Sooyaal

Dhaqanka iyo Jiritaanka Bulsho


W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Madaxweyne Trump dhowaan waxa uu dalka Eeraan ugu gooddiyay in uu uu burburin la beegsan doono goobaha dhaqan/taariikheed ee dalkaas.  Waxana laga yaabaa in ay dad badani arrintaas u fasirteen in ay ka ahayd doqonniimo iyo qof aan garanayn waxa uu ku hadlayo.  Runtu se waxa ay tahay in uu ahaa hadal aad u baac dheer isaga oo ogsoon kaalinta uu dhaqanka bulsho ku leeyahay sarrayntiisa iyo horumarkiisa.

Dhaqanku waa tiir xooggan oo ka mid ah nolosha bulsho. In kasta oo geeddi-socodka ilbaxnimo iyo horumar ee bulsho uu heerar kala duwan yeesho (sarrayn iyo hooseyn), haddana, ugu dambayn, hadhaaga dhaqan (aqoon, af, farsamooyin, fan,farshaxan, qiyam, rumayn iqk) ee ku kaydsan degaannadooda iyo maskaxooda ayaa mar uun soo miiraaba ama  boodhka iska tuma, isla markaana qaata kaalin hormoodnimo.
Hadhaaga dhaqan  waxa uu sidoo kale raadeeyaa sida ay bulsho waxa u aragto, qiyamkooda, yididiilooyinkooda,hiigsigooda iyo dareennadooda.

Naqsh-e Jahan Square, Isfahan, Iran
Dhaqanka iyo hadhaaga ilbaxnimo ee Beershiya waxa uu ka mid ahay kuwa ugu raadaynta badan ee dunida.  Eeraan waxa loo aqoonsan yahay in ay ka mid tahay dharbtii ilbaxnimooyinka, iyo meel ay isku laanqaayrayn jireen dhaqannada bari iyo galbeed. Door-roonaanta hadhaagaas dhaqan ee Eeraan waxa ay hay’adda UNESCO ku tilmaantay in “haddii aaney jirin cabqariyadda Eeraan, in dhaqanweynaha aadane uu ahaan lahaa mid aad u sabool ah”[1]  Dalka Eeraan waxa ka jira 22 goobood oo hay’adda UNESCO ku astaysa “World Heritage Sites” ama "goobo dhaxal aadane."
Javad Zarif, wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Eeraan oo ka falcelinaya habdhaqanka Trump ee ku aaddan goobaha dhaqan ayaa beegsashadooda ku tilmaamay dembi dagaal.  Waa sida ay tahay e, dalka Maraykanku waxa uu saxeexay heshiiskii 1954 Hague Convention,[2] oo dhigaya “in laga waantoobo fal kasta oo colaadeed oo lala beegsanayo hadhaa dhaqan.”

Doorsoominta ama tirtirka dhaqan ee bulsho waxa la isla qiray in uu yahay hubka ugu mudan ee bulsho lagu burburiyo. Horrayso iyo dambaysona sooyaalyahanno, qoraayo, iyo mufakiriin caalami ah ayaa waxa ka ka yidhi arrinkan. Qoraagii reer Ingiriis George Orwell waxa hadalladiisa ka mid ahaa “Sida ugu roon ee bulsho loo burburiyaa waxa ay tahay in la yaraysto ama la diido, isla markaana la tirtiro fahanka ay ka qabaan sooyaalkooda.”  Mid kale ayaa isna yidhi: “tallaabada koowaad ee lagu jebiyo bulsho, waxa ay tahay in xasuustooda, buugaagtooda, dhaqankooda, taariikhdooda la tirtiro.”  

Haddaba, Trump la iman wax cusub, maxaa yeelay, qorshaahaas ahaa in bulshooyinka laga weeraro xagga dhaqanku, si looga adkaado, ka dibna ay u noqdaan dabadhilifyo, waxa uu ahaa mid soo socday ammin dheer, se Trump waxa uu banka soo dhigay uun qorshahaas soo jireenka ahaa ee bulshooyinka adduunka isku muquuniyaan – jeer ilaa jeer.



[1] Iran: Cultural Crossroads for 2500 years: The UNESCO Courier, October 1971, by Peter Avery.  
[2] The 1954 Hague Convention for the Protection of Cultural Property in the Event of Armed Conflict and its two (1954 and 1999) Protocols: basic texts



Taariikhda Raasiga Berbera


Waxa aad qoraalkan gudihiisu ugu tegaysaa qodobbadan:
Isgaadhsiintii ugu horraysay carriga Soomaalida, Warlaliyihii BBCda, Maqaamkii Sh. Jebarti, iyo Noobiyaddii Labaad ee Berbera.

W/Q  Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com



Raasigu waa dhulyare dhererkiisu yahay 3.2 kiilomitar, oo badda Berbera hore u sii gashan, waxana uu ku caan yahay in uu yahay dugsi iyo gabbaad maraakiibta iyo doonyaha ka caabbiya kacdoonka badda. Ahaanshiiyaha ay magaalada Berbera ahayd, xilliyo aad u durugsan, marsada ugu magaca weyn xeebta dheer ee carriga Soomaaliyeed waxa door muhiim ah ka ciyaaray Raasigeeda dabiiciga ah, mana jiro ku kale oo la mid ah oo ku yaal xeebaha Carriga Soomaaliyeed. Haddii aanu Raasigaasi jiri lahayn, Berberana ma jirteen.  Raasigani waxa uu ka  dhigay  Berbera goobta ugu habboon ee doonyihii iyo maraakiibtii hore ku soo xidhan jireen ama barroosinka dhigan karaan. Ahmiyadda uu Raasigaasi Berbera u lahaa waxa ay ku xusan tahay qoraal soo baxay ammin hadda laga joogo 2,000 gu’ oo magaciisa la yidhaahdo The Periplus of the Erythraean Sea,[1] waana kan inta Berbera iyo Raasigeeda laga xusay:
 [...Marka la dhaafo Saylac, waxa la gaadhayaa magaalo-sayladeed kale, taas oo ka roon tii hore, waxana ay u jirtaa 800 oo stadia. Meesha barroosinka la dhigtaana waa qoorri furan oo raasi dhinaca bari kaga yaallaa oo maayadda xooggeeda ka ilaaliyo (kana dhigo dugsi). Halkan dadka deggani waxoogaa ayay ka doobir iyo nabadjaceyl badan yihiin (kuwii hore). Waxa halkan loo soo dhoofshaa waxyaalaha aynnu hore u soo sheegnay, iyo maryo gacmo gaab ah oo jilbaha jooga, koodhadh la midabeeyay oo laga keenay Arsinoe, koobab wax lagu cabbo, waxoogaa naxaas ah, bir, dhururi dahab iyo lacag (silver) ah, aan se badnayn. Waxyaalaha laga dhoofiyo meelahan waa malmal, beeyo (loo yaqaan “Far-side”), qorfe adag, duacaIndian copal iyo macir, laga keenay Berri-Carab; iyo addoon – in kasta oo ay yar yihiin ama aaney joogto ahayn..]
(Cutubka 9aad ee the Peripuls of the Erythrean Sea).



 Muuqaalxarriiq (sketch) ku soo baxay Buuggii Richard Burton, The First Footsteps in East Africa (1856) oo muujinaya Raasigii, Qudbigii Sheekh Jeberti, Xabaalihii Saadada (Bender Cabbaas), Qudbigii Sheekh Isaxaaq iyo magaaladii, magaaladii Berbera, iyo ardaagii Ingiriiska. 

Dhismeyaasha taariikhiga ah ee ku yaal  Raasiga Berbera waxa ka mid ah:

Berberi sooyaalka war-is-gaadhsiineed ee carriga Soomaalida meel hore ayaa ay kaga jirtaa. Waxa jiray keebal teligaraaf (telegraph) oo Badda Cas la soo dhigay, soona gaadhay Berbera 1890kii, lana dhigay Raasiga Berbera.  Khadkaasi waxa uu dalka Ingiriiska ku xidhayay Cadan, Berbera, Hindiya iyo Ustaraaliya.  Mar kale, 1912 ayaa isla Raasiga Berbera lagu rakibay qalabkii Dhiidhaada la odhan jiray (Morse Code) ee xogaha lagu gudbin jiray, markii dambena lagu fidiyay Hargeysa, Saylac iyo Burco.

Dhisme qalabaysnaa oo ay BBC-du lahaan jirtay oo barnaamajyadeeda u sii lalin jiray Afrikada Bari iyo Koonfurteed (BBC East Africa Relay Station) ayaa isna goobtaas ka jiray.   Dhismaheeda waxa la bilaabay 1959kii, waxana la howl geliyay 1960kii.  Ha yeeshee, ismaandhaaf siyaasadeed oo dhex marey Dawladdii Soomaaliya iyo Ingiriiska oo la xidhiidha gobolladii  kale ee carriga Soomaaliyeed ee aan xilligaas ka madaxbannaanin gumaysteyaashii kale ayaa dhaliyay in xidhiidhkii labada dal xumaado, ugu dambaynna  bishii Abril 1963kii ay xidhanto xaruntii warlaliska ee BBCda ee ku taallay Berbera.  Haatan, dhismihii oo qalfoof ah ayaa weli taagan.

