Saturday 20 February 2016

Qaamuuskii Afsoomaaliga ahaa ee ugu Horreeyay (1897)

Waxa diyaariyay: Axmed Ibraahin Cawaale

Soo koobid
Qoraalkani waxa uu soo ban dhigayaa qaamuuskii ugu horreeyay ee Afsoomaali ku soo baxa oo uu qoray wadaad Masiixi ahaa oo la odhan jiray Evangeliste de Larajasse.  Waxa uu qoraalku faahfaahin kooban ka bixin doonaa qoraaga iyo weliba howlihii ama waxqabadkii uu ku foogganaa intii uu degganaa Berbera – xilligaas oo ahaa dhammaadkii qarnigii 19aad.     Marka laga tago qiimayn guud oo ku saabsan waxtarka qaamuuskan, waxa kale oo uu  qoraalkani lafagur kooban ku samayn doonaa xarfaha uu adeegsaday qoraagu si uu, intii tamartiisu gaadhsiisnayd, uga haqab tiro baahidii jirtay xilligaas in af hodon ah, ha yeeshee aan qoraal lahayn, loo helo ama loo dejiyo  far ku habboon.  Sidoo kale, waxa  uu qaamuuskani jid cusub ugu xaadhay qoreyaal iyo afaqoonno (linquists) ka daba qaatay oo sii kobciyay qoraalka Afsoomaaliga. Ugu dambayn, iyada oo laga jooga ammin  ku siman boqol iyo labaatan gu’, tan iyo intii la qoray qaamuuskan, waxa laga dhex heli karaa ereyo aan hadda la adeegsan oo qaar kale halkoodii galeen iyo weliba qaar la lumay waayitaanka ama adeegsi la’aantii wixii ay u taagnaan jireen.


Evangeliste Larajasse kumuu ahaa?
Waxa uu ahaa nin Faransiis  ah oo noolaa 1845-1935, kana mid ahaa wadaaddo Masiixiyiin ah oo ka tirsnaa Mikinisadda Roman Kaatoligga oo soo gaadhay Berbera 11 Maarj 1891kii, una socday howl diin fidineed.  Wadaaddadaasi waxa ay oggolaanshiiyo ka heleen maamulkii Ingiriiska ee ka talinayay British Somaliland si ay xarun  agoomeed iyo bar cibaadaysi uga dhisaan Berbera.   Markiiba isaga iyo wadaad kale  oo oo la odhon jiray Brother Cyprian de Sampoint ayaa bilaabay inay Afsoomaaliga bartaan.  Sidoo kale, isla xaruntaas waxa ay ka bilaabeen barnaamaj waxbarasho, iyo daaweynta dadka jirraysan.  Ammin aan sidaas u sii dheerayn, waxa dugsigii soo buuxiyay carruur u badan Carab iyo Hindi.
Aragtiyo uu Larajasse ka bixiyay Soomaalida iyo Afsoomaaliga waxa ka mid ahaa in  uu sheegay in mugdi ku daahan tahay meesha ay ka soo jeedaan dadkaasi.  Waxana uu isagu u arkayay in Soomaalida iyo afka ay ku hadlaanba lala xidhiidhin karo dad ku nool koonfurta galbeed ee Hindiya siiba qolooyinka la yidhaahdo Dravidians-ka.[1]
Larajasse, Afsoomaaliga oo uu shubay (si fiican u bartay) awgeed, waxa loo soo ban dhigay (ka dib markii uu howlgalkiisii Berbera dhammaystay) howlo kale oo tarjumaadeed siiba kitaabka Baybalka.  Waxa la xusaa in Robert Needham Cust oo ahaa qoraaga  buugga Linguistic and Oriental Essays written from 1840-1901, u soo ban dhigay Larajasse siin dhaqaale  si uu Afsoomaali ugu rogo  Injiilka Maarkoos (Mark), waanuu ka oggolaaday arrintaas.  Waxana uu sheegay in  kharashkii ku baxay tarjumaddaas iyo daabacadda Iniiilkaasba uu bixiyay  Lord Delamere.[2]  Ninkan dambe oo ay Soomaalidu u tiqiinnay “Loodh Dhalamiya”, waxa uu ahaa maal qabeen xiiseeya ugaadhsiga, yimidna Somaliland, siiba Hargeysa, 1891kii,  kalkaas oo uu duurjoogta ka ugaadhsan jiray  - isaga oo u soo noqnoqon jiray si sannadle ah, se markii dambe waxa uu u guuray Kiiniya (1897kii).

