Sunday 18 January 2015

Maxamed Axmed Kuluc iyo Quruxda Deegaanka

Saaka ayuun baan is arkay aniga oo laabta  ka heesaya oo hoosta ka guuxaya.  Si baraad la’aan ah waxa igu soo noqnoqonaayay baydad heeseed oo sidan u dhigan: “hannaankaaga wanaagsan marka aad i hor joogto, sida heego daruuroo oo kaliishi hillaacday, hawd caleenliyo doog lee  hogoshoo ku da'aysa….”

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, waa fannaan weyn oo innaga baxay. Iyada oo ay jiraan waxyaabo badan oo lagu xasuusan karo isaga sida codkiisii toolmoonaa, jilaannimadiisii, iyo dad la-socod wanaaggiisii, ayaa dhinaca heesahiisa dadka qaar ku xasuustaan in uu ahaa ‘heesaagii xorriyadda’, qaraamiga, waddaniyada iyo jacaylka.  Haddaba in kasta oo ay arrimahaas aan kor ku soo sheegayba wada jiraan, haddana  qofnimadiisa iiga soo dhex maaxday heesihiisa tirada badan waxa ay i tusinayaan in uu ahaa qof ‘dabeecadda iyo bilicda dhulka iyo abuurta kale ee Eebbe  jecel” waana sifo Afingiriisiga lagu yidhaahdo ‘nature lover’.

Waayadii aan yaraa, dhegaysiga heesihiisu waxa ay dhaayahayga ku jeediyeen danaynta quruxda iyo dabeecadda dhulka.  Waxana aan dareemayaa in uu raad weyn ku lahaa in xiise badani ii galo arrimaha deegaanka iyo dhowristooda.  Marxuumka  qaar ka mid ah heesihiisu waxa ay ii dalxiis geyn jireen, ina taxtaxaashin jireen dhulal aanan weligay arag, waxana ay iga siiyeen muuqaal ku xardhamay laabtayda oo uu ku lammaanaa u hilow iyo daltabyo.  Magacyada goobaha iiga dhex muuqda heesihiisii waxa ka mid ah: Marsin, Haro Garduur, Meedhaadhaale, Gubatooyin, bannaanada Xalxalis iyo qaar kale.   Haa, waxa uu ahaa ‘Wiil Hawd’, oo badi ku hal qabsada muuqaalladii qurxoonaa ee dhulka Hawdka.  Waa Hawdku waayadii uu HAWD ahaa.  Kaaga sii daran e, waxa ay heesihiisu isku  tidceen  quruxda dabeecadda dhulka iyo jacaylka.  Taasina kama madhna in meertada xilliyeed ee Soomaalidu ay mideeyaan barwaaqada iyo jacaylka, maxaa yeelay jacayl jiilaal galay waxa uu ka dhignaa jibbo madhan ama waalli oo kale.  
Heesaha isugu tidcan deegaan wanaagga, quruxda dabeecadda dhulka iyo jacaylka waxa ka mid ah:
Madheedhaaliyo hawd baad mushmushaaxi lahaydoo;
Mersin geel ka cabbaa yaad wax ka maali lahaydee;
Miyi baan aqalwayn kaaga muusi lahaa;
Innagoon kala maarmin kolla hayga maqnaanin

Mid kale oo mid ah figta heesaha sida fiican ay isugu lammaan yihiin quruxda deegaanka iyo jacaylku waxa ka mid ah “Sida geed Caleenloo:

Sida geed caleenloo
Ubax guud ka qariyee
ooy goonni laamahu
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midha ah lee dahay
oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqao ah
durdur aan go’ayniyo
gacan webi ku yaalla
oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunudday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.
Sidaad tahay gamaan faras
senge geesi daaqsaday
oo uu Garduur miray
soddon bil iyo gawdeed
uu goobay farowgii
sararta iyo gaaddada
oo galangalcooboo
cududuhu gamuurmeen
oo galabba loo raro
sida ramad gu'yaal dhalay
hadba kaynta geeda leh
oon guluf colaadiyo
weli socoto dheer gelin
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunudday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.
Sida gubanka qaarkii
dhul gargoorku siman yahay
ama maadh galdhiidhoo
gubatiyo ku taal hawd
oo laba gardhooboo
badhba gees u seexdeen
Oo dharabka iyo geedaha
quruxdooda gaarka ah
ama haro gingimanoo
guud ka xarfanaysoo
shinbiruhu ka giigeen
oon gu' iyo jiilaal
midab guurin baad tahay
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.


Gu’ga iyo barwaaqadu waxa ay u dhigan yihiin isa soo cusboonaysiinta nolosha.  Dhankiisana  jacaylkuna waxa uu gundhig u yahay dib u cusboonaysiin kale oo ah ta nolosha aadamaha iyo joogtaynta is daba cidhbinta facyowga kale duwan.  La yaabna ma laha in midabka cagaarka ahi noqdo  ka  ugu caansan midabbada ay dadkeennu adeegsadaan.  Haddaba waa suurtogal in tayo-dhaca uu deegaanka dhulkeennu ku sii siqayo, uu dakhar xun ku noqon karo jacaylkii.  Maxaa yeelay, tayo wanaagga nolosha iyo deegaanka dhowrsoon waxa ka dhexeeya xidhiidh adag.  Maahmaah Afingiriisi ah baa sidan u dhigan: “A hungary man is an angry man”. {Qof gaajaysani waa qof cadhaysan}.  Haddii cadho timaaddona, jacaylku irridda ayuu ka baxayaa. 


Allow kuu naxariiso  Marxuum Maxamed Axmed Kuluc.  

2 comments: