Wednesday 11 May 2016

Haddii Ay Ilbaxnimo La Isu Buundo Tirsan Lahaa………

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Xilli  hore oo xilliyada ka mid ah, lagana laga joogo dhowr qarni, qaab gaar ah oo  ay boqorrada  Abasiiniya (Xabasha) isu daba cidhbin jireen, ama maamulka isaga daba dhaxli jireen ayaa habkan soo socda loo mari jiray: 
Iyada oo ay jiri jirtay magacaabidda cidda dhaxal-sugaha ahi, ayaa haddana waxa dhici jirtay marka boqor dhinto, ee uu dhaxal-sugihi kursiga ku fadhiisto, in uu soo ururin jiray walaalladii iyo xigaalkiis intooda madaxyo-weynta ah.  Waxana loo taxaabi jiray “Xabsiga Boqor-sugeyaasha” - goobtaas oo ahayd meel 120 kiilomitir bari kaga qumman magaalada Gondor, oo ahayd caasimaddii Boqortooyada.  Buuro ay adag tahay si loo koro, oo badiba lagu fanan jiray jaranjarooyin kor u qotoma oo sallax siiban laga xorday, ama mararka qaarkood xadhko lagu kori jiray, ayaa lagu xerayn jiray,laguna hayn jiray.  Halkaas ayaa lagu ilaalin jiray inta ay ama kaalini uga bannaanayso maamulka  ama hoggaaminta boqortooyada, ama ay ka dhimanayaan!  Se xadhiggaasi ma ahayn mid run-ahaantii lagu sheegi karo xabsi.  Waxa se uu u dhignaa waxa beryahan dambe loo yaqaan “xadhig ama xabsi guri.”  Baahiyahoodana si hagar la'aan ah ayaa loo dabooli jiray.


Dhinaca kale, kol haddii ay goobtu ahayd meel dhowrsoon oo aan si howl yaraan ah lagu geli karin, waxa sidoo kale goobtaas ama goobahaas (maxaa yeelay waxa ay ahaayeen 3 meelood oo isu dhow oo la kala yidhaahdo:  Buurta Wehni,  Burta Amba Geshan, iyo Buurta Debre Damo) loo adeegsan jiray in ay ahaadaa Khasnaddii Boqortooyada; waxana la sheegaa, xilligii  Axmed Guray dagaalka kula jiray Xabashida in uu ku kacay saddex (3) isku-dey  si uu u jabsado, waxana ay kala ahaayeen gu’yaashii 1531, 1533, iyo 1540kii oo uu tan dambe ku guulaystay in uu furto.

Qodobkan is-daba-cidhbinta boqorrada ee ka jiray dhulka Xabashida waxa aynnu barbar dhigi doonnaa mid la ula jeeddo ah oo ka jirtay Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta.  Qarniyadii 14aad ilaa 16aad, waxa ay Cusmaaniyiintu ku dhaqmi jireen qaab loogu yeedho ‘is-daba-cidhbinta furan’ (open succession), taas oo ku salaysanayd, tusaale-ahaan, in Imbaraadoorka kolba xukunka hayaa uusan (aanuu) wax tibaax ah ka bixin jirin cidda kursiga uga dambayn doonta, se arrinku ahaa ‘kii roonoow, reeka u hadh’.  Haddaba in Imbaraadoorku wiil uu dhalay madax uga dhigo gobol aan ka fogayn fadhiga Imbaraadooriyadda, waxa ay dadku u qaadan jireen in uu Suldaanku door bidayo wiilkaas.  Dhowaanshaha uu magaalo-madaxda ku dhow yahayna waxa ay u ahayd fursad uu warka, saansaanka caafimaad ee Imbaraadoorka, iyo waxyaabaha ka dhex socda xarunta Suldaanka uu sida ugu dhaqsaha badan u ogaan karo. Haddaba, marka uu mid ka mid ah wiilashiisu xukunka gacanta ku dhigo, waxa uu xasuuq kula kici jiray walaalladiisa.  Waxa la sheegaa laynta walaaluhu in uu ka soo jeedo sharci uu jideeyay Suldaan Maxamed oo loogu yeedhi jiray Maxamad Al-Faatix.  Waxa se yaab lahayd in sidaas ay kula socdeen inta badan culimadii xilliyadaas ka  ag dhoweyd Salaadiintiinta.  Sidaas waxa ay u door bideen ka-feejignaanta ‘fidnada’ iyo hubinta isku heynta Imbaraadooriyadda. Waxana loo arkayay in danta “maslaxadda” ummaddu sidaas ku jirtay, si  “fidno” dhici karta loo baajiyo. Sidoo kale, mar Alle marka la arko in Suldaanka ay la soo deristay saansaan caafimaad darro ama itaal darro xooggani, waxa bilaabmi jiray loollan awoodeed oo ka dhexeeya walaalaha – haddii ay isku bah yihin, iyo haddii ay kala baho yihiinba.  Marka meel la iska dhigo Suldaanka, cidda kale ee saamaynta ugu ballaadhan ku lahayd arrimaha siyaasadeed iyo awoodda dawladeed waxa ay ahayd hooyada Suldaanka (Valide Sultan) iyo  dumarka ku dhowdhow Suldaanka. Xilliyada qaarkooda, awooddoodii ayaaba hadhayn jirtay tiisa, halisna ku noqon jirtay hoggaamintiisii, mararka qaarkoodna wiiiqitaan ku keeni jirtay   Imbaraadooriyadda. Hab-dhaqankaas ayaana loo tiiriyaa degganaanshihii, horuamrkii xilligaas, iyo kobocii dhaqaale ee dawladdii Cusmaaniyiinta.  Waxana uu sidoo kale noqday mid ka badbaadiyay dagaallo sokeeye iyo kala-dhambalan ku yimaadda dhulkalkii ay xukumayeen. 

Si kastaba arrimuhu ha ahaadaan e, is-barbar-dhigga labadan tusaale, ugu horrayn waxa laga dhex dheehan karaan  in ay ka midaysan yihiin in  midnimada Imbaraadooriyadahoodu ahayd arrin lama taabtaan ah, markaasna cid Allaaliyo ciddii loo arki karo in joogitaankoodu halis iyo qalalaase ku keeni  karo qaabka ay wax u socdaan, la sii hor degi jiray, lana samayn jiray ka-hor-tag.  Waxa se ay labada Imbaraadooriyadood ku kala duwanaayeen qaabka ay u maarayn jireen halisahaas.   Qolo waxa ay meel dhigatay in ay birta ka asasho (layso) Amiirradaas; halka qolada kale, oo aynnu u jeedno Xabashidu si doobir leh, naxariisina ku dheehan tahay ula dhaqmi jireen Amiirradoodii, iyaga oo weliba ay u laaban tahay door ay kaga qayb qaadan karaan hannaanka maamul ee Boqortooyada iyo dalkaba.

Haddaba Afrika in badan ayaa aragtiyo taban laga soo tebin jiray e, miyaan habdhaqankaasi u ekayn dhimbiil ilbaxnimo!

Raadraac:    
1. The Othoman Harem, All About Turkey  http://www.allaboutturkey.com/harem.ht
2. Ekrem Bukra Ekinci, The History of Fratricide in the Ottoman Empire – Part 1; Feature article on Dailay Sabah (August 6, 2015), Istanbul.
3. Richard Greenfield, Ethiopia: A New Political History, Pall Mall Press, London (1965)

No comments:

Post a Comment