Thursday 31 July 2014

Buuraha Naasa Hablood Badbaado ayay u Baahan Yihiin

Buuraha Naasa Hablood Badbaado ayay u Baahan Yihiin
W/q  Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com


Buuraha Naasa Hablood ee ku yaal cidhifka bari ee Hargeysa ayaa ah astaan dhuleed lagu tilmaansado magaaladaas.  Magaca ay xambaarsan yihiin labada buurood ayaa ah mid dubaaqa qofka ku xadanteeya dareenno kala duwan  sida xiise kagacal, madadaalo, seenyaale tibaaxaya taran aadame, iyo mid ka mid ah astaan quruxeedka inan gashaanti ah.  Sidoo kale, muuqaalkooda il qabatinka leh, isla markaana dareenka qofka kor u qaadaya ayaa ka dhigay in heesaa badani ku hal qabsadaan.

Haddaba iyada oo u jiro u hilowgaas ballaadhani ayaa haddana ay goobtaasi tahay meel dad badan oo reer Hargeysa ahi ka muujiyaan dareen cabsiyeed, tii oo meeshaas loo tiiriyo in ay tahay xarun jin. Waxana arrinta ka markhaati kacaya, haddii qof loo maleeyo in la durreeyay  oo la waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, goobta ugu horraysa ee laga raadshaa waa buuraha Naasa Hablood.  Keliya marka la hubiyo in aan meeshaas laga helin ayaa dhulal kale laga baadi goobaa.
             
Taariikh aaan, xidhiidhadii qotada dheeraa ee ka dhexeeyay Arladii Bunt, oo dad badani isla qirsan yihiin in uu ahaan jiray carriga Soomaaliyeed, iyo Masarta hore, iyo weliba isu ekaanshaha dhisemeyaasha Ahraamta Masar iyo buuraha Naasa Hablood, ayaa dadka qaar waxa ay qabaan in buurahaasi samays yihiin.  Aqoonyahan taariikhda Faraaciinta ku xeel dheeraa oo arrintan wax ka qoray, magaciisana la odhon jiray Maxamed Xuseen Caabbi (AHUN) ayaa ka mid aha dadka qabay in buurahani samays yihiin.
Isla qodobkan sare, oo aan anigu ba wax ka qoray, waxa aan baadhistaydii ku soo ururiyay buugga The Mystery of the Land of Punt Unravelled, waxana iiga soo dhex baxay arrimahan:
·         Marka loo kuur galo raadad ama aathaar hor leh oo labadii gu’ ee u dambeeyay laga soo saaray dooxada Hargeysa iyo agagaarkeeda, iyo meelo kale oo u badan dhulka buuraleyda Golis – kuwaas oo isu ekaansho weyni ka dhexeeyo muuqa alaabooyin badan oo dhagax laga qoray, far qorallo, qaab xabaaleedkii dadkii hore iwm, iyo weliba runta ah in Masaaridii hore u yaqaanneen Arladii Bunt dhulkii ay ka soo jeedeen awoowyaashood, waxa la odhon karaa in ilbaxnimadii Arladii Bunt ka jiri jirtay ay hordhac u ahayd tii Masaaridii Hore.
·         Si ay Masaaridii Hore (Soomaalidii Hore) aaney Arlada Bunt xasuustooda uga sal guurin, waa kuwa Ahraamtoodii u ekaysiiyay buuraha Naasa Hablood.

Ilaa haatadan, ma jiraan wax degel baadhis ah oo lagu sameeyay buuraha Naasa Hablood iyo goobo kale oo ka mid ah dalka, ha yeeshee waxa jira xogo isa soo taraya oo tibaaxaya taariikh hodan ah oo uu dhulkani lee yahay. 

Haatan iyo dan:  Quruxda dabiiciga ah ee buuraha Naasa Hablood, hadhaaga taariikheed ee la fili karo in uu ku duugan yahay goobtaas, iyo xiisaha dalxiis, intooduba waxa ay hoosta ka xarriiqayaan baahdi loo qabo in buurahaas loo aqoonsado goob  taariikheed (heritage site).  Waxana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo buurahaas oo ay ka mid yihiin:
1.      In la qaydo soohdinta ay ku fadhiyaan buurahaasi oo ahaadaan goobo ka caaggan jagojagaysi iyo dhismeyaasha ku sii durkaya.
2.      In la  joojiyo dhagaxa dhisme ee iska rogooyinku ka soo guraan goobtaas.
3.      In goobtaas laga ilaaliyo goynta dhirta oo awel beel teel ku ahayd.
4.      In la qaado tabihii lagu dhaqan gelin lahaa qodobbadan kor ku xusan.

 Xusuus: Halkan ka dhugo buugga The Mystery of the land of Punt Unravelled

http://www.amazon.com/The-Mystery-Land-Punt-Unravelled/dp/8799520826/ref=sr_1_1?ie=UTF8&qid=1406817369&sr=8-1&keywords=The+mystery+of+the+land+of+punt


1 comment:

  1. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete