Tuesday 30 August 2016

Cigaal Bookax


Sheeko-Soomaali ku soo baxday buugii  The Prophet’s Camel Bell, ee ay qortay Margaret Lawrence, oo aan Afsoomaali u hal tebiyay
Axmed Ibraahin Cawaale

Ninkan magaca u meel maray waa Cigaal Bookax.  Nin sii gaboobaya oo jibidh yar, lugna ka naafo ah ayuu ahaa, mana lahayn wax lagu sheegi karo qurxoonaan la daymoodo.   Beri ayaa Cigaal go’aansaday in uu u socdaalo dhul aad uga fog degaankiisii iyo qoladiisii, si uu u shaqo tago, lacagna ugu soo diro reerkiisa.  Socdaal dheer oo ay weheliyaan dhibaatooyin badani kaddib, waxa uu ku dambeeyay dalka Koonfur Afrika.

Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo jooga magaalo la yidhaahdo Johannsburg,  Cigaal waxa madax maray rabitaan aanu u meel deyin (hagaagsanaantiisa iyo darnaantiisaba) oo uu ku doonayay in uu badhbadhaado, cunto fiican cuno, kuna badhxo qosolka iyo kaftanka cid ay  fadhi-wadaag yeeshaan.  Markaas, maalin iyo habeen keliya gudahood ayuu cirka u saydhay kaydkiisii yaraa ee lacageed.  Ha yeeshee Cigaal kama uu xumaan sidii uu dhaqaalahaas uu lumiyay.  Dhaqankiisu jaadkaas oo kale  ma ahayn.  Markiiba se, waxa uu gudo galay qorsheyaal cusub, waxana uu bilaabay in uu u socdaalo magaalo kale, oo fogaan afar habeen meeshiisa looga socon karo.  Kiishadda toban gini oo keliya ayaa ugu jiray.  Ha yeeshee, kama ay qasnayn, waxana uu socodkiisii gudagalay isaga oo ay raynrayn kal iyo madax buuxisay.  Intii uu jidka ku sii jiray, waxa uu la kulmay nin ey qurxoon hoggaaminaya.  ‘HaaheeyWaaryaa Cigaal, ayuu iskula xanshashaqay, haddii Eebbe oggolaado maad iibsatid eygan yar, oo aad tuulada xigta kaga sii iibisid ganac adag si dheef ka badani kaaga soo baxdo.’  Markaas buu ninkii ka siistay toddobadii gini, kii lahaana si raynrayni ku jirto uga guddoomay lacagtii.

Kaddib, isaga oo faro-madhan, ayuu sii kaxeeyay eygii, isaga oo ay hanweyni ka muuqato, isuna heysta in uu ganacsi wanaagsan sameeyay, maxaa yeelay, eydu ganac adag (qaali) ayay ku lahaayeen ama laga siisan jiray dhulkaas.   Sidii uu jidkii u sii hayay, ayuu mar qudha uun dareemay xaraarad sigaar.   Badibana, sigaarka aad buu u cabbi jiray, markanna, kol haddii uu niyadda ku qabtayba, rabitaankii uu hal xabbo ku heli lahaa ayaa kolba aad ugu sii weynaanayay.  Ugu dambayn, markii uu soo gaadhay magaaladii, waxa uu eygii toddobada gini joogay siistay hal sigaar ah, intaas markii uu helayna, jidkiisii buu sii qabsaday isaga oo aanay ka qasnayn.  

In yar uun markii ay ka hadhsanayd tukashadii Maqrib,  waxa uu Cigaal soo gaadhay degsiimo kele oo yar.  Markan se waxa uu ku dhowaa in uu diido – cunto iyo cabbid la’aan awgeed.  Ma ay jirin cid uu baahidiisa kula cararo, waxana  u weheliyay go’doon nafsi ah.  Ha yeeshee arrinkiisu waxa uu ahaa “shidanaaba shidan”, waxana uu u dhaqaaqay dhinaca godan yar oo magaalada ka ag dhow – isago oo is huwiyay dareen raaxo leh oo samays ah.  Dadka tuuladu waxa ay lahaayeen dameero tiro badan, maalintiina beeraha ayaa lagaga shaqayn jiray, habeenkii se dooxada ayay miran jireen ilaa waaberiga.  Waxana ku dhex jiray dameer xoog ah, Cigaalna eegmo dareen xasuuseed huwan ayuu la beegsaday.  Intii uu isha kaga boganaayay, ayaa dayaxi soo baxay, oo dooxadii ku wadhay ilays debecsan.  Waxana uu ahaa dayax shan-iyo-tobanaad.  Eebbe idankii, waxa maanka Cigaal ku soo fatahay xasuuso uu ku yiqiinnay dhulkiisii hooyo.  Waxa  maankiisii uga dhex muuqday Soomaalidii uu ka yimid, iyo sidii ay geela u kala qaadi jirtay.

‘Haaheey, hadda, maxaa sidaas oo kale iga hor joogsanaya?’ ayuu isku yidhi, isaga oo dameerkii indhaha ku haya.

Kaddib, sidii lagu yiqiinnay nin howleed ( illeyn nin hadal ma’ahee), ayaa Cigaal oogsaday, guntigiina dhexda iska martay, isaga oo isu diyaarinayay fuulidda dameerka.  

