Saturday 6 July 2013

Laafyood: Astaan Quruxeed aan lala Wadaagin Dumarka Soomaaliyeed:


Laafyoodku waa socod xarrago leh, oo aan ahayn mid iska-yeel-yeel ah, oo u gaar ah dumarka Soomaaliyeed. Waxana jirta in socotadii waageeniga (ajnebiga) ahayd ee u soo socdaali jirtay carriga Soomaaliyeed xilliyo kala duwan in qaarkood wax ka sheegeen hab-socodkaas soo-jiidashada leh, heer ay qaarkood ku tilmaameen in ay u socdaan sida dumarka dharka xayaysiiya.  Haddaba socodkaas uu weheliyo, waxoogaa cagculays ah iyo tallaabo dheeraantu waxa dumarka u dheer gacmaha (midkood ama labadaba) oo ay soo laabaan, oo ay si quruxi ku jirto kolba dhinac u tuuraan iyaga oo aan is ogayn (baraad la’aan). Waxa la arki karaa gacmahaas oo si tacab la’aan ah u lulmaya oo mararka qaarkood baabacooyinkoodu dhulka hoos ugu jeedaan, mararka qaarna cirka u rogan yihiin.  Deggannida tallaabada iyo laafyoodka waxaba aad mooddaa sidii ay hawada dabbaalanayaan!

Laafyoodku waxa uu noqday mid Suugaanyahannada Soomaaliyeed (qaar hore iyo qaar dambeba) ku hal qabsadaan marka ay sifaynayaan quruxda haweenka Soomaaliyeed – kuwaas oo laga dhex heli karo gabayada ama heesaha qaar, sida:
Iyadoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha,
Xarragada u gaarka ah,
Goonyahaaga tiiciyo..”
(Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHUN) - Gabaygii Fad Galbeed)
----------
“Markay socodka damacdee,
Deggannida tallaabada,
Miisaana lagu daray;
Laafyaha la daawado,
Dadku waxay yidhaahdaan:
May daarin Ciiddee,
Indhadeeraleeyeey!”
( Hees uu midhaheeda tiriyay: Maxamed Cumar Huryo (AHUN)
----------
“Tusmo barashadeediyo,
Taltallaabsigeediyo
Taratarinta laafyaha
Meeshay i turuqdiyo
Towstay i gelisaa
Igu sii tarmaaysee
(Hees uu qaado Nuur Daalacay)

--------
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin
(Mid ka mid ah gabayada Maxamed Ibrahim Warsame ”Hadraawi”)
_____
Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Sunniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heegga iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
(Cilmi Boodheri – AHUN)

Waxa aan haddaba is-weydiiyaa sida uu ku yimid ama ay u qabatimeen dumarka Soomaaliyeed qaab-socodkaas la-yaabka leh, isla markaana ugu gaar noqday iyaga uun. Bulshooyin kala duwan oo adduunka ka jira ayaan u fiirsaday, illaa haatanna kuma hayo cid sida dumarka Soomaaliyeed u laafyoota. Arrinkani waxa uu iga geyn waayay (ama iga kaxayn waayay) in uu yahay mid ku lug leh habka dhaqan dhaqaale ee dhulkeenna ka jira iyo falliimooyinka/wax-qabadyada maalinle ee u kala asteysan ama loo og yahay ragga iyo dumarka (gender roles).
Waxa aan is-weydiiyay bal in xidhiidh ka dhexayn karo farsamo-gacmeedka dumarka ee soohidda xadhkaha iyo dhinaca kale rabitaankooda in ay gacmahooda kor u hayaan, kuna laafyoodaan. Inantu iyada oo xoolaha la joogta ayaa ay maalinta inteeda badan kor u heyn jirtay gacmaheeda iyada oo soohaysa xadhigga. Gacmo siideysani (laalaada) oo aan waxba lagu heynini waxa ay u dhignaan jirtay maraannimo ama qof aan reerka waxba ugu fillayn. Boqollaal gu’ iyo in ka badan muuqaalka inanta ama haweeneyda ku dayashada mudan waxa ka mid ahaa in marka ay sarajoogto ama soconayso aysan sarroognayn, una eekaanin qof aan la ciidansan, bal se in gacmuhu kor ugu laaban yihiin (wax ha ku sidato ama yeysan ku sidanine) waxa ay qayb ka ahaayeen quruxda haweenka.
Dhanka kale, dhulka miyiga ah, halka raggu had iyo goor ka qaadan jiray faralaab (ul, waran, murjin, budh, bakoorad iwm), dumarka waxa u ahaa faralaab howlaha kala duwan ee ay gacmahooda ku qabtaan sida soohidda xidhigga ee aynnu kor ku soo xusnay, ama wax kale oo ceeryoomiya gacmahooda sida nayl ama waxar yar oo dhalatay oo ay dhabta ku hayaan iwm. Waxa kale oo dhacda haddii socod dheer loo kicitimo, in sida ay luguhu u daalaan, ay si la mid ah laalaadka iyo walqinta/weedhaafinta gacmuhu u keenaan daal. Kolkaas raggu waxa uu gororka dhiigga ee gacmaha iyo daalkooda ku maarayn jiray iyaga oo faralaabka garbahooda saara isla markaana ku cuskada gacmahooda. Dumarku se kol haddii aanay badi faralaab qaadanin, waxa ay qabatimeen in ay gacmahooda kor u hayaan ama ugu qaadaan (meel la siman laabahooda) si uu daalku uga yaraado.

Haddaba waxa ay u dhowdahay in is-kaashiga arrimahaas kala duwani dumarka Soomaaliyeed uu qaabeeyeen hab-socodka qaayaha leh ee aanay eegmadu ka daalaynin, muujinna u ah dumarnimadooda. Waxaana habboon in aan loo arkin astaan u dhigan wahsi iyo jiljileyc oo aan, dhinaca kale, is-godidda iyo dugdugleynta dumarka reer Yurub iyo Waqooyiga Ameerika loo arkin qurux.

W/Q:- Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
 


Xuquuqda sawirka: http://www.paintingsilove.com/

No comments:

Post a Comment