Sunday 31 March 2013

Aboorka iyo Amuurihiisa. W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale


Aboorku waa noole sida qudhaanjada ah oo koox koox u nool. Aboorku inta badan waxa uu quutaa qoryaha engegan, waxana uu diirtaa dhirta siiba kuwa yaryar ee curdinka ah. Waxa kale oo uu cunaa maryaha. Jaadadka aboorku waa tiro badan yihiin, waxana la sheegaa in Afrika oo keliya ay ku nool yihiin boqolaal jaad oo  dhowr ka mid ah mudnaan gaar ah la siiyo – kuwaas oo waxyeello gaadhsiiya dalagga beeraha iyo dhirtaba. Dhirta qoyan, siiba geed gaabka iyo dhiroonka aadka u yaryar inta badan waxa uu aboorku weeraraa xilliga qallaylka ee ay biyuhu yar yihiin isaga oo abbaaraa xididka iyo laamaha. Waxana dhacda in uu waxyeelleeyo koritaanka geedka ama mararka qaarkood geedkuba dhinto.


Aboorka waxa uu koox koox ugu nool yahay ‘qalcado’ uu ka samaysto dhulka hoostiisa oo badiba qaab dundumo dhulka korkiisa ugu qotonsan. Xaabka uu cunto-ahaan soo urursado waxa uu kula dhaadhacaa godadkaas, halkaas oo noole ili-ma’aragtay ahi (fungus— termitomyces) uu burburiyo qoryaha yaryar kana dhigo ama u dooriyo cunto uu quudan karo aboorku.

 Koox kasta oo aboor ah oo meel deggani waxa ay leeyihiin boqor iyo boqorad; waxana ay ku nool yihiin qolal leh derbiyo adadag oo dhoobo ka samaysan oo ku yaal badhtanka qalcadda. Marka ay boqoraddu dhashoba, shaqaalaha aboorka ayaa ugxaanta daad gureeya oo u rara meelo u gaar ah oo lagu koriyo. Boqorka iyo Boqoraddu marnaba kama baxaan qolkooda. Ha yeeshee gu’ kastaba, xilliga roobabawga ayaa aboorka baalasha leh oo ah kuwa noqon doona boqorro ama Boqorado ay kasoo baxaan godadka, ka dibna waxa ay isu raacaan laba laba, waxana ay unkaan ama samaystaan koox cusub oo ka madax bannaan kuwii ay ka yimaaddeen ama ka dhasheen.

Tirada iyo taranka aboorka waxaa xadeeya qudhaanjada, shimbiraha, xamaaratooyinka iyo xaywaanka kale qaarkood.

Aboorka dhulkeenna ku nool dherarkiisu waa ilaa 10mm, midabka madaxiisu waa maarriin, qaarkiisa dambena waa caddaan, askarta aboorkuna waxay leeyihiin laba ilig oo waaweyn, waxana ay Soomaalidu ku magacawdaa “Ilka-weyne.”
Siyaabaha loo yarayn karo dhibaatada aboorku ku hayo dallaga beeraha waxa ka mid ah ciidda oo lagu badiyo carrogeddiska iyo nafaqada ciidda oo la kordhiyo iyadoo lagu daro digo. Badiba aboorku waxa uu abbaaraa ama weeraraa dhirta taagta daran isla markaana waraabku ku yaryahay. Dhirta qaar ayaa adkaysi u leh dhibaatada aboorka oo ay ka mid yihiin dhirta qodaxda leh, jaleelooyinka, wegerka, dayibka, hareeriga, bisiqa, woobka iyo garbida. Dhirta qaar waxa ay leeyihiin iska caabbi wax-ku-ool ah waxana ay siidaayaan dheecaan kimiko ah oo u yaal qaab xabag ama maaleey oo keena in aboorku ka dheeraado (ama uusan u dhawaanin) dhirta jaadkaas oo kale.

Qaabka aynnu kor ku soo xusnay ee ah sida uu aboorku qoryaha engegan ugu doorsho cunto uu quudan karo ayaa ah arrin xiise leh oo ay qaar ka mid ah aqoonyahannada caalamku baadhitaan ku wadaan si si la mid ah loogu adeegsan karo bal suurto-galnimada in qoryaha qallalan nafaqo looga raadin karo aadanaha!

Aqoonta bulshooyinku isu soo dhiibdhiibaan (indigenous knowledge) ee ka jirta meelo ka mid ah adduunweynaha, siiba dhulka qallaylka ah (qarfe-u-eke) ayaa muujinaysa in dundumooyinka laga sahamin karo xaddiga biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo fogaantooda inta ay dhulka ka hooseeyaan.


Wax kasta oo arladan korkeeda Eebbe (sarree oo korreeye) ku abuuray xigmad iyo adeegsi la dheefsan karo ayaa ku lammaan. Sidaas daraaddeed, dhowrista kala-duwanaanshaha nooleyaasha kala jaadjaadka ah iyo sugidda joogtayntoodu waa arrin u baahan in mudnaan weyn la siiyo.

No comments:

Post a Comment