Sunday 4 August 2013

Falanqayn Buug: Dheemantii lagu Maamuusay Maydh



W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Hordhac
Waxa aan akhriyay kana bogtay buugga uu isku dubba riday Maxamed Cabdi Daauud ee magaciisa la dhah: Dheemantii Lagu Maamuusay Maydh: Sheekh Isxaaq ibnu Axmed,  ee uu ka tarjumay qoraal af-Carabi ah, aanse ahayn nuqulkii asalka ahaa, kuna qoran far-guri, isla markaana laga soo dheegtay (sida loo sheegay qoraaga) qoraalkii asalka ahaa oo yaallay Matxaf Ciraaq ku yaalla.
Waxa uu qoraaga Maxamed Cabdi Daauud ku ammaanan yahay sida quruxda badan ee xeel-dheeraan  af-Soomaali ku dheehan tahay ee uu u diyaariyay buugga.  Sidoo kale waxa aan la dhayalsan karin dadaalka ballaadhan ee uu geliyay arrin wax weyn ku biirin kara doodada ku saaban “Carabnimada” beelaha Isaaqa iyo dhinaca kale Afrikaannimadooda, ama si kale haddii aynu u dhigo ‘Dirnimadooda’.
Ha yeeshee, bar-nugaylka arrinkan uu soo ban dhigay qoraagu, waxa uu yahay (sida aan kor ku soo  xusay) qoraalka uu xigtay oo aan ahayn asalkii (original). Taasna waxa dhinaca sharciga loo aqoonsanaan karaa mid aan lagu qabi karin kalsooni buuxda.
Buuggu waxa uu soo ban dhigayaa eedaadkii la mariyay ehlu-baydka (siiba Shiikh Isaxaaq iyo xigaalkiisii), waxana uu (buuggu) markiiba gelinayaa akhristaha dareen hoose oo isugu jira hiil, iyo in loo jiidh debco dhibbanayaasha uu buugga ka sheekaynayo wixii la soo mariyay. Mararka qaarkood waxa laga yaabaa dareenkaas xambaarsan ladh ‘caadifadeed’ inuu ka xoog bato in akhristuhu la yimaaddo maan-kaashi dhexdhexaad ah. Taasina ay dhalinso in aan loo fiiro yeelanin ama wax lagala  soo dhex bixin sadarrada dhexdooda.
Haddaba, aniga oo qiraya qaayaha buuggani lee yahay iyo nuxurka ku guda jira, haddana waxa aan isku deyaya in aan wax ka iftiimiyo meelaha aan is lee yahay waxa ka jira gol-daloolooyin wax u dhimi kara kalsoonida lagu qabi karo farriinta uu buuggu gudbinayo.