Qaamuuska
Waxa la isku raacsan yahay in Evangeliste de Larajasse (1846-1935) uu qoray qaamuuskii ugu horreeyay ee Afsoomaali ku soo baxa.  Waxa uu sidoo kale qoray buug ku saabsan  naxwaha Afka Soomaliga (Practical Grammer of the Somali Language with a Manual of Sentences) 1897kii.
Hawl fudud ma ay ahayn in uu meel eber ah iyo raadraac la’aan waxa ka bilaabo -  marka laga tago, sida uu ku qoray hordhacii buuggiisa Naxwaha “ducooyin laga soo minguuriyay Afcarabi (oo ay u dhowdahay in ay xuruufta Afcarabiga ku qornaayeen), sheekoxariirooyin iyo gabayo afka la isugu gudbiyo.”  Ha yeeshee, waxa u fududeeyay howshaas isla markaana isagu gacanta ugu weyn ka helay dhallinyaro Soomaali ah oo kasoo baxday xaruntii diinfidinta Masiixiyadda ee Cadmeed.  Wax  la sheegi karo oo qoraallo ah oo ka horreeyay kiisa oo ku saabsan Afsoomaaliga waxa ay ahaayeen waxqabadkii nimankan hoos ku qoran:
·         Major Hunter, oo ahaa kaaliyihii Ingiriis  ee degganaa Cadan, isla markaana ahaa qunsulkii Ingiriis ee Xeebta Soomaalida,, oo qoraal aan dhammaystirnayn ka qoray  naxwaha Afsoomaaliga (1882kii)[3], iyo
·         Dr. Schleicher A. W. oo u dhashay dalka Jarmalka oo sameeyay is barbardhig aqoonbaadhiseed oo ku saabsan Afsoomaaliga iyo afafka kale ee Geeska/Bariga Afrika.
·         Lieut. Rigby oo wax ka qoray Afsoomaaliga.  Qoraalkiisu “On the Somauli Language”, waxa uu ku soo baxay Transactions of the Bombay Geographical Society, Vol. ix, 1849.
Qaamuusku waa  mid labada dhinacba lagaga iman karo (Somali-English / English-Somali).   Waxa uu ka kooban yahay 324 bog.   Marka la barbar dhigo xarfaha hadda la adeegsado, waxa uu Larajasse adeegsaday 19 shibbane, halka iminka ay ka yihiin 21.  Dhanka shaqallada (kuwooda gaagaaban iyo kuwa dhaadheerna waa iskaga mid, oo ah shan iyo shan).
Labada shibbane ee ka maqan ama aanu adeegsan waxa ay kala yihiin “C” oo uu meesheedii geliyay “ai”, iyo “Q” oo uu meesheedii u adeegsaday ‘h’ hoosta ku leh xarriiq oo u dhiganta “kh” ama “Q”.   Xarafka “Y” badiba xagga hore ee erayga ayuun buu ku muujisan yahay.  Haddii uu gadaal  galana  waxa uu u qoran yahay “ai”.
Dhanka kale, waxa uu  qaamuusku u taagan yahay in uu ka dhashay dadaal aan la dhayalsan karin  oo uu ku qumay qoraagaasi iyada oo aanay hortii jirin mid la dhinac dhigi karo.  Waxana aan meesha laga saari karin in dadaalkaasi uu ka shidaal qaadanayay himilo aad u fog oo ku aaddan sidii isagu, jaleyaashiisi iyo ciddii ka dambaysayba ay Soomaalida ugu dhex fidin lahaayeen Masiixiyadda.
Waxa uu qaamuusku koobsanayaa aqoondhaqameed  jirtay xilli laga joogo ammin   ku siman 120 gu’ – taas oo ay ka mid yihiin agab kala duwan oo loo adeegsan jiray nolosha dhaqan dhaqaale  ee bulshada Soomaaliyeed, dhir badan magacyadood iyo noole kale oo badan, qaarkoodna gayiga Soomaaliyeed ka dabar go’een.
Kol haddii uu qoraagu ahaa diin-fidiye, waxa ay isaga iyo ciddii howsha la wadday ku dadaaleen in ay Masiixiyadda degaameeyaan, waxana laga dhex heli karaa qaamuuskan eraybixin arrinkaas la xidhiidha, ayna ka mid yihiin “litany” oo ah shallaadka masiixiyiinta ee lagaga luuqeeyo gudaha mikinisadaha, “purgatory” oo loola jeedo “cadaabtii yarayd”[4] iyo habcibaadaysi la yidhaahdo “Mass” oo uu erey bixin uga dhigay “Qudduus”.
Qaamuuskani waxa uu dhiirri geliyay in aqoonyahanno kale ay xiiseeyaan baadhitaanka iyo wax-ka-qoridda Afsoomaaliga.  Tayada qaamuuska iyo in wax laga taransan karo (faa’iideysan karo) waxa ay tahay mid ay ka marag kaceen aqoonyahanno ka dambeeyay.  Tusaale ahaan, ninka magaciisa la odhon jiray Kirk, J. W. C.,  waxa uu hordhaca buuggiisa A Grammer of the Somali Language ku xusay in  ammaan iyo bogaadin weyn mudan yihiin kuwii isku howlay in ay Afsoomaaliga u sameeyaan farqoraal, ayna ka mid ahaayeen Larajasse, Hunter, iyo Rigby.[5]   Waxa kale oo uu sheegay Kirk xagga higgaadda in uu raacay tii uu dejiyay Larajasse, oo uu ku tilmaamay “in  fakaag yari uun uga bannaan yahay in la sii wanaajiyo ama wax lagu daro”[6].  Sidaas waxa uu uga jeeday wax la mid ah waxqabad ku dhow dhammaystiran ayuu qabtay Larajasse.
Dhinaca kale, qaamuusku kama madhna dhalliilo. Waxana ka mid ah iyada oo aanay ka dhex muuqan adeegsiga shanta shaqal ee dhaadheer – in kasta oo uu haddana sugay (xaqiijiyay) in ay jiraan.  Arrintaasina waxa aan u arkay  in ay tahay mid akhristaha ugu filan in uu dhibaato kala kulmo kala-saaridda dhawaaqa ereyo badan oo ay ka mid yihiin “dhar” iyo “dhaar”, “sin” iyo “siin”, “qad” iyo “qaad” iyo qaar kaleba.

Tusaalooyin ku guda jira qaamuuska
Halkkan waxa aan tusaale kaga bixin doonaa erayo haatan gabaabsi noqday adeegsigoodu, ama si kale loo adeegsan jiray, amaba qaar kale meeshoodii galeen:
Singal:   (sin + gal). Waxa loo adeegsan jiray nin cid kale (qof ama reer aan kiisii ahayn) ku hoos jira si uu badbaadin u helo.  Ereygan waxa lidka ‘Abbaan’.
Dhukh:  Ciyaar.  Tusaale ahaan: Dhukh baan kaa badiyay ama  dhukh baan kugu lee yahay.  Waxa uu eraygani inna xasuusinayaa maahmaahdii ahayd “dhukhdhukh hore, dhabanna heys dambe ayay lee dahay”.
Fallaadh:  Marka laga tago fallaadha lagu gano qaansada, waxa loola jeedaa “xummad”.  Tusaale-ahaan ‘hebel fallaadh baa heysa amaba laga gubay.’
Cudaal:  Waxa uu eraygani u dhigmaa “rahan ama rahmaad” oo Afingiriisiga ku ah (security, pledge).  Tusaale-ahaan, waxa la odhon karaa,  “cudaal i sii” ama “waxaas cudaal baan u heysanayaa.”
Beeji, beejis: Eraygani waxa uu u dhigmaa ama  innoo geli karaa meeshaa erayga Afcarabiga ah ee aad loo adeegsado ahna “imtixaan” (examine, try  or experiment/trial).
Xirrib (wisdom) = xigmad   nin xirrib leh.  Qaamuuska ay wada diyaarsheen  Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, waxa uu eraygani ku micnaysanyahay : tab, dhagar, xeelad, siyaasad.
Wehel:  Waxa loo adeegsan jiray ‘saaxiib’.  Sidoo kale qofka ‘qaariga ah’ ee Qur’aanka korka ka haya ayaa la odhon jiray.
Fiic = Xariif iyo fariid
Qajeelo ahaan:   Eraygan waxa uu loo adeegsan jiray micne la mid ah erayga afcarabiga ah ee aadka ugu soo noqnoqda hadalka “caadiyan ama caadi ahaan”
Qoor-xidh:  Waa niigtayn
Ganac adag iyo ganac jaban:  Qaali iyo rakhiis
Bog, u bog (approve) waxa loo adeegsan jiray micne la mid ah “ansixi”.  
Qaar ka mid ah midabbada: Iyada oo la ogyahay in ereyada loo adeegsado midabbada ee Afsoomaaliga ku jiraa ay yar yihiin, waxa aan ka dhex helay qaamuuskan laba midab magacyadood oo kala ah Cawlaleed = (neutral tint).  Waa ka duwan yahay cawlaan.  Waana midab ka dhex samaysma casaan furan  oo lagu daray midab ‘buluuki’ ah iyo in yar oo hurdi ah.   Waxa kale oo uu qoraagu midabka ‘buluukiga’ ah u adeegsaday  ‘Madow caddaan’.  Qofahaan, waxa aan midabkan dambe ku tilmaamaa ‘cir u eke’.

