Friday 6 February 2015

Jasiiraddii Juudaanka

Waxa Afsoomaali u rogay:  Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Hordhac
Waa sheeko dareenka qofka taabanaysa oo xambaarsan geesinimo, naf-hur iyo yididiilo, kuna soo gebageboobeysa tiiraanyo.  Sheekadan soo socota oo aan Afsoomaali  u rogay waxa ay ku dhex jirtay buug magaciisa la yidhaahdo The Horn of Africa oo uu qoray 1959kii nin u dhashay dalka Denmark oo la odhon jiray John Buchholzer.  Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay xarun uu aasaasay dhakhtar Talyaani ahaa hilaaddii 1925kii oo uu adeeg, daryeel iyo daaweynba ugu fidin jiray dadka juudaanka qabay  meel jasiirad ah oo  la yidhahdo  Labada, Talyaaniguna u bixiyay Alexandra, oo ku taalla webiga Jubba ee koonfurta Soomaaliya, meel u dhow magaalada Jilib.   Guudahaan, waxa laga baran karaa cudurka juudaanka oo ay Soomaalidu cabsi badan ka qabto faafitaankiisa iyo saamayntiiisa, halhaysna u lahaan jireen in meesha lagu arko cudurkan faras uun lagaga baxsan karo; iyo sidoo kale in ay carruurta dilaan oo beerkooda cunaan, si ay bogsiin uga dayaan.  Sidoo kale waxa aynnu ogaan doonnaa  takoorka iyo deyrinta ay u ban dhigmaan dadka uu haleelo xanuunkani.  Waxa se xusid mudan in  hadda uu yahay cudur laga bogsan karo.   Ammintii ka dambaysay madax-bannaanidii Soomaaliya waxa daryeelka iyo daaweynta dadka juudaanka qaba ee jasiiradda ku noolaa  gacanta ku sii hayn jiray dawladihii kala dambeeyay, se waxa dadaalkaas kala daadiyay dagaalladii sokeeye ee gobolkaas ka qarxay 1991kii.

Sidan ayaa uu qoraalku u bilaabmay:

Goobtu waa dhulyaraha (jasiiradda) Alexandra, oo ku dhex taal webiga Jubba, ahna meesha  dadka cudurka juudaanka qaba la iskaga karantiimeeyo.  Halkaas waxa ka dhisan taallo dhagax ka samaysan oo uu dhinac kaga xardhan yahay magaca VITTORIO BIANCHI, dhinaca kalena isla magacaas oo ku qoran Afcarabeed.
Ninkii juudaanka qabay ee dhinacayga taagnaa ayaa araggayga ku jeediyay taalladii, afkiisiina wax kaga dhawaaqay, ha yeeshee Xasan (oo ii hal tebin lahaa hadalkiisa) muu ka helin wax hadal ah oo ulajeeddo samayn kara oo ka soo baxa afkii ninka uu cudurku sida daran u doorsoomiyay.  Bushimihiisi (debnihi) waa ay madheen, waxana ay ilkihiisi u muuqdeen sidii qalfoof uu ka dhammaaday hilibki iyo seedihiba.  Markii uu isku deyay in uu hadlo, waxa ay indhahaygu ku dhegeen carrabkiisii oo gaabtay oo cunahiisa ka dhex dhaqdhaqaaqaya, iskuna deyaya in uu sameeyo dhawaaqyo la garan karo (fahmi karo).  Sankiisii waa idlaaday, waxana keliya ee muuqdaa waa dulal lagu masayn karo sidii god fulcaano  beri hore ka qarxay oo dhagaxii milmay ee uu soo tufay  ku  engegay hareerihiisa.  Dhegahiisiina badhbaa cunmay; wixii ka hadhayna kor ayay u urureen sidii oo ay rabaan in aysan doonaynin in ay isu dhiibaan cidhib tirnaan dhammaystirin.   Inta ka soo hadhay foolkiisa  - haddiiba lagu sheegi karo weji – waxa uu ahaa burooyin iyo turunbuuqooyin (meel taagan iyo meel godan).  Addimadiisa iyo qaybaha kale ee jidhkiisa ee aan ku qarsoomin maryaha calalka ah ee uu gashanaa, waxa daboolay boogo midabkoodu furan yahay.  Labadii suul waa maqan yihiin, labada cagoodna mid ayaa gaabtay, inteeda hore oo dhammina waa cunmatay, waxa keli ah ee ka soo hadhayna waxa qummudkii lugta ee ay cidhibtu ku taagnayd.   Farihii gacmuhu iyana waa gaagaabteen, waxana ay u ekaadeen burooyin.  Markii ay suutogal noqon weyday in uu wax na dhacsiiyo (fahansiiyo), ayuu dhinac kale u sii hoonbiyay isaga oo cuskanaya ul uu ku tukubayay.  Isaga oo ku sii libdhaya mid ka mid mutulleyaashii ka dhisnaa meesha, ayaa waxa aan xasuustay sharcigii dadka juudaanka qaba lagula dhaqmi jiray ee kitaabka Axdigii Hore ku dhigan:

