Friday 12 April 2013

FILIM KOOBAN OO KU SAABSAN RAADKA DHIR-XAALUFINTA iyo SAXAROWGA: Waxaa Gorfeeyay Axmed Ibraahin Cawaale


Filimkan Geedka Nolosha waxa la sameeyay 1978. Waxana aynu ka dhex dheehan karnaa quruxda iyo tiro-badnaanta kala duwanaanshaha noole ee ka jiray qaybta Jubbooyinka carriga Soomaaliyeed. Ilaa xilligaas, dhul badan baa dhirtii laga xaalufiyay, dhuxul loo rogay, loona dhoofshay dalalka Carabta. Ku dhowaad ugaadh-dhii iyo habar dugaagga ka muuqda filimkan waa ay dabar go’een. Waxa sidoo kale meesha ka baxay arrimo badan oo dhaqan-dhaqaale oo uu ka mid yahay farshaxanka, dharka, qaabkii Qur’aanka loo baran jiray iwm. Guryahii dhirta laga samayn jiray (Mutul) waxa beddelay jiingad iyo qori la soo dhoofso. Beryahaas hore, dadku waa dhergsanaayeen, carruurtu waa faraxsanaayeen, shimbiruhu waa heesi jireen kala joogsi la’aan, ugaadh kumannaan iyo kaakac ah oo ay ka mid yihiin Biciid, Maroodi, Jeer, Dameer Farow, Deero iyo weliba shimbiro cayn wal iyo cod walba leh ayaa si madax bannaan oo miisaaman dabiicadda ula noolaa.

Filimkani, in kasta oo uusan lahayn hadal badan, haddana farriinta uu gudbinayaa waa ka cod dheer yahay cid kasta iyo wax kasta. Farriinta uu gudbinayaa waxa ay tahay raadka iyo cidhib-xumada DHIR-XAALUFINTA iyo sida ay ugu dhammaato SAXAROW iyo LAMA-DEGAANNIMO.


A FEATURE FILM ABOUT THE IMPACT OF DESERTIFICATION.

Alas! Since 1987, since this short feature was produced, a lot of change has taken place in Somalia. Large batches of the forests has been cut, kilned, transported and sold in the Arabian countries. Almost all the wildlife species that can be seen in this film has been decimated through poaching and hunting. Even the culture and indigenous knowledge is lost: skills, handicraft, artifacts, traditional religious instruction and so on so forth. The thatched roofed huts are replaced with corrugated tin sheets due to scarcity of local building materials. People looked well-fed, children we happy (see their mud toys), birds sang unceasingly, the beasts and wild life such the oryx, elephants, hippos, zebra, impalas, birds and myriads of creatures lived in harmony with nature.

The film, even though it is almost speechless, conveys eloquently an important message of how DEFORESTATION leads to DESERTIFICATION with its dire consequences of loss of livelihoods and heritages.

No comments:

Post a Comment