W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Beerista dhirtu
qofka Muslinka ah waxa ay u tahay waxqabad uu inta uu nool yahay midhihiisa
goosan karo, ama waxtarkoodu bulshada iyo noolaha kale u noqon karaan, ama
kayd Aakhiro iyo abaalmarin u noqon doono qofka beera.
Dhinaca kale, waxa
aan la dhayalsan karin kaalinta ay dhirtu kaga jirto bedqabka arlada siiba
nuugitaanka naqaska kaarboon-2-ogsaydh oo ugu mudan waxyaabaha dhaliya
doorsoonka cimilada.
Haddaba maxaa ka
fiican in labadaas danood (if iyo aakhiro la kulmiyo) la is-waafajiyo?
Arrin door-roonaantiisa leh oo u taagan qodobkan waxa uu yahay in aad geed ama
dhir u joojiso waqaf-ahaan qof aad jeceshay oo geeriyooday ama aad hor Ilaahay
u beerto si ay bulshadu wax uga taransato.
Tusaale nool oo aan
si xooggan ii saameeyay, isla markaana aan markhaati ka ahay waa kan hoos ku
qoran:Gu’gii 2001, maalin
maalmaha ka mid ah aniga oo rabay inaan dhir u gado beertayda waxa aan u tegay
in magaciisa la odhan jiray Axmed Weris oo dhirta ku tarmin jiray gudaha deyrka
Wasaaradda Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Somaliland, xarunteeda
Hargeysa. Axmed waxa uu ahaa ilaaliye, se xilliga uu fakaagga leeyahay ayuu dhirta beeri jiray. Xilligaas magaalada kama ay jirin xarumo dhirta laga tarmiyaa. Maalin kasta gelinka hore ayuu suuqa u dhaadhici jiray oo hudheellada kasoo urursan jiray bacaha baastada, marka uu soo laabtana waxa uu ku guri jir ciid, niis iyo digo. Sidaas buu dhirta ku beeri jiray, dadkuna ugu iman jireen oo ka iibsan jireen.
Axmed Weris waxa aan ka iibsaday 30 geed oo liin-qarboosh ah. Markii aan lacagtii siiyay ayuu igu yidhi “saddexdaasna ku darso, hase yeeshee waxa aan kaa codsanayaa inaad gurigaaga iigu beerto haddii uu daarad leeyahay.” Sidii baan u yeelay. Waxa uu rabay in ay “Waqaf” u noqoto. Axmed Weris waxa uu geeriyooday dhowr gu’ ka dib. Maanta saddexdii geed midhaha ay bixiyaan qoyskayga iyo deriskuba waa ka haqab-beeleen. Mar kasta oo aan midho ka goosanayona waan xasuustaa, una duceeyaa Axmed Weris. Reerihii aannu deriska ahayn qaar baa midhihii ay cuneen iniinyahoodii ku sii beeray daaradahoodii, sidiina u guranaaya goosigoodii.
Qaabkan bal barbar dhig, hannaan kale oo ka jira dunida Reer Galbeedka. Waxa ay leeyihiin dhaqan dhirbeeriseed oo loogu yeedho “Memorial Trees” ama “Dhir-xasuuseed”, oo sida magacbixintu sheegayso lagu xasuusto qof ama cid la jecelyahay oo geeriyootay, oo lagu cabbirayo baroordhiiqo iyo la-qaybsi muruqo. Weliba xasuustaasi kuma koobna aadane oo keliya, bal se xitaa marar badan waxa dhacda in ay tan oo kale u sameeyaan noole la rabbaystay ama dadku wehel ka dhigtaan (pet animals).
Qaabkan ka jira dunida Reer Galbeedka, ma aha mid dhaafsiisan dunida korkeeda, marka la barbar dhigo tan hore ee ay Muslimiintu rumaysan yihiin.
Noloshayda intii aan soo jiray dhir badan ayaan beeray, shalay se laga bilaabo waxa aan qotomiyay geedkii ugu horreeyay ee aan hooyo oo geeriyootay 4tii Diisambar u waqfo, haddii Eebbe i karsiiyona waan sii wadi doonaa tirada aan qabsaday. Haddii aan gaadhi waayo dhammaystirkooda waxa aan u sii gudbin doonaa ubadkayga. Geed walibana waxaa uu soo cusboonaysiin doonaa xasuusteeda iyo u-ducaynta marxuumadda.
Ha samaato oo ha la helo.
No comments:
Post a Comment