Sunday 29 May 2016

Xasuus Carruurnimo iyo Cadaadlay - Qaybtii I

       W/Q:  Axmed Ibraahin Cawaaale
aiawaleh@gmail.com

Meeshu waa Cadaadley, oo ka mid ah magaalooyinka hadda nool ee ka jira Soomaalilaan kuwa ugu faca weyn – marka laga reebo magaalo-xeebeedyada.  Xilliguna waa bilowgii 1960aadkii.  Waxa ay leedahay cimilo san, biyo joogto ah iyo deegaan qurxoon oo dhiraysan.  Sidoo kale, waxa ay ahayd mid ka mid ah xarumihii laga abaabuli jiray dagaalkii Ingiriis ee ka dhan ahaa Daraawiishta Ina-Cabdullle Xasan (AHUN).  Waxana ay ammin kooban saldhig u ahayd  Sir Geoffrey Francis Archer (oo ay Soomaalidu u tiqiinnay Caarshe-dheere), ninkaas oo dhowr xil ka soo qabtay maamulkii Ingiriis ee Soomalilaan, ahaana ugu dambayntii sarkaalkii soo jeediyay in duqayn dhinaca cirka ah loo adeegsado jebinta xoogaggii Daraawiishta.  Ilaa maantana waxa magaalada Cadaadlay ku yaalla geed gob ah oo magaca “Caarshe” sita, oo  ah goobtii uu degganaan jiray.

Magaaladu wax ka jiray xero millateri, dugsi hoose iyo mid dhexe, shooki (rug booliis) iyo bar caafimaad.  Dooxyada magaalada oo biyahoodu dhow yihiin awgeed, waxa ay magaaladu xoolo dhaqatada u ahayd meel ay u soo ceel-fadhiistaan xilliga jiilaalka, waxa la arki jiray boqollaal kadin geel ah oo u soo arooraya dooxa Siig ee ku yaal agagaarka Cadaadlay.  Magaaladu xilligaas oo kale waxa ay la ceeryoonsanaan jirtay xoola-dhaqato.  Qodob kale oo xiise lehina waxa uu ahaa in tirada islaamaha (habraha) ah ee tuulada ku nooli aad u badnaayeen, jeer oo la odhon jiray “Cadaadlay waxa loogu duceeyay hadh iyo habar!”  Islaamuhu marka ay reerahooda ka hadhaan, ciddooda qaarkood waxa ay door bidi  jireen in ay tuulo dejiyaan, si ay ugu qaataan inta noloshooda ka hadhay.

Laba masaajid ayaa ku yaallay oo mid kastaaba dooxa magaalada u jiray wax aan ka badnayn toban tallaabo; dhir waaweyn oo gob ah ayaa hadhayn jiray, inta badanna dad waaweel ah ayaa  ku cibaadaysan jireen. Foostooyin bir ah oo giraamo leh ayaa biyaha weysada loogu shubi jiray; quraarado qaro weyn oo midabkoodu u eeg yahay macdanta imaroolka (ama cagaar madow xiga) ayaa weel ahaan weysada loo adeegsan jiray.  Qaar ka mid ah wadaaddada magaalada ayaa caweyska Arbaca kasta  tuulada badhtankeeda ka soo dhex unki jiray Shallaad iyaga oo tiriig Mijir-koos[1]ah,  faynuus ama bitijoor[2] (toosh) sita. Waxa kale oo ka dhex muuqan jiray aabbahay (AHUN).  Waxa faynuuska u sidi jiray Cabdi-garanuug oo ahaa nin suufi ah, magaaladana hudheel cunto ku haysan jiray. Sidaas ayay dad door ahi ku soo raaci jireen, socodkooda oo ay weheliso jiibtaas ruuxaaniga ahina waxa uu ku soo gebageboon jiray mid ka mid ah labadaas masajid. Halkaas oo dikri iyo xadro laga oogi jiray salaadda cishaai’ ka dib.  Culimadii xadrada aad ugu jibboon jirtay waxa ka mid ahaa (Alle giddood ha u naxariisto e) Aw Xasan Shaqalle, Aw Iimaan Sh. Muxumed-Daahir, Aw Maxamuud Aw Cilmi iyo qaar kale.  Akriska Mawliidkana habeennada Jimcaha ayaa la joogtayn jiray.

