Monday 20 July 2015

Taargadee ayuu Baabuurkaagu wataa?

W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Waa ganacsade.  Waxa ay ahayd bisha Rabadaantii dhoweyd ka horreysay.  Laba kontaynar oo basal ah oo uu Yaman kasoo rartay baa dekadda Berbera u yaal.  Xilligaasna waxa uu ugu soo beegay iyada oo saambuusaha si aad ah loo daanbuuso bisha Rabadaan, basashuna tahay mid ka mid ah khudaarta lagu diyaariyo.  Waxa uu ku talo jiray in uu gaadhiisyo safarkiisa inta ka  dhexeeya Berbera ilaa Raas Kaambooni.  Istaankii oo  kontoneeyo baabuur kire-sugeyaal ahi dhooban yihiin ayuu dhex istaagay.
Kuye: “Waar nimanyahow baabuur taargo leh baan rabaa  in aan alaabtayda ku raro e ma la idinka dhex helayaa?”
“Waar ulajeeddadaada maanaan garanin,  ma baabuur aan taargo lahayn ayaa istaanka kaaga muuqda?” ayay ugu war celiyeen qaar ka mid ah wadayaashii baabuurtu.
Kuye: “Waar waxaas iska dhaafa oo ii keena baabuur taargo leh oo aan xoolahayga saaro”.
“Weger iyo ka waaweyn!  Waar noo saaf warkaaga”. Sidaas ayay yidhaahdeen  iyaga oo faahfaahin ka raba.
Deeto waxa uu u sheegay in uu xoolihiisa la rabo in uu gaadhsiiyo laga bilaabo Berbera ilaa Raas Kaambooni.  Gaadiidka ugu habboon ee uu alaabtiisa ku gaadhsiin karaana yihiin kuwa  taargadoodu tahay Itoobiyaan!
Markaas ka dib  uun bey maankii wadeyaasha u soo degtay runnimada hadalkiisa – iyaga oo og  saansaanka ka jira carriga Soomaaliyeed.  Waxa ay xasuusteen sida ay baanaddoodu goor kasta oo ay soohdinta Somaliland iyo Puntland isaga gudbayaan uga ag dhowdahay, iyo sida boolashii taargada ku hayayna baabuurka ‘khalli-duur’ u noqdeen, ka dib markii ay ilka beeleen sidii loogu rogayay baanadaha. Maxaa yeelay, marka ay dhinac u gudbayaanba waa in ay ku xidhaan taargada ‘dalka’ ay gelayaan.   Intaas waxa dheer weyddiimo ay ku ladhan yihiin huruuf,  hakin  iyo mararka qaarkood hanjabaad aan loo baahnayn oo ciidamada ammaanku la beegsadaan  wadeyaasha baabuurta.
Ganacsaduhu waxa uu ogaa in haddii baabuurku wato taargo Itoobiyaan ah, aan kadeed la marin marka ay isaga gudbayaan baraha kantaroollada ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, ama kuwa maamul-goboleedyada koonfurta Soomaalia.  Ganacsadahaasi weliba waxa uu ii sheegay in xitaa nimanka Shabaabku aanay dan ka gelin baabuurta Soomaaliyeed ee wadata taargada Itoobiyaanka.  Haddaba isaga oo is-barbar-dhig ku samaynayana waxa uu yidhi “Taargada Itoobiyaanka ah ee ay wataan baabuurtu, marka la barbar dhigo kuwa wata taargooyinka Soomaaliga ah, waxa ay isku yihiin sida baasaboorka caadiga ah iyo ka dibloomaasiga!” 

Haddaba miyaanay meesha ka muuqan  ‘sokeeyenimada’ Itoobiyaanka, iyo sida ay Soomaali u kala fogaatay.  

No comments:

Post a Comment