taga isha oo ku maraanmara. Waxana la rumaysnaa in carrabku si dhibirsan dibedda uga soo dhigi karo  isha.


 Farsamo kale ayaa iyana ah in maro yar la isugu laablaab si ay caaro dhuuban u yeelato oo badiba candhuuf lagu qoyn jiray (gabaabsiga biyood awgeed) marka la helana biyo lagu qooyo, ka dibna saxarka ama ciidda lagu soo qaadi jiray.



Haddii ay ishu yeelato kaar iyo garaac badan, waxa la yeeli jiray in dacasha hoose ee dhegta xigta  dhinaca isha dhibaataysan lagu xidho xadhig yar, waxana la arki jiray in kaarku ka yaraado.  Waana hab-maarayneed u dhigma farsamo wax-iskula-daal (dabiib) ka jirta dalka Shiinaha oo loo yaqaanno Akubanjar (acupuncture)  – oo ku salaysan turqin la abbaarsiinayo meel aan badiba ahayn meeshii ama xubintii jirranayd si bogsiin ama ladnaanshiiyo loogu helo.
 Arrinta ugu la-yaabka badani waxa ay tahay in suxulka loo adeegsado maaraynta saxarka, siiba marka la doonayo in ay ‘ishu saxarka liqdo’ oo maarayn kale loo waayo. Mar kan oo kale inta isha la isku qabto ayaa suxul qof kale guudka lagaga marmarin jiray. Waana ta ay Soomaalidu odhon jiray “Suxulow waa Saxar!” iyada oo aad mooddo in lagu cabsi gelinaayo saxarku in uu ka muquurto meesha.


+++++++++++++++++++++++

Anynnu Ducaysanno

Qalinkii: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Goortu waa casar, goobtuna waa  gudaha Masaajid ku yaal Hargeysa. Dad tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay ayaa heegan u ahaa in ay faralka gutaan.  Waxa dhinacayga midig ku tukanaayay oday da’ ah oo maryo cascas oo sunuftii abaartii naahuurada ahayd ee jiilaalku sankayga daandaansanayso. Waxay ahayd sunuf aan ka dhalan fayo-dhowr xumo iyo basarinnimo la mid ah ta lagu arko reer-magaalka badhkood, bal se ka dhalatay cidhiidhiga joogtada ah ee dareeraha nolosha (biyaha) ee ka jirta dhulka Hawdka.

Waa la salaamo-naqsaday, dadka badankoodiina waa ay oogsadeen sidii ardey dugsi-Qur’aan oo hor-joogahoodi (kabiirkoodi) ugu tiraabay “fantashiruu!” {kala dareera !}; ka dibna  mid wal oo dadkii ka mid ahaa dhinaca irridaha ayuu ula hulleelay jaamahiisii (kabahiisii).


Soddon gu’ ka hor, qof kasta oo Hargeysa ku noolaa, muuqaalkaasi ma uu  u ahaadeen mid la soo dhawaysto, foolasha (wejiyada) dadkana waxa uu ku sunti lahaa af-kala-qaad iyo giirasho. Ha yeeshee, aniga oo meeshii cabbaar ku sii negaa, ayaa odaygii, isagoo amankaagsan uu weydiin  iila holladay:

Kuye: “Adeer durraamashadii (ducadii) miyaa la iska daayey?” 

Aan idhi: “Oo adeer xagee ayaad ka timid, miyaanad magaalka joogin?”


Odaygi waxa uu ii sheegay in socdaalkiisani ahaa kii ugu horreeyey ee uu weligii Hargeysa ugu soo kicitimo, si uu u booqdo Cisbitaalka Manhal, si indhaha loogu fiiqo. Intii aannu (labadayadu) ku gudo jirnay is-dhaafsiga labadaas waydiinood, waxa uu odaygu kor u hayay labadiisa baabaco. Waxana uu u eekaa sidii qof  tebaya wax uu yiqiinnay, oo mar weheshi, mar waano, marna ruux-korin u ahaa. Waxa kalena ma ay ahayn e, waa DUCO-WADAREED uu tan iyo yaraantiisii madal kasta oo arrin lagu maaraynayo, mayd korkii, mawlaxooyin iyo mag la go’aaminayo iyo Masjid kasta gudihiisa ka maqli jiray,  midhaheeda sida maanshaallida u macaanna u raaricin jiary maankiisa, ka dibna laga dareemi jiray korkiisa iyo kalkiisa raad muuqan kara.  Waxa kale oo uu xasuustay marka uu wadaadku ducada marinaayo (siiba Af-Soomaali) oo la arki jiray dhegaysteyaasha oo dhadhansanaaya erayyada la suugaaneeyey (loo dhigay qaab suugaaneed) – taasoo dhalisa in maankooduna u socdaalo  isla markaana mayracado  kolba kobta ugbaadsan ee uu wadaadku u tallaabsho. Haddaba, wax kale iyo kuma garatid e, saansaanka ka muuqday odaygaas, waxa uu u dhignaa sidii wadaad u soo hoyday reer, oo si gobannimo leh  loogu loogay neef shilis, aane se maraqii loo raacin!

Isla goobtii aan fadhiyay, hadalkii odaygu waxa uu igu xambaaray in aan isha mariyo Masaajidka gudahiisa, iskuna howlo (si daandaansi ku jiro), bal inaan ogaado inta qof ee iskood u ducaysanaysa – anigoo tilmaame ka dhiganaya gacmaha kor loo taagayo. Waxana aan dhaafin waayey tirada dadka qacmaha kor u haya (ducaysanaya) shan qof oo keliya!

In la xooro duco-wadareedka salaadaha lagu daba cidhbin jiray waxa ay la kowsatay intii uu bilaabmay fufka dhaqdhaqaayada cusub ee Islaamiga ahi, isla markaana ay ka hana-qaadeen carriga Soomaaliyeed. Waxana hab-dhaqankaas (duco-wadareedka) lagu suntay in uu yahay wax diinta lagu soo daray (bidco). Bulshada Soomaaliyeedna waa ay hoggaansantay – taas oo ay culimada dambe ku xoojiyeen dooddoodii in ducada keli-kelida ahi ka dheerad (fadli) badan tahay midda wadareed – maxaa yeelay: halka uu Imaamku keligii ka ducaynayo, ayaa qof kasta oo ka mid ah jamacu uu naftiisa iyo ummadda Muslimka ahba u ducaynayaa.

Waa arrin wanaagsan haddii taas la helaayo.  Ha yeeshee arrinka ii muuqday kama uu duwanayn “wax tarso, wax beel ayey keentaa.” Horrayso iyo dambayso, ma aanan u dhaadhicin quluubta dadka, bal se haddii aan ku tago in gacmo-fidintu tilmaame u tahay durraamashada (ducada) waxa muuqata in ducadii laga dayriyay Masaajiddada gudahooda. Intii odaygaasi arrinkaas igu baraarujiyayna waxa aan naftayda ugu sheekeeyaa “Aar malaa Soomali meel kale loogama iman e, AYNU DUCAYSANNO”.

Duco-wadareedka salaadaha faralka ah ka dambeeya, waa mid culimada Islaamku isku maan-dhaafsan yihiin. Haddiiba se aan la samayn jirin xilligii Nebi Maxammed (NNKHA) iyo  afartii Khulafaa-u-raashidiin, oo keli-keli dadku u ducaysan jireen, ma laga yaabaa in duco-wadareed loo soo kordhiyey qaab dadaal (ijtihaad) ay sameeyeen culimadii hore, ka dib markii ay dhacday tan aynnu ka sheekaynayno oo kale!

Arrinkani waxa uu iila muuqdaa mid u baahan wax-qabad. Maxaa se la gudboon culimadadeenna:
·         Ma xasuusin joogto ah, oo la mid ah “fadlan moobillada damiya” iyo “kabaha ilaashada” ayey ku daba cidhbin doonaan“ducadana ha illoobina?”

·         Mise waxa ay dhiirri-gelin doonaan duco-wadareedkii in loo noqdo, oo mudan in marka horeba la is-waydiiyo waxa keenay in la laasimo?


+++++++++++++++++++++++

Xuddun iyo Mandheer


W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Qolkii maydhashada ee gurigayga ayaan is dhex taagay, waanaan qubaystay.  Intii aan jidhkayga biyaha tuwaalka kaga tirtirayay ayaan isku eegay muraayad weyn oo qolka ku dhex tiillay.  Waxana indhahayga si gaar ah u soo jiitay xuddunta ku kala badhan bogcalooleedkayga.  Waxayna indhahayga u soo jiidatay si ka duwan sidii ay hore iigu muuqan jirtay.  Ugu horrayn waxa yaab i  geliyay falsuubbanaanta uu Eebbe (sarree oo korreeye) ku kala badhay caloolsha; waxana aan is-weyddiiyay, bal haddii ay meesha ka maqnaan lahayd, miyaanay meeshaas ka muuqateen  dhinnaansho, foolxumo iyo kala-dhantaalnaan?   Waxa kale oo maankayga ku soo dhacay in raadkaasi yahay mid ka goonni ah jidhka intiisa kale, maxaa yeelay, ma jiro qayb ama xubin kale oo jidhka aadamaha ka mid ah oo sideeda oo kale adeegsigeedu mar qudha uun yahay.  Xudduntu se isla kolkii qofka ay ku taallay madaxa  ifka ula soo baxay ayuu waxtarkeedi soo gebageboobay!



Mar labaad baan jalleecay xudduntii, waxana iiga muuqday wax ka badan astaan dhalasho;  waxana  ay tilmaan u tahay dhibtii ay hooyo ila soo martay – laga soo bilaabo wallaceedii, sidkii ay sagaal bilood uurka igu sidday, dhiiggii hodonka ku ahaa hawadii ogsajiinta iyo nafaqadii aan la wadaagi jiray.  Si kale haddii loo dhigo, waxba kama aanan duwanayn deris-ku-noole nuugaya jidhkeedii.  Waxa ay mararka qaarkood  cuskan jirtay udubdhexaadka aqalkayagii,  tamardarro awgeed iyo iyada oo ka baqo qabtay in ay diiddo, dhulkana ka soo go’day.   Haddaba iyada oo aan  jidhkeeda iyo nafteeda waxaas oo howl iyo culays ah ku hayay ayaanan haddana ka daynin gujooyin hoose oo ay mararka qaar hurdada ledi weydo. 

Eedaadkii foosha iyo taaheedii ayay mararka qaarkood nafteedu hoos ugu sheegi jirtay in aanay dib ugu noqonin ilmoqaadis kale.  Ha yeeshee, sunnaha nolosha ayaa sidaas ah, oo haddii aanu jirin rabitaankaasi, aadamuhuba waa tafiirgo’i lahaa.  