Qodob kale oo aan ka dhex helay qaamuuska, waxa uu yahay mid ka mid ah dhaqanno hore oo dumarka ummulaha ahi samayn jireen. Tusaale-ahaan: Erayga “Haaro” waxa uu qoraaga ku sheegay (isku samee astaanta ummusha). Waxa jirtaa ilaa iminka in “haaraha” la yidhaahdo madow ku samaysma daamamka dumarka ummula badidood, oo iskii (si dabeeci) ah u samaysma.  Isla ereyga waxa uu u qormi karaa: “Haarta” oo ah astaanta dhalashada, ama “Haarasho” oo ah falka ay qof ummul ahi isku sunti jirtay astaanta dhalashda. Sidoo kale, ummusha ayaa odhon karta   “waan Haaran” oo ay uga jeeddo ‘waxa aan isku dhigi astaanta ummusha’.   Haddaba qoraaga qaamuusku waxa uu qoray sheekadan oo uu kaga hadlayo ‘Haarashada’:

“When a woman has given birth, to a child, the seventh day after, coals are ground and mixed with water.  This mixture is given to the mother, who traces on her forehead a sign in  form of a cross, commencing with a horizontal line; the vertical line is afterwards drawn down to the extremity of the nose; (then) they all say “wai haratai” (way haaratay), she gave (has given) birth.”[7]
Waa tan tarumadda tebintan sare:
“Ka dib marka ay gabadhi ummusho ilme, maalinta toddobaad, waxa la budliyaa dhuxul, biyana waa lagu laaqaa (qasaa).  Ka dib, walaaqii ayay hooyadu farteeda murdisada ah dartaa oo  fooddeeda ku samaysataa isku tallaab, iyada oo ku bilaabaysa ama u dhigaysa si gudub ah, ka dibna jiitin kale ayay ka soo dejinaysa fooddeeda sare, soona gaadhsiinaysa caarada sanka.   Kolkaas ayay dumarkii la joogay wada yidhaahdaan “wey haaratay heblaayo” (Wey ummusha oo waa taas isku dhigtay astaantii ummulaha).”
Arrintan la xidhiidha isku tallaabta ma aha markii ugu horreeysay ee lagu sheego bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.  Marka laga tago  in astaantaasi ahayd sumad caan ah oo adhiga dhegaha lagaga jiido, waxa jirtay in ay soo dhowaatay caado ah in dadka booqan jiray qudbiga Aw Barkhadle ay foodda foolashooda (wejiyadooda) ku jiidi jireen dhoobo cas oo ay ugu dhigi jireen sidii isku tallaab oo kale.  Lamana hubo in labadan arrimood in ay xidhiidh hore la lee yihiin rumayn ka geddisan Islaamka oo ka jiri jirtay dhulka Soomaaliyeed iyo in ay tahay uun astaan dadku dhaqan u lahaayeen. Arrinkanina waxa uu u baahnaan karaa aqoonbaadhis gaar ah.

Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa qoraal ka sheekaynaya sida ay Soomaalidu u dhisi jirtay aqalsoomaaliga, waxana uu ku qoran yahay oo ku guda jiraa buug naxwe ah oo uu qoray Evangeliste Larajasse 1897dii.  Iyada oo si fudud loo akhriyi karo qoraalkii asalka ahaa, haddana tifatir yar oo higgaadeed baan ku sameeyay. Waana kan:

Manner of building the Somali Hut (Sida Aqal Soomaali loo dhiso)
Gortay Soomaalidu meel uun degto; meesha naaguhu xaadhaan heensaraarka ayay aasaan; dabadeedna yacayga ayay dusha ka saaraan oo udubka ayay taagaan oo dhigdhexada ayay ku xidhaan oo udubka ayay ku xidhaan oo dhigaha kalena ayey mid mid u saaraan; oo dhigaha loolkana dusha ka saaraan oo ku xidhxidhaan.  Dabadeetana hararrada ayay dusha ka saaraan oo aqalka lagu qariyaa.
Marmar bey Soomaalidu aqalkeeda ku wareejisaa camuud si aanay biyuhu u soo gelin - goorta roobku aad u da’ayo. Iyaguna wey moosaan si aan daadku u soo gelin.  Amase haddii daadku ku jiro aqalka, laba daloolood (ayay) sameeyaan si biyuhu uga baxo.  Haddaanay sidaas samaynin biyo ayaa aqalka ka buuxsami oo meel ay fadhiistaan heli maayaan. Goortaasay laamo soo googooyaan oo laamo aqalka gudihiisa dhigaan, waxay yidhaahdaan daragad oo way goglaan in ay dushiisa ku seexdaan.
Xaas Soomaaliyeed keligii miyi kuma aha, laakiin (wey) is u yimaaddaan oo reer bay noqdaan, oo guriga mar ayay ka wada guuraan.
Iminka xaasaskii waxay kaga qabtaan (kaga bilaabaan) shuqulkooda oo labada xero ayay sameeyaan, mid waa yartahay oo waa dhexda oo adhigaa leh, tan kalena waa ballaadhantahay oo bahal soo geli kari maayo oo lo’da iyo geela ayaa fadhiista.  Geedad la googooyay ayaa xero lagu oodaa, waxay yidhaahdaan ood amase oodo.  Goortaanay ood heli maayaan (waayaan) booran bey reerka ku wareejiyaan.
Goortaanay libaax ka baqaynin, aqal waliba illin bu leeyahay.  Haddii ay libaax ka baqayaan se illin keli ah yaa reerkoo dhammi leeyahay; duleedka xero (ayay) fardaha uga oodaan oo geedo ayay ku siiyaan.
Marmar bey mir geeyaan ilamaa habeen badhka. Haddii reerka agtiisa bahal joogo, fardaha xeradooda ayaa lagu xidhaa.
Dadka oo dhammi xeraduu seexdaa, marmarna aqalka gudihiisa, marmarna aqalka hortiisa.
Raggu xoolahooda yey daajiyaan, hawl kale ma laha, hawsha oo dhan naagahaa qabta.“
Ilwareed: Evangeliste Larajasse, iyo Cyprien de Sompont, Practical Grammer of the Somali Language with a Manual of Sentences, Kegan Paul Trench, Trubner & Co. Ltd, London (1897), bogga: 40-44


