Waxa
dhulka Hawdka ah ee carriga Soomaaliyeed ka jira ceelal-gacmeedyo aad
u dhaadheer oo qaarkood dhererkooda gaadho ilaa 12 baac (baac: waa
qof sarejooggiis oo weliba gacmahiisu kor u fidsan yihiin),
dhex-roorkooduna yahay hal baac. Ceeashaas qaarkood waxa lagu dhisaa
(inta ciidda ah ee looga baqa qabo dumitaan) xakab qoryo ah si aanay
u maax dumin, waxa se jira qaar laga qoday dhul adag ama dhagax ah oo
aan howl yari ku dumin. Haddaba si si dhib yar loogu dhaadhaco
ama loogala soo baxo biyaha, waxa dhabannada ceelka laga xordaa godad
yar yar oo lagu cuskado faraha gacmuhu ama kuwa lugaha marka la
qodayo, la dhooba qaadayo, ama wax ku dhacay laga soo saarayo.
Qaabka
biyaha loogala soo baxo ceelashaasi waa hawl u baahan gacmo fudayd,
indho furnaan, firfircooni, iyo dareen uu ku lammaan yahay
dheelli-tirnaan maan iyo jidheed. Marka si fiican loo shubaalinayana,
laguna heesayo hees hawleed ku habboon, waxaaba la moodaa sinfooniyad
muusig ah oo si fiican la isula helay jiibta, jaanta iyo hab-dhaca
qalabka.
Ceelashan jaadkan oo kale ah waxa loo yaqaanna ‘Ceel-walwaaleed’ – waxana loogu magac daray magaalada yar ee haddana caanka ah ee ku taal Kililka Shanaad ee carriga Itoobiya. Goobtaasi waxa ay caan ku tahay waxa taariikhda loo yaqaanno “Dhacdadii Walwaal” (the Walwal Incident) oo ahayd dhacdo ku suntan iska-hor-imaad ka dhexeeyay xoogaggii fashiishtahii Talyaaniyga iyo boqortooyadii Itoobiya (Noofembar 1934) oo arrinta maaraynteedi loo kor yeelay ururkii the League of Nations ee ka horreeyay Jamciyadda Qaraamaha Midoobay.
Sidan
soo socota ayaa biyaha looga dhaansadaa ceelashaas – siiba marka
geela la waraabinayo:
Tiro
niman ah oo kala sarreeya ayaa ku dhaadhaca ceelka – iyaga oo
midba gudaha ceelka meel ka taagan yahay. Waxana ay biyaha isu soo
dhiib dhiibaan iyaga oo adeegsanaya weel qori ka samaysan oo la
yidhaahdo Okhole.
Nin
qaawan oo murux ah ayaa gunta hoose ee ceelka joogsada si uu
biyaha u soo daro Okholeyaasha is-weydaaranaya. Marka uu soo daro
biyaha ayuu kor ugu lalinayaa nin kale oo qaawan oo ka sarreeya oo
labadiisii lugood kala waaxsan yihiin! isla markaana ku taagan laba
god oo uu faraha lugaha gashaday oo ku kala yaal labada dhinaca ee
derbiga ceelka. Waxa se kor-u-tuurista Okholaha buuxa hoos u
weydaaranaya Okhole madhan. Sidaas buu ninkii labaad Okholihii
buuxay ugu sii gudbinayaa nin ka sii sarreeya oo si la mid ah inta
aanu gacanta ku dhigin ka buuxa, hoos isu sii weydaarinaya Okhole
kale oo madhan. Okholihii buuxay waxa uu ugu damabayn gaadhayaa
ninkii shanaad ama lixaad ee ceelka korkiisa joogay oo biyihii ku
af-rogaya ama ku shubaya darkii xooluhu ka cabbayeen, markiiba se
hoos ugu celinaya weelkii madhnaa kii ku xigay ee ka hooseeyay.
Waxana laga yaabaa in 5 ama 6 okhole sidaas isu weydaaranayaan oo
5-tii il-bidhiqsiba qofkii kastaaba gacanta ku qabanayo hal Okhole oo
buuxa ama madhan! Hawl-is-kaashigani oo la mid ah waxa
af-Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘team work’ waxa ka dhalanaya in
biyaha ceelku si joogto ah isaga daba dhacaan kuna af-rogmaan darkii
geela oo ay hormooyin ka kooban 5 ama 6 halaad kolkiiba ka
fuuqsanayaan biyaha, lagana dhowrayo in ay darka ku sangaagurroodaan
(biyaha ka waayaan). Hawl-qabadkaas xiisaha iyo la-yaabka leh waxa
goor kasta ku lammaan heesta waraabka xoolaha oo ay ka mid tahay tan
soo socota:
Feedha
dhiman bay,
Dhaami
leedahay,
Anna
dhabarkiyo,
Meel
dhexdaasoon,
Jeer
u dhacay oaan,
Dhawr
is leeyahay.
Jeeroon
laba dhidid,
Oo
dhafoorka ah,
Midba
dhan u rido,
Kuuma
dhaartoo,
Kuuma
dhiidhiyin.
Axmed Ibraahin Cawaale
No comments:
Post a Comment