Wednesday 8 January 2020

Dhaqanka iyo Jiritaanka Bulsho



W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Madaxweyne Trump dhowaan waxa uu dalka Eeraan ugu gooddiyay in uu burburin la beegsan doono goobaha dhaqan/taariikheed ee dalkaas.  Waxana laga yaabaa in ay dad badani arrintaas u fasirteen in ay ka ahayd doqonniimo iyo qof aan garanayn waxa uu ku hadlayo.  Runtu se waxa ay tahay in uu ahaa hadal aad u baac dheer isaga oo ogsoon kaalinta uu dhaqanka bulsho ku leeyahay sarrayntiisa iyo horumarkiisa.

Dhaqanku waa tiir xooggan oo ka mid ah nolosha bulsho. In kasta oo geeddi-socodka ilbaxnimo iyo horumar ee bulsho uu heerar kala duwan yeesho (sarrayn iyo hooseyn), haddana, ugu dambayn, hadhaaga dhaqan (aqoon, af, farsamooyin, fan,farshaxan, qiyam, rumayn iqk) ee ku kaydsan degaannadooda iyo maskaxahooda ayaa mar uun soo miiraaba ama  boodhka iska tuma, isla markaana qaata kaalin hormoodnimo.
Hadhaaga dhaqan  waxa uu sidoo kale raadeeyaa sida ay bulsho waxa u aragto, qiyamkooda, yididiilooyinkooda,hiigsigooda iyo dareennadooda.

Naqsh-e Jahan Square, Isfahan, Iran
Dhaqanka iyo hadhaaga ilbaxnimo ee Beershiya waxa uu ka mid ahay kuwa ugu raadaynta badan ee dunida.  Eeraan waxa loo aqoonsan yahay in ay ka mid tahay dharbtii ilbaxnimooyinka, iyo meel ay isku laanqaayrayn jireen dhaqannada bari iyo galbeed. Door-roonaanta hadhaagaas dhaqan ee Eeraan waxa ay hay’adda UNESCO ku tilmaantay in “haddii aaney jirin cabqariyadda Eeraan, in dhaqanweynaha aadane ahaan lahaa mid aad u sabool ah”[1]  Dalka Eeraan waxa ka jira 22 goobood oo hay’adda UNESCO ku astaysa “World Heritage Sites”.
Javad Zarif, wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Eeraan oo ka falcelinaya habdhaqanka Trump ee ku aaddan goobaha dhaqan ayaa beegsashadooda ku tilmaamay dembi dagaal.  Waa sida ay tahay e, dalka Maraykanku waxa uu saxeexay heshiiskii 1954 Hague Convention,[2] oo dhigaya “in laga waantoobo fal kasta oo colaadeed oo lala beegsanayo hadhaa dhaqan.”

Doorsoominta ama tirtirka dhaqan ee bulsho waxa la isla qiray in uu yahay hubka ugu mudan ee bulsho lagu burburiyo. Horrayso iyo dambaysona sooyaalyahanno, qoraayo, iyo mufakiriin caalami ah ayaa waxa ka ka yidhi arrinkan. Qoraagii reer Ingiriis George Orwell waxa hadalladiisa ka mid ahaa “Sida ugu roon ee bulsho loo burburiyaa waxa ay tahay in la yaraysto ama la diido, isla markaana la tirtiro fahanka ay ka qabaan sooyaalkooda.”  Mid kale ayaa isna yidhi: “tallaabada koowaad ee lagu jebiyo bulsho, waxa ay tahay in xasuustooda, buugaagtooda, dhaqankooda, taariikhdooda la tirtiro.”  

Haddaba, Trump la iman wax cusub, maxaa yeelay, qorshaahaas ahaa in bulshooyinka laga weeraro xagga dhaqanku, si looga adkaado, ka dibna ay u noqdaan dabadhilifyo, waxa uu ahaa mid soo socday ammin dheer, se Trump waxa uu banka soo dhigay uun qorshahaas soo jireenka ahaa ee bulshooyinka adduunka isku muquuniyaan – jeer ilaa jeer.



[1] Iran: Cultural Crossroads for 2500 years: The UNESCO Courier, October 1971, by Peter Avery.  
[2] The 1954 Hague Convention for the Protection of Cultural Property in the Event of Armed Conflict and its two (1954 and 1999) Protocols: basic texts

No comments:

Post a Comment