Wednesday 2 October 2013

Minnaaradahan u eg Sawaariikhdu maxay daaranyihiin?



Waxa qoray: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
La-yaab muu lahayn, nin caddaan  ah oo kal hore aannu  Madaarka Hargeysa kaga soo wada degnay, isla markaana soo wada raacnay gaadhi, in markii  baabuurkii aannu fuushanayn soo gaadhay figta tiirada ‘Shanta Maylka’ in muuqaalka Minnaaradaha tirada badan ee qaar badani dhisemyaasha Hargeysa ka mudh baxeen  ay ninkii xasuusiyaan Gacanka Kanaaferal (Cape Canaveral) ee Maraykanka ku yaal.  Meeshaasina waa goob ku caan ah  ganidda gantaallada ama sawaariikhda cirka sare loogu sahan tago.  Waxa ninkii  si xoog leh u soo jiitay dhismeyaasha minnaaradaha dhuubdhuuban ee la moodo midho sigaar ah ama qalin beensil caarada xururflay lagaga fiiqay – kuwaas oo beryahan dambe ku sii badanaya caasimadda. Weliba marka loo sii fiirsado, waxa xoojinaya isu ekaanshaha minnaaradaha iyo gantaallada aynu soo sheegnay qaybahooda meersan ee aan laga garan karin xubnaha Sayruuq kastaaba ka kooban yahay ee lagu kaydiyo shidaalka awoodda  u siiya in dayax-gamceedku  kor cirka ugu jiciirto, si looga gudbiyo soo jiidashada  awoodda garaafatiga.  Baahsanaanta  iyo qabatinka  dhiska jaadkan oo kale ahi waxa uu iila muuqdaa in uu  ka dhashay dhowr arrimood: a) Yamxeerid ama tashiilidda lacagta ku bixi karta oo yaraan karta kolba marka la yareeyo ama la dhuubo dhumucda minaaradda, iyo b) Iyada oo aan loo baahnayn in la hulo (dhexda laga dalooliyo) maxaa yeelay beryihii hore ee uusan jirin codbaahiyuhu, Mu’adinku waxa uu fuuli jiray dhakada ama figta minnaaradda si meel fog codkiisa looga maqlo. c) Dhaqanka curis-la’aaneed  ama iskaga dayashada indha-la’aaneed ee shaqaalaheenna dhisme oo toos u dheegta kolba wixii uu qof bilaabo. 

Ninkii caddaa  isaga oo indhahiisii si xiiso leh ula raacraacaya tirada badan ee minnaaradaha caasimadda ayaan ku qalin daaray erayo sidan u dhigan: “Annaga sawaariikhdayadu waa minnaaradaha. Yoolkayaguna waa raalli-gelinta Eebbeheenna iska leh arlooyinka iyo cirarka. Ma se aha, sidiinna oo kale, gaafwareegga cirka madhan iyo haybsashada xiddigaha ay ka mid yihiin Cir-jiidh iyo Maqala xidhxidha.   Miyaanad arakayn minnaaradaha waxa la moodaa durraamasho (duco) kor u baxaysa.  Haddii se ay noqon lahaayeen sawaariikh, culayska ay sidaan ma ay noqdeen qaar burbur iyo hoog kaga taga meesha ay abbaaraan (sida kuwiinna oo kale), waxa se ay ahaan lahaayeen qaar xambaarsan neecowda rumaynta (iimaanka), xasillooni iyo walaaltinnimo.”

Intaas markii aannu is dhaafsannay baa la soo gaadhay xilligii aanu kala tegi lahayn, maxaa yeelay waxa uu igaga hadhay hoykiraale (hudheel hurdo) ku yaal jidka u dhexeeya Madaarka iyo magaalada.

Dhacdadaas ka dib, waxa uu maankaygi dib isugu fireeyay wixii xogo ah ee aan  ka maqlay sooyaalka bulshada Islaamka – kor u kacoodii ama horumarkoodii  iyo hoos u dhacoodii.  Dhinaca kale, minnaaradahaas loo ekaysiiyay sawaariikhda, waxa aan is weydiiyay, ‘Toloow ma noqon karaa dareen falcelineed oo ka dhashay ummad la bahdilay, oo hadba hubka cusub ee dalalka Reer galbeedku soo saaraanba lagu tijaabinayo iyaga.’

