Friday 10 May 2019

Hiigsi Rumoobay & Gebagebo Nololeed oo Murugo leh


W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

10 May 2019, waxa aan gudo galay in aan kala bixiyo xaashiyaha kitaab Qur’aan ah oo Af Ingiriisi ku tarjuman, oo uu dejiyay Sheekh Cabdullah Yuusuf Cali (AHUN), oo dad badani u aqoonsan yihiin tarjumadda Af Ingiriisiga ah ee ugu fiican ee Qur’aanka Kariimka abid laga sameeyay.  Kolkii aan rogay dahaadhkii, waxa ishaydu qabatay qoraal yar oo aan ku xarxarriiqay maalintii uu kitaabkaas gacantayda soo galay oo 29 gu' maanta ku beegan. Sidan ayaa ay u dhignayd:

Ahmed Ibrahim Awale,
10 May 1990,
Kam Abokor Refugee Camp (Eastern Ethiopia).











Sagaal iyo labaatan (29) gu’ oo gow ah ayaa laga joogaa maalintii kitaabkani hadyad ahaan gacantayda ku soo galay oo ahayd xilli aan ku sugnaa xero qaxooti ku tiil Kaam Abokor oo ka tirsan degaanka Awaare ee Bariga Itoobiya. Amminta dheer oo waayo kala duwani  i soo mareen, waxa uu kitaabkani ii ahaa wehel, sahay iyo dhimbiil qaadasho ruuxeed.  Sidaas daraaddeed, inaan wax ka xuso sooyaalka  tarjumaha kitaabkan, dadaalkiisii iyo ka-go’naanshihiisii uu ku dhammaystiray howshan culus waa arrin aan howlyari igu dhaafi doonin.

Sh. Cabdullah Yusuf Cali waxa uu ku dhashay dalka Hindiya 1872kii. Yaraantiisiiba waxa uu korka ka qaybay Qur’aanka Kariimka, waxana uu aabbihii kula dadaalay waxbarasho Islaami ah. Waxbarashadiisii dhexe iyo tii sareba waxa uu ku qaatay dugsiyadii ugu filka roonaa ee Ingiriisku ka sameeyay Hindiya,  waxana uu 1891  waxbarasho bilaash ah oo jaamacadeed ka helay Jaamacadda Cambridge, isaga oo ku mutaystay dhibcihii sare ee uu kaga gudbay beejiskii (imtixaankii) dugsida sare.  Waxa uu helay shahaadad garyaqaannimo, waxana uu ku  laabtay dalka Hindiya, kana howl galay halkaas.  Ha yeeshee waxa uu ka fadhiistay shaqadaas 1914kii si uu ugu gacan baxo baadhista iyo wax-ka-qorista waxyaabo ama arrimo aad ugu dhow ama ugu weynaa laabtiisa, waxana uu bilaabay in uu waqtigiisa u kala qaybiyo daraasayn, iyo socdaallo uu ku gaalaa bixiyo meel badan oo adduunka ka mid ah sida Bariga Dhexe, Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Ha yeeshee intii ugu badnayd waxa uu ku qaatay dalka Ingiriiska, oo uu ku guursaday laba dumar oo caddaan oo u kala dambeeyay.

Wax-soo-saarkiisii  qoraal iyo baadhitaan ma ah mid halkan lagu soo koobi karo: Waxa uu qoray 32 buug iyo buugyare, iyo in ka badan 200 oo qoraallo kala duwan  oo qaadaa dhigaya saansaankii Muslimiintu ku sugnaayeen xilliyadaas,  arrimaha dhaqandhaqaale ee Hindiya, dib-u-soo-noolaynta Islaamka iyo la-jaan-qaadidda horumarka aqooneed ee reer Galbeedbka.  Ha yeeshee waxqababdka ugu qaayaha badan uguna qotada dheeri waa tarujumaadda Qur’aanka Kariimka.
 