Isla  meel u dhexaysa madaxa Raasiga iyo magaalada, waxa la sheegaa in uu ku yaal Qudbigii Sheekh Jabarti. Lama se hubo in ay meeshaasi tahay xabaashiisii dhabta ahayd iyo in ay ahayd maqaam Sheekhaas lagu xusi jiray.   Qoraal yar oo ku saaban qudbigaas oo uu qoray in Ingiriis ah oo la odhon jiray John Studdy Leigh oo Berbera bookhasho ku yimid 1838kii (ammin hadda laga joogo 179 gu’).  Sidan ayuu faahfaahin uga bixiyay “qabrigaas”:

“Meel fogaan ahaan kala badha caarada raasiga Berbera iyo magaalada waxa ka jira qabrigii Sheekh Jabarti.  Waa dhisme afargeesood ah oo marka meel fog laga daymoodo qudbigu sida minaaradda u eg yaha. Markii aannu gaadhnay,  nimankii ila socday waxa ay igu dirqiyeen in aanan  kabo la’aan ku gelin dhismaha qudbiga. Badhtamaha waxa ahaa dhismihii ‘xabaasha’ oo ka samaysan dhagaxshacaabi iyo sibidh, laguna dahaadhay laba maro oo leh midab dhalaalaya. Qurbaan ay dad hore u soo  booqday dhigeen ayaa meesha yaallay, sidoo kale,  ugxaan gorayo, oo ka mid ahaa waxyaabaha lagu qurxiyo baraha cibaadada ayaa yaallay.  Gees walba oo dhismaha xabaasha (kor dhulka uga kacsan) waxa ka muuqday god yar oo dabqaadyada la dhigo, laguna carfiyo xabaasha.  Fooxii dabqaayada ka baxayay ayaa labadii nin ee ila socday kor u qaadeen kuna afuufeen gudihii dhismaha iyaga oo debnaha  ka soo saaraya  dhawaaq ay “Sheekha” ugu ducaynayaan. Gidaarka iyo qayb ka mid ah derbiyayda ayaa isku dhacsanaa, sida aan u fahmayna, ay ka dambeeyeen Wahaabiyiinti.”

“Half way between the town and the point is the tomb of Sheikh Djibbarteyn, a square building with the appearance of a tower at a distance. The persons who accompanied me would not suffer me to enter without taking off my shoes. In the centre was a long tomb of stones and mortar, covered with two cloths of brilliant hues, the offering of some pious Mussulmen, as well as a few ostrich eggs, the usual ornaments of a mosque. At each end of the tomb was a recess where two earthen vessels of perfumes were placed. My companions took them both out and blowing into each pronounced an ejaculation to the Sheikh. The roof and part of the walls of the building were fallen in, destroyed, as I understood, by the Wahibis.”[2] 
Mar aan anigu booqday dhismahaas 2015kii, waxa jiray jid yar oo aan dhererkiisa ku hilaadiyay 200 mitir – kaas oo dhulka Raasiga wax yar kor uga kacsan oo laga sameeyay dhagac shacaabi aan la talbiisin. Waxana loogu talo galay in qofka booqanayaa in aanu biyaha badda cagaha la gaadhin xilliga ay baddu soo buuxsanto.  Dhismaha xaaladdiisu ma xumayn marka la barbar dhigo sida uu ninkaas Ingiriis uga warramay 167 gu’ ka hor, waxana ay u ekayd in dayactir laga samayn jiray.  Meesha gebi ahaanteed waxa ku gedaannayd saansaan degganaansho, oo mararka qaarkood naftaada ku xambaarayey in aad xusuus hummaag ah aad maankaaga dib ugu giraagiriso.   La yaabna ma ay lahayn, Berbera oo la odhon jiray ‘Miskiinkoris’ ama ‘Hooyadii Masaakiinta’ in dadkeeda qaar ay u hurdo tegi jireen xeebtaas ka ag dhow Qudbigaas. Ciidda ayaa ay kala xaadhi jireen, ka dibna lac odhon jireen iyaga oo cirka huwan dhulkana goglan.

Arrinka saddexaad ee sooyaalka Raasiga Berbera aynnu ku soo qaadanaynaa waa noobiyad uu Ruushku ka dhisay caarada Raasiga Berbera (Tamara Point) bilowgii 1970aadkii.  Marka la barbar dhigo middii hore ee ay Masaaridi dhistay (1877), kan dambe ee Raasiga ku oollaan jiray waxa laga suubbiyey biro la isku xidhxidhay.  Se dib ayaa loo dayactiray, ahmiyaddeeduna waxa ay tahay in ay maraakiibta ku soo hagto marsada Berbera.
Kalaqaydashada aan loo miidaan deyayn ee dhulka magaalada Berbera waxa ay keeni doontaa in raadad taariikheed oo kuwan iyo qaar kaleba ka mid yihiin  la waayi doono – arrinkaas oo qaayodhac ku keeni kara sooyaalka hodanka ah ee magaalda iyo weliba fursado dhaqaale iyo qaar dalxiisba.  In Raasiga la magaaleeyaa, waxa ay soo af jaraysaa fursad ay dekaddu ku fidi lahayd, una noqon lahayd marso ku fillaan karta baahiyaha dhoofineed iyo waxsoodejineed ee qarniyada soo socda. 

Raadraac
1.      The Forgotten BBC East Africa Relay Station at Berbera. (article dated May 2011)
2.      James Kirkman, John Studdy Leigh in Somalia,
3.      Walsh, L. P., Under the Flag and Somali Coast Stories (1932)
4.      Burton, Richard, First Footsteps in East Africa (1856)
5.      The Periplus of the Erythraean Sea







[1] The Periplus of the Erythraean Sea: Waxa uu ahaa  qoraal kooban oo uu qoray nin Giriig ah oo naakhuude ahaa,  oo aan magaciisa la haynin, ahaana reer Alexanderia, xilligii Boqorkii Nero ka talinayay dhulka Roomaanka.   Qoraalkaasi waxa uu ahaa hage loogu talo galay maraakiibta isaga dhex gooshi jirtay marsooyinka Badda Cas iyo Bariga Afrika, Gacanka  Berbera (Cadmeed), Gacanka Beershiya (Iiraan) iyo Hindiya, isla markaana ka war bixinayay ganacsiga iyo dadyowgii ku noolaa dhulalkaas.
[2] John Studdy Leigh in SomaliaAuthor(s): James Kirkman. Source: The International Journal of African Historical Studies, Vol. 8, No. 3 (1975), pp. 441-456


Haddii Ilbaxnimo la isu Buudo Tirsan Lahaa

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Xilli  hore oo xilliyada ka mid ah, lagana laga joogo dhowr qarni, qaab gaar ah oo  ay boqorrada  Abasiiniya (Xabasha) isu daba cidhbin jireen, ama maamulka isaga daba dhaxli jireen ayaa habkan soo socda loo mari jiray: 
Iyada oo ay jiri jirtay magacaabidda cidda dhaxal-sugaha ahi, ayaa haddana waxa dhici jirtay marka boqor dhinto, ee uu dhaxal-sugihi kursiga ku fadhiisto, in uu soo ururin jiray walaalladii iyo xigaalkiis intooda madaxyo-weynta ah.  Waxana loo taxaabi jiray “Xabsiga Boqor-sugeyaasha” - goobtaas oo ahayd meel 120 kiilomitir bari kaga qumman magaalada Gondor, oo ahayd caasimaddii Boqortooyada.  Buuro ay adag tahay si loo koro, oo badiba lagu fanan jiray jaranjarooyin kor u qotoma oo sallax siiban laga xorday, ama mararka qaarkood xadhko lagu kori jiray, ayaa lagu xerayn jiray,laguna hayn jiray.  Halkaas ayaa lagu ilaalin jiray inta ay ama kaalini uga bannaanayso maamulka  ama hoggaaminta boqortooyada, ama ay ka dhimanayaan!  Se xadhiggaasi ma ahayn mid run-ahaantii lagu sheegi karo xabsi.  Waxa se uu u dhignaa waxa beryahan dambe loo yaqaan “xadhig ama xabsi guri.”  Baahiyahoodana si hagar la'aan ah ayaa loo dabooli jiray.