Hal-xidhaalaha da’da Shiikha
Mid ka mid ah arrimaha ay weydiin culusi saarnaan karto ee lagala soo dhex bixi karo  buugga waxa ay tahay da’da Shiikha. Ugu horrayn meelna kuma xusna xilligii uu dhashay iyo xilligii uu dhintay.  Ha yeeshee marka la isu minguuriyo werinta iyo waraysiyada kala duwan ee ay sameeyeen dadkii la kulmay Shiikha amaba wax ka sheegay isaga, waxa inoo soo baxaya arrimahan soo socda:
Ugu horrayn, xasuuqii lagu hayay ehlul-baydkii ka dib, waxa uu Shiikh Isaxaaq,  oo da’diisa lagu hilaadin karo kuray yar, ka mid ahaa koox tiradoodu sagaashan (90) kor u dhaaftay oo uu hoggaaminayay awoogiis (Sayid Maxamed ibnu Xuseyn),  oo ay la socdeen caruurtii  Sayidku dhalay iyo kuwo uu awoow u ahaa. Waxana ay ka soo ambabaxeen magaalada Samaara gu’gii 529 Hijiri (kuna beegan 1135 Miilaadi).  In uu Shiikh Isaxaaq xilligaas kuray ahaa waxa caddaynaya Sayid Sharaf Al-Daylamiyi,  oo uu waraystay Sh. Maxamed Al-Kibaysiyi, oo sheegay in uu Sayid Sharaf 35 jir ahaa markii ay Samaara kasoo qaxeen, isla markaana uu rafiiq la ahaa Shiikh Isaxaaq oo wiil yar ah.[1]  Hawraartan waxa aynu ka garan karnaa, ama sidoo kale maan gal noqon karta,  in qof 35 jir ahi uusan la rafiiqi karin qof ka yar   15 gu’.   Sidaas awgeed, waxa aynnu halkaas ku hilaadin karnaa in da’da Shiikh Isaxaaq 15 jir ahayd markii ay soo qaxeen ee ay taariikhdu ahayd 529 H (1135 Miilaadi). Sidaas daraaddeed, waxa aynu dhalashadiisiina dib ugu riixi karnaa 514H (1120 miilaadi).
Dhinaca kale, waxa uu sheegayaa Cali bin Yaxya Al Khusaaciyi, oo kula kulmay Shiikh Isaxaaq magaalada Maydh, gu’gii 681H (1282), in Shiikhu markaas da’diisu ahayd 120 gu’ iyo dheeraad.[2] Lamana hayo cid wax ka qortay xilligii geeridiisa.
Haddaba, haddii aynu kala goyno taariikhda dhalasho ee kor innoogu soo baxday iyo tii ugu dambaysay ee nolol lagula kulmo waxa ay noqonaysaa sida:  514H – 681H = 167 jir !    Haddaba waxa halkan ka muuqda is-maan-dhaaf aad u weyn marka 167 sano la barbar dhigo odhaahda sare ee uu Cali bin Yaxya Al Khusaaciyi ku sheegay in kulankiisii uu Shiikh Isaxaaq la kulmay ku hilaadiyay dad’diisa ‘120 iyo dheeraad’.   Iyada oo markeeda horeba 120 gu’ iyo dhiidhii/dheeraad ay tahay da’ aad u weyn, haddana waxa ka sii la-yaab badan 167 jir.  Sidaas awgeed, gorfaynta arrinkan waxa aan door-biday in aan qaato 120+dheeraad.
Dhinaca kale, haddii aynu qoraalka buugga kala soo dhex baxno goobahii uu ku negaa Shiikhu, isla markaana u sii kala qaybinno amminta uu ku negaa berri-Carab iyo berri-Cajam (dhulka Soomaalida iyo Xabashida) waxa inoo soo baxaya arrimahan:
Iyada oo aysan buugga ku xusnayn xilligii uu Shiikh Isaxaaq u ambabaxay Saylac, waxa aynu se ka ogaan karnaa xilligaas hadal uu Shiikhu ku yidhi Cali ibnu Yaxya Al-Khusuuciyi oo kula kulmay Maydh oo sida u dhigan: “…….. Ilaahay baan ku dhaartay e 86 sano inaanan helin ammaan (nabadgelyo) aniga iyo ahlu-baydka ila nooli, mooyaane markii aan qariyay nasabkaygii, oo aan Ilaahay talo saartay, deedna aanu soo degnay dhulkan..”[3]   Haddaba, sida buugga ku qoran waxa xusid mudan in Shiikh Isaxaaq bilaabay qarinta nasabkiisa laga soo bilaabo markii uu soo caga dhigtay Saylac.  Sidaas aawadeed, mar wax la odhon karaa in da’da Shiikhu ahayd 86 sano markii uu Saylac yimid.  Ha yeeshee, waxa ay u muuqan kartaa in ay (isaga oo da’daasa) ku cuslaan lahayd in uu dhul kale u qaxo.  Markaa waxa maan gal ah in Shiikhu hadalka sare uga jeeday inuu nabad helay markii uu Maydh soo gaadhay uun, bal se 86kii sano ee uu soo jiray ay isaga iyo ehlu-baydkaba u ahayd silic.   Saylacna waxa uu joogay 11 sano, ka hor intii aanu u sii ambabixin Herer oo iyadana uu joogay 16 gu’.  Ka dib waa uu soo xashay (xajkii buu tegay) isaga oo ay la socdaan dad dhan  500 oo rag ah iyo 80 dumar ah.[4]  Ha yeeshee markii uu ku laabtay Herer wax ka badan 2 sano muu sii joogin – tiiyoo uu dhibaato la kulmay, ka dibna dhinac kale uga amba baxay.
Haddaba, si aynu u helno xilligii uu soo gaadhay Saylac,  86-kaas sano ayeynu ka jari karnaa muddadii u joogay Herer iyo Saylac oo ah (16+11 = 27 sano). Waxa halkaas innooga soo baxaya 59 sano jir markii uu Saylac yimid (86-27 = 59).
Haddaba, dhowr qodob oo  u baahan in la is dul taago ayaa  ka unkami kara da’da ah 86 jir markii uu Maydh gaadhay (haddii ay sidaas wax u jiraan):
Miyaa ay isu dhigmi karaan firfircoonida ganacsi ee uu ka bilaabay Shiikhu magaalada Maydh ee uu ku geddislaysanayay beeyada, malmalka, hargaha iyo xoolaha nool iyo da’da uu markaas ku sugnaa?
Si la mid ah, baahida guur ee qof da’daas ahi ku guursan karo  ama maarayn karo 3 dumar ah iyana waa arrin aad u la-yaab badan.
27 sano oo ka horreeyay imaatinkiisii Maydh, oo uu ku sugnaa Saylac (11 sano) iyo Herer (16) oo nabad iyo xasillooni ku naalloonayay, jidhkiisuna ka awood badnaa, waxa xoog u maan gal ah in uu guurku uga fududaan lahaa.
Baahida diin-fidineed (dacwadeed) ee meesha ka jirtayna waxa ay u baahan tahay firfircooni la  mid ah kuwan aan kor ku soo xusay.