Sh. Cabdullah oo hordhaca Kitaabka Qur'aanka ee uu tarjumay kaga hadlaya sidii uu isugu diyaariyay, iyo dhibaatooyinkii uu u maray in uu howshaas qaayaha leh dhammeeyo ayaa sidan qoray:

[….I have explored Western lands, Western manners, and the depths of Western thought and Western learning, to an extent which has rarely fallen to the lot of an Eastern mortal. But I have never lost touch with my Eastern heritage. Through all my successes and failures I have learned to rely more and more upon the one true thing in all life—the voice that speaks in a tongue above that of mortal man. For me the embodiment of that voice has been in the noble words of the Arabic Qur-ān, which I have tried to translate for myself and apply to my experience again and again. The service of the Qur-ān has been the pride and the privilege of many Muslims. I felt that with such life-experience as has fallen to my lot, my service to the Qur-ān should be to present it in a fitting garb in English. That ambition I have cherished in my mind for more than forty years. I have collected books and materials for it. I have visited places, undertaken journeys, taken notes, sought the society of men, and tried to explore their thoughts and hearts, in order to equip myself for the task. Sometimes I have considered it too stupendous for me,—the double task of understanding the original, and reproducing its nobility, its beauty, its poetry, its grandeur, and its sweet practical reasonable application to everyday experience. Then I have blamed myself for lack of courage,— the spiritual courage of men who dared all in the Cause which was so dear to them…]
Waa tan haltebintii garoocashadan sare:
[…Waxa aan sahamiyay oo wax badan ka ogaaday carriga Reer Galbeedka, Habdhaqannada Reer Galbeedka, iyo gunta (dhaadhaca) qaab fikirka iyo aqoonta Reer Galbeedka, in ka badan inta uu nasiib u heli lahaa ama ka ogaan lahaa qof kale oo Reer Bari ahi. Ha yeeshee maan noqon mid marnaba ka xidhiidh furma xididdadayda Reer Bari. Guulahaygii iyo guuldarrooyinkaygii nololeed, waxa aan ka bartay in aan cuskado shey keliya – kaas oo ah cod ka soo baxaya “carrab” ka duwan kana sarreeya kan aadanahan aan waarayn. Aniga, codkaasi waxa uu ku qofoobay erayada sharafta leh ee Qur’aanka Af Carabiga ku qoran, kaas oo ah midkan aan isku deyay in aan naftayda u tarjumo, ka dibna ku dabbaqo waayo’aragnimooyinkayga – si celcelis ahaan, maalin iyo habeen. U adeegidda Qur’aanka (tafsiirkiisa, tarjumaddiisa iyo bayaamintiisu) waxa ay dad badan oo Muslimiin ah u ahayd sharaf iyo mid ay ku faanaan. Sidaas si la mid ah ayaan dareemay, aniga oo rabay in aan Qur’aanka ku soo ban dhigo Af Ingiriisi aan is lahaa le’ekaysii ama ku dhereri asalkiisa Af Carabiga ah. Kaasina waxa uu ahaa rabitaan aan ku beerraqsanaa, laabtayduna ku xasilloonayd ammin ku siman 40 gu’.  Waan u hub iyo qalab (buugaag) urursaday howshaas. Waxaan booqday meelo, u kooraystay una xadhko xidhay socdaallo, qoraallaan sameeyay, waxaan raadsaday weheshiga dad aanaan si kale isugu isaga soo hor baxneen, iskuna deyay in aan sahamiyo, una dhaco aragtiyahooda iyo laabahooda, si aan isugu hubeeyo howshaas weyn.  Mararka qaar, waxa ay naftu i odhonaysay in howshu iga qaro weyn tahay oo igu culus tahay, - maxaa yeelay, labada shaqo ee ah in marka hore ay ii dhaco (fahmo) ulajeeddada asalka, iyo in aan guuriyo, kana digtoonaado marka aan tarjumayo, inaanay lumin quruxdoodu, dhadhankooda suugaaneed, weynaantooda, macaanka ereyada, iyo howlgelintooda maalinle.  Markaas baan haddana isku canaantaa dhiirrasho la’aantayda – dhiirranaanta ruuxiga ah ee looga baahan yahay qof kasta oo raba in uu xaqiijiyo wax qiimo weyn ugu fadhiya…]
