Sunday 5 July 2015

Mooye-sixa aynnu cabnaa intee in le’eg bey saxar la’ yihiin?

W/Q:  Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Waxa la sheegayaa in ay hadda dalka soo galeen biyo-sixe laga keenay Itoobiya.  Dadka daneeya koboca dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka gudaha ayaa qaarkood diidmo ka muujiyeen.  Waa arrin fiican in dhiirri-gelin la siiyo wershadaha gudaha, maxaa wacay, lacag adag oo bixi lahayd ayay baajinayaan, dadna shaqo-abuur bey u tahay.   Se, anigu  qof-ahaan,  wax badan baan is-weyddiiyaa, intee in le’eg ayay yihiin mooye-sixaha aynnu cabnaa qaar la jaan qaadsan heerka tayo ama caafimaad ee adduunweynuhu u dejiyay?  Miyaanay se dhibaato ahayn in qofkii u iibsanayay mooye-sixo ahaan in ay noqon karaan qaar halis caafimaad ku keeni kara?

Adduunweynaha, si xilliyeysan ayaa loo baadhaa tayada mooye-sixaha.   Si ay dhiirrigelin ugu noqoto cidda ugu wax-soo-saar wanaagsan waa la abaaliyaa.   Cidda soo saarta biyo tayadoodu ka hooseyso heerkii loogu talo galayna waxa la siiyaa tilmaamo iyo digniino; qaarkooda ganaax baa la saaraa ama mararka qaar albaabada ayaa loo xidhaa wershadahooda.  Maxaa yeelay CAAFIMAADKA BULSHADA AYAA MACAASHKA KA HORREEYA.
Innagu ma lihin agaasin ku saabsan dhawrista tayada biyaha oo inta badan  la hoos geeyo  ‘komishanka ilaalinta badbaadada cunnada iyo dawooyinka’ (food safety and drugs commission) – kaas oo ku qalabaysan qalab iyo farsamoyaqaanno.   Waxana uu agaasinkaas oo kale si kedis ah u baadhaa warshadaha mooye-sixaha soo saara.   Muunado ayaa laga soo qaadaa, waxana la geeyaa shaybaadh.  Waxana lagu kala asteeyaa dhowr jaranjaro:  Biyo saxar la’, biyo aan ku habboonayn in la cabbo iyo  biyo ka hooseeya heerkii loo dhigay (se aan dhibaato weyn lahayn).     Waxyaabaha loo fiiro yeesho waxa ka mid ah “heerka pH”  (pH level) oo ah hilaadinta naqaska Haydroogiin ee ku jira biyaha oo loo baahan yahay in aanu ka yaraanin 6.5-8.5 pH.
Dalkeenna ugu yaraan 15kii gu’ ee u dambeeyay waxa ka hana-qaaday tobaneeyo shirkadood oo mooye-sixaha soo saara.   Hase yeeshee, ayaan-darrada jirtaa waxa ay tahay inaanay jirin cid uba aragta in dhibaato halkaas ka iman karto.   Sidaas daraaddeed, waxa habboon in la dhiso agaasinkii tayada biyaha lagu iibiyo magaca mooye-sixe – kaas oo la hoos gayn karo Wakaaladda Biyaha ama Agaasinka Tayo-dhawrka.
Inta aan la gaadhin yoolkaas,  goor walba waa jiraya dareen cabsiyeed oo uu qofka macmiilka  ahi ka qabi karo biyaha uu ku cabbayo magaca mooye-sixe.  Waxana ay arrintaasi gacan siin kartaa in uu macmiilku u iisho in uu iibsado mooye-sixe meel kale laga keenay.

2 comments:

  1. intii aan ku guda jiray buugayga Qalin jabinta ee sanadkan "Thesis " waxaan qaatay Mawduuc aad ula xidhiidha oo ah " Biyaha Dikhaysan iyo saamaynta Caafimaadka Bulshadda " runtii waxa iiga baxay mawduucan arimo badan ... guud ahaanba sidaad sheegtay ma lihin meel tayadda biyaha lagu baadho ama lagu qiimeeyo lkn Wasaaradda biyaha qaran ka u qaabilsani waxay leedahay Hanaan ama Guidline ay u samaysay in la raaco walow hadana aanay cidna ku qasbi ....... waxyaabaha aan ogaaday waxa ka mida ,,,,, in Warqada yar ee Caagadaha biyaha dusha kaga dhagsan ee sheegaysa inta Macdanood ee biyahaa ku jira iyo inta boqolkiiba ay ka yihiin lagu soo sameeyo Wadamadda Carabta ...... sidaas oo ay tahayna waxa halkaas ka cad in ayna wasaaradu waxba ka ogayn Maadaama warshaddaha wadanka ka jiraa ay meelahaas waxooga ku soo dhamaystaan ....... waxaan is waydiiyey oo macdanahan halkan ku qoran dee ma sidii xaashidii ayaa Copy laga soo odhanayaa shirkado kale oo aduunka ah mise tolow Guidline kii wasaaradda ayaa la raacaaa ... runtii waxa jira in aan la raacin kaasna ... Markaa horta iyadu halkaa waxa ku dhimatay wixii la odhan jiray tayadda biyaha ,,,,, Hadii hadaba aynu u soo noqono biyaha sidoo loo ogaadaa in ay nadiif yhiin ,,,,, guud ahaan sida Macquul ka ah biyaha sadex meelood ayaaa laga ogaadaa oo ah in ay sadexdaasiba tayadoodu noqoto mid ku haboon heerkii cabitaanka ,, 1. dhinac duleed " Physical 2. Dhinca Kimikeed " Chemical Prameters iyo dhinaca Biologyga ee nolosha xayawaanada biyaha ku dhalan kara ama ku noolaan kara oo laga saarayo sida Bacteria da ...... anigu wxaan is leeyahay nimankan warshaddaha badan Wadanka ka furtay waxay u dhaw yihiin in ay biyaha Ceelasha uun inoo dhaamiyaan hadii ay shiilaana waxaabay u dhow yihiin in ay kawada saareen wax alaale wixii macdan aynu uga baahnayn ..... in sha allah waxaan dhaweaan soo bandhigidoonaa mawduucayga oo Muuqaal ah si waaqica jira loo ogaado

    ReplyDelete
  2. Aad iyo aad baad u mahadsantahay Mohamed Yasin. Si la mid ah waxa aan rumaysnahay in taysadii jaamicadeed ee aad samaysay in ay ku biirin doonto dhawaaqan.

    ReplyDelete