Tuesday 12 November 2013

Gorgaynta Buugga ”Sitaad”


W/q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”


Beryahan waxaa socda baraarug aqooneed oo lagu dabaqabanayo hiddaha, afka iyo taariikhda sii lumaya ee soomaalida. In kasta oo uu weli yar yahay talaxtagga ama takhasuska arrimahan loo lee yahay waxbarasho ahaan, haddana dadaal hagarla’aan ah oo ay dad niyad wanaagsani hawsha geliyeen baa midho wanaagsan dhalay. Afar buug oo masladaa ku saabsan oo aan dhowaanahan helay baa aragtidaa i geliyay. Buugaagtaa waxaa la ka la yidhahdaa: ”Taariikhda Afka iyo Dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed” Cabdalla Cumar Mansuur, ”Abtirsiinta Erayga Af-SoomaaligaCaliqeyr Maxamed Nuur”,Dirkii Sacmaallada” Axmed Ibraahin Cawaale, iyo kan cusub Sitaad: Is-dareen Gelinta Diineed ee Dumarka SoomaaliyeedAxmed Ibraahin Cawaale.

Axmed Ibraahin Cawaale buuggan ”Sitaad” iyo kiisii hore ee ”Dirkii Sacmaallada” labadaba waxa uu ka soo carraabiyay oo si wacan uga soo hooyay hilinka taariikhda iyo hiddaha, waxaana laga helayaa aqoon baaxad leh. Labada buugba wax ay isku dayayaan in ay soo nooleeyaan hidde iyo af soomaali dhintay ama sii dhimanaya, iyo fikirkii iyo ilbaxnimadii bulsheed ee halkaa ku jiray. Afartankii sano ee af soomaaligu qornaa wax badan baa hawlahan laga qaban lahaa, waa tii se qalabarogashada lagu lumay. Imika ayaad mooddaa in waallidii laga soo miiraabayo oo xilkaa lagu hambaabbaray. Isbeddelkaa bulsheed ee wanaagsan baa qoraalladan dhalay.



Taariikhda, hiddaha iyo af soomaaliga marka la baadhayo kun waddo ayaa laga abbaari karaa. Buuggan ”Sitaad” haddaba waa baadhitaan toolmoon oo qoraagu ku dabaqabanayo dhaqan qurux badan oo haweenka soomaaliyeed boqollaal sano soo dhisayeen, kuna fidsan idil ahaan daafaha bulshada soomaalida iyo dhulkeeda. Sitaadka, oo marar kalena loo yaqaan Axadaysi, Xaawo-iyo-Faadumo, Abbaay-Siti iyo Abbaay-Abbaay, waa duni barwaaqaysan, bulshaysan, nafsiyad wanaagsan, diin iyo Alle ka cabsi ka buuxda, taas oo suugaan, murti iyo ciyaar lagu dhiso. Waa gole khayr leh oo ujeedkiisa oo dhami yahay in Eebbe lagu weyneeyo oo diinta la isugu sheego, wanaag la isku faro, baahanaha lagu caawiyo oo lagu ducaysto. Waa dhaqan soomaaliyeed oo dumarka gooni u ah.

Qiimiga weyn ee golaha Sitaadku nolosha bulshada u lahaa sidan ayuu qoraaga buuggu u qeexay:

Sitaadku waxa uu suurto geliyaa in qofka dumar ahi ay madasha kala tagto xasillooni, yididiilo iyo in ay si fiican ula jaan qaaddo (isna oggolaysiiso) saansaanka ku xeeran, isla markaana ay ka hesho tamar iyo firfircooni ay ugu babac dhigi karto dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ka hor iman doona. Sitaadku waxa uu u ahaa Carruurta maalin ciideed oo kale, socotadana meel ay kaga haqab beelaan harraadka iyo gaajada. /…/ Waxa ay [se] ka dhigtaan madal ay ugu laab qaboojiyaan kuwa iyaga ka mid ah ee ay haleeshay ama la deristay ayaan-darro; waxa ay ugu gargaaraan kuwooda buka iyo kuwa saboolka ah. Waxa ay isku faraan iskuna waaniyaan wanaagga, waxana ay iskaga digaan xumaanta (buugga, 11-12).