Goori kama ay lumin in uu dameeraha xadhkaha toorray kaga googooyo. Kaddibna dameerkii ayuu ag joojiyay dhagax weyn oo ballaadhan, si ay ugu fududaato fuulidda dameerku (illeyn nin gaaban buu ahaaye), sidaasbuuna ku fuulay damerkii.  Kaddib, inta uu tamartiisii urursaday ayuu dhinacyada caloosha labadiisii lugood afar jeer kaga tumay. Dameerkii ayaa damqasho la ciyay, una faran-fardeeyay si yaab leh, kolkaas oo dameerihii kale ee jahawareersanaa iyana daba dhababaceeyeen.  Cigaal ayaa gacmihiisii kala bixiyay sidii haad duulaya, waxana uu ku daray cida dhurwaaga oo kale, taas oo dameerihii baqdintu gashay  iyana rooreen oo rooreen.
Dadkii tuulada ayaa guryahoodii kasoo yaacay oo qolqolladoodii isa soo tubay.  Maxay se qaban karaan? Dameeraha  diday ee dhababaceeyay  miyay lug ku gaadhi karaan?  Si aan wax-ka-qabasho lahayn uun bey u eegayeen.

Cigaal dameerihii uun buu sii eryay, eryay oo eryayay habeenkii oo idil.  Markii waagu dillaacay ayuu gaadhay tuulo kale, dameerihiina sayladda geeyay.  Magaaladan, dameeraha iyo eydu waa ay ku ganac adkaayeen (qaalisanaayeen).  Waana arrin sidiisa ah in dhulkan oo kale ay qaali ku ahaadaan, maxaa yeelay, waa dad sabool ah oon aan lahayn geel. (Waa sida uu u maleeyay).  Markaas Cigaal waxa uu helay lacag ciiddaas iyo camaarkaas ka badan, kol haddii uu midkiiba ku iibiyay soddon gini.  Sidaas ayaa uu ninkii dhowaan baqtigu xalaasha u ahaa uu noqday mid jeebabku u buuxaan.   Waxa uu galay cunto-karisyadii magaalada oo uu isu-miisay (sidii aanay berrito oo kale jirin) cuntooyin kala duwan.  Kaddib dameerkiisii ayuu kaga amba baxay tuuladii isaga oo raynrayni ka muuqato.  Markii uu se u dhawaaday magaala-xeebeedka Durban, ayuu dameerkii ku yidhi: Hagaag, jaalle.  Si wacan baad iigu adeegtay.  Iminka gurigaagii qabo.

Magaaladii ayuu galay, mar se uu ka gudbayay suuq-weynaheedii,  ayuu maqlay koox rag ah oo Afsoomaali ku hadlaysay.  Si raynrayni ku jirto ayaa uu u nabdaadiyay iyagii, waxana ay u sheegeen in yihiin Dhuxul-beegeyaal  la socda markab badda yaalla.  Waxa kale oo ay Cigaal u sheegeen in ay gacan ka gaysan doonaan in uu markabka shaqo ka helo.  Kaddib Cigaal waxa uu is-helay isaga oo durbadiiba hor taagan naakhuudihii markabka -  kaas oo indha-indhayn ka dib go’aan ku qaatay in Cigaal markabka ka shaqo galo, kana mid noqdo bad-maaxyada.  Habeenkaas ayuu markabkii oo Cigaal la socdaa ka shiraacday dekaddii.   Waa kaas ninkii waxaas oo xumaan ah falay uu meel ammaan ah isku hubsaday, waxana uu dareemay degganaansho gudeed.

Markabkii waxa uu ku soo xidhay magaaladii Cadan ahayd.  Markii uu ka degay oo uu maqaaxi shaah ka cabbayo, waxa uu bilaabay in uu dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee yaabka lahaa uga sheekeeyo dhallinyaro ay isku cid yihiin oo Cadan ka shaqaysata.   Kolkii uu dhammeeyay sheekadii ayay si u qaadan waa’ ah ku eegeen foolkiisii (wejigiisii).
Waxa ay ku yidhaahdeen: ‘Runtii, waxa aannu u malaynaynaa in aad waalnayd.’
Oo waayo?’  Cigaal baa sidaas si quudhsi ku jiro ugu eray celiyay.
‘Hagaag, maxaad ey toddoba gini u siisatay?  Maxaad se eygii u dhaafsatay hal sigaar ah?  Runtii falaadaha jaadkan oo kale waa qaar ka yimaadda qof waalan uun.’  Sidaas ayay ku yidhaahdeen.
Cigaal Bookax ayaa qoslay: ‘Carruur beydin tihiin.  Garannamaayo waxa aan isugu dhibay in aan idinla hadlaba.’
Maxaad u jeeddaa?’ Ayay ku yidhaahdeen.
‘Haddii aad aragto carro-edeg oo sii hoobanaysa, maxaad ka qaban kartaan idinku in aydin ku hagaajin lahaydeen?’ Sidaas ayuu ugu eray celiyay.
‘Waa caddaan in aanay jirin wax laga qaban karaa.’  Ayay ku yidhaahdeen.

Wuxuu yidhi Cigaal: ‘Bal dhug u yeesha arrinkan: Waxa ugu fiican ee saansaankaas oo kale lagaga fal celin karaa waa in carro-edeg la sii harraatiyaa si ay si fiican bogcadka  isugu rogto!  Markii aan arkay in ayaankaygi (nasiibkaygi) uu daawaha ku socdo, waxa aan doonay in aan isa sii kaba raaciyo. Ha yeeshee Cawadayda e, dhinacii sanaa (wanaagsanaa) ayay iigu dhacday, maxaa wacay, sida maahmaahdu u meel martay, Calool-adayg, waa Eebbe wehelkii.’

No comments:

Post a Comment