Tuesday 5 March 2013

Waranka iyo Riddayntiisa. W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Waranku waxa uu ka mid yahay hubka ay Soomaalidu qaadan jirtay. Waxa uu wadan jiray ul samay ah oo dhuuban, isla markaana ah mid liilmi og, howl yaraanna aan ku jabin. Waxa ay Soomaalidu door bidi jireen in samayda waranku ahaato mid leh kurtimo aad u yaryar oo wanaajiya gacan qabsiga, kana ilaaliya siibashada. Dhirta ugu mudan ee samayda laga goosan jiray waxa ka mid ah Dhebi, Dhiitacab iyo Maqaari. Marka laanta laga soo gooyo geedka waa la dubi jiray, la qolof ridi jiray, lana dhalaalin jiray iyada oo la adeegsanayo xoqitaanka dhalo (quraarad) jabkeed ama dhagax xalluufsan oo caaro siman leh, ka dibna waa la subki jiray. Waxana soo bixi jiray midab qurux badan oo hurdi madow xiga. Waxa la hubin jiray in samaydu tahay mid toosan, haddii kale riddada iyo liishaanka ayaa majaro habaabi kara. Dhererka samaydu waxa ay badi ahaan jirtay 1.40 mitir; birta warankuna (ama afku) waxa uu ahaan jiray celcelis ahaan 0.50 mitir; halka dhererka waranka oo idilina ahaan jiray ugu badnaan 2 mitir. Mararka qaar birta waranka oo idil waxa lagu caddayn jiray soofe – ka dib marka lagu caseeyo dab, tumidna lagu qaabeeyo. Waranka sidan oo kale ah marka ay cadceeddu dhinac ka qabato waa uu walac layn jiray, ninka sittana waxa la odhan jiray ‘Waran-cadde’. Ha yeeshee badi birta waranka (labada af mooyaane) waa la madoobayn jiray iyada oo la adeegsanayo gees lo’aad oo inta la kululeeyo lagu xoqi jiray. Waxa kale oo waranka lagu qurxin jiray xassoow bir ah oo dhalaal dahabi ah leh.
Marka waranka riddo dheer lala doonayo, ee weliba si hubsiimo leh la rabo in uu u abbaaro meesha la shiishayo (liishaamayo), waxa uu qofku isu taagi jiray qaab ay labada lugood kala horreeyaan oo bidixdu ka horrayso midigta. Haddii uu se gurran yahay waxa uu horraysiin jiray midigta. Si kastaba ha ahaatee, qaab joogsigu waxa uu la xidhiidhaa dheelli tiranka jidka. Marka uu liishaamayo ninka waranka riddaynayaa, maankiisana ka hilaadinayo meesha uu waranka abbaarsiin doono, isaga oo waranka samaydiisa ku haysta suulka iyo faraha ayuu laba ama saddex jeer baabacadiisa ku ciyaarsiin jiray – kolkaas oo ay samayda waranku gariir yar samayso. Waxa ay Soomaalidu uga jeedday falka jaadkan oo kale ah in waranku si toos ah (oo aan baydhbaydh lahayn) uga amba baxo gacanta riddeeyaha – si la mid ah sida baal-shimbireedka leebka dabada lagaga dhejiyaa ugu sameeyo dheelli-tiran iyo in uusan leebku baydhbaydhin.
Soomaalidii hore badiba waxa ay qaadan jirtay laba waran oo midkood yahay hooto. Kan dambe (hootada) oo dherer-ahaan gaadhi jiray ilaa 1.20 mitir waxa loo adeegsan jiray riddada gaadhaysa ilaa 30 mitir, in kasta oo dhugtu ama liishaan wanaaggu lumayo wixii intaas ka badan, ha yeeshee tartannada riddo dhigashada waxa suurto gal ahayd in tuuryada hootada la gaadhsiiyo 70 mitir. Riddo dhigashadu waxa ay ahayd tartannada ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Ragga qaar inta ay xoog ka qabaan, waxa ay xadhko ku xidhan jireen muruqa cududda, waxana dhici jirtay in muruqu goyn karo xadhiggaas marka tuuro dheer oo xooggan lagu fuliyo. Meel ka mid ah Buuraleyda Golis (siiba degaanka Marso) waxa ku oolli jiray geed Dayib ah oo dherer inta uu ka qabo loo bixiyay Samayo Hawir (oo looga jeedo in uu cubbo dhowr ku ahaa warmaha laga dul lalinayo), waxana dhif ahaan jirtay in qof ku guulaysto in uu ka laliyo warankiisa.
Dhinaca kale waranka waxa loo adeegsan jiray riddada dhow (ilaa 12 mitir) iyo wareemidda tooska ah ee ka dhexaysa dadka dirirtamaya.
Kol haddii aynnu ka hadalnay waranka, waxa mudan iyana in aynnu wax ka tilmaamnno gaashaanka. Waxa laga diyaarin jiray saanta wiyilka (labka wiyisha), waxa sidoo kale la door bidi jiray Bayciidka (Biciidka). Isu celcelis ahaan, wiyisha waxa laga goosan jiray harag ku filan 35 gaashaan oo qaradiisu tahay 2 sentimitar. Waxana loo sameeyaa qaab wareeg ah, dhex roorkiisuna yahay 38-40 sentimitar, badhtankana ku leh gacan qabsi, dibeddana xagga hore ugu xoodan. Gaashaanka laga diyaariyo Bayciidka midabkiisu waa caddaan waxana badiba haragga laga goosan jiray garbaha. Ninka sittana waxa la odhon jiray ‘Gaashaan Cadde’!


Axmed Ibraahin Cawaale


No comments:

Post a Comment