Mar kale sidan ayuu u tilmaamay waxtarka nafsiyadeed iyo bulsheed ee Sitaadka:

Sitaadku waxa uu ahaa/welina yahay madal ay dumarku isku tabantaabiyaan, isku taakuleeyaan, ku nafisaan, ugu laab qaboojiyaan kuwa iyaga ka midka ah ee ay haleeshay ama la deristay ayaan-darro, uguna gargaaraan kuwooda buka iyo kuwa saboolka ah. Waxa ay isku faraan iskuna waaniyaan wanaagga, waxana ay iskaga digaan xumaanta.

Meerisyadan soo socda ee golaha Sitaadka laga tiriyo ayaa faallada kore markhaati u ah:

Kuwii kici waayay kaalmeeya baa la yidhi
Waa is-dhaantaane isu dhiiba baa la yidhi
Kuwii goolmoon u garaaba baa la yidhi
Middii dhali wayday u dhabreeya baa la yidhi
Middii gambo wayday gobol siiya baa la yidhi (buugga, 29).

Meerisyadan kale wax ay ka mid yihiin siyaalaha haweenku diinta isugu wacdiyi jireen, iyo sida ay isla markaa dhambaalkaa uga jawaabayeen:

Xasuuslaawoyinow Xaawi waxaydin tidhi:
Ma ka soo xaadirteen deriska xamashadiis?
Ma ka soo xaadirteen seyga xamashadiis?
Ma ka soo xaadirteen xan iyo beenawaas?
Ma ka soo xaadirteen xaydho dedashadii?
Ma ka soo xaadirteen xumo dhammaanahood?
Waan ka soo xaadirnoo waxaannu nahay xalaal
Alla ka soo xaadirnoo waxaannu nahay xariir (Buugga, 72).

Sida qoraagu xusayo haweenka soomaaliyeed, iyo guud ahaan dumarka dunida, fursaddooda barashada diintu waa ay yarayd kolka la dhinac dhigo ragga. Waayo haweenku weligood iyo meel walba wax ay hoos yaalleen dulmiga isla weynida ragga iyo cadaadiskooda. Iyada oo ay sidaa ahayd intii itaalkood ah wax ay ku jireen dadaal ay diintooda ku baranayaan, wax ayna qabsan jireen kulanno ay aqoontaa isugu gudbiyaan. Kolba toodii diinta wax ka taqaan baa abaabulka hawshaa hormuud ka ahayd. Gabadhaa fariidda ah oo la yidhaahdo Sheekhad ama Qaliifad u fiirso sida ay golaha Sitaadka ugu laqbanayso qiimiga Bisinku u lee yahay qofka Ilaahay rumaysan: 

Bisinku waa afka buulkiyo carrabka baalashiis
Wax la bartoon bisin lahayni barako yeelan waa
Badaha waa lagu maraa biyaha waa lagu cabbaa
Beerta waa lagu falaa oo beydka lagu galaa
Bisin Allow maalintii la baqo adigu noo bayaan
Baadi noqon maynno oo bisin baa horteenna yaal
Bisin Allow baraka qabe beloo dhan naga xijaab
Bisin Allow burde na saar Allow belada naga xijaab
Wax la bireeyo  oon bisin lahayn waa baqtoo la jiid
Bisin allow Baraka qabe Allow nagu badbaado yeel
Bisinka Yaasiinka Nebi Maxammed barakadiis (buugga, 36-37).