Haa, aniga iyo hooyaday isku mid baannu ahayn, se xidhiidhkaasi jidheed waxa uu kala go’ay isla markii ay ummulisadi, oo gacmaheedii farsmoyaqaanka ahaa (oo ay weliba taageero ka helaysay dihashadeedii ay seedaha ilmagaleenkeeda kusoo ururinaysay) ku guulaysatay in ay madaxaygii ifka soo dhigto.  Isla markiiba cimiladii ifka ee igu cusbayd ee martay madaxaygii iyo dhabannadaydii dhaylada ahaa, ee laga soo “barokiciyay” qolkii yaraa ee diirranaanta iyo raaxada badnaa ayaa dhaliyay in aan ku fal celiyo warraaq aan afka kala qaado, markiibana aan kabbado hawo ka baxsan tii aan mandheerta ka nuugi jiray.   Waxa se uu ahaa, goor kastana noqon doonaa, kala go’ iyo kala qaarnaan door (ahmiyad) u leh nolosha iyo taranta aadamaha.  Waana, sida uu u dhigay Niitjee (Nietzsche), faylasuufkii Jarmalka ahaa ee noolaa qarnigii 19aad,  in xilliga dhalashada oo keliya uu ilmuhu ahaanshiiyo qofeed oo gaar ah yeelanayaa, inta se isaga iyo hooyadii ay xudduntu isugu taallo, yaa odhon kara waa laba naflay oo midba ka kale ka madax bannaan yahay?   Tusaalaha Niitjee waxa u markhaati kacaya gabayaagii Soomaaliyeed ee Cige Aw Cali oo tix uu lahaa ay ku jirtay “….Markii xigay caweys baan dhashoo, Cige la ii bixiyay..!

Markii aan dhashay, xudduntiina sideeda u go’day, ma ay tuurin hooyo hilibkii yaraa ee qallalnaa, waxa ay se ku xidhay qoriweger, iyada oo sida dumarka Soomaaliyeed rumaysnayd awoodaha dahsoon ee qoriwegerka.  Xilli kale markii uu kasoo wareegayna waxa ay hilibkii yaraa ee tawafsanaa ku xidhay sabeen, waana meesha ay ka timid waxa loo yaqaanno “Xuddunxidhka” Xirribta (xigmadda) ka dambaysa xuddunxidhku waxa weeye in ilmaha yari (dheddig iyo labba) lagu dareen geliyo in uu reerka wax ku leeyahay.  Maxaa yeelay, isaguba xilli aan sidaas u sii dheeraan doonin ayaa la ciidansan doonaa,  waxana uu ka qayb qaadan doonaa howlaha kala duwan ee reerka oo ay ugu mudan tahay, uguna horrayso raacidda maqasha. 

Beryahan dambe, dhulalka reer Galbeedka (Yurub iyo Waqooyiga Ameerika), waxa soo baxay habdhaqan la-yaab leh oo la yidhaahdo “Lotus Birth” oo ah in aan la goynin garka mandheerta, kaddib ilmuhu marka uu ifka u soo baxo  ku sii xidhiidhsanaado mandheerta, jeeroo laga gaadhayo dhowr cisho, inta ay  iskeed mandheertu uga fuqayso.  Dadka sidaas yeelaa waxa ay uga jeedaan in la sugo (hubiyo) in ilmaha yari helo nafaqo dheeraad ah, isla markaana kala-xidhiidh furanka hooyada iyo ilmaheeduna  noqdo mid ay ku dheehan tahay degganaan, marka la barbar dhigo habdhaqanka qallafsan ee foosha iyo jarista degdegga ah ee garka mandheerta.  Mandheerta ilmaha ku xidhiidhsan ee sidan oo kale loo hayo, waxa la dhex dhigaa weel ay ku jiraan biyo milix leh oo la carfiyay, ama maro ayaa lagu duubaa, inta ay iskeed uga xidhiidh furmanayso ilmaha 3 ilaa 7 maalmood!

Xayawaanka dhexdooda, daayeerka jaadkiisu yahay Shimbaanze ee ku nool dhulka duudda ah (keymaleyda) Afrika, ayaa keli ah midka lagu yaqaanno dhalmada jaadkan oo kale.  Xayawaannada kale, badankoodu, marka ay dhalaan, garka ama xadhigga mandheerta waa ay qaniinaan si ay u gooyaan, ka dibna mandheerta ayay cunaan, si aan habar dugaaggu u soo urinin, kaddiba dhasha uga cunin.  
Sidan ay dumarka qaar kaga daydeen dhalmada jaadkan oo kale ah, waxa uu qofku is-weyddiin karaa, bal in aadamnimadi ay hoos ugu sii noqonayso noolihii ka hooseeyay! Iyada oo dhanka kalena, caddaanka wax takooraa, dadka diirka ama dubka madow, quudhsi awgii, iyo sida ay rumaysan yihiin, ku tilmaama “qaar jaranjaradii lagaga soo koray daayeerka, weli meel hoose ka soo fuushan”. Waxa kale oo dalalka qaar lagu arki karaa in dumarka qaar ay daneeyaan qurxinta  xubintaas jidheed ee howl gabtay, isla markaana ay ka laalaaadiyaan hilqado dahab ah, kuulo, ama waxyaabo kale.

Dhinaca kale, dadka riyooyinka ka warransiiya, waxa ay u arkaan in xuddunta  oo  qof ku arko riyadiisa lagu fasiran karo “soo noolaanshiiyaha xidhiidho hore, iyo isu hilowga dad kala baaday”.

Guntii iyo gebagebadii, laga bilaabo maalintaas aan fiirada gaarka ah u yeeshay xudduntayda, la-yaab ma laha in  dareen gaar ah oo kalgacal, kana badan intiisii hore, ii qabto hooyo, iyo  in aan abaalkeeda sinaba loo gudi karaynin. 