Magaalamadaxyada goballadii dalka sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo kuwa kale, waxa xilligaas ka jiri jiray goobo bulshadu ku kulmi jirtay, xogahana ku kala qaadan jireen, waxana la odhon jiray sibil-santar (Civic Centre), Cadaadley se, waxa jirtay makhaayad uu lahaan jiray wadaad la odhon jiray Aw Xasan Shaqalle (AHUN) oo ugu jirtay kaalintaas.  Waxana maamulkii degmadaasi u dhiibeen reedhyoow weyn oo jaadka loo yaqaan Phillips.  Maalin kastana goorsheegtu marka ay gaadho shanta-iyo-badhka (5:30) galabnimo, waxa la arki jiray goobtaas oo dadku isa soo dhoobaan si ay barnaamajka maalinlaha ah ee BBC-da u dhegaystaan, isla markaana ugu buuxsadaan saacadahoodii gacanta ee  ahaa Wistanka (Westend) ama kuwii jeebka la gashan jiray – iyaga oo ku beegi jiray dawanka saacadda Big Pen ee dhismaha Westminister Abbey ku taal ee caasimadda Landhan.   Kol haddii aaney tuuladu lahayn mishiin dabdhaliye ah, baytariga weyn ee reedhyowga lagu dabeeyo ayaa saddexdii biloodba hal mar Hargeysa loo qaadi  jiray si loo soo jaajgareeyo.

Raadyowgii Phillips-ka ahaa iyo goor-sheegtadii Wistan (Westend) ee la adeegsan jiray 1960aadkii 

Degmada waxa Dhiisii (D.C.) ama guddoomiye ka ahaan jiray Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile, oo aabbe u ahaa Yusuf X. Aadan, labadoodaba Eebbe ha u naxariisto e.  Ilaalada/askarta shookiga ka howl gashaana ma ay oggolaan jirin in magaalada lala dhex maro hub.  Waxana la arki jiray iyago oo kolba dadka (siiba xoolodhaqatada) ka ururiya budhadhka, toorrayda iyo warmaha.

Goobaha kale ee ugu caansan Cadaadlay waxa ka mid ahaa dugsigii lagu baran jiray Qur’aanka Kariimka oo alifka la iigu bilaabay, waxana lahaa wadaad la odhon jiray Aw Maxamed Suufi (AHUN). Waxa ay ahayd geed gob ah hoostii, oodna lagu soo wareejiyay. Waxana aanu wax ku baran jirnay loox-Qur’aan. Marka aannu subcinaynona waxa dhawaaqayaga laga maqli jiray magaalada dacalkeeda kale.  Dhammaantayona wiilal baannu ahayn. Khadka ayaa dhabanka la noo marin jiray, waxana dadku noogu yeedhi jireen “qalinqoyan”.  Murwaad (ixtiraam) badanna dadku waa noo hayn jireen.

Maalmaha ka tilmaan maalmaha kale ee ilme kastaaba xasuusta ku hayn karo waxa ka mid ahaa Ciidaha.  Fagaaraha ciidduna waxa uu ahaan jiray  bataaxda  dooxa Cadaadlay oo ka saxar la’aa wax ay indhuhu diidaan.  Qof waliba waxa uu soo xidhan jiray dharkiisa ugu quruxda badan. Halkaas ayaa Sheekh Cabdillahi Axmed (AHUN), oo   ah Rashiid Sh. Cabdillaahi “Gadhweyne” aabihii,  uu hoggaamin jiray salaadda Ciidda.  Xasuustayda gaarka ah ee Sh. Cabdillaahi waxa ay ahayd in uu ahaa shaqsiyad in badan ka horreeyay bulshada dhinaca wax akhriska  - maxaa yeelay waxa uu lahaa maktabad isugu jirta culuunta diiniga ah iyo arrimaha ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda, goor kasta oo aan la kulmana waxa aan arki jiray isaga oo ku fooggan akhriska mid ka mid ah kutubtiisa.

Si gaar ah waxa aan u xusayaa aabbahay oo Xoghaye (secretary) ka ahaa xisbigii SNL oo aad ugu firfircoonaa arrimaha xisbiga. Mas’uuliyadahiisana kala duwanna waxa ka mid ahaa in uu bulshada ogaysiiyo xafladaha xisbiga oo la odhon jiray “Macfal” (ereygu waxa uu kasoo jeedaa kan Afcarabiga ah ee Maxfal), kolkaas oo uu magaalada la dhex wareegi jiray dawan qori ka samaysan si uu bulshada u ogaysiiyo isu-imaatinka.  Dawanka qoriga ka samaysan waxa aan kaga hadlay maqaalka (fadlan eeg dabarkan:

Halkeer waxa ah, oo ilaa maanta sidiisii u taagan, una cagaaran qudhacii damalka ahaa ee hadhkiisa uu Buraale igaga jaray hilibdalqaha iyo goobtii shaqo ee farsamayaqaankii Aadan Tumaal iyo weliba kaalintii muhiimka ahayd ee uu bulshada ugu jiray.  Waxa i hor imanaya  buufimadii harag-riyoodka ka samaysnayd oo wiilkiisu laba-gacmoodinayo, kolbaba marka uu dabka buufiyona dhimbiilo kaga yaacin jiray, kaddibna birti kulayl la casaan jirtay,  iyo  Aadan oo ku soo qabanayay birqaab, cuddaddiina ku dul qaabaynayay.  Waxana uu tusaalahaasi u yaallay  xalaal-miirasho.

