Wednesday 23 March 2016

8dii Jeenaweri, 1993

Waxa qoray: Axmed Ibraahin Cawaale

Siddeeddii Jeenaweri 1993, Hargeysa gudaheeda, shan dumar ah ayaa dhagax lagu dilay.  Dembiga la gu soo oogayna waxa uu ahaa in ay jidhkooda ka ganacsanayeen.  Waxa la saaray “maxkamad” Islaami ah.  Waxa kale oo jirtay in dawladdii xilligaas jirtay  suurtogal u noqon weyday in ay wax ka qabato.  Xilli adag oo ku suntan dawlad aan cago adag  ku taagnayn buu ahaa – taas oo ka dhalatay  Jabahaddii Xoraynta Soomaaliyeed (SNM)  oo  si qorshe-la’aan ah Hargeysa ku soo gashay.  Dadku aad buu u qaybsanaa, waxana jiray hoggaamiye kooxeedyo iyo dayday (mooryaan) aad u doobyaya.  Waxa kale oo hawada ka soo urayay saansaan  dagaallo sokeeyo oo soo food lahaa.  Waxa aan xasuusanahay in ay goobtu ahayd BEERTA XORRIYADDA.  Shan god oo yaryar oo goobtaas laga qoday, dherer ahaan 1.20 mitir, ayaa mid mid dumarkii qaarka dambe loogu riday, kaddiba lagu dhagax dilay.  Qof-ahaan ma aanan tegin goobta, filin laga duubayna oo la igu marti qaaday in aan daawado waa aan ka gaabsaday.  Maxaa yeelay, waxa aan is idhi indhaha siin kari maysid.  Waa run oo intii aan reer lahaa weli qoyskayaga neef Alle-bari ah gacantayda ugumaan gowracin. Geddayda (dabcigayga) ayaa sidaas iska ah.

Doorashada goobta dilka oo ahayd Beerta Xorriyadda, waxaaba aad moodaysay in farriin lagu dhex gudbinayay – taas oo ah  “in xorriyaddu seero  leedahay; ciddii falkaas oo kalena ku kacda loogu quus goynayo”.

Waa jirtay in arrinkan hay’ado shisheeye wax ka qoreen, se ilaa hadda maan arag cid gudaheenna  ah oo wax ka qortay – marka laga tago warkii ku soo baxay wargeysyadii xilligaas la soo saari jiray.   Dadkii goob joogga ah - carruur iyo cirroleba – qaar badan baa nool.  Se waxa cad in uu u eg yahay qodob lama taabtaan ah  oo inta ka hadashaana hoos ugu sheekaysato, aan se weyddiin dambe la iska sii weyddiin.

Maalintii ku saddexda ahayd dilka ayaan booqday meeshii. Godadkii oo dhagxaan ku hareero filqan yihiin ayaan dhex marmaray. Waxana i hor yimid saansaanka xilligii dilka oo u dhigan masraxiyad murugo leh ay jilayaan fuliyeyaal, daawadeyaal iyo lagu-fuliyeyaal.  Markii aan kasoo baxay goobtii, waxa indhahayga soo jiitay deyrkii Beerta Xorriyadda oo maalmo ka hor ka saxar la’aa faygar carruureed, se dhacdada kaddib ay carruur iyo dhallinyaro ku muujiyeen dareenkooda ku aaddan nafihii hortooda lagu dhagax dilay,  iyaga oo adeegsaday dhuxul ay ku xarxarriiqaan gidaarrada. Farriimahaasi waxa ay cabbirayeen hiif ay u hayeen wadaadkii dhacdada abaabulay, fulinteedana lahaa oo la odhan jiray Shiikh Daahir.  Waxa aan is idhi waa qaab ay isu muujinayeen kuwii aamusnaa.  Qofka xeel dheeri ku haysta cilmiga bulshada iyo sykoolajigana wax weyn ayaa uga bixi lahaa faygarkaas.

Dhacdadan iyo qaar kale oo door-roonaantooda leh oo dalka ka dhacay, ha ahaadaan qaar magac diineed huwan ama qaar keleba, waa ay fiicnaan lahayd in wax laga qoro: Tan oo kale, haddii ay ahaan lahayd musdambeedkii dumarkii oo aan laga eegin uu dhinaca taban, se noloshoodii dhaqandhaqaale iyo guud-ahaan saansaankii ka jiray dalka.  Waxa kale oo la is-weyddiin karaa maxaa is-beddello ah ee ka dhashay arrinkaas, oo uu ka mid yahay in ka-ganacsigii jidhka ee furnaa, isla markaana lahaa meelo loogu hagaago, ilaa waagii gumaysigana qayb magaalada ka mid ah loogu magac daray,  in uu hoos u daaddego ama qarsoodi noqdo, aanse la odhon karin waa tirtirmay.


Goobtii maanta waa fagaare lagu kulmo – siiba dadka faxaasiga iyo jimicsiga xiiseeya. Waxa aad ku arkaysaa dhallinyaro  gocoso (kubbad) ku ciyaaraysa, iyo dhallinyaro cuslaatay (waayeel) galabtii iyo arooryada hore lugeeya gudaha deyrka, intooda badanina aanay kaba war haynin dhacdadaas.  

No comments:

Post a Comment