Wednesday 10 February 2016

Warqaaddii Jacaylka

W.Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Waxa ay ahayd 1970kii. Gu’gii koowaad ee dugsiga sare ayaan ku jiray oo aan gelinka dambe ka dhigan jiray Dugsiga Faarax Oomaar oo aannu beryahaas u niqiinnay “Xabbadi Keentay”.  Waxa uu dugsigaasi ahaa mid ka dhasahy fooshii kacdoon ay ardaydii dhammaysatay dugsiyada dhexe ku kaceen.  Maxaa wacey, waxa xilligaas kala batay tiradii ardayda iyo dugsiyadii sare ee dhinaca Waqooyi ka jiray. Bal malee magaalo-labaaddii dalka oo aan lahayn hal dugsi sare!  Sidaas oo ay tahay, bannaan-baxaas ay ardaydu sameeyeen ma uu ahayn mid ka madhan dhiillo iyo dhiig  daata. 
Dugsigii dhexe waxaan ku soo dhammaystay tuulo, waxana aan Hargeysa u imid in aan sii wato waxbarashadii dugsiga sare.  Cid xigaal ahi iima joogin Hargeysa, se nin aannu qaraabo-qansax nahay, oo aan adeer ugu yeedhi jiray  ayaa guri uu seexan jiray oo ku yaallay “Sekatu-Liire”  igu marti geliyay.  Sekatu-Liire waxa  ay ahayd dhismeyaal yaryar oo xidhiidhsan oo dhinaca galbeed ka xigay dhismaha Dawladda Hoose iyo Masjid Jaamaca, waxana la sheegaa in xooggagii Talyaanigu dhiseen ammintii koobnayd ee ay gacanta ku hayeen Somaliland bilowgii 1940aadkii.  Dhuuniga aan quuto waxa aan ka doonan jiray xarumaha soor-bisleeyeyaasha  ay danyartu wax ka cuni jireen oo ku dhex yiillay suuqa Waaheen, waxana loo yiqiinnay “Dooro-lebenleyaal”, se waxa ay ahaayeen “miskiin-koris”.  Dhaqaalaha yar ee aan biishado waxa laga keeni jiray xoolaha nool ee qoyskagayga.  Aniga oo yaraan ku agoomoobey, hooyo-macaan ayaa xilli-xilli dhowr neef oo ahmin ah qoorta isugu soo xidhi jirtay.  Berri-samaad baa lagu jiray, xoolodhaqataduna tirooyin adhi ah iyo meesiyada kale ayay xawadamin jireen, deegaankuna  waa bed qabay, nolosha reer magaalkuna si xooggan ayay ugu  tiirsanayd ta reer guuraaga.  Is-barbardhig haddii lala sameeyo beryahan dambena waxa si fudud kuugu soo baxaya in tayadii nololeed ee bulshada reer guuraanimo ay si aad ah hoos ugu dhacday, isla markaana ay noqotay mid  mar kasta  ay ku xeeran tahay  saansaan nololeed oo aad u adagi.
Gurigan yar ee aan 'adeerkay' la wadaago waxa ugu doorka roon leh ee nagu weheliyay waxa ay ahaayeen dhowr abxadood (sanduuq) oo buugaagi ku jirtay una badan sheeko-faneedyo (novels).  Oggolaansho aan ka helay 'adeerkay' ayaan akhris ku meyracan jiray. Waxa ay ahaayeen badidoodu buugaag waayadaas adduunka aad looga akhrisan jiray. Waxana ugu mudnaa kuwii James Bond ee ay ka mid ahaayeen  From Russia with Love,  The Spy Who Loved Me, Casino Royale, For Your Eyes Only, iyo qaar kale oo badan.  Hore waxa loo yidhi “nimaan dhul marini dhaayo la’”, se arrinku waxa uu xaggayga ka ahaa “nimaan akhris badan helini dhaayo la’”.  Akhriska buugaagtaas waxa ay iiga dhignaayeen dalxiis aan kala go’ lahayn oo aan ku galaa-bixin jiray arlada dacalladeeda.
Haddaba maalin maalmaha ka mid, oo aan buug kale la soo baxay, waxa dhexda ugu jirtay warqaad laalaaban oo sida mastaradda u dhiibsan. Midabkeedu waxa uu ahaa cir-u-eke furan  (buluuki furan), waxana aan judhiiba hoos isugu sheegay in ninkii buugaagtan lahaa u warqaaddan u adeegsan jiray “kala-qaybis” u fududaysa kolba meesha uu akhriska marinayo.  Dafdafnimo (faduulinimo) awgeed, waxa aan guda galay in aan kala bixiyo warqaaddii, misane waaba qoraal dhex maray laba qof oo is-jecel. Waxa isku key qabsaday laba dareen oo midna igu riixayay inaan akhristo, ka kalena ii diidayay, se kii hore ayaa gacan sarreeyay, in kasta oo aanay maankayga ka maqnayn u-haysaho beryahaas dadka dhexdooda caan ku ahayd, oo ah in “akhriska dhambaallada dadka kale, oggolaansho la’aan, iyo qoraallada gees-xawaallada ku qoran qalbi-can ama fahmo-guur ayaa laga qaado”.  Ninkaas buugaagta lahaa ee dhinacayga lama-aqoonka ka ahaa, murwaadda (ixtiraamka iyo qiimaynta) uu u hayay qoftii uu jeclaa awgeed waa ta keentay in uu warqaadda ka dhigto “kala-qaybiye” aan gacantiisa iyo araggiisa ka fogaanin mar kasta  oo uu buug akhriyayo.
 Waxa ay ka koobnayd toban bog oo farqoraal midabkiisu yahay cir-u-eke rib ah, si fiicanna looga dhex arki karo warqaadda ay isku midabka yihiin. Dheeldheelna uma ay dooranin midabkaas; maxaa yeelay, waxa lagu yaqaan in midabkaasi yahay mid la jaal ah jacaylka, dhaliyana (sida la yidhi) nabdoonaan iyo xasillooni, kuna habboon in uu qarqarsiyo kacdoonnada nafsiga ah ee ka dhasha jacaylka.  Waxa ay ku taariikheysnayd 1967kii, meesha laga soo dirayna waxa ay ahayd Nikoosiya, caasimadda dalka Qubrus, waxana ay ku socotay nin Faarax la yidhaahdo oo Cadan degganaa.  Waxa markiiba maankayga ku soo degay in warqaaddan filanwaaga ahi u baahan tahay furfurid.  Waxaan keloo iska dhaadhiciyay in ninkan Faarax ee warqaaddu ku socotay, isla markaana aan filayo in uu buugaagta guriga taalla lahaa uu ka mid ahaa Soomaalidii loogu yeedhi jiray “Xabbadi-keentay”.   Dagaalkii xorrnimo-doonka ee dadka reer Koofur Yaman waxa uu ahaa mid dhiig badani ku daatay, maxaa yeelay Ingiriisku ma rabin in uu si howl yar Cadani farihiisa uga baxdo – istaraatijinimadeeda awgeed iyo sidii uu wax u gashaday, laga soo bilaabo 1839kii oo uu kala wareegay Suldaankii Laxaj.  Tanina waa ka duwanayd howlyaridii uu kaga baxay British Somaliland oo isaga iyo beelaha waqooyigu ay hore heshiisyo saaxiibtinnimo, ganacsi iyo kor-ka-ilaalineed u dhex mareen.  Sidaas awgeed, colaaddii ayaa mid dhinac u qaxisay.
Markii aan aqoonsaday in ninka warqaaddu ku socotay yahay Soomaali, isla jeerkaasba waxa aan indhaha kula rooray gebagebadeeda – laga yaabee  in aan wax ka ogaan karo cidda soo qortay.  Waxana ay ku soo gunaanadantay  tuduc ka mid ah gabaygii jacaylka ahaa ee caanka ahaa ee Annabel Lee, ee uu qoray Edgar Allan Poe 1849kii, oo ay u qaabaysay waayaha jacaylkooda, eraygii Annabel Lee ku beddeshay "Faarax":

For the Moon never beams, without bringing me dreams of my dearest Farah,
And the Stars never rise, but I see the bright eyes of my dearest Farah.
(Dayaxba miyuu ii soo baxaa, isagoon ii keenin (xasuusin) riyooyinkii Faaraxayga igu dheer,
Xiddiguhuna miyay ii soo baxaan, iyagoon i tusinin indhihii qurxoonaa ee Faaraxayga igu dheer)

U gartay in gabadh “Anne” la yidhaahdaa soo qortay oo aan looga dhoweyn in ay u dhalatay dalka Ingiriiska.  Waxa kale oo iiga baxay  warqaadda in jacayl xooggani ka dhexeeyay labadan qof se aanay weli is hanan.  Waxana aan ka dhex akhriyay sadarrada dhexdooda in aabbaheed iyo hooyadeed aanay ka raalli ahayn in iyada iyo  Faarax is guursadaan.  Waxa dareenkaas ii si xoojiyay iyada oo buugaagtii guriga yaallay uu ku jiray buugga Blame Me On History (1962) ee uu lahaa qoraagii reer Koonfur Afrika, Bloke Modisane,  si faahfaahsanna ugu dhex xusay jacayl isaga iyo gabadh caddaan ah  dhex maray, xilli  uu dalkaas ka jiray nidaamka kala-qoqobka isirrada (Apartheid), kaas oo uga dhignaa dembi weyn in laba qof oo iyaga oo kale ahi is-guursadaan.
Warqaaddaasi waxa ay ahaatay mid ammintii gurigaas aan degganaa oo dhan iga ag dhoweyd.  Mararka qaar aan xasuusan jiray jacayl beryahaas i saf-mareeyay (i yar taabtay), se aan taabbo gelin,  waxaaba aan weyddiin jiray in jacaylkaas anigii iyo qof aan ogahay naga barriiqday bal in uu sidan kan warqaaddan ku dhex qofaysan oo kale u kobci lahaa jeer lagu sifayn lahaa “jacayl dhiirran oo kulul…”  sida ku jirta heestii ay ku luuqayn jirtay Maryan Mursal.  Waan ku noqnoqon jiray, ereyda iyo howraaraha qaarna waan is-dul taagi jiray, dhadhamin jiray, dhuuxi jiray, maankayga ayay la fal geli jireen, farriimo iyo dareeno ayay ku dhex abuuri jireen.  Se gacan keli ahi sacab ma tumi karto e, waxa aan muuqaal-maskaxeed ku suuraysan jiray falcelintii Faarax ay dhammaystir u ahaan lahayd farriintan dhinaca keli u socota.    Si kastaba arrimuhu ha ahaadaane, waxa aan ahaa  qof la jira  labadaas qof “Faarax iyo Anne” oo hiil iyo hooba la garab taagnaan lahaa haddii aan in uun garanaayo, ama ay in uun suurogal ahaan lahayd inaan ku kaalmeeyo!
Maanta oo laga joogo afartan gu’ dheeraad markii aan warqaaddaas isha mariyay weli maankayga kama ay fuqin xasuusteedu, waxana aan mararka qaar is-moodi jiray in aan akhriyayo sheekooyinka jacaylka kuwa loogu jecelyahay ee qarna iyo baruuda (weligood) buug  la qoray  sida  Lorna Doone, marka la eego sida ay uga fog yihiin iska-yeelyeel, mukur, iyo ka-badbadin, waxana aan mararka qaar is-weyddiiyaa meeshii ay isla mareen Faarax iyo Anne.
Waa mudan tahay in is-barbar-dhig lagu sameeyo qaab-farriimeedkii ka horreeyay xilligan tiknoolajiyaddu wax walba fududaysay iyo waayahaas hore.
Xilli ay  yaraayeen dadka wax akhriyi karaa, waxana qori karaa, bal xasuuso sheekadii ku qornayd buuggii “Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl” ee uu qoray Faarax Maxamed Jaamac Cawl.  Maanta waa yaryahay in la arko qof mid kale uga baahan gacansiin qoridda warqaad.  Haddiise uu jiro, se jecel yahay in sirtiisa kula keliyeysto qofka kale ee uu jecelyahay, tilifoonkii ayaa u buuxinaya kaalintaas.
Farriimahaas hore ee qoran, qofka dirayaa xil weyn buu iska saari jiray quruxinta farta iyo in uu qoraalka ku kaabo muuqaallo sida wadne leeb laga dhex taagay, oo dhiiggu ka tifiqleeyay, ama raadka dibno xamuurad la mariyay, kaddibna lagu aslay warqaadda,  mararka qaarna indho ooyaya.  Qofka waxa ay ku xambaari jirtay in uu raadsado qalimmo (qalmaan) midabbo kala gaar ah leh.  Sidoo kale, is-gaadhsiinta iyo amminta dhur-sugga falcelineed ayaa culays ku ahaan jiray labada is-jecel.
Maanta se xawaare aan ka yarayn ka iftiinka ayaa dhamballada la isugu gudbiyaa. Agabka tiknoolajiyaduna waxa ay fududeysay qoraalkii iyo qurxintiisii.  Halkii ay saacado kugu qaadan lahayd qurxinta dhambaalka iyo muuqaal u samaynta, waxa aad kombiyuutarka kasoo dhufsanaysaa uun muuqaallo kuugu xeraysan (emmoticum) oo kun erey wax ka iftiimin og.

Haddaba, tiknoolajiyaddu  keliya waxa ay soo ururisay ama koobtay ammintii, is-dhaafsigiina (transactions) wuu badiyay, se geddii (dabeecaddii) aadamaha ee dhinaca jacaylka iyo nacaybka waxba kama doorin. 

No comments:

Post a Comment