Dhinaca kale, kol haddii ay goobtu ahayd meel dhowrsoon oo aan si howl yaraan ah lagu geli karin, waxa sidoo kale goobtaas ama goobahaas (maxaa yeelay waxa ay ahaayeen 3 meelood oo isu dhow oo la kala yidhaahdo:  Buurta Wehni,  Burta Amba Geshan, iyo Buurta Debre Damo) loo adeegsan jiray in ay ahaadaa Khasnaddii Boqortooyada; waxana la sheegaa, xilligii  Axmed Guray dagaalka kula jiray Xabashida in uu ku kacay saddex (3) isku-dey  si uu u jabsado, waxana ay kala ahaayeen gu’yaashii 1531, 1533, iyo 1540kii oo uu tan dambe ku guulaystay in uu furto.

Qodobkan is-daba-cidhbinta boqorrada ee ka jiray dhulka Xabashida waxa aynnu barbar dhigi doonnaa mid la ula jeeddo ah oo ka jirtay Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta.  Qarniyadii 14aad ilaa 16aad, waxa ay Cusmaaniyiintu ku dhaqmi jireen qaab loogu yeedho ‘is-daba-cidhbinta furan’ (open succession), taas oo ku salaysanayd, tusaale-ahaan, in Imbaraadoorka kolba xukunka hayaa uusan (aanuu) wax tibaax ah ka bixin jirin cidda kursiga uga dambayn doonta, se arrinku ahaa ‘kii roonoow, reeka u hadh’.  Haddaba in Imbaraadoorku wiil uu dhalay madax uga dhigo gobol aan ka fogayn fadhiga Imbaraadooriyadda, waxa ay dadku u qaadan jireen in uu Suldaanku door bidayo wiilkaas.  Dhowaanshaha uu magaalo-madaxda ku dhow yahayna waxa ay u ahayd fursad uu warka, saansaanka caafimaad ee Imbaraadoorka, iyo waxyaabaha ka dhex socda xarunta Suldaanka uu sida ugu dhaqsaha badan u ogaan karo. Haddaba, marka uu mid ka mid ah wiilashiisu xukunka gacanta ku dhigo, waxa uu xasuuq kula kici jiray walaalladiisa.  Waxa la sheegaa laynta walaaluhu in uu ka soo jeedo sharci uu jideeyay Suldaan Maxamed oo loogu yeedhi jiray Maxamad Al-Faatix.  Waxa se yaab lahayd in sidaas ay kula socdeen inta badan culimadii xilliyadaas ka  ag dhoweyd Salaadiintiinta.  Sidaas waxa ay u door bideen ka-feejignaanta ‘fidnada’ iyo hubinta isku heynta Imbaraadooriyadda. Waxana loo arkayay in danta “maslaxadda” ummaddu sidaas ku jirtay, si  “fidno” dhici karta loo baajiyo. Sidoo kale, mar Alle marka la arko in Suldaanka ay la soo deristay saansaan caafimaad darro ama itaal darro xooggani, waxa bilaabmi jiray loollan awoodeed oo ka dhexeeya walaalaha – haddii ay isku bah yihin, iyo haddii ay kala baho yihiinba.  Marka meel la iska dhigo Suldaanka, cidda kale ee saamaynta ugu ballaadhan ku lahayd arrimaha siyaasadeed iyo awoodda dawladeed waxa ay ahayd hooyada Suldaanka (Valide Sultan) iyo  dumarka ku dhowdhow Suldaanka. Xilliyada qaarkooda, awooddoodii ayaaba hadhayn jirtay tiisa, halisna ku noqon jirtay hoggaamintiisii, mararka qaarkoodna wiiiqitaan ku keeni jirtay   Imbaraadooriyadda. Hab-dhaqankaas ayaana loo tiiriyaa degganaanshihii, horuamrkii xilligaas, iyo kobocii dhaqaale ee dawladdii Cusmaaniyiinta.  Waxana uu sidoo kale noqday mid ka badbaadiyay dagaallo sokeeye iyo kala-dhambalan ku yimaadda dhulkalkii ay xukumayeen. 

Si kastaba arrimuhu ha ahaadaan e, is-barbar-dhigga labadan tusaale, ugu horrayn waxa laga dhex dheehan karaan  in ay ka midaysan yihiin in  midnimada Imbaraadooriyadahoodu ahayd arrin lama taabtaan ah, markaasna cid Allaaliyo ciddii loo arki karo in joogitaankoodu halis iyo qalalaase ku keeni  karo qaabka ay wax u socdaan, la sii hor degi jiray, lana samayn jiray ka-hor-tag.  Waxa se ay labada Imbaraadooriyadood ku kala duwanaayeen qaabka ay u maarayn jireen halisahaas.   Qolo waxa ay meel dhigatay in ay birta ka asasho (layso) Amiirradaas; halka qolada kale, oo aynnu u jeedno Xabashidu si doobir leh, naxariisina ku dheehan tahay ula dhaqmi jireen Amiirradoodii, iyaga oo weliba ay u laaban tahay door ay kaga qayb qaadan karaan hannaanka maamul ee Boqortooyada iyo dalkaba.

Haddaba Afrika in badan ayaa aragtiyo taban laga soo tebin jiray e, miyaan habdhaqankaasi u ekayn dhimbiil ilbaxnimo!

Raadraac:    
1. The Othoman Harem, All About Turkey  http://www.allaboutturkey.com/harem.ht
2. Ekrem Bukra Ekinci, The History of Fratricide in the Ottoman Empire – Part 1; Feature article on Dailay Sabah (August 6, 2015), Istanbul.
3. Richard Greenfield, Ethiopia: A New Political History, Pall Mall Press, London (1965)


Buuraha Naasa Hablood Badbaado ayay u Baahan Yihiin

W/q  Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com


Buuraha Naasa Hablood ee ku yaal cidhifka bari ee Hargeysa ayaa ah astaan dhuleed lagu tilmaansado magaaladaas.  Magaca ay xambaarsan yihiin labada buurood ayaa ah mid dubaaqa qofka ku xadanteeya dareenno kala duwan  sida xiise kagacal, madadaalo, seenyaale tibaaxaya taran aadame, iyo mid ka mid ah astaan quruxeedka inan gashaanti ah.  Sidoo kale, muuqaalkooda il qabatinka leh, isla markaana dareenka qofka kor u qaadaya ayaa ka dhigay in heesaa badani ku hal qabsadaan.

Haddaba iyada oo u jiro u hilowgaas ballaadhani ayaa haddana ay goobtaasi tahay meel dad badan oo reer Hargeysa ahi ka muujiyaan dareen cabsiyeed, tii oo meeshaas loo tiiriyo in ay tahay xarun jin. Waxana arrinta ka markhaati kacaya, haddii qof loo maleeyo in la durreeyay  oo la waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, goobta ugu horraysa ee laga raadshaa waa buuraha Naasa Hablood.  Keliya marka la hubiyo in aan meeshaas laga helin ayaa dhulal kale laga baadi goobaa.
             
Taariikh aaan, xidhiidhadii qotada dheeraa ee ka dhexeeyay Arladii Bunt, oo dad badani isla qirsan yihiin in uu ahaan jiray carriga Soomaaliyeed, iyo Masarta hore, iyo weliba isu ekaanshaha dhisemeyaasha Ahraamta Masar iyo buuraha Naasa Hablood, ayaa dadka qaar waxa ay qabaan in buurahaasi samays yihiin.  Aqoonyahan taariikhda Faraaciinta ku xeel dheeraa oo arrintan wax ka qoray, magaciisana la odhon jiray Maxamed Xuseen Caabbi (AHUN) ayaa ka mid aha dadka qabay in buurahani samays yihiin.
Isla qodobkan sare, oo aan anigu ba wax ka qoray, waxa aan baadhistaydii ku soo ururiyay buugga The Mystery of the Land of Punt Unravelled, waxana iiga soo dhex baxay arrimahan:
·         Marka loo kuur galo raadad ama aathaar hor leh oo labadii gu’ ee u dambeeyay laga soo saaray dooxada Hargeysa iyo agagaarkeeda, iyo meelo kale oo u badan dhulka buuraleyda Golis – kuwaas oo isu ekaansho weyni ka dhexeeyo muuqa alaabooyin badan oo dhagax laga qoray, far qorallo, qaab xabaaleedkii dadkii hore iwm, iyo weliba runta ah in Masaaridii hore u yaqaanneen Arladii Bunt dhulkii ay ka soo jeedeen awoowyaashood, waxa la odhon karaa in ilbaxnimadii Arladii Bunt ka jiri jirtay ay hordhac u ahayd tii Masaaridii Hore.
·         Si ay Masaaridii Hore (Soomaalidii Hore) aaney Arlada Bunt xasuustooda uga sal guurin, waa kuwa Ahraamtoodii u ekaysiiyay buuraha Naasa Hablood.

Ilaa haatadan, ma jiraan wax degel baadhis ah oo lagu sameeyay buuraha Naasa Hablood iyo goobo kale oo ka mid ah dalka, ha yeeshee waxa jira xogo isa soo taraya oo tibaaxaya taariikh hodan ah oo uu dhulkani lee yahay. 

Haatan iyo dan:  Quruxda dabiiciga ah ee buuraha Naasa Hablood, hadhaaga taariikheed ee la fili karo in uu ku duugan yahay goobtaas, iyo xiisaha dalxiis, intooduba waxa ay hoosta ka xarriiqayaan baahdi loo qabo in buurahaas loo aqoonsado goob  taariikheed (heritage site).  Waxana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo buurahaas oo ay ka mid yihiin:
1.      In la qaydo soohdinta ay ku fadhiyaan buurahaasi oo ahaadaan goobo ka caaggan jagojagaysi iyo dhismeyaasha ku sii durkaya.
2.      In la  joojiyo dhagaxa dhisme ee iska rogooyinku ka soo guraan goobtaas.
3.      In goobtaas laga ilaaliyo goynta dhirta oo awel beel teel ku ahayd.
4.      In la qaado tabihii lagu dhaqan gelin lahaa qodobbadan kor ku xusan.

 Xusuus: Halkan ka dhugo buugga The Mystery of the land of Punt Unravelled


+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++


  Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna

W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

1.      Hordhac
 “Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye (qadiimiga ahaa)  – laga soo bilaabo Strabo iyo Agatharchides, ilaa laga soo gaadho qoraagii lama-yaqaanka ahaa ee qoray The Periplus of the Erythraean Sea, waxa ay run-ahaantii gar-waaqsan lahaayeen door-roonaanta (ahmiyadda) Dhulka Barakaysan ee Soomaalida (oo sida kalena xilliyo kala duwan loo yiqiinnay Arladii Bunt iyo Azania)”.

Hadhalkan waxa yidhi aqoonyahan u dhashay dalka Giriigga (Prof. Muxammad Shamsaddin Meggalomatis) ku xeel dheeraaday sooyaalka dalalka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waa hadal aad u qaayo leh. Waxa se layaab leh moogganaanta dadkeenna ay mooggan yihiin sooyaalkaas faca weyn leh iyo danayn la’aanta ku aaddan tagtada iyo raadadka duulalkii innaga horreeyay ee ku dhaqnaa dhulkeenna. 


Muuqaal bidix: Boqorkii Tutankhamun ee Masriga ahaa. Muuqaalka midig: Dhagax lag helay meel ka mid ah Somaliland  

Ka hor inta aynaan gudo gelin nuxurka qoraalkan kooban, waxa is-waydiin mudan: Maxaynnu ka rabnaa in aynnu isku howlno ogaanshiiyaha sooyaal bulsho oo soo  taxnaa ammin aad u fog oo laga soo gudbay, tiiyoo ay weliba aanay jirin dhigaal/kayd qoraallo  fac weyn oo ku saabsan arrinkaas?
Si kooban, eray-celintu waxa ay tahay: Sooyaalka, hadhaaga aqooneed iyo dhaqanka ay bulsho isu tiriso ama sheegato, waa midka iyaga ka gaar yeela bulshooyin kale, gun-dhigna u noqda astaynta ahaanshiiyaheeda.  Dhaqanka, hiddaha, afka iyo maan-kaashiga (fikirka) bulsho  waxa ay wadar-ahaantood ahaanayaan wax qaayo leh oo bulshada iska leh u ah baadi-sooc.  Kala-duwanaanshaha bulshooyinka ayaana ka qayb qaata hodminta dhaqan ee bulsho-weynta adduunka. 

Soomaali-ahaan, waxa boggaga sooyaalka innoo galay, ama dad badani iska dhaadhiciyeen  aragtida ah in bulshada Somaaliyeed  tahay bulsho cusub oo aan fac-weynaan lahayn. Ha yeeshee fac-weynaanta bulshada waxa markhaati dhow u ah afka ay ku hadlaan oo ugu horrayn ka tirsan bah-afeedka Kushitigga oo ka mid ah 5-ta af ee ku kulma bah-weyne-afeedka Afro-Asiatic ama Afafka Badda Cas (Erythraean family of languages) oo kala ah:  Kushitigga, Jaadhiga, Barbarka, Saamiga iyo Masrigii hore. 

2. Saansaanka degel-baadhiseed ee carrigeenna
Dhinaca raadadka sooyaal, laguma samayn carriga Soomaaliyeed baadhitaanno degel-baadhiseed oo qoto dheer, waxa se jiray hawlo lagu tilmaami karo in ay bilow yihiin ama guud-mar wanaagsan oo ay qabteen A.T. Curle (1937) iyo N. Chittick (1969).  Beryahan dambe se waxa xiisihii degel-baadhiseed kor u qaaday soo-shaac-bixintii ay Proff. Xavier Gutherz  iyo kooxdiisi  ku sameeyeen Laas Geel (2002) iyo Sacda Mire (degel-baadhihii Soomaaliyeed ee ugu horraysay) ay ku samaysay xaradh-godeedka Dhambaliin (2008).  Sidaas daraadeed, beryahan dambe waxa isa soo taraayay aragti ka geddisan ta aynnu kor ku soo tilmaamnay ee la’aad ama meel madhan ka dhigaysa in bulshada Soomaaliyeed ahaan jireen duul  il-baxnimooyin hore lahaa.  Waxa soo if-baxaayay raadad muujinaaya sooyaal iyo il-baxnimo fac weyn oo ka jiri jiray meelo kala duwan oo ka mid ah carriga Soomaalidu deggan tahay – siiba buuralayda Golis iyo dhulalka  xeebaha ah.  Dhinaca kalena, waa ay jiraan raadad kale oo il-baxnimo oo ka jira magaalo-xeebeedyada koonfurta carriga Soomaaliyeed, ha yeeshee  kuwaasi  ma ay ahayn qaar loo gaar yeeli karo Soomaalida, balse waxa ay intooda badani ahaayeen qaar ay door xooggan ka qaateen aloosiddooda bulshooyin kala duwan oo xilliyo kala taggan degay xeebaha koonfureed oo isugu jiray Carab, Iiraan iyo Hindi.

3.  Daah-fur degel-baadhiseed oo cusub
Arrimaha ugu xiisaha badan ee waa/xilli cusub u berinaya sooyaalka Soomaalida iyo dhulka ay  Geeska Afrika kaga dhaqan yihiin, waa daah-fur cusub oo la xidhiidha raadad iyo hadhaa aad u fac weyn oo lagu hilaadin karo in ay la fac yihiin  il-baxnimadii Masaaridii Hore (haddii aysan kaba da’weynayn karin).   Raadadkaasi waxa ay u dhigan yihiin qaab kuro (madaxyo) ka samaysan dhagax iyo alaabooyin kale oo aan laga garan karin  kuwii ay samayn jireen Masaaridii dhaqnayd xilligii Faraaciinta. 
U kuur gal aan ku sameeyay raadadkaas, oo laga helay meelo kala duwan oo Somaliland ka mid ah, siiba Hargeysa, Buuraha Naasa Hablood, Laas Geel iyo meelo kale, waxa iiga soo baxay sida ay u xidhiidhsan yihiin sooyaalka Masaaridii hore iyo dadkii ku dhaqnaa Arladii Bunt.
Qof kasta oo Soomaali ah oo wax ka yaqaanna ama ka og sooyaalka bulshada Soomaaliyeed, haddii  la waydiiyo meesha ay ku oolli jirtay ama loo yiqiinnay Arladii Bunt waxa aan muran ka jirin in uu ku sheegi doono carriga Soomaaliyeed siiba dhulka ku dherersan Gacanka Berbera (Cadmeed).   Ha yeeshee 50-kii gu’ ee u dambeeyay arrintaas waxa la geliyay muran badan,  waxana ay  badiba culimada ku xeel dheeraatay sooyaalka Bariga iyo Waaqooyiga Afrika u badan yihiin in ay dhulka Eriteriya ku sheegaan meeshii ay ahaan jirtay Arladii Bunt.
Haddaba murankaas ku saabsan meesha ay ahaan jirtay Arladii Bunt waxa uu u dhow yahay in uu soo gebageboobayo marka loo kuur galo raadadka dhowaalahan soo  if baxaya ee laga helay meelo dhowr ah oo Somaliland ka tirsan.

