Tuesday 26 April 2016

War-is-gaadhsiintu Mar Bey Wadhac Wadhac Ahayd


W/q: Axmed Ibraahin Cawaale
Xilligii maamulkii Ingiriiska ee Maxmiyaddii Somaliland, waxa jiray qaabab  war ama xog is-gaadhsiineed oo uu bulshada kula xidhiidhi jiray.
Cuqaasha oo la gunnayn jiray ayaa howlo badan fududayn jirtay. Si ka geddisan sida dad badani rumaysan yihiinna, howl-gelinta nabaddoonnada (cuqaashana) waxa bilaabay Masaaridii/Turkigii ammintii yarayd dhulkeenna ku negayd.  Taas waxa aan ula jeedaa in Ingiriisku raacay uun habdhaqankii ay Masaaridii/Turkigi jideeyeen ama kaga tageen dhulkeena.   
Kol haddii ay bulshadu ahayd mid aan wax qorin waxna akhriyin (ma hubo in uu magac gaar ah Afsoomaaliga ku lahaa, se waan soo gaadhay carruurnimadaydii), mid ka mid ah siyaabaha loola xidhiidho dadka ama farriin lagu gaadhsiin jiray waxa ay ahayd adeegsiga wax la odhon jiray “Jaliilad”.  Waxana ay u dhignayd waxa maanta Afingiriisiga loogu yeedho “Summon” ama “Yeedhmo Maxkamadeed”.  Waxa ay u dhignayd dhagax siman oo fallaadh lagu dul aslay.  Waxana loo dhiibi jiray askari ama caaqil ka soo jeeda reerka  qofka la doonayo.  Qofka loo sidaa inta uu doono duurka ha ku jiro, ama ha dhuumaaleysto e, waxa uu ogsoonaa in haddii uu hoggaansami waayo in mar uun uu shaciga gacanta u soo geli doono.  Sidaas daraaddeed, toos ayuu u soo dhaqaaqi jiray oo awoodda sharci u hor iman jiray.
Dhinaca kale, mid ka mid ah siyaabaha dadka la isugu yeedho, si loo war geliyo,  waxa la adeegsan jiray  dawan (jeres)  qori ka samaysan (ma hayo magaciisii Afsoomaaliga ahaa, se waan soo gaadhay yaraantaydii), oo lahaa gacan-qabsi iyo abxad ay ku gudo jiraan qoryo is-weydaaranaya oo si yaab leh isugu dhacaya, halkaasna ay ka samaysmayso jabaq dhowdhow ah oo aad u dheer, una eeg  dhawaaq googo’an  sida raha ama diin-ceelaadka.   Marka gacanta lage wareejiyo ayuu dhawaaqaas samayn jiray. 

Woodhaq ku taal badhtamaha maaalada Burco, iyo dawan qori ka samaysan

Qaab kale oo dadka lagula xidhiidhi ama loo war geliyo ayaa ahaa in magaalooyinka waaweyn dhismeyaal dhowr ah, oo qaab ujeeddaysan loo dhisay, korka lagaga samayn jiray cod-baahiye.  Taar war-is-gaadhsiineedna lagu xidhiidhin jiray “Boosta” ama xarunta war-is-gaadhsiita.  Halkaasna kolba wixii ogaysiis ah dadka lagala socodsiin jiray.  Soomaalidu waxa ay u bixiyeen “Wadhac Wadhac” ama “Woodhaq”.   Magac-bixintaasna waxa ka muuqata danayn la’aan, waxana laga yaabaa in ay tilmaan u tahay habdhaqankii uu Ingiriiska  ama soo galowtiga kale ku barteen Soomaalida, ayna ku dad aan hoggaansamin, isla hagaagsan, isla markaana qab weynaan huwan. {Mana ay ka been sheegin maahmaahda: Qof walba kitaab qummane la yidhaahdo, ayaa qoorta loo sudhay}.

Dhismeyaashii jaadkan oo kale ahaa badidoodu waa sii tirtirmayaan. Ilaa haddana ma jirto cid ku baraarugsan qaayahooda taariikheed, si la mid ah wadeecada ay ku sugan yihiin raadad iyo dhismeyaal kaleba. Waxa aan se filayaa weli in Berbera ay ka jiraan laba (2); halka uu Burcona ka jiro midkan aan muuqaalkiisa halkan soo geliyay. 

No comments:

Post a Comment