++++++++++++++++++++++

Cigaal Bookax


Sheeko-Soomaali ku soo baxday buugii  The Prophet’s Camel Bell, ee ay qortay Margaret Lawrence, oo aan Afsoomaali u hal tebiyay

Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Ninkan magaca u meel maray waa Cigaal Bookax.  Nin sii gaboobaya oo jibidh yar, lugna ka naafo ah ayuu ahaa, mana lahayn wax lagu sheegi karo qurxoonaan la daymoodo.   Beri ayaa Cigaal go’aansaday in uu u socdaalo dhul aad uga fog degaankiisii iyo qoladiisii, si uu u shaqo tago, lacagna ugu soo diro reerkiisa.  Socdaal dheer oo ay weheliyaan dhibaatooyin badani kaddib, waxa uu ku dambeeyay dalka Koonfur Afrika.

Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo jooga magaalo la yidhaahdo Johannsburg,  Cigaal waxa madax maray rabitaan aanu u meel deyin (hagaagsanaantiisa iyo darnaantiisaba) oo uu ku doonayay in uu badhbadhaado, cunto fiican cuno, kuna badhxo qosolka iyo kaftanka cid ay  fadhi-wadaag yeeshaan.  Markaas, maalin iyo habeen keliya gudahood ayuu cirka u saydhay kaydkiisii yaraa ee lacageed.  Ha yeeshee Cigaal kama uu xumaan sidii uu dhaqaalahaas uu lumiyay.  Dhaqankiisu jaadkaas oo kale  ma ahayn.  Markiiba se, waxa uu gudo galay qorsheyaal cusub, waxana uu bilaabay in uu u socdaalo magaalo kale, oo fogaan afar habeen meeshiisa looga socon karo.  Kiishadda toban gini oo keliya ayaa ugu jiray.  Ha yeeshee, kama ay qasnayn, waxana uu socodkiisii gudagalay isaga oo ay raynrayn kal iyo madax buuxisay.  Intii uu jidka ku sii jiray, waxa uu la kulmay nin ey qurxoon hoggaaminaya.  ‘Haaheey!  Waaryaa Cigaal, ayuu iskula xanshashaqay, haddii Eebbe oggolaado maad iibsatid eygan yar, oo aad tuulada xigta kaga sii iibisid ganac adag si dheef ka badani kaaga soo baxdo.’  Markaas buu ninkii ka siistay toddobadii gini, kii lahaana si raynrayni ku jirto uga guddoomay lacagtii.

Kaddib, isaga oo faro-madhan, ayuu sii kaxeeyay eygii, isaga oo ay hanweyni ka muuqato, isuna heysta in uu ganacsi wanaagsan sameeyay, maxaa yeelay, eydu ganac adag (qaali) ayay ku lahaayeen ama laga siisan jiray dhulkaas.   Sidii uu jidkii u sii hayay, ayuu mar qudha uun dareemay xaraarad sigaar.   Badibana, sigaarka aad buu u cabbi jiray, markanna, kol haddii uu niyadda ku qabtayba, rabitaankii uu hal xabbo ku heli lahaa ayaa kolba aad ugu sii weynaanayay.  Ugu dambayn, markii uu soo gaadhay magaaladii, waxa uu eygii toddobada gini joogay siistay hal sigaar ah, intaas markii uu helayna, jidkiisii buu sii qabsaday isaga oo aanay ka qasnayn.  

In yar uun markii ay ka hadhsanayd tukashadii Maqrib,  waxa uu Cigaal soo gaadhay degsiimo kele oo yar.  Markan se waxa uu ku dhowaa in uu diido – cunto iyo cabbid la’aan awgeed.  Ma ay jirin cid uu baahidiisa kula cararo, waxana  u weheliyay go’doon nafsi ah.  Ha yeeshee arrinkiisu waxa uu ahaa “shidanaaba shidan”, waxana uu u dhaqaaqay dhinaca godan yar oo magaalada ka ag dhow – isago oo is huwiyay dareen raaxo leh oo samays ah.  Dadka tuuladu waxa ay lahaayeen dameero tiro badan, maalintiina beeraha ayaa lagaga shaqayn jiray, habeenkii se dooxada ayay miran jireen ilaa waaberiga.  Waxana ku dhex jiray dameer xoog ah, Cigaalna eegmo dareen xasuuseed huwan ayuu la beegsaday.  Intii uu isha kaga boganaayay, ayaa dayaxi soo baxay, oo dooxadii ku wadhay ilays debecsan.  Waxana uu ahaa dayax shan-iyo-tobanaad.  Eebbe idankii, waxa maanka Cigaal ku soo fatahay xasuuso uu ku yiqiinnay dhulkiisii hooyo.  Waxa  maankiisii uga dhex muuqday Soomaalidii uu ka yimid, iyo sidii ay geela u kala qaadi jirtay.

‘Haaheey, hadda, maxaa sidaas oo kale iga hor joogsanaya?’ ayuu isku yidhi, isaga oo dameerkii indhaha ku haya.

Kaddib, sidii lagu yiqiinnay nin howleed ( illeyn nin hadal ma’ahee), ayaa Cigaal oogsaday, guntigiina dhexda iska martay, isaga oo isu diyaarinayay fuulidda dameerka.  