Anigu berigii aan carruurta ahaa, gobolka Hawd, wax aan arki jiray dumar aad u badan oo maalmaha qaar isugu soo urura geed weyn oo hadhac ah, dabadeed cunto ka la jaad jaad ah halkaa ku diyaariyay. Cid wal oo maalintaa meesha timaadda ama socod ku martaa cuntadaa waa ay ka haqab beeli jirtay. Haweenka iyo carruurta ayaa golahaa iman jiray, laakiin waa ay dhici jirtay haddii nin ama rag socoto ah la arko in ay dumarku si walba isugu dayaan in raashinkaa ku sooraan. Haweenka goobta jooga intooda adeegaysa mooyee inta kale wax ay fadhi iyo sarajoogba ku xoonsanaan jireen meesha ay sheekhaddu fadhido, taas oo durbaan kaga daryaaminaysa, isla markaa luuq qurux iyo qiiro leh ku qaadaysa qasiidooyin af soomaali iyo carabiba ah. Haweenka kalena si macaan ayay ugu jiibin jireen iyaga oo laxanka durbaanka ku ladhaya sacab kulul, waxyaalahaas oo marka ay isku wada dhacaan qofka maqla dareenkiisa samada u la baxa. Kolkaa dumarka shucuurtooda wax aan ka arki jiray farxad, rayn rayn, caafimaad, naxariis iyo gacaltooyo aan soohdin lahayn. Gabadh kasta oo goobta joogtaa wax ay isku dayi jirtay in ay samayso wanaagga ugu badan ee suurtagal ah, sidaa darteed jawiga oo dhami waxa uu noqon jiray khayr durduraya. Wax ay ahayd xaalad aad uga xamaasad iyo ruuxaaniyad badan madasha la midka ah ee raggu ku xadreeyo, ku shallaado ama ku digriyo.
Dhaqankaa quruxda iyo caafimaadka badan soddoneeyadii sano ee la soo dhaafay dhaawac weyn baa gaadhay, sidii dhaawacu u gaadhay guud ahaanba dhaqanka soomaalida. Sidan ayuu qoraaga fadqalalladaa dhacday u arkaa:

Ka sokow saamayntii dagaalladii dalka ka qarxay 1980-aadkii, waxa burburka dhisme kaga sii darnaa weerarradii fikir ee ka aloosmay faafitaankii ururrada diineed ee gadaal kasoo baxay – kuwaas oo abuuray fikir bulsho oo aan soo dhoweynin Sitaadka, kuna tilmaamay in uu koobsanayo waxyaabo aan diinta ku bannaanayn…waxa la arkaa in Sitaadku weli ku xooggan yahay, kana badbaaday ‘sunaamida’ fikir ee magaalooyinka sida xooggan u saameeyay (buugga, 55).

Iyada oo Sitaadku yahay dhaqan Islaam oo soocan, ujeedkiisa iyo eraydiisa oo dhamina halkaa ku salaysan yihiin, haddana sida uu qoraagu qabo xididdadiisu wax ay ku aroorsan yihiin hiddihii fogaa ee soomaalida. Haddaba marka ay joogto baadhista iyo barashada hiddaha halkan iyo mar walba waxaa la innooga baahan yahay bisayl maskaxeed iyo aqooneed. Taasi wax ay tahay in aynnu is garansiinno isirka soomaalidu in uu aad u fac weyn yahay, intii uu soo jirayna marxalado badan buu soo maray oo leh fikir, diimo iyo dhaqammo midba mid dooriyay. Tusaale ahaan waxaa la isla qirsan yahay shiicannimada soomaalidu in ay soo dhowaatay. Ilaa casriyadii fircoonnada iyo ka sii hor ayaa jiritaanka afka iyo dhaqanka soomaaliyeed dib loogu celiyaa. Sidaa darteed wax wal oo nolol hore ka soo hadhay barashadooda iyo ilaalintoodu waxa ay lee dahay qiimi iyo waxtar dhinacyo badan leh: af ahaan, taariikh ahaan iyo nafsiyad-bulsheed ahaan. Eray wal oo af soomaali ahi, tusaale ahaan, wax uu inna bari karaa duni dhimatay oo la soo maray.