Socdaalkii Shiikha: Chercher (Sheersheer) ilaa Maydh
Sida ku qoran buugga, markii Shiikha iyo xertii la socotay ay ka fakadeen cadaadiskii ku bilowday iyaga oo jooga Herer, ugu horraynna u kaceen dhinaca Sheersheer oo galbeed kaga qumman Herer, waxa ay u xadho xidheen in ay dar Alle u socdaalaan, oo ay degaan meesha uu Shiikhu warankiisa dhulka ka fujin kari waayo.  Waxana ay gaadheen xeebta Maydh 15 cisho ka dib.  Haddaba, kol haddii Sheersheer ku taallo badhtamaha Itoobiya, hilaaddii meel u dhexaysa Hawaas iyo Herer, Maydhna ku taal xeebta Sanaag,  waxa u dhexaya fogaan aan ka yaran 1500 km.   Haddaba iyada oo dhulka sidan maanta ka halis badnaa, dadka meesha socdayna ay ku jireen qaar waayeel ah (sida Shiikha), ma suurtoobi karto in ay 15 cisho ku dhambalaan fogaan intaas le’eg.  Marka ay ugu yartay 2 bilood ayay ku jiri lahaayeen – weliba haddii ay ahaan lahaayeen dad yoolkoodu u cad yahay. 

Magaca dhulka Soomaalida ee ku xusan buuggan
Dhowr meelood ayaa buugga lagaga xusay magaca ‘Soomaali’. Waxa se la isla aqoonsan yahay in markii ugu horraysay ee magaca Soomaali uu qoraal galay ay ahayd  xilligii boqorkii Xabashiga ahaa ee Negus Yeshag (1414-1429) kolkaas oo uu ku soo baxay hees-libineed ku saabsanayd guushii uu boqorkaasi ka gaadhay dagaalkii uu ku qaaday Imaaraddi Ifat.[5]
Al-Idriisi (560 H/1060 miilaadi) oo maray xeebta Soomaaliyeed, wax yar ka hor, xilliga lagu sheegay in Shiikh Isaxaaq berri-Soomaali joogay, waxa uu ku sheegay in dhulka Soomaalida la odhan jiray Ard-al-Barbar,   meelaha qaarkoodna  waxa uu ku sheegay Ard-al-Hawiya, meelo kale oo dhulka Soomaaliyeedna ku sheegay Ard-al-xabasha[6]. Si la mid ah, Yaaquut al-Xamaawi (574H/1179 miilaadi) waxa uu dhulka Soomaaliyeed meelaha qaarkood ku sheegay ‘Bilaad-a-Sinj’, meelaha qaarkoodna ‘bilaad-al-barbar’.[7]   Ibn Baduuda (779H/1377milaadi) oo isna si mug leh u maray xeebta Soomaaliyeed, xilligiisuna ka dambeeyay xilliga Shiikh Isaxaaq la sheegay in uu Maydh degganaa, isna meelna kuma uu sheegin magaca “Soomaali” buuggiisii caanka ahaa.[8]   Sidoo kale, Al-Mascuudi waxa uu sheegay uun ‘ard-al-barbar’.
Haddaba, kol haddii ay socoto iyo sooyaal-yahanno Muslimiin ah ay soo booqdeen xeebaheenna xilliyo ka horeeyay, qaar ku beegan iyo xilliyo ka dambeeyay goorta Shiikha la sheegay in uu soo degay carrigeenna, isla markaana aanay tibaaxin wax magac ah oo ‘Soomaali’ la yidhaahdo, waxa uu arrinkani keenayaa in aynu indho hubsiimo leh ku eegno xogaha lagu soo minguuriyay buuggan. 