“And the leper in whom the plague is, his clothes shall be rent, and his head bare, and he shall put a covering upon his upper lip, and shall cry, Unclean, unclean.”

“Sidoo kale juudaan qabaha uu haleelay alhuumadani, waa in uu dharkiisu jeexjeexnaado, madaxiisuna uu muldhisnaado, bushimihiisuna daboolnaadaan, goor walbana ku qayliyo (inuu yahay)  Sadho, sadho!”

Xasan ayaa iga codsaday in aannu meesha si dhaqso ah uga tagno.   Waxyaabo badan buu u soo adkaystay oo uu ila soo maray aawaday, ha yeeshee tani waa meel-joogsigii ugu darnaa ee aan geliyo isaga.  “Waa aynnu cudurka ku sadhoobi karnaa” ayuu i yidhi.  Ha yeeshee ma uu garwaaqsanayn isagu halista aan u badheedhay, isagu se ma uu rabin in uu noqdo juudaan-qabe.

Waxa aan isku deyay in aan u laab qaboojiyo oo u sheego in fursadda aan ku sadhoobi karnaa ay yar tahay kol haddii ama inta aanaan taabanin qof cudurka qaba.  Intii aannu wada soconnay carriga Soomaalida waa aannu soo aragnay dad qaba cudurka.  Waxa aan xasuusiyay mid nin ahaa oo jid barbarkii wadhnaa, goob tuulo bannaanka uga baxsan, isla markaana tuugsanayay.  Waxa uu heystay xeedho yar oo barbarkiisa taalla oo dadka jidka marayaa gambooyin lacag ah ugu tuuraan.  Meel durugsan marka laga jeedaaliyo, lama kala garanaynin in uu nool yahay iyo in uu fiddigay (dhintay).   Se marka uu jabaq ama jaanta  maqlo, waxa uu kor u yara qaadayay madaxiisii, si uu farriin sheegaysa in uu nool yahay u gudbiyo, oo uu isla markaana qabo baahi la mid ah midda ay dadka kale lee yihiin.  Waa uu maqli karayay marka uu qof soo ag maro, se muu wax arki karayn, maxaa yeelay juudaankii ayaa indha beel qaadsiiyay.  Keliya waxa ka hadhay ninkaasi ama lagu masayn karayay waxa uu ahaa sidii nabar weyn oo bannafaya (uraya), oo malaxi dhaamisay, finanna ka kor taagan yihiin sidii jasiirado badweyn ku yaal, duqsi iyo dirxina si hunguri weynaani ku jirto u haanfiirayaan ‘hilbihiisa’.  Wax kale iyo kuma garatid e, waxa uu ahaa hilbo aan noolayn, haddana neefsanaya.

Xasan waa uu xasuustay ninkaas, ha yeeshee meeshan ay  haatan joogaan iyo goobtii uu ninkaas ku arkay waxa ay isu ahaayeen kala haab.   Waa kala duwan tahay nin keliya oo meel cidla’ yaalla iyo degaan dhan oo juudaan-qabeyaal ah.   Ka hore, waa aad hareer mari kartaa, ha yeeshee halkan, meesha ay jaanta dhigaanba waxa uu Xasan u maleeyay in uu ahaa dhul sadhaysan, waxana uu is dareensiiyay in jaamihiisu jeermiska soo qaadanayaan.