Maahmaahyada, maansooyinka, odhaahyada, magacyada, alaabadii hore… wax aynnu ka baran karno ayaa jira. Tusaale ahaan ”tukasho” waa eray dib ugu noqonaya afkii diineed ee Islaamka ka horreeyay, wax aana lagu baadhi karaa diintii hore waxa ay ahayd iyo sida loogu dhaqmi jiray. Tusaale ahaan maxaa ka dhexeeya shimbirka tukaha iyo tukashada? Maxaa ka dhexeeya magaca aynnu Eebbe u naqaan ama u aqoon jirnay ee Waaq iyo dhawaaqa shimbirkaa madow ee aynnu maanta kolka uu dhawaaqo sharaysanno kuna afjugno ”waaq lagaa sii!”? Waxaa jira qaab deggan oo marmar tukuhu u dhawaaqo, markaas oo aan carruurnimadii arki jiray iyada oo dadku sidii qof warramaya uga koobinayaan. Wegerka, hangoolka, geedka laga saaciidaysto ee mukayga/damalka, taraaraha ama madaxshubka haweenka uurka lihi samaystaan, dhaarta dhaqanka qaarkeed, intaas iyo in kale oo aad u badan baa maanta warar taariikheed laga keenay. Sidaas baa dad lagu yahay sooyaalka iyo siiyaalkuna weligood isugu tallaalan yihiin, haddii aan la isku hayn waayana waxaa la noqonayaa sidii ilmo la helay oo aan wax dhalay la garanayn, markaas oo ay fududdaanayso in ay cid kale teeda ku gashato.

Hiddaha fog ee qoraagu ku aroorinayo taariikhaynta dhaqanka Sitaadka waxaa loo soconayaa ilaa xilli Islaamka ka horreeyay. Taasi wax ay ka muuqanaysaa erayo gaboobay oo ku sii hadhay maansooyinka Sitaadka. Xogta Sitaadka ku saabsan ee aan buuggan ku arkay waxaa iigu xiiso badan qisada la yidhaahdo ”Sange Baxarka” taas oo maskaxda akhristaha aad u dhaqdhaqaajinaysa. Waa maxay haddaba ”Sange Baxar”? Sange maanta badanaa wax aynnu u naqaan faraska lab, waxaa se kale oo loo yaqaannay dibiga weyn. Waa run sida qoraagani ina xusuusiyay lo’du dadkeennii hore in ay ugu jirtay meel ka weyn halka uu geelu ugu jiray dadkeennii dambe (geelu sidiisaba inta uu Geeska Afrika joogaa ka ma badna 2000 sano). Farshaxanka ku xardhan bohosha Laas Geel iyo waxyaalo la mid ah ayaa sugay arrintan.
Haddaba ”Sange Baxarka” ama Dibiga Weyn ee buuggu innooga sheekaynayo qisadiisu wax ay ka bilaabmaysaa meerisyo ab ka soo gaadh ah oo Sitaadka ku jira. Waa tuduca odhanaya:

Arooskii Aasiyiyo ururkii Maxamed-Sharaf
Ilaahow Sange Baxarka beerkiisa hayga qadin
Kuwa qalee qaybiyee ka qada ha iga dhigin (buugga, 80)

Meerisyadaa nuxurkooda cabbaar ayuu qoraagu falanqaynayaa, faalladiisana waxaa ka mid ah:

Haddaba Sanga Baxarka ku xusan meeriskan sare waxa ay dumarka Sitaadku ku asteeyeen dibiga arlooyinku dul saaran yihiin geesihiisa (mararka qaarna waxa ay yidhaahdaan gees keliya buu ku hayaa!) Waxa kale oo ay rumaysnaayeen maalinta dhulkan la rujinayo ee Qiyaamuhu dhacayo, in dibigu geeskii uu dhulka ku hayey uun ka hoos saarayo, dabadeed dhulku waa uu dayaamayaa oo waa la duubayaa. Dabadeed Sanga Baxarkii maalintaas baa la qalayaa – illeyn howshiisii wuu gutay e! Dabadeedna waxa ay yidhaahdaan dumarkii Muuminaadka ahaa ee Xaawiyo-Faadumada garaacan jiray, ee Nebiga (NNKHA) xusi jiray waxa la siinayaa oo lagu abaalinayaa Sange Baxarkii la gawracay beerkiisa. Ha yeeshee kuwii kele (ee aan tuman jirin Sitaadka) inta lagaga shaqaysiiyo oo la yidhaahdo qala, oo ay ku howshoodaan, oo haddana la yidhaahdo qaybiya, ayaa haddana laga qadinayaa (buugga, 82).

Qiso kale oo buuggu soo qaaday waa ta ku saabsan hinaasaha la sheego in uu ka dhex dhacay Aadan iyo Xaawa. Taasina waa Sheyddaanka oo si uu labadaa qof isugu diro Xaawa biyo dul geeyay, dabadeed hummaageedii biyaha uga dhex muuqday ugu sheegay naag kale oo Aadan iyada la guursaday. Qisadaasi Diinta Islaamka ka mid ma aha, wax ay se ku jirtaa qaar ka mid ah diimaha kale ee Bariga Dhexe. Haddaba sida ay taasi Sitaadka soomaalida ku soo gashay waa qulqulka ama sunsunka dabiiciga ah ee fikirka iyo dhaqanka bulshooyinka weligood ka dhex socday. Waa kuwan meerisyo Sitaadku dhagartaa sheyddaanka ku hiifayaa:

Musbaar lagu joojiyow, musbaar lagu joojiyow
Maalintii Xaawa iyo Aadan la isku xidhay
Xilkeeda la saarayee xilaha looga dhigay
Xareed intuu geeyay buu Xaawa laba ka dhigay
Xanaaqay qaadday bay Aadan kala xidhmeen (buugga, 33)

Wax aan se qoraaga ku baraarujin lahaa xigashada masaladaa kore ku saabsan oo uu raadraac uga dhigay John Milton, gabyaaga Ingiriis ah oo noolaa qarnigii 17-aad, waxaa ka habboon kana dhow in kutubta ay ku qoran tahay loo celiyo.

Ugu dambayn, iyada oo bulshooyinka hayaanka noloshoodu heerar taariikheed maro, marxalad walibana lee dahay garashadeeda iyo dhaqankeeda, ummad walba isku xidhka nololaheedii ka la dambeeyay waa nafaqaynta iyo xoojinta teeda markaa iyo tayaynta ama qurxinta nafsiyaddeeda. Taa beddelkeeda in hiddaha xididka loo siibo waxaa laga qaadaa saboolnimo aqooneed iyo mid nafsiyadeed. Sidaa darteed marka aynnu u dan lee nahay barashada iyo ilaalinta hiddaha ma jiraan wax kale oo ay tahay in lagu qiimeeyaa, waayo waa wax isagu sidiisa qiimi u leh. Dhaqanka Sitaadka ee mar walba sidan soo socota diintiisa Islaamka uga turjamayaana taageerid iyo xoojin mooyee nicid ma leh. Wax uu yidhi Sitaadku:

Meel camalkaaga mooyee an cid kale fadhiyin
Meel midigtaada mooyee aan miciin lahayn
Meel qoys la sheegto iyo aan qaraabo jirin
Meel aan geel laga godlayn adhina loo gelayn
Meel geed la hadhsadiyo an gal biyood lahayn (buugga, 61)

Iyo haddana:

Qalbiga bani-aadan ma qar baa sow ma qoyo
Qabraa lagu riday kuwaan la qosli jiray dorraad
Maxaa Qalbiga bani-aadan qalin lagula meerayaa
Maxaa labadeenna garab gaadhka laga hayaa

FIIRO! Meerisyada maanseed ee aan halkan ku soo qaatay waan xushay si aan dan ugu la baxo, tifatirkoodana waan farafareeyay.

Xogta buugga:
Ciwaanka: Sitaad: Is-dareen Gelinta Diineed ee Dumarka Soomaaliyeed
Qoraaga: Ahmed Ibrahim Awale.
Soosaarid: Liibaan Publishers, Denmark, Copenhagen
Tirada bog: 117
Sannadka: 2013
Halkan ka raadi:


Ama
http://www.amazon.com/Sitaad-Is-dareen-Gelinta-Diineed-Soomaaliyeed/dp/8799520818#reader_8799520818



 

No comments:

Post a Comment