Goori kama ay lumin in uu dameeraha xadhkaha toorray kaga googooyo. Kaddibna dameerkii ayuu ag joojiyay dhagax weyn oo ballaadhan, si ay ugu fududaato fuulidda dameerku (illeyn nin gaaban buu ahaaye), sidaasbuuna ku fuulay damerkii.  Kaddib, inta uu tamartiisii urursaday ayuu dhinacyada caloosha labadiisii lugood afar jeer kaga tumay. Dameerkii ayaa damqasho la ciyay, una faran-fardeeyay si yaab leh, kolkaas oo dameerihii kale ee jahawareersanaa iyana daba dhababaceeyeen.  Cigaal ayaa gacmihiisii kala bixiyay sidii haad duulaya, waxana uu ku daray cida dhurwaaga oo kale, taas oo dameerihii baqdintu gashay  iyana rooreen oo rooreen.
Dadkii tuulada ayaa guryahoodii kasoo yaacay oo qolqolladoodii isa soo tubay.  Maxay se qaban karaan? Dameeraha  diday ee dhababaceeyay  miyay lug ku gaadhi karaan?  Si aan wax-ka-qabasho lahayn uun bey u eegayeen.

Cigaal dameerihii uun buu sii eryay, eryay oo eryayay habeenkii oo idil.  Markii waagu dillaacay ayuu gaadhay tuulo kale, dameerihiina sayladda geeyay.  Magaaladan, dameeraha iyo eydu waa ay ku ganac adkaayeen (qaalisanaayeen).  Waana arrin sidiisa ah in dhulkan oo kale ay qaali ku ahaadaan, maxaa yeelay, waa dad sabool ah oon aan lahayn geel. (Waa sida uu u maleeyay).  Markaas Cigaal waxa uu helay lacag ciiddaas iyo camaarkaas ka badan, kol haddii uu midkiiba ku iibiyay soddon gini.  Sidaas ayaa uu ninkii dhowaan baqtigu xalaasha u ahaa uu noqday mid jeebabku u buuxaan.   Waxa uu galay cunto-karisyadii magaalada oo uu isu-miisay (sidii aanay berrito oo kale jirin) cuntooyin kala duwan.  Kaddib dameerkiisii ayuu kaga amba baxay tuuladii isaga oo raynrayni ka muuqato.  Markii uu se u dhawaaday magaala-xeebeedka Durban, ayuu dameerkii ku yidhi: Hagaag, jaalle.  Si wacan baad iigu adeegtay.  Iminka gurigaagii qabo.

Magaaladii ayuu galay, mar se uu ka gudbayay suuq-weynaheedii,  ayuu maqlay koox rag ah oo Afsoomaali ku hadlaysay.  Si raynrayni ku jirto ayaa uu u nabdaadiyay iyagii, waxana ay u sheegeen in yihiin Dhuxul-beegeyaal  la socda markab badda yaalla.  Waxa kale oo ay Cigaal u sheegeen in ay gacan ka gaysan doonaan in uu markabka shaqo ka helo.  Kaddib Cigaal waxa uu is-helay isaga oo durbadiiba hor taagan naakhuudihii markabka -  kaas oo indha-indhayn ka dib go’aan ku qaatay in Cigaal markabka ka shaqo galo, kana mid noqdo bad-maaxyada.  Habeenkaas ayuu markabkii oo Cigaal la socdaa ka shiraacday dekaddii.   Waa kaas ninkii waxaas oo xumaan ah falay uu meel ammaan ah isku hubsaday, waxana uu dareemay degganaansho gudeed.

Markabkii waxa uu ku soo xidhay magaaladii Cadan ahayd.  Markii uu ka degay oo uu maqaaxi shaah ka cabbayo, waxa uu bilaabay in uu dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee yaabka lahaa uga sheekeeyo dhallinyaro ay isku cid yihiin oo Cadan ka shaqaysata.   Kolkii uu dhammeeyay sheekadii ayay si u qaadan waa’ ah ku eegeen foolkiisii (wejigiisii).
Waxa ay ku yidhaahdeen: ‘Runtii, waxa aannu u malaynaynaa in aad waalnayd.’
Oo waayo?’  Cigaal baa sidaas si quudhsi ku jiro ugu eray celiyay.
‘Hagaag, maxaad ey toddoba gini u siisatay?  Maxaad se eygii u dhaafsatay hal sigaar ah?  Runtii falaadaha jaadkan oo kale waa qaar ka yimaadda qof waalan uun.’  Sidaas ayay ku yidhaahdeen.
Cigaal Bookax ayaa qoslay: ‘Carruur beydin tihiin.  Garannamaayo waxa aan isugu dhibay in aan idinla hadlaba.’
Maxaad u jeeddaa?’ Ayay ku yidhaahdeen.
‘Haddii aad aragto carro-edeg oo sii hoobanaysa, maxaad ka qaban kartaan idinku in aydin ku hagaajin lahaydeen?’ Sidaas ayuu ugu eray celiyay.
‘Waa caddaan in aanay jirin wax laga qaban karaa.’  Ayay ku yidhaahdeen.

Wuxuu yidhi Cigaal: ‘Bal dhug u yeesha arrinkan: Waxa ugu fiican ee saansaankaas oo kale lagaga fal celin karaa waa in carro-edeg la sii harraatiyaa si ay si fiican bogcadka  isugu rogto!  Markii aan arkay in ayaankaygi (nasiibkaygi) uu daawaha ku socdo, waxa aan doonay in aan isa sii kaba raaciyo. Ha yeeshee Cawadayda e, dhinacii sanaa (wanaagsanaa) ayay iigu dhacday, maxaa wacay, sida maahmaahdu u meel martay, Calool-adayg, waa Eebbe wehelkii.’




+++++++++++++++++++++++++++++++++++++



  Waranka iyo Riddayntiisa
       W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Waranku waxa uu ka mid yahay hubka ay Soomaalidu qaadan jirtay. Waxa uu wadan jiray ul samay ah oo dhuuban, isla markaana ah mid liilmi og, howl yaraanna aan ku jabin. Waxa ay Soomaalidu door bidi jireen in samayda waranku ahaato mid leh kurtimo aad u yaryar oo wanaajiya gacan qabsiga, kana ilaaliya siibashada. Dhirta ugu mudan ee samayda laga goosan jiray waxa ka mid ah Dhebi, Dhiitacab iyo Maqaari. Marka laanta laga soo gooyo geedka waa la dubi jiray, la qolof ridi jiray, lana dhalaalin jiray iyada oo la adeegsanayo xoqitaanka dhalo (quraarad) jabkeed ama dhagax xalluufsan oo caaro siman leh, ka dibna waa la subki jiray. Waxana soo bixi jiray midab qurux badan oo hurdi madow xiga. Waxa la hubin jiray in samaydu tahay mid toosan, haddii kale riddada iyo liishaanka ayaa majaro habaabi kara. Dhererka samaydu waxa ay badi ahaan jirtay 1.40 mitir; birta warankuna (ama afku) waxa uu ahaan jiray celcelis ahaan 0.50 mitir; halka dhererka waranka oo idilina ahaan jiray ugu badnaan 2 mitir. Mararka qaar birta waranka oo idil waxa lagu caddayn jiray soofe – ka dib marka lagu caseeyo dab, tumidna lagu qaabeeyo. Waranka sidan oo kale ah marka ay cadceeddu dhinac ka qabato waa uu walac layn jiray, ninka sittana waxa la odhan jiray ‘Waran-cadde’. Ha yeeshee badi birta waranka (labada af mooyaane) waa la madoobayn jiray iyada oo la adeegsanayo gees lo’aad oo inta la kululeeyo lagu xoqi jiray. Waxa kale oo waranka lagu qurxin jiray xassoow bir ah oo dhalaal dahabi ah leh.
Marka waranka riddo dheer lala doonayo, ee weliba si hubsiimo leh la rabo in uu u abbaaro meesha la shiishayo (liishaamayo), waxa uu qofku isu taagi jiray qaab ay labada lugood kala horreeyaan oo bidixdu ka horrayso midigta. Haddii uu se gurran yahay waxa uu horraysiin jiray midigta. Si kastaba ha ahaatee, qaab joogsigu waxa uu la xidhiidhaa dheelli tiranka jidka. Marka uu liishaamayo ninka waranka riddaynayaa, maankiisana ka hilaadinayo meesha uu waranka abbaarsiin doono, isaga oo waranka samaydiisa ku haysta suulka iyo faraha ayuu laba ama saddex jeer baabacadiisa ku ciyaarsiin jiray – kolkaas oo ay samayda waranku gariir yar samayso. Waxa ay Soomaalidu uga jeedday falka jaadkan oo kale ah in waranku si toos ah (oo aan baydhbaydh lahayn) uga amba baxo gacanta riddeeyaha – si la mid ah sida baal-shimbireedka leebka dabada lagaga dhejiyaa ugu sameeyo dheelli-tiran iyo in uusan leebku baydhbaydhin.
Soomaalidii hore badiba waxa ay qaadan jirtay laba waran oo midkood yahay hooto. Kan dambe (hootada) oo dherer-ahaan gaadhi jiray ilaa 1.20 mitir waxa loo adeegsan jiray riddada gaadhaysa ilaa 30 mitir, in kasta oo dhugtu ama liishaan wanaaggu lumayo wixii intaas ka badan, ha yeeshee tartannada riddo dhigashada waxa suurto gal ahayd in tuuryada hootada la gaadhsiiyo 70 mitir. Riddo dhigashadu waxa ay ahayd tartannada ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Ragga qaar inta ay xoog ka qabaan, waxa ay xadhko ku xidhan jireen muruqa cududda, waxana dhici jirtay in muruqu goyn karo xadhiggaas marka tuuro dheer oo xooggan lagu fuliyo. Meel ka mid ah Buuraleyda Golis (siiba degaanka Marso) waxa ku oolli jiray geed Dayib ah oo dherer inta uu ka qabo loo bixiyay Samayo Hawir (oo looga jeedo in uu cubbo dhowr ku ahaa warmaha laga dul lalinayo), waxana dhif ahaan jirtay in qof ku guulaysto in uu ka laliyo warankiisa.
Dhinaca kale waranka waxa loo adeegsan jiray riddada dhow (ilaa 12 mitir) iyo wareemidda tooska ah ee ka dhexaysa dadka dirirtamaya.

Kol haddii aynnu ka hadalnay waranka, waxa mudan iyana in aynnu wax ka tilmaamnno gaashaanka. Waxa laga diyaarin jiray saanta wiyilka (labka wiyisha), waxa sidoo kale la door bidi jiray Bayciidka (Biciidka). Isu celcelis ahaan, wiyisha waxa laga goosan jiray harag ku filan 35 gaashaan oo qaradiisu tahay 2 sentimitar. Waxana loo sameeyaa qaab wareeg ah, dhex roorkiisuna yahay 38-40 sentimitar, badhtankana ku leh gacan qabsi, dibeddana xagga hore ugu xoodan. Gaashaanka laga diyaariyo Bayciidka midabkiisu waa caddaan waxana badiba haragga laga goosan jiray garbaha. Ninka sittana waxa la odhon jiray ‘Gaashaan Cadde’!

 

Ceel-Walwaaleed


WQ: Axmed Ibraahin Cawaale
Waxa dhulka Hawdka ah ee carriga Soomaaliyeed ka jira ceelal-gacmeedyo aad u dhaadheer oo qaarkood dhererkooda gaadho ilaa 12 baac (baac:  waa qof sarejooggiis oo weliba gacmahiisu kor u fidsan yihiin), dhex-roorkooduna yahay hal baac. Ceeashaas qaarkood waxa lagu dhisaa (inta ciidda ah ee looga baqa qabo dumitaan) xakab qoryo ah si aanay u maax dumin, waxa se jira qaar laga qoday dhul adag ama dhagax ah oo aan howl yari ku dumin.  Haddaba si si dhib yar loogu dhaadhaco ama loogala soo baxo biyaha, waxa dhabannada ceelka laga xordaa godad yar yar oo lagu cuskado faraha gacmuhu ama kuwa lugaha marka la qodayo, la dhooba qaadayo, ama wax ku dhacay laga soo saarayo.
 Qaabka biyaha loogala soo baxo ceelashaasi waa hawl u baahan gacmo fudayd, indho furnaan, firfircooni,  iyo dareen uu ku lammaan yahay dheelli-tirnaan maan iyo jidheed. Marka si fiican loo shubaalinayana, laguna heesayo hees hawleed ku habboon, waxaaba la moodaa sinfooniyad muusig ah oo si fiican la isula helay jiibta, jaanta iyo hab-dhaca qalabka.


Ceelashan jaadkan oo kale ah waxa loo yaqaanna ‘Ceel-walwaaleed’ – waxana loogu magac daray magaalada yar ee haddana caanka ah ee ku taal Kililka Shanaad ee carriga Itoobiya.  Goobtaasi waxa ay caan ku tahay  waxa taariikhda loo yaqaanno “Dhacdadii Walwaal” (the Walwal Incident) oo ahayd dhacdo ku suntan iska-hor-imaad ka dhexeeyay xoogaggii fashiishtahii Talyaaniyga iyo boqortooyadii Itoobiya  (Noofembar 1934) oo arrinta maaraynteedi loo kor yeelay  ururkii the League of Nations ee ka horreeyay Jamciyadda Qaraamaha Midoobay.
Sidan soo socota ayaa biyaha looga dhaansadaa ceelashaas – siiba marka geela la waraabinayo:
Tiro niman ah oo kala sarreeya ayaa ku dhaadhaca ceelka – iyaga  oo midba gudaha ceelka meel ka taagan yahay. Waxana ay biyaha isu soo dhiib dhiibaan iyaga oo adeegsanaya  weel qori ka samaysan oo la yidhaahdo Okhole.
Nin qaawan oo murux ah ayaa gunta hoose ee ceelka joogsada  si uu biyaha u soo daro Okholeyaasha is-weydaaranaya. Marka uu soo daro biyaha ayuu kor ugu lalinayaa nin kale oo qaawan oo ka sarreeya oo labadiisii lugood kala waaxsan yihiin! isla markaana ku taagan laba god oo uu faraha lugaha gashaday oo ku kala yaal labada dhinaca ee derbiga ceelka. Waxa se kor-u-tuurista Okholaha buuxa hoos u weydaaranaya  Okhole madhan. Sidaas buu ninkii labaad Okholihii buuxay ugu sii gudbinayaa nin ka sii sarreeya oo si la mid ah inta aanu gacanta ku dhigin ka buuxa, hoos isu sii weydaarinaya Okhole kale oo madhan. Okholihii buuxay waxa uu ugu damabayn gaadhayaa ninkii shanaad ama lixaad ee ceelka korkiisa joogay oo biyihii ku af-rogaya ama ku shubaya darkii xooluhu ka cabbayeen, markiiba se hoos ugu celinaya weelkii madhnaa kii ku xigay ee ka hooseeyay. Waxana laga yaabaa in 5 ama 6 okhole sidaas isu weydaaranayaan oo 5-tii il-bidhiqsiba qofkii kastaaba gacanta ku qabanayo hal Okhole oo buuxa ama madhan!  Hawl-is-kaashigani oo la mid ah waxa af-Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘team work’ waxa ka dhalanaya in biyaha ceelku si joogto ah isaga daba dhacaan kuna af-rogmaan darkii geela oo ay hormooyin ka kooban 5 ama 6 halaad kolkiiba ka fuuqsanayaan biyaha, lagana dhowrayo in ay darka ku sangaagurroodaan (biyaha ka waayaan). Hawl-qabadkaas xiisaha iyo la-yaabka leh waxa goor kasta ku lammaan heesta waraabka xoolaha oo ay ka mid tahay tan soo socota:
Feedha dhiman bay,
Dhaami leedahay,
Anna dhabarkiyo,
Meel dhexdaasoon,
Jeer u dhacay oaan,
Dhawr  is leeyahay. 
Jeeroon laba dhidid,
Oo dhafoorka ah,
Midba dhan u rido,
Kuuma dhaartoo,
Kuuma dhiidhiyin.


++++++++++++++++++++++++

Sidee buu Doorsoonka Cimilo u Saameeyey Xilligii Idaha 

Sumalka Lagu sii Deyn Jiray?

Waxa Af Soomaali u rogay: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay aqoon-baadhis ay wada sameeyeen hay’adda Candlelight iyo Jaamacadda Camuud. Waxa uu ku saabasan yahay sida uu doorsoonka cimilo u saameeyey xoolo-dhaqatada.