Beeyada iyo malmalka oo aan ka horraynin Shiikha
Dhowr qodob oo kale oo buugga ku jira ayaa u baahan in la is dul taago.  Mid ka mid ahi waa xog silloon oo sheegaysa in markii goobta Maydh  uu soo gaadhay Shiikh Isaxaaq, inaysan meeshu ahayn meel la deggan yahay iyo sidaas oo kale in uu isagu sabab u ahaa (karaamadiisa awgeed) in xabkaha (sida Beeyada, Mayddiga iyo malmalka) uu dhulkaasi caanka ku yahay ka baxaan arladaas. 
Magaalada Maydh waa goob aad u fac weyn, waxana xusay qoraagii lama aqoonka ahaa ee u dhashay dalka Giriigga, kuna sheegay magaceeda Mundus, ammin laga joogo 2000 gu’.[9]  Kolkaasna sheegay in laga dhoofsho xabkaha kuwa ugu firi wanaagsan iyo alaabooyin kale. Masaaridii hore iyana waxa ay odhan jireen “Matoi”.  Sidoo kale,  Soomaalidu waxa ay xilliyo kala duwan la ganacsan jirtay bulshooyin kale sida Masaaridii Hore, Carabta, Faarisiyiinta, Finiiqiyiinta, Giriigga, Hindida iyo Roomaanka.
Dhinaca kale, wax cad in Shiikh Isaxaaq uusan keligii imanin Maydh, bal se ay socdaalkiisii ku weheliyeen tiro ka mid ah xertiisii Ashraafta ahayd (oo la sheego in xitaa laba ka mid ahi kula geeriyoodeen Maydh).[10] Haddaba waxa is-weydiin mudan, haddii Shiikha durriyaddiisu ay maanta ka badan tahay hal milyan  iyo badh oo ruux, miyaanay, si la mid ah, ka bateen tirooyinka kale ee ka farcami lahaa kuwii la socday iyo bulshadii kale ee loogu yimid Maydh? Xaggee bey se mareen?

Qodobbo kale
Dood kale oo  mus-dambeedkeedu yahay muuqaalka qorqoran iyo hab-dhiska jidheed ee Soomaalida u gaarka ah ee ka duwan muuqa Afrikaanka kale, ee odhonaysa ‘Soomaalidu waa iska-dhal labada isir ee kala ah Carab iyo dad Afrikaan ah oo loogu yimid Geeska Bari ee Afrika’, waxa ka hor imanaysa (ama turunturro ku noqonaya) xogaha ka soo baxay degel-baadhis cusub oo dhowaan laga daah furay dhulka Somaliland, siiba Hargeysa iyo agagaarkeeda. Waxa soo baxay muuqaallo dad laga sameeyay dhagax oo da’dooda lagu hilaadin karo xilligii ay Masaaridii Hore dhulkeenna imin jirtay isla markaana ay la ganacsan jirtay dadkii Arlada Bunt. Muuqaalladaas waxa ay lee yihiin muuqa dadka Soomaaliyeed. Mid kasta oo ka mid ahna waxa lagu soo sooci karaa qof aynu ku garanayno suuqyada magaalooyinkeenna.  Baadhitaanka arrinkan dambe waxa uu ku soo baxay buug aan dhowaan qoray oo magaciisa la yidhaahdo “The Mystery of the Land of Punt Unravelled.’
Qodob kale oo isna la is-weydiin karo waxa uu yahay haddii  ninka baadhitaanka taariikhda Shiikha sameeyay ee kasoo socdaalay dalka Marooko oo magaciisa la yidhaahdo Sayid Maxamed Axmed Al-Qarbaani uu meelo badan oo dhulka Yamanta ah soo maray si uu u raad guro taarikkhda Shiikha, miyuu tahli waayay in uu Maydh iyo dariixa (meesha uu yaal) Shiikha soo booqdo – kol haddii isu socodka badda ee ka dhexeeyay Cadan iyo Maydh uu aad isugu dhow yahay una fududaa xilligaas (1912) oo labada xeeboodba uu Ingiriisku xukumayay?