Waxa aan Xasan u sheegay in uu u dhaqmayo sida dumarka; taasina waxa ay ahayd  is-barbardhig aysan ragga Soomaaliyeed aaney qaadanin ama ka dhiidhiyaan, maxaa yeelay, Soomaalida dhexdeeda dumarka hoos baa loo dhigaa.  Ka dib (markii uu wax iga garawsanwaayay) waxa aan ku idhi: “Dareygaaga iska xul!”  (Qoraagu waxa uu adeegsaday: Go to hell), waxana aan u sheegay in aan arrimahayga iskay u maamulan karo (la’aantii).   Se waa iga tegi waayay, oo waa i daba galay   isaga oo aanu ka madhnayn werwerkii uu cudurka ka qabay, isla markaana si anfariisan u fiirfiirinayay degaankan lagu go’doomiyay juudaan qabeyaasha.

Dhul yar oo ka mid ah jasiiradda ayaa beernaa.  Juudaan-qabeyaashuna waxa ay ahaayeen qaar wax la soo baxa (in kasta oo ay ku tiirsanaayeen gacan dibadeed).   Waxa la siin jiray meseggo/hadhuudh lacag la’aan ah oo ay dumarku tumi jireen, oo inta bur (daqiiq) lagu daro, sida boorashka loo diyaarin jiray.  Baahidooda kale ee cunno waxa ay kala soo bixi jireen beeraha.   Kuwooda caafimaad ahaan ka roon kuwa kale ayaa daryeel u fidiya kuwa liita.  Waa is guursadaan oo waxa ay isu dhalaan ubad caafimaad qabta.  Ha yeeshee ma dheera marka ay carruurtuna cudurka ku sadhoobaan.   Tuulada waxa gacanta ku hayna nin Wadaad ah oo isaguna xilliyo hore cudurka qaaday, se iminka ka bogsaday.  Wuu se diiday in uu ka tago meesha, waxana uu ugu negaaday si uu u taakuleeyo bulshada juudaan-qabeyaasha ah oo isaga aad u weyneeya, ugana dambeeya sidii boqorkoodii oo kale.

Carruurta, qaar ka mid ah oo uu cudurku si daran u hayay, ayaa markii ay na arkeen naga cararay cabsi aawadeed.  Waaweynkina waa is qarinayeen – iyaga oo digniino isu gudbinaya.  Dumarkina waa ay daadiyeen wixii ay sideen, ama faraha ayay ka qaadeen wixii ay qabanayeen iyaga oo ku socda qummudyadii cagahooda, una sii heetinaya dhankii buulashooda.    Mar labaad waxa aan u dhaqaaqay dhinacii taalladu ka dhisnayd.  Nin wejigiisu u ekaaday sida ka libaaxa (waa astaan lagu yaqaan dadka juudaanka qaba e) ayaa ii soo dhawaaday oo i hor galay.
“Waan aqaannay Vittorio Bianchi” ayuu yidhi.  “Waxa aan ahaa wiil yar markii aan halkan nimid aniga iyo hooyaday.  Waxa aannu ka gacan siinnay in aannu dhisno buulashii ugu horreeyay.  Xilligaasi waxa uu ahaa afartan gu’ ka hor, sida aan filayo.  Dakhatar Bianchi ayaa naga soo ururiyay meel walba:  Tuugsadeyaal baannu ahayn isaga dab qaada tuulo ilaa tuulo, oo hoygoodu yahay uun jaakada iyo duurka cidla’da ah; jasiiraddan baanu ku soo hirannay.  Halkan waxa aannu ka helnay cunto, cid naga caydhsataana ma jirto – sidii aabbahay aniga iyo hooyaday nooga caydhiyay tuuladayadii.  Waxaannu soconnaba halkan baa qof noogu sheegay in aannu ku noolaan karno.  Bianchi ayaa nabarradayadii saxar tiray (nadiifiyay) oo dhayay.  Ma ay jirin cid kale oo isaga gacan siisaa.   Waxa ay ahayd uun xilli  dambe, iyo si tartiib tartiib ah in intayadii faraha qabtay barannay dhayitaanka nabarrada.  In kasta oo aan anigu  xilligaa wiil yar ahaa, haddana waxa aan bilowgiiba bartay sida nabarrada loo saxar tiro, loona dhayo.  Maxaa yeelay xilligaas faraha ayaan qabay, dareenna waa lahaayeen.   Waa dareenka waxa marka ugu horraysa aad waayeysaa, ka dibna faraha.   Kuweygina beri hore ayay galbadeen.”  Gacantiisiibuu i tusay.  Ma ayna lahayn wax faro ah.
Dhakhtarka Talyaaniga ahi waxa uu ka iman jiray cisbitaal yar oo ku yaal webiga dhinaciisa.  Arooryo kastana, isaga iyo laba kalkaaliye caafimaad oo rag Soomaali ah ayaa soo raaci jiray si ay jasiiraddu ugu soo tallaabaan, dhaymo iyo duritaan (irbado) u fidiyaan bukaanka juudaan-qabeyaasha ah. 

Ninki isaga oo dhakhtarkii Talyaaniga ahaa ka  sheekaynaya waxa uu yidhi:
“Vittorio Bianchi waxa uu sameeyay wax kasta oo loo qaban karo dad juudaan qaba waayadaas hore - in kasta oo ayba iska yaraayeen.  Ha yeeshee waxa uu garwaaqsanaa in ay tahay lagama maarmaan in dadkan la dar yeelo, haddii se uu ku guulaysan waayo in ay bogsadaan, in uu ugu yaraan u fidiyo hoy iyo meel ay ku nabad galaan oo ah jasiiraddan.  Halkan gaajo kama ay baqanayn, waxana uu dhayi jiray nabarradooda, waxa kale oo uu ku abdo weynaa (rajo weynaa) in ay maalin uun bogsoomi doonaan.  Waxa uu tijaabiyay farsamo iyo daaweyn kasta.  Ha yeeshee ajashiisa ayaan sidaas u sii dheeraan – afar gu’ oo keliya ayuu sii noolaa.   Xitaa umuu sii joogin in uu arko  tallaabooyinkii yaryaraa ee uu qaaday guulihii ka dhashay – siiba horumarka laga sameeyay adeegsiga saliidda  hydrocarbus (hydrocarbus oil).   Saliiddan, oo dhakhaatiirta la tacaasha cudurka juudaanka oo dhammi ay kalsoonidooda geliyeen, ma ay ahayn mid keenta bogsiin dhammaystiran, ha yeeshee waxa ay yaraysaa kaarka, waxana ay engejisaa nabarrada.  Waxana ay ku fillayd in ay sii noolayso ama joogtayso abdada (rajada) ah in mar uun daaweyn dhammaystiran loo heli karo cudurka juudaanka.  Ha yeeshee waxa ay ahayd uun markii la soo saaray isku-dhis dawooyinka Sulfooyinka (Sulpha compounds) in la helo hub wax ku ool ah oo lagula dagaallamo cudurka. 
“Cabdiga halkan taagan ayaa si ka fiican sidayda wax uga sheegi kara sidii  nololshii Dhakhtar Bianchi ku soo gebagebowday.  Cabdi, ilaa yaraantiisii, waxa uu ahaa gacanyarihiisii aadka daacadda ugu ahaa uguna dhadhawaa.   Cabdi waxa uu  bukaanka dhayi jiray ilaa ay farihiisi gaagaabteen oo gamuurmeen.  Ha yeeshee waxa aan ogahay in Cabdi uusan jeclayn in uu ka hadlo dhimashadii Bianchi.  Waxa uu weli u arkaa in ay ahayd dhacdo xanuun badan.  Bianchi waxa uu isaga u ahaa wax ka badan aabbe oo kale..

“Runti, sheeko dheer ma aha.   Dhakhtar Bianchi waxa uu ku sadhoobay cudurkii; waxa uu noqday juudaan-qabe, xasuusqorkiisuna waxa uu wax ka taabanayaa niyadjabkii la soo dersay ka dib markii uu baag (nabar) ku arkay lugtiisii.  Waxa uu sii joogteeyay shaqadii u adeegidda juudaanqabeyaasha ammin ku siman hal gu’ oo ay nabarradii ku sii fideen lugtiisii oo dhan.  Markaas, isaga oo soddon gu’  keliya jiray, waxa uu arkay isaga oo ku sii siqaya hooggiisii.   In aad aragto qof jidhkiisii caafimaadka qabay  si tartiib tartiib ah u luminaya dareenkii, qaabkiisina doorsoonmayo; in aad aragto nabarradii oo fidaya oo burburinaya jidhkii; arrimahaas dhammaan waa wax abuuri  kara cabsi lala miyir doorsoomi karo.  Juudaanku dadka kuma dilo hal gu’ ama laba.  Waxa ay qaadataa dhowr gu’ in juudaan-qabuhu si qunyar qunyar ah u dhinto.  Dhakhtar Bianchi toogasho ayuu isku dilay, waxana uu ahaa Cabdi ninka markii ugu horraysay helay isaga oo naftiisii halleeyay.”


  

3 comments: