W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
aiawaleh@gmail.com
Waa
ganacsade. Waxa ay ahayd bisha
Rabadaantii dhoweyd ka horreysay. Laba
kontaynar oo basal ah oo uu Yaman kasoo rartay baa dekadda Berbera u yaal. Xilligaasna waxa uu ugu soo
beegay iyada oo saambuusaha si aad ah loo daanbuuso bisha Rabadaan, basashuna tahay
mid ka mid ah khudaarta lagu diyaariyo.
Waxa uu ku talo jiray in uu gaadhiisyo safarkiisa inta ka dhexeeya Berbera ilaa Raas Kaambooni.
Istaankii oo kontoneeyo baabuur
kire-sugeyaal ahi dhooban yihiin ayuu dhex istaagay.
Kuye: “Waar nimanyahow baabuur taargo leh baan rabaa in aan alaabtayda ku raro e ma la idinka dhex helayaa?”
“Waar
ulajeeddadaada maanaan garanin, ma
baabuur aan taargo lahayn ayaa istaanka kaaga muuqda?” ayay ugu war celiyeen
qaar ka mid ah wadayaashii baabuurtu.
Kuye: “Waar
waxaas iska dhaafa oo ii keena baabuur taargo leh oo aan xoolahayga saaro”.
“Weger
iyo ka waaweyn! Waar noo saaf warkaaga”. Sidaas ayay yidhaahdeen iyaga oo faahfaahin ka raba.
Deeto
waxa uu u sheegay in uu xoolihiisa la rabo in uu gaadhsiiyo laga bilaabo
Berbera ilaa Raas Kaambooni. Gaadiidka
ugu habboon ee uu alaabtiisa ku gaadhsiin karaana yihiin kuwa taargadoodu tahay Itoobiyaan!
Markaas
ka dib uun bey maankii wadeyaasha u soo
degtay runnimada hadalkiisa – iyaga oo og saansaanka ka jira carriga Soomaaliyeed. Waxa ay xasuusteen sida ay baanaddoodu goor
kasta oo ay soohdinta Somaliland iyo Puntland isaga gudbayaan uga ag dhowdahay, iyo sida boolashii taargada ku hayayna baabuurka ‘khalli-duur’ u noqdeen, ka dib markii ay ilka
beeleen sidii loogu rogayay baanadaha. Maxaa yeelay, marka ay dhinac u
gudbayaanba waa in ay ku xidhaan taargada ‘dalka’ ay gelayaan. Intaas waxa dheer weyddiimo ay ku ladhan
yihiin huruuf, hakin iyo mararka qaarkood hanjabaad aan loo
baahnayn oo ciidamada ammaanku la beegsadaan wadeyaasha baabuurta.
Ganacsaduhu
waxa uu ogaa in haddii baabuurku wato taargo Itoobiyaan ah, aan kadeed la marin marka ay isaga gudbayaan baraha kantaroollada ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, ama kuwa
maamul-goboleedyada koonfurta Soomaalia.
Ganacsadahaasi weliba waxa uu ii sheegay in xitaa nimanka Shabaabku aanay dan ka
gelin baabuurta Soomaaliyeed ee wadata taargada Itoobiyaanka. Haddaba isaga oo is-barbar-dhig ku samaynayana waxa uu
yidhi “Taargada Itoobiyaanka ah ee ay wataan baabuurtu, marka la barbar dhigo
kuwa wata taargooyinka Soomaaliga ah, waxa ay isku yihiin sida baasaboorka
caadiga ah iyo ka dibloomaasiga!”
Haddaba
miyaanay meesha ka muuqan ‘sokeeyenimada’ Itoobiyaanka, iyo sida ay
Soomaali u kala fogaatay.
No comments:
Post a Comment