Gebagebo
Qaamuuskani waxa uu yahay dhigaal taariikhi ah oo qaayo gaar ah iska leh, marka la eego facweynidiisa iyo in laga dhex heli karo erayo qaarkood laga guuray ama adeegsigoodu aad u yaraaday.  Waxa kale oo sadarada qaamuuska lagala soo dhex bixi karaa dhaqanno hore oo Soomaaliyeed oo iyo magacyada qalab ama aqab ammintaas hore la adeegsan jiray.
Sidaas daraaddeed, waxa aan rumaysnahay in qaamuuskani mudnaan gaar ah u lee yahay dadka  daneeya taariikhda iyo geeddi-socodka Afsoomaaliga.

Fiiro gaar ah:
Qoraalkani waxa uu dhowaan ku soo baxay warsidaha Dhaxalreeb ee ka soo baxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Mahadcelin:  Waxa aan halkan uga mahad celinayaa qoraaga Cali Cabdigiir (Caliganey) oo iigu deeqay qaamuskan guunka ah. 

Raadraac
Journal of the Royal Asiatic Society of Great Britain & Ireland (New Series) / Volume 30 / Issue 04 / October 1898, pp 863-864
Kirk, J.W.C.,  A Grammar of the Somali Language with Examples in Prose and Verse, Cambridge University Press (1905)
Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Puglielli. Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, HAAN Associates, London, 1999, x, 304pp
Evangeliste Larajasse, Somali-English and English-Somali Dictionary, Kegan Paul Trench, Trubner & Co. Ltd, London (1897)
Evangeliste Larajasse, iyo Cyprien de Sompont, Practical Grammer of the Somali Language with a Manual of Sentences, Kegan Paul Trench, Trubner & Co. Ltd, London (1897)
Leo Reinisch, (1902), De Somali – Sprache, Somali texts with translation in German, (1900)



[1] Journal of the Royal Asiatic Society of Great Britain & Ireland (New Series) / Volume 30 / Issue 04 / October 1898, pp 863-864
[2] The Journal of the Royal Asiatic Society and of Great Britain & Ireland, p. 96
[3] Hunter, Lieut. C. P., “On the Somauli Language”; Transcations of the Bombay Geographical Society, Vol. ix, 1849.
[4]  Masiixiyiinta mad’habta Kaatoliggu waxa ay rumaysan yihiin in ay jirto meel ama saansaan (xaalad) silic maryaal oo ay ku sugnaan doonaan ruuxda dadka dembi-faleyaasha ahi, oo lagaga sabata bixiyo gabbood-falladoodii, ka hor inta aaney Jannada gelin.  Waxa diinta Islaamka u dhigma “Barzakh”.
[5] Lieut. Rigby wax ka qoray Afsoomaaliga, kuna soo baxay qoraal la yidhaahdo “On the Somauli Language”, oo ku soo baxday Transactions of the Bombay Geographical Society, Vol. ix, 1849.
[6]  Sidan ayuu Kirk u dhigay hadalkiisa: ‘In spelling, I have in most cases (subject to the orthographical variations) followed that used by Larajasse in his Dictionary, which leaves little room for improvement or addition’. Kirk. J. W. C.
[7] Evangeliste Larajasse, Somali-English and English-Somali Dictionary, Kegan Paul Trench, Trubner & Co. Ltd, London (1897), Bogga 65-66.


No comments:

Post a Comment