4.      Cilmi-baadhis ku saabsan Arladii Bunt
Faahfaahinta meesha ay ahayd Arladii Bunt waxa aan si qoto dheer ugaga hadlay buug dhowaan soo bixi doona oo magaciisa la yidhaahdo ‘The Mystery of the Land of Punt Unravelled”.  Doodda uu buuggu xambaarsan yahay iyo aragtiyaha uu soo ban dhigayaa waxa aan ku soo koobayaa dhowrkan qodob:
a)      In Arladii Bunt ay ahayd carriga Soomaaliyeed. Doodda buugguna waxa ay kaga duwan tahay doodaha ay soo jeediyeen culimadii hore in dhammaan soo jeedintoodu aysan lahayn caddayn degel-baadhiseed (archeological evidence) tani se ay ka duwan tahay, oo raadad la taaban karo badhi-taar u yihiin.
b)      In dadkii ku noolaa Arladii Bunt (oo ah carriga Soomaaliyeed), sooyaal-yahannaduna ku tilmaameen “the People of Punt” ama “Punitites” iyo Masaaridii Hore ay isku dad ahaayeen.
c)      In ay Masaaridii hore ka tegeen carriga Soomaaliyeed, il-baxnimadii dhulkan ka jirtayna ay hordhac u ahayd il-baxnimadii sida weyn uga aloonsan tahay dacallada webiga Niilka.

Caddaymaha tirada badan ee aan cilmi-baadhistayda ku helay waxa ka mid  ah isu ekaanshaha labadan muuqaal (ee kor ku sawiran) oo ka bidix yahay boqorkii dhallinyarada ahaa (16 jir) ee ka tirsanaa Faraacinadii Masar, magaciisuna ahaa Tutankhamun oo ku gaadhan gashigiisii (hugiisii) boqornimo:  Waxa uu labada gacmood, si is-weydaar ah ugu haystaa laba shay oo astaan u ahaa awoodda boqornimo oo kala ah ul  (flabellum) u samaysan qaab hangool, dhinaca kalena waxa uu ku haystaa ul kale (crook) oo madaxeedu sida bakooradda u samaysan tahay.  Waxa kale oo ka muuqda madaxiisa muuqaal mas (jaadka kobraha loo yaqaan) iyo gorgor.  Maska madaxa lagu muujinayo waxa ay Faraacinadii hore ka rumaysnaayeen in uu dab holoc ah afka ka tuuri jiray, lana beegsan jiray nacabkooda (cadowgooda).  Astaan kale oo muuqaalka Tutankhamun ka muuqataa waa gadhka dheerer ee dhammaan boqorradii Masaarida lagu arki jiray muuqaalladooda.
Bal haddaba aynnu barbar dhigno muuqaalkan midigta xiga oo laga helay meel ka mid ah Somaliland, siiba agagaarka Hargeysa.  Wax lagu kala sooci karaa ma jiraan!   Maskii, gorgorkii, hangoolkii, bakooraddii iyo gadhkii.
Fari kama qodna, ha yeeshee akhristaha ayaan u daayay in uu aragti ka yeesho muuqaalladan.

5.      Gebagebo
Bulshada aan tagtadeeda ku haysanin wax ay dib ugu laabataa waxa ay ka dhigan tahay sidii baal shinbireed ay dabaysha kolba gees u qaadayso. Waxana hodannimada dhaqan iyo raadadka sooyaal ee ay leedahay bulsho koriyaan hankeeda. Dhinaca kale, soo-shaac-bixinta, kaydinta iyo soo bandhigidda raadadkaas hore waxa ay ka qayb qaadan karaan isku-dhafka dhaqaale ee dalkeenna – halkii ugu badnaan il keliya ama laba uun lagaga tiirsanaan lahaa – tiiyo dad badan oo dalxiis ahi soo booqan karaan dalkeenna, dhaqaalena kusoo kordhin karaan.

Haddaba waxa habboon in daryeel iyo ilaalin loo fidiyo dhaxalka sooyaal ee dhulkeenna ku duugan.  Xilka ugu weynina waxa uu ka saaran yahay xukuumadda. Ha yeeshee waxa muuqata in xukuumadihii isaga dambeeyay Somaliland aysan ku tallaabsan wax-qabad muuqda oo ku aaddan dhinaca raadadkaas sooyaal (aathaar) ee qaayaha leh.   Waxa kale oo muuqata in Agaasinka loo igmaday howlaha jaadkan oo kale ahi ahaado mid kolba Wasaarad lagu ladho, isla markaana ay hadhayso saldhigasho-la’aan iyo dhaqaale la’aani. 
Haddaba waxa fiicnaan lahayd  in agaasin ama wasaarad madax bannaan  oo ku suntan ama ka shaqaysa  Hiddaha iyo Degel-baadhista  (Culture and Archeology), loona awood siiyo in ay xilkaas culus ee qaayaha leh si fiican u gutato. 
Ahmed  Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com


+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

  Xasuus Carruurnimo iyo Cadaadlay - Qaybtii I


  W/Q:  Axmed Ibraahin Cawaaale
aiawaleh@gmail.com

Meeshu waa Cadaadley, oo ka mid ah magaalooyinka hadda nool ee ka jira Soomaalilaan kuwa ugu faca weyn – marka laga reebo magaalo-xeebeedyada.  Xilliguna waa bilowgii 1960aadkii.  Waxa ay leedahay cimilo san, biyo joogto ah iyo deegaan qurxoon oo dhiraysan.  Sidoo kale, waxa ay ahayd mid ka mid ah xarumihii laga abaabuli jiray dagaalkii Ingiriis ee ka dhan ahaa Daraawiishta Ina-Cabdullle Xasan (AHUN).  Waxana ay ammin kooban saldhig u ahayd  Sir Geoffrey Francis Archer (oo ay Soomaalidu u tiqiinnay Caarshe-dheere), ninkaas oo dhowr xil ka soo qabtay maamulkii Ingiriis ee Soomalilaan, ahaana ugu dambayntii sarkaalkii soo jeediyay in duqayn dhinaca cirka ah loo adeegsado jebinta xoogaggii Daraawiishta.  Ilaa maantana waxa magaalada Cadaadlay ku yaalla geed gob ah oo magaca “Caarshe” sita, oo  ah goobtii uu degganaan jiray.

Magaaladu wax ka jiray xero millateri, dugsi hoose iyo mid dhexe, shooki (rug booliis) iyo bar caafimaad.  Dooxyada magaalada oo biyahoodu dhow yihiin awgeed, waxa ay magaaladu xoolo dhaqatada u ahayd meel ay u soo ceel-fadhiistaan xilliga jiilaalka, waxa la arki jiray boqollaal kadin geel ah oo u soo arooraya dooxa Siig ee ku yaal agagaarka Cadaadlay.  Magaaladu xilligaas oo kale waxa ay la ceeryoonsanaan jirtay xoola-dhaqato.  Qodob kale oo xiise lehina waxa uu ahaa in tirada islaamaha (habraha) ah ee tuulada ku nooli aad u badnaayeen, jeer oo la odhon jiray “Cadaadlay waxa loogu duceeyay hadh iyo habar!”  Islaamuhu marka ay reerahooda ka hadhaan, ciddooda qaarkood waxa ay door bidi  jireen in ay tuulo dejiyaan, si ay ugu qaataan inta noloshooda ka hadhay.

Laba masaajid ayaa ku yaallay oo mid kastaaba dooxa magaalada u jiray wax aan ka badnayn toban tallaabo; dhir waaweyn oo gob ah ayaa hadhayn jiray, inta badanna dad waaweel ah ayaa  ku cibaadaysan jireen. Foostooyin bir ah oo giraamo leh ayaa biyaha weysada loogu shubi jiray; quraarado qaro weyn oo midabkoodu u eeg yahay macdanta imaroolka (ama cagaar madow xiga) ayaa weel ahaan weysada loo adeegsan jiray.  Qaar ka mid ah wadaaddada magaalada ayaa caweyska Arbaca kasta  tuulada badhtankeeda ka soo dhex unki jiray Shallaad iyaga oo tiriig Mijir-koos[1]ah,  faynuus ama bitijoor[2] (toosh) sita. Waxa kale oo ka dhex muuqan jiray aabbahay (AHUN).  Waxa faynuuska u sidi jiray Cabdi-garanuug oo ahaa nin suufi ah, magaaladana hudheel cunto ku haysan jiray. Sidaas ayay dad door ahi ku soo raaci jireen, socodkooda oo ay weheliso jiibtaas ruuxaaniga ahina waxa uu ku soo gebageboon jiray mid ka mid ah labadaas masajid. Halkaas oo dikri iyo xadro laga oogi jiray salaadda cishaai’ ka dib.  Culimadii xadrada aad ugu jibboon jirtay waxa ka mid ahaa (Alle giddood ha u naxariisto e) Aw Xasan Shaqalle, Aw Iimaan Sh. Muxumed-Daahir, Aw Maxamuud Aw Cilmi iyo qaar kale.  Akriska Mawliidkana habeennada Jimcaha ayaa la joogtayn jiray.

