Tuesday 11 August 2020

Maxaa geedka loo hadal hayaa?

W/Q  Axmed Ibraahin Cawaale

Maalmahan oo aan si noqnoqod ah wax uga qoray, amaba uga hadlay geedkii Mooliga ahaa ee dhagaxa lagu dilay, weyddiinaha ka imanayay dadka qaar waxa ka mid ahaa:

-          # Muxuu waxtar leeyahay?

-          # Muxuu se kaga duwan yahay kumannaanka geed sida maalinlaha ah la gooyo?

Haddaba, marka laga hadlayo sooyaalka dhowrista deegaanka, weyddiinta hore ee ah “Muxuu waxtar lahaa?” waxa ay ku qotontaa  aragti loo yaqaan “pragmatic utilitarian conservation” oo ulajeeddadeedu tahay aragti “manfaci ah” oo la jaan qaadsan “geedyahow haddaan midho kaa helo kaa goostay, haddaan kaa waayo iskaga kaa tegy.”  Weliba tegiddu fiicnaan lahaydee, illayn waa kaa nabad gelayaa e!  Aragtidan ceebteedu waxay ay tahay in dhowristii deegaanka keliya lagu saleeyay waxa la dheefsado ama adeegsado.  Waxa ay indha ka dul lalinaysaa waxtar kale, haddii ay tahay bilic, midh dhaqan, mid bulsho, mid deegaan, iyo mid ruuxi ah.


Aragti labaad oo la yidhaahdo “bio-centrism” ayaa odhonaysa in dabiicadda ama dhammaan abuurta Eebbe (Swt) waa inay sidooda u jiraan iyada oo aan la eegayn waxtarkooda iyo waxtar la’aantooda. Aragtidani waxa ay la jaanqaadsan tahay qaabka uu Islaamku u arko dabiicadda, maxaa yeelay waxa kasta oo arlada guudkeeda ku uumman waxa ay u jiraan xikmad Rabbaani ah. Marka la leeyahay “bio-centric” (dhexyaalnimada noolaha) waxa dhexda la soo geliyay noolihii waxana ay iftiiminaysaa xaqa ay abuurta kale u leeyahay inay noolaadaan. Waa halka ay iska waafaqayaan aayadda ku jirta Qur’aanka Kariimka  ee haltebinteedu sidan u dhigan tahay: ““Ma uu jiro xayawaan arlada korkeeda ku nool, ama noole ku haada (duula) baalalshiisa, oo aan qayb ka ahayn bulshooyin sidiinna oo kale ah”(6:38)

Dhexyaalnimada noolaha (Bio-centrism) sida aynnu Islaamka ka baranaynno, abuur oo dhan waxa iska leh Alle, markaasna in dadku u qaato noolaha kale iyo dhirtuba inay u jiraan KELIYA waxtarkooda, waxa ay taasi innoo hoggaaminaysaa burbur deegaan iyo adeegsi-xumo. Aragtidani kama hor imanayso kaalinta aadane ee uu ku suntan yahay "Khilaafah fil ard" ee hormoodnimo. 

Dhinaca kale, waxtarku kolba waa sida aynu wax u arkaynno iyo heerka ay aqoonteennu gaadhsiisan tahay.

Waa maxay xikmadda ku jirta in warka geedkan la soo celceliyo?

Sida aaan u arko, waxa aan rumaysanahay in warkiisu ka ballaadhan yahay geedkii jarka laga tuuray. Hadal-hayntiisu waxa ay qayb ka noqon doontaa wacyi-gelin deegaan oo wax yar innooga iftiimin doonta xidhiidhka aadanaha iyo abuurta kale (siiba dhirta) in ka roon inta aynu ka ognahay. 

Markeedii hore ee aan muuqaalka geedka dahaadhkiisa saarayay buuggaygii Qaylodhaan Deegaan, isla farriintaas ayaan u jeeday. Waana tan qayb ka mid ah faalladii aan ka bixiyay geedkan 2010kii:

[Muuqaalku waxa kale oo uu inna xasuusinayaa adkaysiga dhirteenna iyo sidoo kale duurjoogteennu u lee yihiin ka-fal-celinta dhibaatooyinka soo food saara. Ayaan darro se, waxa ay haddana ciirsi-la’aan ka taagan yihiin habdhaqanka xil-kasnimo-darro ah ee dadkeenna…]


No comments:

Post a Comment