Tuesday 1 December 2015

Fayr iyo Fayraska HIV

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Fayr waxa weeye nin da’diisa aan ku hilaadiyey 40 gu’ oo tan iyo  yaraantiisii ku naalloonayay fayoqab, Eebbena (sarree oo korreeye) ku galladsystay  dad, duunyo iyo aqoonba.  Sidoo kale waxa  weeye nin toosnaan iyo dhowrsoonaan dadku ku yaqaanaan oo aan badiba shaqadiisa iyo guriga aanay wax uga dhexaynin. Waxa intaas u dheer oori wanaagsan iyo ubad fiican oo dadka inta aan quudhin inay yidhaahdaan “Maasha’ Laah” ay masayr gelin jireen.
Haddaba waxa dhacday goor arooryo ah  in uu Fayr la soo toosay yalaalugo badan iyo daal culus.  Fayr isagoo ahaa qof u dhashay nin-adeyg, ayuu wixii hawl ahayd ee maalintaas u tiillay u maareeyay si istiillidi  ku jirto. Waxa se toddobaad kadib intaas u raacay madax wareer la  mooddo in basada laba loo kala dhambalayo. Fayr waxa u talo caafimaad ka raadsaday dhakhtarkiisii Faahiye oo uu uga cawday cabashadiisa jidheed. Fayr, da’da uu joogo iyo inta uu jirayba, hore ugamuu caban xanuun cabsi geliya, siiba kuwa tartiibtartiib u soo solleysta da’diisa oo kale iyo wixii ka weyn oo ay ka mid yihiin macaan iyo dhiigkar. Sidaasna waxa u marag furay dhakhtarkii oo markaas cadaadiska dhiigga ka qaaday, wadnihiisana dhegaystay, isla markaana u diray shaybaad – kaasoo aan wax jirro ah muujinin. Ha yeeshee waxoogaa kiniin kaarjebin ah ayuu Faahiye xaashi yar ugu xarxarriiqay. Dhakhtarku waxa uu nabdigiisa ka rumaysnaa in Fayr waraabe ka fayoqab roon yahay”. Waraysigiisii kaddib, dhakhtar Faahiye, waxa uu u arkaayey in xanuunka Fayr aanu ka fogayn culeys shaqo oo raadeeyay maanka Fayr ka dibna saamayn ku keenay jidhkiisa (psycho-somatic).