Magaala-madaxyada goballadii dalka sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo kuwa kale, waxa xilligaas ka jiri jiray goobo bulshadu ku kulmi jirtay, xogahana ku kala qaadan jireen, waxana la odhon jiray sibil-santar (Civic Centre), Cadaadley se, waxa jirtay makhaayad uu lahaan jiray wadaad la odhon jiray Aw Xasan Shaqalle (AHUN) oo ugu jirtay kaalintaas.  Waxana maamulkii degmadaasi u dhiibeen reedhyoow weyn oo jaadka loo yaqaan Phillips.  Maalin kastana goor-sheegtu marka ay gaadho shanta-iyo-badhka (5:30) galabnimo, waxa la arki jiray goobtaas oo dadku isa soo dhoobaan si ay barnaamajka maalinlaha ah ee BBC-da u dhegaystaan, isla markaana ugu buuxsadaan saacadahoodii gacanta ee  ahaa Wistanka (Westend) ama kuwii jeebka la gashan jiray – iyaga oo ku beegi jiray dawanka saacadda Big Pen ee dhismaha Westminister Abbey ku taal ee caasimadda Landhan.   Kol haddii aaney tuuladu lahayn mishiin dab-dhaliye, baytariga weyn ee reedhyowga lagu dabeeyo ayaa saddexdii biloodba hal mar Hargeysa loo qaadi  jiray si loo soo jaaj-gareeyo.

Raadyowgii Phillips-ka ahaa iyo goor-sheegtadii Wistan (Westend) ee la adeegsan jiray 1960aadkii 

Degmada waxa Dhiisii (D.C.) ama guddoomiye ka ahaan jiray Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile, oo aabbe u ahaa Yusuf X. Aadan, labadoodaba Eebbe ha u naxariisto e.  Ilaalada/askarta shookiga ka howl gashaana ma ay oggolaan jirin in magaalada lala dhex maro hub.  Waxana la arki jiray iyago oo kolba dadka (siiba xoolo-dhaqatada) ka ururiya budhadhka, toorrayda iyo warmaha.

.Goobaha kale ee ugu caansan Cadaadlay waxa ka mid ahaa dugsigii lagu baran jiray Qur’aanka Kariimka oo alifka la iigu bilaabay, waxana lahaa wadaad la odhon jiray Aw Maxamed Suufi (AHUN). Waxa ay ahayd geed gob ah hoostii, oodna lagu soo wareejiyay. Waxana aanu wax ku baran jirnay loox-Qur’aan. Marka aannu subcinaynona waxa dhawaaqayaga laga maqli jiray magaalada dacalkeeda kale.  Dhammaantayona wiilal baannu ahayn. Khadka ayaa dhabanka la noo marin jiray, waxana dadku noogu yeedhi jireen “qalin-qoyan”.  Murwaad (ixtiraam) badanna dadku waa noo hayn jireen.

Maalmaha ka tilmaan maalmaha kale ee ilme kastaaba xasuusta ku hayn karo waxa ka mid ahaa Ciidaha.  Fagaaraha ciidduna waxa uu ahaan jiray  bataaxda  dooxa Cadaadlay oo ka saxar la’aa wax ay indhuhu diidaan.  Qof waliba waxa uu soo xidhan jiray dharkiisa ugu qurxda badan. Halkaas ayaa Sheekh Cabdillahi Axmed (AHUN), oo   ah Rashiid Sh. Cabdillaahi “Gadhweyne” aabihii,  uu hoggaamin jiray salaadda Ciidda.  Xasuustayda gaarka ah ee Sh. Cabdillaahi waxa ay ahayd in uu ahaa shaqsiyad in badan ka horreeyay bulshada dhinaca wax akhriska  - maxaa yeelay waxa uu lahaa maktabad isugu jirta culuunta diiniga ah iyo arrimaha ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda, goor kasta oo aan la kulmana waxa aan arki jiray isaga oo ku fooggan akhriska mid ka mid ah kutubtiisa.

Si gaar ah waxa aan u xusayaa aabbahay oo Xoghaye (secretary) ka ahaa xisbigii SNL oo aad ugu firfircoonaa arrimaha xisbiga. Mas’uuliyadahiisana kala duwanna waxa ka mid ahaa in uu bulshada ogaysiiyo xafladaha xisbiga oo la odhon jiray “Macfal” (ereygu waxa uu kasoo jeedaa kan Afcarabiga ah ee Maxfal), kolkaas oo uu magaalada la dhex wareegi jiray dawan qori ka samaysan si uu bulshada u ogaysiiyo isu-imaatinka.  Dawanka qoriga ka samaysan waxa aan kaga hadlay maqaalka (fadlan eeg dabarkan:

Halkeer waxa ah, oo ilaa maanta sidiisii u taagan, una cagaaran qudhacii damalka ahaa ee hadhkiisa uu Buraale igaga jaray hilibdalqaha iyo goobtii shaqo ee farsamayaqaankii Aadan Tumaal iyo weliba kaalintii muhiimka ahayd ee uu bulshada ugu jiray.  Waxa i hor imanaya  buufimadii harag-riyoodka ka samaysnayd oo wiilkiisu laba-gacmoodinayo, kolbaba marka uu dabka buufiyona dhimbiilo kaga yaacin jiray, kaddibna birti kulayl la casaan jirtay,  iyo  Aadan oo ku soo qabanayay birqaab, cuddaddiina ku dul qaabaynayay.  Waxana uu tusaalahaasi u yaallay  xalaal-miirasho.

Xasuus kale oo mudnaanteeda lehi waxa ay ahayd markii fasalka koobaad ee dugsiga la i qoray oo Maxamuud Axmed Cali  (AHUN) noo yimid, isaga oo  hubinayay in arday kasta oo la qorayo dugsigu qaybsanaaa ugu yaraan shan (5) jus oo Qur’aan.  Iskuulka waxa kale oo ka ag dhawaa bar caafimaad.  Waxana ka hormood ahaa shaqaale caafimaad oo lagu naanaysi jiray Dhigane.  Derejadiisu ahayd kalkaaliye caafimaad, waxana i yaab gelin jiray dharkiisa shaqo ee dhayda ka cad iyo saxar la'aanta goobta uu ka shaqeeyo. Dadka caafimaadkoodu aad buu uga wanaagsanaa sidatan maanta, kumana socod badnayn xaruntan keliya ee caafimaad. 

Xaggee aan se ku illoobaa daayeerkii yaraa ee "shaqaabadda" ahaa ee cuntada iga boobi jiray. Qoyskayaga oo reer guuraa ahaa, keligay baan aabbo magaalada kula noolaa, dukaan (macdaar) uu ku haystay halkaas. Daayeer yar oo rabbaayad ah ayaa nala joogay. Mar Alle marka raashinka la ii soo dhigo ayuu boob igu ekayn jiray.  Waxa se uu aabbo kaga "sayid-calayn" jiray isaga oo kartuun weyn oo laga faaruqiyay sigaarkii Balaayirka (Player's) la odhon jiray, aniga iyo quraacdayda na dhex dhigi jiray inta aan ka dhammaysanayo.

Ugu dambayn waxa aan keydkayga maskaxeed ka maqnaan karin dumarkii badnaa ee xaajiyadaha ahaa oo ay ka mid yihiin Xaajiyo Culus (ma xasuusni magaceedii, se waa naanaysteedii), Xaajiyo Cawo (Alle dhammaantood ha u naxariisto e) oo ta hore ahayd ganacsato, tan dambena ahayd cuudiso.  Tan dambe waxa ay hooyaday noo gaysay (aniga iyo walaalladay) bilo kaddib markii aan agoomoobay, halkaas oo ay howsheedii ruuxaaniga ahayd mid mid noogu fulisay, soona jeedisay in maryo cascas la noo iibiyo – maxaa yeelay (sida la noo sheegay) mashiikhdayada ayaa jecel maryaha cascas!

Waxa ii farxad in aanan weli ka fogaanin magaaladii Cadaadlay, si joogto ahna ugu noqnoqdo, xasuusaha kumannaanka ah ee yaraantaydiina ay kolba isa soo cusboonaysiiyaan.





[1] Mijir-koos: Waxa uu ahaa tiriig la neefeeyo oo ay keeni jirtay shirkad Ingiriis ah oo Cadan iyo Berbera laamo ku leh, oo la odhon jiray Mitchell Cotts.
[2] Bitijoor: Waxa uu asalka eraygani ka soo jeeda Af-Faransiis, waana “Petit jour” ama “Maalin yar”.  Waxana uu ahaa astaan ganacsi oo uu lahaa toosh dalka la keeni jiray. 