Xasuus kale oo mudnaanteeda lehi waxa ay ahayd markii fasalka koobaad ee dugsiga la i qoray oo Maxamuud Axmed Cali  (AHUN) noo yimid, isaga oo  hubinayay in arday kasta oo la qorayo dugsigu qaybsanaaa ugu yaraan shan (5) jus oo Qur’aan.  Iskuulka waxa kale oo ka ag dhawaa bar caafimaad.  Waxana ka hormood ahaa shaqaale caafimaad oo lagu naanaysi jiray Dhigane.  Derejadiisu ahayd kalkaaliye caafimaad, waxana i yaab gelin jiray dharkiisa shaqo ee dhayda ka cad iyo saxar la'aanta goobta uu ka shaqeeyo. Dadka caafimaadkoodu aad buu uga wanaagsanaa sidatan maanta, kumana socod badnayn xaruntan keliya ee caafimaad. 

Xaggee aan se ku illoobaa daayeerkii yaraa ee "shaqaabadda" ahaa ee cuntada iga boobi jiray. Qoyskayaga oo reer guuraa ahaa, keligay baan aabbo magaalada kula noolaa, dukaan (macdaar) uu ku haystay halkaas. Daayeer yar oo rabbaayad ah ayaa nala joogay. Mar Alle marka raashinka la ii soo dhigo ayuu boob igu ekayn jiray.  Waxa se uu aabbo kaga "sayidcalayn" jiray isaga oo kartuun weyn oo laga faaruqiyay sigaarkii Balaayirka (Player's) la odhon jiray, aniga iyo quraacdayda na dhex dhigi jiray inta aan ka dhammaysanayo.

Ugu dambayn waxa aan keydkayga maskaxeed ka maqnaan karin dumarkii badnaa ee xaajiyadaha ahaa oo ay ka mid yihiin Xaajiyo Culus (ma xasuusni magaceedii, se waa naanaysteedii), Xaajiyo Cawo (Alle dhammaantood ha u naxariisto e) oo ta hore ahayd ganacsato, tan dambena ahayd cuudiso.  Tan dambe waxa ay hooyaday noo gaysay (aniga iyo walaalladay) bilo kaddib markii aan agoomoobay, halkaas oo ay howsheedii ruuxaaniga ahayd mid mid noogu fulisay, soona jeedisay in maryo cascas la noo iibiyo – maxaa yeelay (sida la noo sheegay) mashiikhdayada ayaa jecel maryaha cascas!

Waxa ii farxad in aanan weli ka fogaanin magaaladii Cadaadlay, si joogto ahna ugu noqnoqdo, xasuusaha kumannaanka ah ee yaraantaydiina ay kolba isa soo cusboonaysiiyaan.




[1] Mijirkoos: Waxa uu ahaa tiriig la neefeeyo oo ay keeni jirtay shirkad Ingiriis ah oo Cadan iyo Berbera laamo ku leh, oo la odhon jiray Mitchell Cotts.
[2] Bitijoor: Waxa uu asalka eraygani ka soo jeeda Af-Faransiis, waana “Petit jour” ama “Maalin yar”.  Waxana uu ahaa astaan ganacsi oo uu lahaa toosh dalka la keeni jiray. 

5 comments:

  1. Asc macallin Axmad,
    Ajar iyo ijaabo ka hel taariikhda quruxda badan ee aad na la wadaagtay. Waa akhris qurquris ah oo aan la iska qaban karin.

    ReplyDelete
  2. Replies
    1. Waa aad ku mahadsan tahay Bodhariyow in aad I gu soo hagtay ishan burqanaysa oo aan hadduu eebbe ogolaado ku goyn doono haraadka ay naftaydu u qabtay aqoon iyo ogaalba. Qoraalkan maanhadalka ahi runtii waan aan ku raaxeystay akhrintiisa. Waxana uu mar kale i sii baray Magaaladaan Cadaadlay oo aan markii ugu horreysay ka bartay dhigganaha looga hadlay sooyaalkii Yuusuf Xaaji Aadam oo isna reer Cadaadlay ahaa
      Magaalada iyo dadkeedaba guul ayaa aan u rajaynayaa. Macalin Cawaale na salaan gacaltooyo ayaa aan halkan u dhigay.

      Maxamed Dhaaleey

      Delete
  3. 9 June 2016 at 12:06
    Asc macallin Axmad,
    Ajar iyo ijaabo ka hel taariikhda quruxda badan ee aad na la wadaagtay. Waa akhris qurquris ah oo aan la iska qaban karin.

    ReplyDelete