Waxa  aan xusuustaydii dul joojiyay xilliyadii ay laambaddu u shidnayd caalamka Islaamka ee mararka qaarkood lagu tilmaamo “casrigii dahabiga ahaa” – taas oo  uu Islaamku kaalin hormoodnimo ah kaga jiray dhinacyada kala duwan ee aqoonta. Xilligaas oo ahaa ammintii u dhexaysay qarnigii 8aad ilaa 12aad oo caalamka Islaamka ay ka talinayeen Cabbaasiyiintu, isla markaana ay Muslimiintu xuddin u noqdeen sayniska, falsafadda, xiddiginta, daaweynta iyo waxbarashada.  Waxa ay Baqdaad ka qotomiyeen xarun lagu magacaabi jiray Gurigii Xigmadda (Bait-ul-Xigmah), halkaas oo culimo muslimiin ah iyo kuwo kaleba iska kaashadeen in  ay wixii aqoon ah ee heer caalami ah soo ururiyaan una haltebiyaan af Carabi.  Haddaba halkii ay soo gaadhsiiyeen uun kuma ay ekaysiin e waxa ay horumar ku sameeyeen aqoontaas ay ka heleen Roomaankii, Shiinaha, Hindida, Faarisiyiinta, Masaaridii Hore, Girigga, Biisantiin iyo Finiiqiyiintii.

Waxyaabaha dhaliyay sibibixashadii iyo hoos u dhacii bulshooyinkii Muslimiinta ahaa waxa ka mid ahaa: Weerarkii baahsanaa ee Tataarku ku soo qaadeen dhulka Islaamka,  xasuuqii ka dhacay iyo baab’intii xarumihii aqoonta ee ku oollaan jiray Baqdaad,  madaxdii Muslimiinta oo badidoodu noqotay qaar ka badin waayay raaxaysi, curis la’aan iyo ku dayasho indhala’.  Waxa kale oo meesha ka baxay fikirkii xorta ahaa iyo  isu dulqaadashadii.

La iskuma hayo in yoolka aadamuhu yahay lakulanka Eebbe (sarree oo korreeye) iyo in uu helo raalli-ahaanshihiisa. Taasina waxa ay u baahan tahay ramayn badhax la’ iyo camal wanaagsan. Ha yeeshee waxa muuqata in  camalkaas suubban lagu soo ururiyay uun cibaadooyin la faral yeelay, bal se la iska hilmaamay amaba aan la danaynin wax Alle wixii falliimooyin ah ee kale ee qofka ka yeelsiinayay in uu noqdo mid u qalma  in lagu sifeeyo dhalad (muwaadin) arlada la wadaaga abtirsin oo wanaaggeeda iyo joogtaynta kheyraadkeeda dabiiciga ah  wax kusoo kordhiya, kana midho dhaliya awoodaha ku duugan (qaar jidheed iyo qaar maskaxeed) ee makhaayahadaha,  mafrishyada iyo gidaarada lala fadhiyo.   Se ayaan darrada jirtaa waxa ay noqotay in dadyowga Muslimiinta ahi u badanyihiin  qaar ka madhan soosaaridda midhihii aqooneed ee lagu dhisi lahaa laguna tahayn lahaa nolosha arlada. Waxa ay noqdeen bulshooyin halabsada waxsoosaarka (qalab, farsamo, adeeg iyo fikrado) ay cid kale soo saartay (consumer society).   Waxana laga yaabaa in nafahooda saamayn weyn ku yeesheen xadiisyada Rasuulkeenna suubban (NNKHA) ee sheegaya qiimo la’aanta dunida, sida “Arladu waa shookiga/xabsiga Mu’minka, waana Jannada kaafirka”, iyo tusaalihii kale ee uu Rasuulku (NNKHA) bixiyay  ee uu dunida ku tilmaamay in ay ka liidato ‘neef bakhti ah oo weliba dhukan’. 

Waxa dadku aanay badiba  isu dheelli tirin baahida qofka mu’minka ahi u qabo in uu ku sifoobo ‘suhdi’ (adduunka oo laga saahido), dhinaca kalena uu  dadaal la mid ah  siiyo arrimaha adduunka. Silic maryaalka iyo saboolnimada barriinsatay bulshooyinka Islaamka ku abtirsada iyo horumar la’aanta ay dhex kuududaan kama baxsana qaar ka dhashay aragtida laga qaatay adduunka.
Xal-u-helidda dhibaatooyinkaasi waxa ay ugu horrayn u baahan yihiin aqoonsigooda ama in la garto. Waxa kale oo aynu u baahannahay in aqoonyahankeennu hoos u eegaan qaabka waxbarasho, barbaarineed iyo mas’uuliyad xambaarka facyowga soo koraya.  Wixii hadba iyaga la gashado ayuunbey noqdaan isla markaana soo ceshaan. ‘Geed kasta waxa lagu garanayaa midhihiisa. Waayo canab lagama guro geed qodax leh, midho berdena lagama goosto yamaarugga.’ Waxa sidoo kale mudan in daymo loo yeesho, wax-ka-qabadna lala beegsado  sidii loo daaweyn lahaa ‘xaalufka maskaxeed’ iyo  awoodaha innagu duugan ee la halleeyay. 

No comments:

Post a Comment