Dhaqan-ahaan, xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, xilli go’an mooyaane, si joogto ah sumalka uguma daraan idaha. Waxa ay sidaas u yeelaan in dhalmadoodu aaney ugu beegmin xilli adag (sida Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalitaan, ka dibna laga yaabo in ay abaarta ku riiqdaan oo ka soo doogi waayaan.
Habeenka la yidhaahdo "Dambasame" ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii deyso si ay u rimaan.
Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale,
Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dabshidka
ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida.



Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar). Kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaasbey iduhu 150 cisho ka dib u dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli roobku si fiican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Waa xilliga la yidhaahdo “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.

Is-beddelka ku dhacay habeen-tirisigaas, oo loo tiirin karo doorsoonka cimilada, waxa ay badi bulshada reer-guuraaga ahi dareentay bilowgii toddobaataneeyadii boqolleydii (qarnigii) laga soo gudbey.
Waxa ay xoolo-dhaqatadu ogaadeen in beryahan dambe aanay habboonayn in habeenka dambasame sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaa ee roobka di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan beryahan dambe isku halleyn lahayn. Saas daraadeed waxa ay reer-guuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey. Halkaas waxa innooga muuqan karta sida ay reer-guuraagu isugu habeeyeen ama ula jaan-qaadeen saamaynta doorsoonka cimilada.

Hab kale oo ay Soomaalidu u adeegsan jirtay talo-ka-gaadhista goorta ay Sumalka idaha ku sii daayaan oo ay aad ugu kalsoonaan jireen waxa uu ahaa iyadoo ay ka faashadaan qoobleyda ah Cawsha (Gazella soemmerringii); maxaa yeelay lama arag weligeed iyada oo dhashay xilli abaar ah, tiiyoo laga yaabo in xoolaha iyo ugaadha kale ay dhalaan xilli adag, kolkaasna dhashu ka dhimato.

Sheeko-dhaqameed ayaa odhonaysaa sidan:
Cawshu waxa ay daalacataa xiddigaha, waxaana la yidhi waa ay ka saadaalin og tahay dadka,
maxaa yeelay lama arko cawsha oo xilli abaareed dhasha, marka la barbar dhigo ugaadha
kale. Saas darteed, waxa xoolo-dhaqatada caado u ahaan jirtay in ka hor inta aaney
sumalka ku sii deyn idaha in ay hubiyaan in ay ku beegaan xilliga uu Cawlku cawsha
orgaynayo. Goor habeennimo ah ayey gudi jireen (guurayn jireen) iyagoo raad-guraya
Cawsha. Kolkaas haddii ay arkaan in Cawlku cawlaha orgaynayo, markiiba sumalka ayey
idaha ku sii deyn jireen. Waxana jira in idaha iyo cawshu isku sid yihiin (ama muddo is le’eg
caloosha ku sidi karaan dhasha).

Sidoo kale, aqoon-baadhis ayaa xidhiidh ka dhexaysiinaysa hab-dhaqanka galmada ee Cawsha iyo kolba sida uu xilligu yahay (in uu ku habboon yahay in ay hawshaas gutaan iyo in kale).
(Spinage, 1973).

Waxa jira odhaahyo badan, heeso, maahmaaho iyo gabayo laga tiriyey fariidnimada Cawlka, marka laga hadlayo arrinkan. Gabayaagii caanka ahaa ee Cali Dhuux ayaa tixdan tiriyey:

Markuu cawlku cawlaha orgayn, waa u cibaaroone
Cisaday ku uuraysatiyo, caadaduu garane
Cashaday calool gelahayaan, canugga beertiisu
Curcurada iyo lawyada intuu, ku cuskaduu saaro
Cirridiyo iyo cagaar miday ku dhalan, caadka kor u eegye
Hadba cirirka loo nuuriyuu ku cibro qaataaye

Sheekadani waxa ay isku-xidh ku sameyneysaa aqoonta hadhaaga ah, ku-tidh-ku-teen, iyo isbeddellada beryahan dambe jira. Qoobley ugaadheed oo xiddigaha daalacataa waa arrin la yaab leh. Ha yeeshee, haddii aynu isku deyno in aynu aqoontaas hadhaaga ah barbar dhigno aqoonta cusub ee sayniska, waxa la xaqiijiyey in ay qoobleyda qaarkood awoodaan in ay dib u dhigi karaan foosha, haddii aanu ahayn xilliga ay cawsha dheddiga ahi dhali doonto mid ku habboon – sida abaarta oo kale. Halkaas waxa ay ku xaqiijin karaan in neefka ay dhalaan uu ka badbaado silica iyo soomal-haadka abaarta. Taas waxa aynu uga jeednaa in Cawshu ay goor kasta dhasho xilli roob curtay!


Haddaba arrinka murugada lehi waxa weeye in Cawshii tiro ahaan ay carriga Soomaalida ku sii yaraanayso. Waxa uu Ururka Caalamiga ah ee Badbaadinta Dabiicadda (International Union for the Conservation of Nature) ku suntay in Cawshu ku sugan tahay xaalad ‘nuglaaashiinyo', waxaana la geliyey Liiska Guduudan ee muujinaaya in xayawaankaas uu ku sii siqayo dabar go'. Saas daraadeed, dhifnimada Cawsha ayaa ka dhigi karta in aan si baahsan loogu adeegsan karin ku-jaan-goynta sumal-ku-darsigii Urur-xiddigeedka “Laxaha”


2 comments:

  1. mahadsanid adeero. haw;lweyn ayaad haysaa. Allaha kula garab galo

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid adeero, wax weyn ayaan kaa faaiidnay. Alle cimriga

    ReplyDelete