Waa kan mar kale:
Two sets of apparently accidental circumstances at last decided me. A man’s life is subject to inner storms far more devastating than those in the physical world around him. In such a storm, in the bitter anguish of a personal sorrow which nearly unseated my reason and made life seem meaningless, a new hope was born out of a systematic pursuit of my long-cherished project. Watered by tears, my manuscript began to grow in depth and earnestness if not in bulk. I guarded it like a secret treasure. Wanderer that I am, I carried it about, thousands of miles, to all sorts of countries and among all sorts of people. At length, in the city of Lahore, I happened to mention the matter to some young people who held me in respect and affection. They showed an enthusiasm and an eagerness which surprised me. They almost took the matter out of my hands. They asked for immediate publication. I had various bits ready, but not even one complete Sīpāra. They made me promise to complete at least one Sīpāra before I left Lahore. As if by magic, a publisher, a kātib (calligraphist to write the Arabic Text), an engraver of blocks for such text, and a printer were found, all equally anxious to push forward the scheme. Blessed be youth, for its energy and determination. “Where others flinch, rash youth will dare!”
[….Laba dhacdo oo iskood u yimid ayaa igu dhiirri geliyay in aan ku go’aan qaato.  Naftu waxa ay u ban dhigan tahay  maayado (mawjado) gudeed oo ka burburin iyo dhaawac badan kuwa adduunkan innagu xeeran ka jira. Maayaddan oo kale oo iga dhex kacday, waxa ay hurisay murugo xoog badan oo igu dhaweysay in irbadda maskaxdaydu dhaqaaqdo, nololshaydana ka yeelsiisay mid macno-la’aana, se waxa ka soo dhex boodday abdo (rajo) cusub oo ku aaddan rabitaankaygii aan doonayay in aan ku rumeeyo howshaas aadka iigu weynayd. Ilmadaydii ayaa waraabisay mashruucii tarjumaadda, waxana uu qoraalkii u koray (sidii geed) dherer, dhumuc, iyo gunba. Waxaan wareegaba, iyo meel aan maroba, xagashayda ayaan ku sitay qabyoqoraalkii, kumannaan mayl ayaan la socdaalay, dalal badan iyo la kulanka dadyow jaad walba leh.  Ugu dambayn, magaalada Lahoor, waxa dhacday in aan arrinkaygii la socodsiiyo dhallinyaro ii heysay maamuus iyo kalgacal. Waxay muujiyeen danayn xoog leh iyo xiise iga yaabiyay.  Culayskii iyo xilkii ayay gacmahayga kala wareegeen. Waxana ay codsadeen in aan si degdeg ah u daabaco. ….. Waxa ay ahaayeen dhallinyaro barakaysan, dhiirran oo ku ceeryoonsan firfircooni iyo ka-go’naansho…]
Aqoonta Sh. Cabdullah uu u lahaa diinta Islaamka iyo sida uu u dhex muquurtay aqoonta, fikirka Reer Galbeedka, suugaan dhaadhinimadiisa, sida uu hoggaanka ugu qabtay Af Ingiriisida, iyo ugu mudnaan jacaylka uu u qabay howshan guntiga ugu jirtay, ayaa ka dhigtay in tarjumaddiisu noqoto ta loogu akhris badan yahay dhulka Reer Galbeedka.  Si la mid ahna, waxa ay noqotay mid sabab u noqota in ay Islaamka ku soo hanuunaan dad tiro badani.
Dadaalkani waxa uu Sh. Cabdullah u ahaa hiigsi si fiican u rumoobay oo uu haleel, hanti, iyo aqoonba u huray, ugu dambaynna dhaliyay in noloshiisii guur burbur ku dhamaato.