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++


Xasuustii Carruurnimo iyo Cadaadlay: Qaybtii 2aad


W/q: Axmed Ibraahin Cawaale

Qaybtii koobaad ee xasuusqorkaygan yaraannimo, waxa aan kaga hadlay guudmar kooban oo ku saabsan noloshii  bulsheed iyo dhaqandhaqaale ee ka jirtay Cadaadley bilowgii 1960aadkii.  Qaybtanna waxa aan xoogga saari doonaa in aan wax ka xuso dhacdooyin ku saabsan gu’yaashii ugu horreeyay ee waxbarashadaydii dugsiga hoose. 
Waxa aan qaybtii hore ku soo sheegay in aan ayaan (nasiib) u helay in qoristaydii dugsiga uu goobjoog ahaa Maxamuud Axmed Cali (AHUN), oo waayadii  dambe lagu maamuusay magaca dheeriga ah ee “Aabbihii Waxbarashada.”  Waxana dhaqan u ahayd in uu kormeer ku sameeyo dugsiyada marka ardayda la qorayo, si uu u hubiyo in arday kasta oo farta la gelinayaa! (waa sida la odhon jiray e) ama dugsi la qorayaa, uu korka ka hayo ugu yaraan shan jus oo Qur’aan ah.   Waxana uu fulinayay habdhaqan  lagu laasimiyay hoggaankii waxbarsho ee Maxmiyaddii Ingiriiska ee Soomaalilaan – kaas oo ay hore ugu heshiiyeen culimadii Soomaaliyeed iyo saraakiishii Ingiriis ee dalka ka talinaysay.  Waxana uu arrinkani dabada ku hayay dhaqdhaqaaqii diinf-fidineed ee Mikinisaddii Rooman Kaatoliggu ka bilowday Berbera dhammaadkii qarnigii 19aad oo waayadii dambe se albaabada loo laabay. Laga soo bilaabo xilligaas, Soomaalidu dareen weecsan ayay ka qabeen dhaqdhaqaaq kasta oo waxbarasho oo kasoo jeeda dhinaca Ingiriiska. Waana ta keentay in waxbarashada reer Galbeed ay si gaabis ah, digtoonaanina ku jirto ku socoto.   Haddaba, in la hubiyo in ardaygu shan jus qaybsan yahay, waxa ay wadaaddadii Soomaaliyeed u arkayeen in Qur’aankaasi, ugu yaraan, noqon karo wax u dhigan tallaal ka-hor-tag in doorin lagu sameeyo rumaynta ilmaha dugsiyadaas oo kale la qorayo.

Dugsigu waxa uu ka koobnaa hal qol oo waxbarasho, xafiis ku dheggan oo leh qayb dambe oo keydka la dhigo, iyo suuli ka kooban saddex god, oo mid ka mid ahi macallimiinta u gaar yahay. Tirada ardayda isku mar la na wada qoray waxa ay ahaayeen 33.  Da’doodu waxa ay u dhexaysay 6 jir ilaa 16 jir.  Dhammaantayona wiilal baannu ahayn.  Baahi loo qabay in la helo cid wax uun barata ayaa keentay in aan da’da lagu xidhin gelitaanka dugsiga.  Kuwa noogu waaweyn oo toorar ahaa, oo aannu ugu yeedhi jirnay “Toor-bilaa-quruun” (Thawr bilaa quruun), ama Dibi aan geesi lahayn, waxa aan aan ka xasuusanahay kuwan leh naanaysahan: Haykal, Xiis, Quduf iyo Boqoshaar.  Qaarkood macallimiinta waa ka madax fiiqnaayeen.  Dharka aannu dugsiga ku tegi jirnay waxa ay ahaayeen shaadh cad oo aannu hoosta marin jirnay iyo surwaal gaaban oo kaaki ahaa, noona joogi jiray bowdyaha. Waxana noo toil jiray nin Jibriil la odhon jiray  oo ahaa dawaalaha keliya ee magaalada deggan.  Nimankaas aan soo sheegay waannu arki jirnay  in ay dhibsan jireen marka ay fadhiistaan oo laga yaabo in xumaystoodu (cawradoodu) ban dhiganto!

Bareyaal dhowr ah oo markii aan dib u raacay waxbarashadoodii kasoo qalin jibiyay Suudaan iyo Masar ayaa wax noo dhigi jiray.  Kani waa Macallin Cismaan. Nin dheer oo madow ayuu ahaa.  Waxa uu dhigi jiray Carabida isla markaana waxa uu tababare noogu ahaa jimicsiga jidhka.  Waxa aanan illoobi karin sidii uu mararka qaarkood kubbad yar oo Abu-cudbi ah ugu dhaga-dhagyn jiray lugtiisa, isla markaana iyada oo aanay mar keliya ka dhicin ku dhammays tiri jiray  heestii waddaniga ahayd ee  Sah Ya Kanaar, ee uu midhaheeda curiyay  askarigii reer Suudaan Maxamuud Abu Bakar.   Waana tan oo aan Youtube-ka ka  dhex helay:
https://www.youtube.com/watch?v=D_Xdz9uw_fM
Inta uu na qaybsiiyay ayaannu annaguna lugta ku ciyaarsiin jirnay kubadda.

Kanina waa Macallin Maxamed.  Waxa uu dhigi jiray Ingiriisida iyo farshaxanka.  Macallinnimada waxa u dheeraa fannaannimo. Isaga ayaa noo geli jiray xiisadda farshaxanka iyo naqshadaynta.  Waxa aannu adeegsan jirnay qalin-xaydheed iyo waraaqo adag oo midabbo leh oo aannu u adeegsan jirnay aslidda, iyo qaar aannu u niqiinnay “Sukhruf” oo aannu maqasyo ku googoyn jirnay una haabayn jirnay qaab qurux san.  Waxa kale oo dugsiga noo yaallay wax laodhon jiray Dhoobo-bilaadi  aannu kolba u qaabayn jirnay muuqaallo saddex-dhaban ah (three dimensional) oo ay ugu door-roon yihiin hal (hashii  Maandeeq!), libaax, wan, sac, deero iwm.  Dhoobo-bilaadidu ma ahayn wax qallasha, ammin aad u dheerna waa la adeegsan karayay. Marka aannu howsha ku qabsannona inta dib loo kuus-kuuso ayaa kaydka dugsiga la noogu celin jiray.   Dhinaca fanka, mararka qaarkood waxa uu ardayda ku boorrin jiray in ay heesaan.  Taranka heesahana waxa goor kasta koobka qaadi jiray Maxamed Baanday (AHUN). “Raaxeeye” iyo “Beer-dillaacshe”, iyo qaar kale oo waddaniyadda ku saabsan ayaa ahaa kuwa ugu caansan ee aannu qaadno.  Magool iyo heesteedii “Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree….” ayaa kaabid noogu ahayd cilmigii dhirta (botany) ee aannu baranaynay.
Macallin Maxamed, nin hadal badan ma ahayn. Marka aanu xiisad noogu jirin, waxa uu jeclaa in uu geed dugsiga ku hor yaalla kursi iyo miis dhigto, ku laabto (samaysto) sagaro.  Sagaro waxa la odhon jiray buuri la wershadeeyay oo lagu soo ridi jiray daasad yar oo leh dabool furmi kara, waxana wehelin jiray waraaqo yaryar oo la isku sar gooyay oo buuriga lagu laabi jiray.  Inta uu waxoogaa buuri ah waraaqda ku dhex shubo ayuu farahiisa ku laabi jiray, hareeraha carrabka qoyaankiisa ka marin jiray si ay isugu dhegto, kaddina tarraq ku shidan jiray.  Ma aanaan garan kari jirin wax u diiday in uu soo iibsado sigaar diyaar ah.  Hoostaa ayaannu ka xaman jirnay oo dhihi jirnay xashiishad buu ku laabtaa! Hadda annaga oon aan weligayo arag, urinna sida ay u eegtahay!  Se marka uu nuugayo, waxa uu noola eekaa in uu duni kale la shaxayo. Sida uu qiiqa afkiisa uga soo baxayay u madoobaa, ayuu arrinkiisuna nooga madoobaa.

