Thursday 15 April 2021

Meel ka mid ah Maahkir Koos

Qalinkii: Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

Sheekadan waxa ii mariyay 1987dii nin odey ahaa oo la odhan jiray Xasan Nuur Maxamed (Xasan Cirroweyne), Eebbe ha u naxariisto e, oo ahaan jiray raggii wax bartay, lana soo shaqeeyey Ingiriiska, xilal madaxtinimona ka hayay Somaliland ilaa badhtamihii 1960aadkii.

 Markii uu dhallinyarada ahaa, waxa uu gacanyare u ahaa ninkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray John A. Hunt, Soomaaliduna ku naanaysi jirtay “Gadhle”. Gadhle waxa uu Somaliland joogay 28 gu’ (1936-1958), waxana uu ku xeel dheeraa macdanbaadhista. Somaliland waxa uu ka sameeyay sahamin kala duwan oo xagga macdanta ah, iyo warbixintiisa ugu qotada dheer, uguna caansan qoraalladiisa ee cinwaankeedu yahay Report on General Survey of British Somaliland (1944-1950).

Xasan Cirroweyne waxa uu la socon jiray ninkaas caddaanka ah. Haddaba, xilli ku beegan 1948 waxa dhacay in taar ku socda Gadhle laga soo diray Cadan. Nuxurka farriintuna waxa ay ahayd in jawaan beeyo ku jirtay oo Cadan Ingiriiska looga sii dhoofiyay markii la furay laga helay dahab ciid ah oo ku dhegdheggan fooxii. Sidaas awgeed waxa la farayay Gadhle in uu raadiyo meesha uu ka yimid jawaankaasi! Farriinta waxa tilmaamaysay “Somewhere in Maakhir Coast” oo loola jeeday in kiishkaasi uu baadi u yahay meel ka mid ah dhulka ballaadhan ee Maakhir Koos.

Waxa dhici jirtay beeyada marka la guro in la dhigi jiray (ilaa haddana la dhigo) godad ku yaal dhadhaabo hadoodilan, laguna keydin jiray inta ay baddu furmayso, ama la helayo doon lagu raro.

Show godadka Maakhir Koos mid ka mid ah ayaa beeyadaas la dhigay ka hor intii aan jawaanno lagu cabbayn, waxana loo badinayay in dahabkaasi ka soo jeeday god kuwaas tirada badan ee aan la garanayn meesha uu ku yaal mid ka mid ah.

Xasan Cirroweyne waxa uu sheegay in ninkii Gadhle isaga oo farriintii taarka ku qornayd u guntan tahay in ku dhow lix bilood isaga dab qaadayay buuraleyda Sanaag – dacal ilaa dacal - isaga oo god kasta oo loo sheegoba baadhayay. Walley ka tahay! Ugu dambayntii waxa la faray in uu faraha kala laabto howlgalkaas, faylkiina la laabo kol haddii la waayay dahabka raadkiisii.

Dahabkaas Eebbe ka indhosaabay Ingiriiskii, waa kaas haatan laga dhuranayo Cirshiida oo Maakhir Koos ku taal. 

No comments:

Post a Comment