Gebagebo nololeed oo murugo leh

Dhinaca murugada leh ee arrinka Sh. Cabdullah waxa ay tahay in noloshiisu ku soo gebagebowday xaalad aad looga tiiraanyoodo. Hanti ahaan, jeebkiisu muu madhnayn, maxaa yeelay bisil (pension) ayuu qaadan jiray, meelo kalena wax waa ka soo geli jireen. Ha yeeshee, gu’yaashii ugu dambeeyay noloshiisa, waxa la soo dersay xanuun xagga dhimirka ah, mararka qaarna waxa la arki jiray isaga oo gaafwareegayaya suuqyada London isaga oo xidhan dhar calal ah, meel loogu soo hagaagana aan lahayn.  Waxa xusuus mudan in labadiisii guur ay guuldarro ku gebageboobeen, carruurtii uu ka dhalay labada dumar ee caddaanka ahina ay wax dananayn ah u muujin waayeen.

Sida uu qoray M. A. Sherif, qoraaga buugga sooyaalnololeedka Sh. Cabdullah, “waxa ay ahayd xilli jiilaal aad u qabow, 9 Diisambar, 1953, in Cabdullah Yuusuf Cali, oo jirran, nin booliis ahi helay isaga oo fadhiya irridda aqal ku yaal Westminister. Ninkii ayaa u yeedhay dhoolli, waxana loo qaaday Cisbitaalka Westminister. Maalintii ku xigtay ayaa laga fasaxay cisbitaalkii, lana geeyay guri dadka aan guryaha lahayn lagu daryeelo.  Ha yeeshee, 10 Diisambar ayaa uu haleelay wadne xanuun (heart attack), ka dib waxa loola carary cisbitaal uu ku geeriyooday dhowr saacadood ka dib. Ma ay jirin cid sokeeye ah oo sheegata una diyaarisa aasitaan. Ha yeeshee, markii laga ogaaday Safaaraddii Baakistaan, ayaa loo qabanqaabiyay aas ku habboon qof Muslim ah."

Haddaba sidaas murugada leh ayaa ay ku gebagebowday noloshii Sheekhaas yaabka lahaa, isaga oo 81 jir ah.

Sida aan kor ku soo sheegay, tarjumaddiisu waxa ay noqotay ta Af Ingiriisiga ugu caansan, uguna raadayn badan.  Sidaas daraaddeed, dawladda Sucuudiga ayaa xilliyadii ay xoogga saari jirtay fidinta Islaamka tarjumaddaas udub-dhexaad uga dhigatay faafinta diinta.  Se waxa dhacday in ay farafareeyaan oo wax ka beddelaan si ay u waafajiyaan fikirka Wahaabiga.  Arrinkaasi waxa uu ahaa mid weecsan, gefna waxay ku tahay marxuumka, iyaga oo awoodi karayay in ay tarjumad madax bannaan sameeyaan. Nasiibwanaag, nuqulka gacanta iigu jiraa waa kii asalka ahaa ee aan la farafarayn.

Wax badan ayaa laga qoray marxuunka, se ciddii danaynaysa sooyaal-nololeedkiisii waxa ay ka heli karaan buugga Searching For Solace: A Biography Of Abdullah Yusuf Ali (Interpreter Of The Qur'an) by M.A. Sherif

Eebbe (sarree oo  korreeye) naxariistiisa ha ka waraabiyo.  Aamiin.

7 comments:

  1. Ustaad nuqulka aan la farfarayn seen ku heli karaa

    ReplyDelete
  2. Mansha Allah ustaad sidaad noola wadagtay ilahay haka abaal mariyk shekhana misanka xasanadka ha ugu dark shukran

    ReplyDelete
  3. Nuqulka aan la farafarayn sideen ku hele karnaa

    ReplyDelete
  4. Maaddaama Sucuudigu aanay dhawrin xuquuqdii turjubaaneed ee qoraaga, sow may habboonaan lahayn in la helo cid badisa iyadoon waxba laga beddelin, si tirada kutubta qoraalkii hore ku dhiganyahay ay u sii jiraan oo aan laga tan badin?

    ReplyDelete