Fayr, maalmo kaddib, waxa uu waxoogaa xanuun ah ka dareemay qanjidh dhegta bidix gadaasheed ku yaal – kaasoo  markii dambe ku faafay qanjidhsarceedka lugaha iyo kuwa kilinkillooyinka, in kastoo aanay wax barar iyo buurnaan ah samayn.  Halkaas marka uu arrin marayo ayuu kombiyuutarkiisii dhab-ku-qabadka ahaa (laptop) la kala baxay, isagoo ku googaalaynaya (googling) ijiinnada baadigoonka (search engines)  erayadan oo la isku daray nafsaddarro + Madaxwareer + qanjoxanuun + daal + seedoxanuun…    Waxa meeshii uga soo booday dhowr xanuun oo uu ku jiro  HIV/AIDS!  Hayaay! Waxa uu bilaabay inuu miciinsado boggaga internet-ka ee u adeega dadka sidiisa oo kale shakigu galo ama kuwa uu xanuunkani haleelo. Waxa kale oo uu ogaaday in xanuunnada qaar (qaar jidheed iyo qaar maanba) ay abuuraan astaamaha  fayraska HIV-ga oo kale ah.
Laga bilaabo ammintaas ayuu Fayr werwer hor leh bilaabay.  Werwerkaasi waxa uu ku xambaaray in isu qaato (ama isu qabo) inuu ku sadhoobay fayraska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka.  Boqolaal bog ayuu isha mariyay muddo ku siman 45 cisho oo uu ku tilmaamay inay cadaab oo kale ku ahaayeen. Waxa uu arkay bogag  naftiisa yididiilo ama abdo geliya iyo qaar ku xambaara inuu noloshiisa halleeyo intaba.
Xaggeebuu kaaga yimid xanuunkani! Ayay ahayd waydiinta ku ligani. Haddaba mar uu xasuustiisa dib u celiyay toddobaadadii la soo daafay, waxa keliya ee uu qoonsaday waxay ahayd, habeen uu qoordiid (taaloog) ka samaysanaayey timojare (rayiisle) oo makiinaddi qadaadka ka sartay, dhiigna ka keentay. Shakigan keenay xaaladabuurkan sirgacan waxa uu ka  qaaday dhacdadaas. Ha yeeshee, markii uu u kuur galay sida uu u fido xanuunka HIV/AIDS-ku waxa uu ogaaday, in fayrasku aanu wax aan ka badnayn 30 ilbidhiqsi hawada ku noolaan karin, haddii se ay makiinaddu wadatay dhiig qoyan (sida xinjir) oo ku sadheysan fayraska, in loo malayn karo in uu fayrasku u gudbi karo qof kale.
Fayr muddo ayuu male ama (shaki) awgii ku noolaa saansaan (xaalad) la mid ah ta ay ku nool yihiin dadka xambaarsan fayraska dhaliya cudurkaas. 48 maalmood ka dib dhacdadii rayiislaha ayuu inta uu dhiirraday u socdaalay goob caafimaad si uu isu baadho. Cawadiisa e, warcelinti waxay noqotay: “non-reactive” oo looga jeedo “dhiiggu ma samayn falcelin muujin karta inuu sido fayras”.  Waxoogaa yididiilo ah bay Fayr u ahayd, ha yeeshee astaamihii weli waa ay ka muuqdaan jidhkiisa, qaar kalena waa ay ugu darsameen sida debnoqalleyl iyo afdholow.  Waxaanuu mar kale isu aqoonsaday inuu qabo cudurkii uu ka baqo qabay, bal se weli uu  ku jiro amminta loo yaqaan “window period” oo ku siman ilaa 3 bilood (laga bilaabo marka fayraska HIV-gu galo dhiigga) oo ay dhici karto inaan dhiigga laga heli karin astaamaha fayraska.
Fayrasku marka uu jidhka galo, badiba inta u dhexaysa 2 toddobaad ilaa bil ayaa ay astaamahiisu ka muuqdaan qofka waxaana ka mid ah: xummad, daal, qaash/finan, madax-wareer, cunexanuun iyo qanjo-barar. Kolkaas ayuu difaaca jidhku bilaabaa iskacaabbi, run ahaantiina iskacaabbiga jidhku bilow-ahaan wuu muquuniyaa fayraska, hase yeeshee fayraska oo xeelad iyo dhabbacasho badan ayaa si tartiibtartiib ah u tarma, ilaa uu ka awood roonaado habka iskacaabbiga jidhka, kaddibna waxa uu qofku u ban dhigmo xanuuno kala duwan oo ka faa’iidaysta nuglaanshaha iskacaabbiga jidhka (opportunistic diseases), ilaa uu ugu dambayn xanuunku isu rogo mid baalasha la kala baxay (full blown AIDS) – waana saansaan  aan wax-ka-qabasho lahayn oo ku gebgebowda geeri.
Fayr cabsidiisa ugu weyni waxay ahaan jirtay booqashada dhakhtarka iyo inuu isa soo baadho. Wuxuu Fayr xasuustaa inta sheeko ee uu maqlay ee ku saabsan dad u xanuunkani haleelay – waxa ay ku dambeeyeen iyo sida loola dhaqmay. 
Intaas kaddib, waxa uu bilaabay inuu is dareensiiyo inay  noloshiisu soo gebageboobeyso. Maxaa yidhidiilooyin so afjarmaya! Maxaa qabyo u taal! Maxaa qorsheyaal uu muddooyin soo abaabulayay uu laanqeyr cas saaray! ilaa uu ka gaadhay inuu si hoos-hoos ah u dardaarmo, isagoo xasuusqor ku xarxariiqay wixii ka kala daadsanaa iyo wixii qaan ah ee lagu lahaa. Xaaskiisii waxa uu u sheegay inuu xanuunsanaayo, si uu uga badbaadiyo jirradan halista ahi si aanay ugu gudbin. Waxa uu suuraystay caruurtiisii la majiiran jiray oo ay jaarka iyo ardaydu  xamanayaan ama toos ugu xanaakadinayaan jirrada aabbahood. Waxa uu yaraystay la kulankii jaleyaashiisa. Waxa se ugu darnaa fikradaha waallida ah ee maankiisa ugu soo butaacayay sida maayadaha badweynta oo ay ka mid ahayd: in uu gudha iska jaro! Dhowr jeer buu malaystay inuu baabuurkiisa ka shalwiyo dawga buurta loo yaqaanno Gebi-dheer.