Haddaba halkee meeshan looga socon doonaa?
Si arrinka iyo sirta ku gedaamin nolosha Shiikha loo shaac bixiyo, waxa habbon:
In la raadsho qoraalladii asalka ahaa ee lagu ururshay sooyaalka Shiikh Isaxaaq, laguna saleeyay buuggan aan gorfeeyay, ee uu soo tarjumay qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.
Kol haddii arrinka aan qoraalkan ku gorfaynayaa uu ammin dheer soo jiray, waxa habboon in la kaashado farsamada hiddde-sidka (DNA) si loo so af-jaro murankaas.  Maxaa yeelay, qof waa uu doorin karaa magaciisa iyo haybtiisa, ha yeeshe ma doorin karo hidde-sidkiisa (gene). Tusaale ahaan, tiro dad ah oo ka mid ah Isxaaqiyiinta dhulkeenna ayaa hidde-sidkooda la barbar dhigi lahaa Isxaaqiyiinta Yaman.


[1] Bogga 30aad
[2] Bogga 39aad
[3] Bogga 40aad
[4] Bogga 18aad
[5] Axmed Ibraahin Cawaale, Dirkii Sacmaallada, Bogga 50
[6] Al-Idriisi: Nushat-ul-Mushtaaq fi ixtiraaq Al-aafaaq. 1/48
[7] Yaaquut al-Xamaawi: Mucjam al Buldaan. 5/173
[8] Ibn Baduuda: Tuxfat a-Nadaar fii Qaraa’
ib al Amsaar 1/261
[9] The Periplus of the Erythrean Sea.
[10] Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Dubbeh), Tuxfat-al-Mushtaaq Li-Nasab a-Sayid Isxaaq, bogga 16aad

2 comments:

  1. Asalaama calaykum cawaale salaan kabacdi waxaa iiga muuqda qoraalkaagan in aad aad u akhrriday oo intii awoodaada ahayd aad rogrogtay jawaabta kuusoo baxday waxaan filayaa hadii aanfahmay faaladaadu aniga oo aragtidaada aad iyo aad u ixtiraamaya inaad sidaahira uun aad u khriday sababta aan sidaa kuu leeyahayna buugan intii aanu qoraagu gudo galin wuu u soo idanqaatay isaga oo soo mariyay ilaahay raali haka ahaade culumadii gayiga ee waliba xag sirta sida sheekh cumarqawdhan rd oo 2weeg ka hor xijaabtay daud yare rd iyo qaarkaloobadan oo dhamaantoodbba ah ilmo sayid isaxaaq rd culumadaasaa ogolaatay saxdayna walaalkayoow arinka sayidku wuxuu bilaw ilaa dhamaad ahaa mid sira aragtida daahirka ahna ka fog buugaa waxa ku qoran waa dhacdo xaqa daliilkayguna waa rijaalulaahigaa aan kor ku xusay.
    bal hada walaalkayoow bilawgii buugaa iyo siduu hindisuhu ku soobaxay dib ugu yara noqo..
    ma ihi nin kuu jawaabaya e qoraalkaygan gaabani waa sixid uun, sikastaba ha ahaatee waxaan kaa raaligalinayaa waxkasta oo aad diido guul alaa

    ReplyDelete
  2. Asalaama calaykum cawaale salaan kabacdi waxaa iiga muuqda qoraalkaagan in aad aad u akhrriday oo intii awoodaada ahayd aad rogrogtay jawaabta kuusoo baxday waxaan filayaa hadii aanfahmay faaladaadu aniga oo aragtidaada aad iyo aad u ixtiraamaya inaad sidaahira uun aad u khriday sababta aan sidaa kuu leeyahayna buugan intii aanu qoraagu gudo galin wuu u soo idanqaatay isaga oo soo mariyay ilaahay raali haka ahaade culumadii gayiga ee waliba xag sirta sida sheekh cumarqawdhan rd oo 2weeg ka hor xijaabtay daud yare rd iyo qaarkaloobadan oo dhamaantoodbba ah ilmo sayid isaxaaq rd culumadaasaa ogolaatay saxdayna walaalkayoow arinka sayidku wuxuu bilaw ilaa dhamaad ahaa mid sira aragtida daahirka ahna ka fog buugaa waxa ku qoran waa dhacdo xaqa daliilkayguna waa rijaalulaahigaa aan kor ku xusay.
    bal hada walaalkayoow bilawgii buugaa iyo siduu hindisuhu ku soobaxay dib ugu yara noqo..
    ma ihi nin kuu jawaabaya e qoraalkaygan gaabani waa sixid uun, sikastaba ha ahaatee waxaan kaa raaligalinayaa waxkasta oo aad diido guul alaa

    ReplyDelete