Thursday 2 January 2014

Qofka Geed Beeraa, Rajo ayuu Beeraa

W/q Ahmed Ibraahin Cawaale
(Waa qoraal ku soo baxay buugga  Qaylo dhaan Deegaan - 2010)

Haddii Saacaddu (Maalinta Qiyaame) ay timaaddo, oo mid idinka mid ahi ku hayo gacantiisa geed-abqaal; oo uu ogsoon yahay in uu beeri karo inta aanay dhicin ama iman Saacadda Qiyaamuhu, ha beero, waayo sidaas abaal-marinbaa ugu jirta.”
______ Xadhiith Nabawi ah


Waxa laga hayaa Lucy Larcom oo ahayd gabayaa, macallimad iyo tafatirad Maraykan ah oo nooleyd qarnigii 1800aad maahmaahdan: “Qofka Geed Beeraa, Rajo ayuu Beeraa”. Maahmaahdan ayaan is-dul-taagay, waxanaan garwaaqsaday murtida weyn ee ay xambaarsan tahay.  Geed-beeristu qofka waxa ay si maldahan  ugu xidhaa mustaqbal dhow iyo mid dheerba waxaanay tahay wax-qabad abaal-marin weyn oo la hubo leh.

Xadiith laga soo weriyey Nebigeenna Suubban (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee - NNKHA) ayaa sidan u dhigan: Ma jiro mid ka mid ah Rumeeyeyaasha (Mu’miniinta) oo geed beera, ama iniin beera, oo ay ka dibna (wixii kasoo baxay)  cunaan shimbir, ama qof, ama xayawaan, oo aan falkaas loo aqoonsanaanayn bixin same-fal (oo abaal-marin weyni ku jirto). {Al-Bukhari, III:513}.

                                             

Qofka geed beeraya waxa uu sidoo kale naftiisa ku beeraa kaad-kaadshiiyo (samir) iyada oo xilli dheeri u dhexayn karo beeristiisa iyo taabba-galnimadiisa. Marka uu qof go’aansado inuu geed beero, wuxuu ogsoonaan doonaa inuu wax-sii-dhigasho (keyd) samaysanaayo, taasoo la barbar dhigi karo adoogyadu (waalidiintu) danta ay ka leeyihiin caruurtooda yaryar: Dantaas oo ah inay tabantaabo iyo daryeel ubadkooda ka helaan marka ay duqoobaan. Adoogyadu, markaa, waxay hubiyaan ama sugitaan ku sameeyaan in ay daboolaan (ku fillaadaan) baahiyaha jidheed, nafeed iyo tan ruuxeed ee ubadkooda.


Sidii ilme (wiil ama gabadh) wanaagsan oo kale, geedkuna marnaba ma noqdo abaal-ka-dare (abaal-laawe). Tani waxay i xasuusinaysaa hadal uu igu yidhi oday bar-laawe ah oo kasoo bara-kacay dhulka webiyada koonfurta Soomaaliya – kaas oo aan Hargeysa kula kulmay. Waxa soo bara-kiciyey oo beertiisii ka soo eryey dagaallada sokeeye. Wuxuu yidhi: “Geed cambe ah oo 50 gu’ jiray ayaan anigu cid walba kaga kalsoonaa ka hor intaan la iga soo mijo-xaabin meeshaas. Haddii aad ilmo koriso, laga yaabaa inuu kaa dhaqaajiyo (kaa tago), balse geedka cambe lafka ah ee aad beertaa wuu kula joogi. Waan hoos jiifsan jiray, oo sugi jiri ama dhowri jiray midhihiisa igu soo dul dhaca oon tiigsan jiray, cunina jiray”.

Waa sidaas e ! beerista geed waxay u dhigantaa yidhidiido la beeraayo oo kale. Xilligii 1991-kii, aniga oo kasoo laabtay xero-qaxooti ku taal bariga Itoobiya, magaalada Hargeysa oo ahayd meel dagaalkii si xun u burburiyey, waxaad moodaysay inay quruumo aan la arkayni degganaayeen. Marka aad eegto guryaha burbursan, ee daaqada, irridaha iyo dedka la’ waxaad moodaysay sidii gashaanti la qaawiyey, la bah-dilay lana kufsaday. Waxaan dhex socon jiray dhismeyaasha burbursan anigoo xambaarsan wadne tiiraaneysan. Deeto maalin maalmaha ka mid ah, sidii aan u socday, ayuun baan  isha ku dhuftay geed-ubaxeedka loo yaqaanno boungavillea oo si qab-weyni ku jirto ka dhex muuqda guri burbursan. Ubaxiisii guduudka ahaa  wuxuu iila muuqday inuu la jaan-qaadsan yahay dilkii iyo dhiig-baxii ballaadhnaa ee magaalada ka dhacay.  Farriinta uu geed-ubaxeedkaasi gudbinaayay waxay ahayd mid cad oo la garan ogyahay. Wuxuu ahaa muuqaal maanka ii dejiyey oo baroor diiq xambaarsan, maalintaas oo dhanna waxa i gashay firfircooni iyo yididiilo hore leh.  Waayaha adag waxa daba cidhbin doona fudeyd. “ Inna macal cusri yusran”[1]. Hargeysa iyo dadkeeduba wey guuleysan! Laga bilaabo maalintaas aniga iyo geed-ubaxeedka boungavillea xidhiidh soke ama hoose, oo aanan erayo ku sharraxi karin, ayaa na dhex maray.

Gebogebo: Waxaan ammaan u hayaa bulshada magaalada Gebilay oo dhir-beerista micne kale u sameeyey. Waxa la sheegaa in lammaanihii kasta ee Gebilay isku guursadaaba ay iskood isu diraan in ay geed ku beeraan jidka u dhexeeya Gebilay iyo Arabsiyo. Sidaas daraadeedna waxa ay sugeen (xaqiijiyeen) xidhiidhka ka dhexeeya dhir-beerista iyo ubad-beerista.

No comments:

Post a Comment