Sidii uu fikradahaas waallida lagu tilmaami karo u dhex mushaaxayay waxa Fayr u baxay dhawaaq cirsan-ka-yeedh oo bandiirad (calan) bushaaro iyo badbaado u babbinaaya: “Waar joog!  Naftaada iyo Eebbeba ma siri kartid. Waar nin yahow Eebbe u noqo, isaga ayaa cudurka keena, waana Bogsiiye (al-Shaafi), waana Dile (al-Mumiit), waana ka wax nooleeye (al-Muxi)”.
Dhowr toddobaad kaddib ayuu Fayr mar labaad u kicitimay inuu dhiigiisa ka soo shay baadho meel ka duwan meeshii hore, goortaas oo ay kasoo wareegtay 78 maalmood maalintii uu timojaraha ka samaystay qoordiidka. Mar kale iyo cawadiisa e, waxa uu shaybaadki sheegay “non-reactive”.   War-bixintii ayuu haddana la dul tegay internetkii, waxa durba u muuqday yididiilo, waxa se uu si kaadsiiyo la’aan ah u dhowrayay inay buuxsamaan 90 cisho.  Mar saddexaad ayaa maalintii ay 90 cisho u buuxsantay uu ku noqday shaybaadhkii.  Wiilkii shaybaadhka samaynayay oo u diyaargaroobay inuu gacantiisa bidix siriij (irbad) kaga qaado dhiig, ayuu Fayr weydiiyay jaadka shaybaad ee uu u adeegsanaayo, isagoo ka shaki qaba runsheegnimada kuwii hore.  Hadalkanbaana la is weydaarsaday:
Fayr: “Jaadka shaybaadh ee aad adeegsanaysaa magacii?
Shay-baadhe:“Waa kan oo waa ka ugu fiican saxnimadiisa iyo degdeggiisa. Afar iyo toban cisho
marka laga bilaabo goorta uu qof ka shakiyo in fayras dhiiggsa galay ayuu kusoo saari karaa cad”, “oo meel kale miyaad iska baadhay?”
Fayr: “Haa, waxaanuu ahaa NEGATIF”
Shay-baadhe, “Waar ninyahow, shakigu waa dilaa e, orod oo Quraan isa-saar” ayuu ugu eray celiyay isaga oo la yaabban oo madaxa ruxaya.
Warbixintii shaybaadkii saddexaad waxa uu Fayr qaatay aroornimadii dambe, galkii ay warbixintu ku jirtayna ma uu furin ilaa uu gurigii gaadhay, isagoo ka cabsi qaba haddii ay warcelintu noqoto BOOSATIF inuu naxdin awgeed  miyir doorsoon suuqa ku dhex dhaco. Mar saddexaadkiina waxa ay warbixinti sheegtay NEGATIF.  Alxamdullilaah iyo neef weyn ayaa kasoo baxday. Maalintaasbaana fayoqab ugu horraysay muddo 75 cisho ah, laga bilaabo maalintii uu yalaalugada iyo daalka la soo toosay.
Fayr casharrada uu ka bartay dhacdadan uu soo maray waxa ka mid ahaa:
·         Kol haddii uu gartay waayaha dadka qaba jirradan, inuu si  xeel dheer ugu debecsanaado dadka la nool xanuunka oo lagu tilmaamo inay yihiin ama lagu tiriyo dadka nugul. Waxa ay dadkaasi u baahan yihiin in loo muujiyo taageero (mid niyaddhis ah iyo gacansiin kaleba) iyo samafal;
·         Aragtida gurracan ee laga qabo in xanuunkani ku yimaaddo galmo xaaraan ah oo keliya, ama uu yahay ciqaab Eebbe waxa barbar taalla, kumannaanka iyo kaakaca qof ee ku qaadaya siyaabo kaa duwan (sida dhiig lagu shubo, irbad sadhaysan oo mudda, adeegsi qalab sadhaysan oo loo isticmaalo hilibdalqe, gudniin, iwm..)
·         In shakigu yahay dilaa, oo loo baahan yahay inu qofku sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidho goob caafimaad.  Haddii qofka dhiiggiisa laga helo fayraska, oo uu bilaabo inuu qaato dawada lagu maareeyo taranka fayraska, waxa sidoo kale weynaanaysa fursadda uu nolol caadi ah kula noolaan karo cudurka.
·         Caafimaadku waa deeq Eebbe inna siiyey oo u baahan inaynnu ku dadaalno ilaalintiisa.

Bal u fiirso mucjisada Eebbe (sarree oo korreeye) ee laga dhex arki karo habka iskacaabbiga jidhkeenna. Waxa innagu dhex nool kumanyaal iyo kaakac unugyo  heegan u ah inay jidhkeenna ka ilaaliyaan jeermiska iyo fayrasyada dibedda kaga imanaaya. Ma dareemi karno, mana suurayn karno baaxadda dagaallada isugu jira weerar iyo weerarcelin iyo tabaha la isu adeegsanaayo ee xeeldheeridu ku dheehan tahay. Waa weerarro ku sal leh nolol iyo geeri. Waa goobo guullo iyo guuldarrooyin iyo wadhi is-daba cidhbinayaan, waa weerarro aan ka hallayn (khasaare) yarayn kuwa ay adduunkan korkiisa ka dhaliyaan adeegsiga awoodda nuukileerku. Nooleyaashaas ili-ma-qabatayda ah, ee Eebbe (SOK) inoo sandulleeyay ee huritaanka intaas le’eg aawadeen u bixinaya, miyaanay habboonayn inaynnu kaabno, kana ilaalinno wixii u nuglaynaya nacabkooda iyo nacabkeenna oo ah fayraska iyo jeermiska?

No comments:

Post a Comment