Kanina waa Macallin [.....].  Xisaabta ayuu noo dhigi jiray. Waxa uu se ahaa nin naxariis daran.  Waxana aannu u bixinnay “Gaal Madoow”.  Ushu dhinaciisa kama ay fogaan jiray.  Waxa uu hal-hays u lahaan jiray “Al casaa, li man casaa” (Karbaashka waxa leh, qofka weecda) – weecadkaasi  ha noqdo in ardaygu  sidii la rabay  uga shaqayn waayo xisaabta, ama ha sameeyo amar-diiddo.   Dhacdo aad u xanuun badan oo aan xasuusta ku hayo waxa ay ahayd: 
Mid ka mid ah ardayda ayaa lagu soo eedeeyay in uu muraayadda daaqad dambe ee kaydka dugsiga inta uu jebiyay, ka tiigsaday  oo kala baxay buugaag.   Wiilkii markii la ogaaday, wuu qirtay.  Halkii loo dhaafi lahaa , waxa uu Macallinki faray ardaygii in uu fasalka gudahiisa soo hor joogsado, bixiyo shaahkiisii iyo garankiisii.  Kaddib laba warqadood oo ah jaadkii aannu farshaxanka ku dul asli jirnay ayuu mid walba ku qoray ereyga Afcarabiga ah ee (AL-LIS) oo ah "TUUG".  Kaddiba inta uu xadhig isugu xidhay ayuu qoorta u geliyay, si ay sii jeed iyo soo jeed uga muuqato.  Kaddibna inta uu nagu soo jeestay ayuu nagu yidhi waxa aydin mar keliya ku dhawaaqdaan, kuna celcelisaan “AL-LIS !” (Tuug, Tuug..)  Shan ama lix jeer markii aannu ku celcelinnay cod dheer, ayuu is-hayn kari waayay ardaygii.  Waa ka orod kaga kuday irriddii fasalka, sida dabayshana u cararay jidkii toosnaa ee magaalada, labadii warqadoodna ay dabayshu babbinayso, ilaa uu godankii magaalada nagaga libdhay! Hanjebinta iyo bahdiliddaas foosha xumi waxa ay keentay in wiilkaasi kaga caago waxbarashadii.

Macallimiinta dugsiga hoose nagu soo martay waxa sidoo kale ka mid ahaa Macallin Cumar-Ceesh, oo casharrada diineed iyo Afcarabida  si xeeldheer noogu dhigdhigi jiray. Sheekhu waxa uu wax ku soo bartay Jaamacadda Azhar, waxana uu ka mid noqday aasaaseyaashii Ururkii Midnimada Islaamka (Waxdat ashabaab Al-Islaami) oo Hargeysa lagu dhisay 1969kii. 

Gu’gii ugu horreeyay ee waxbarasho ayaa noo dhammaaday, waxana la gaadhay xilligii la soo ban dhigi lahaa, lana yeedhin lahaa arday waliba wixii uu shaqaystay.  Maalin sabti ah ayay ahayd. Kuraastii oo dhan ayaa bannaanka la soo dhigay.  Waxa loogu talo galay in ay adoogyada iyo xigtada ardaydu ku fadhiistaan. Ardaydina waxa ay ku fadhiisteen dhowr caw-wood.  Macallimiintina meel naga soo horjeedda oo hilaaddii 30 tallaabo noo jirtay ayay miisaas kor dhigteen war-bixintoodii iyo abaal-marinnihii ay bixin lahaayeen. Yeedhintii ayaa bilaabantay, waxana loo abaaliyay sidii ay u kala horreeyeen: Hebel hebel 1,   Hebel hebel 2, 3,4…5   Waad arki kartaa mid wal oo ka mid ah shanti ugu derejo sarreeyay raynraynta foolashooda ka muuqatay, iyo kalsoonida ay ugu tallaabsanayeen dhinacii macallimiinta.  Dhinaca kalena waad arki karaysay in raynrayn la mid ahi ka muuqatay aabbaha wiil kasta oo dhowrkaas arday ka mid ah.  Aabbahay ayaa dhex fadhiya odeyaasha.  Waan garan karaa in uu jeclaan lahaa in aan ku soo baxo kaalmaha ugu horreeyay.  Se ma ay dhicin gu’gaas.  Markii uu tirsigu marayo 32 ayaa magacaygii la yeedhiyay.  Waxa naruuro yar i gelisay macallinkii oo ii cudur daaray, isaga oo sheegay in aan aad u yaraa, oo aanan weli ii dhicin shaqada la iiga baahnaa.
Gu’gii xigay ayaa fagaarihii oo kale mar labaad la isugu soo noqday.  Se markan ma uu imanin aabbahay.  La-yaabna ma uu lahayn; waxana laga yaabaa in uu is lahaa sidii hore ayay wax u dhacayaan.   Se doorkaas waa aan dadaalay oo waxa aan galay kaalintii 10aad, waxana aan ku laabtay aabbahay aniga oo weliba sitaa abaal-marintii “akhlaaqda.”  Dareen-qaadashadaydii gu’gii koobaad waxa ay keentay in aanan intii ka dambaysay ka dhicin kaalinta labaad ama koobaad.


Gu’gii labaad, oo aannu ku jirnay fasalkii labaad, waxa aan u soo joogay geeridii ugu horraysay ee haleesha qof aan garanayo.  Wiilkii kaalinta koobaad noo galay ayaa u geeriyooday xanuun uu ammin kooban la jiifay.  Murugo weyn bey no ahayd in wiil yar oo gu’gii noloshu u curanayo, aadna noogu dheeraa, tusaalena noo ahaa, in la naga qaado!   “Ilaahay ma naxo e, waa uu naxariistaa !”  Duco  Eebbe (sarree oo korreeye) loogu baryayo in uu naxariistiisa ku galladaysto ayaa la abaabulay, waxana loo dhigay Mawliid lagu dhex qabtay fasalkayagii uu ka baxay gudihiisa.  

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++


Waayihii Cadaadlay iyo Yaraantaydii: Qaybtii 3aad



Isla-doonasho La-yaab Leh
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Waa xagaagii 1987dii, meeshuna waa Berbera, goortuna waa habeen.  Waxa aan ku dhacadiidaa sariir caddiir ah, guri ku yaal xaafadda Daaroole.  Waa dhisme gaboobay oo la sheegay in uu ka sii joogo guriyihii uu Xaaji Mia’tayn (AHUN) ka iibsaday Yuhuuddii Berbera, dhammaadkii 1940aadkii.  

Yuhuudda oo  la hantisiiyay qayb ka mid ah Falastiin bishii Mey 1948kii, waxa ay Sahyuuniyiintu tuur iyo tirbiico isugu yeeleen in ay si dhaqso ah u dadeeyaan dhulkaas, si ay u helaan xoog ay ugu babac dhigaan Carabtii gadiidsabatd ee dhulkoodii laga boobay.  Yuhuudda Carabta waxa ay si nabdooni ku jirto u dhex degganaayaan ammin dheer oo laga soo bilaabi karo gu’gii 586 ka hor dhalashadii Nebi Ciise (NKHA), waana ammin laga joogo 2600 gu’.  Sida ay taariikhdu dhigayso, xilligaasi waxa uu ahaa markii boqorkii Bakhtnasar (Nebuchadnazzer) uu weerar ku qaaday Yuhuudda, burburiyayna Macbadkii Nebi Saleebaan (NKHA), Yuhuuddii waxna laayay, waxana addoonsi ahaan ugu taxaabay Baabiloon, oo dhulka maanta Ciraaq loo yaqaan.  Haddaba, in kasta oo cadhada Carabtu cirka isku shareertay oo uu abuurmay nacayb loo qabo Yuhuuddii ku dhex noolayd, kaddib markii Yuhuudda dal looga sameeyay dhexdooda, haddana waxa la sheegaa in ay jireen shirqoollo dhagaraysan oo ay  ku kaceen sahyuuniyiintu oo lagu samayn jiray Yuhuudda Carbeed, looguna sheegi jiray in ay Carabtu ka dambeeyaan[1],[2] .  Waxa ay taas u yeelayeen in ay Yuhuudda Carbeed qixiyaan.  Yuhuuddu waa ay ku noolaayeen magaalaxeebeedyada carriga Soomaalida, siiba Berbera, Saylac iyo Jabbuuti.  Farsamada lacagaynta ulaha iyo seefaha, oo halkan looga jeedo in lagu qurxiyo macdanta lacagta (fidda) ama dahabka cad iyo qalabka dumarku xidhaan sida dahabka iyo lacagta cad oo ay weliba ku jiraan Xaafiddada caruurta loo xidhi jiray ayay ku xeel dheeraayeen.  Jaaliyadda Yuhuuddu waxa ay Berbera ku lahaayeen xarun isugu jirta bar-cibaadeysi (Macbad) iyo dugsi ay carruuta ku barbaariyaan.[3]

Gurigu waxa uu ka koobnaa daarad, iyo laba qol oo yaryar. Meel daaradda ah, oo aan ka fogayn irridda guriga laga soo galo ayaa ay ii taallay sariirta aan ku jiifsadaa. Cimiladu aad bey u kululayd, waxana lagu jiray xilliga ay dabayl-xagaadu go’do, huurkuna aad u daran yahay.  Waxa aan kolba dhabankayga ku qaboojinayay tuwaal aan  biyo dhex gelinayay, bal in aan waxoogaa neecaw ah uga dayo.  Habeen gudcur buu ahaa, cirkuna ma lahayn caad. Waxana xasuustayda ku soo laabatay carruurnimadaydii iyo aradaagii aannu jeegada (qadaadka) u dhici jirnay, iskuna maaweelin jiray tirinta xiddigaha, inta laga gaadhayo xilliga xiraadda (cashada), …   Xiddigo koow, Xamar gurguro,  Xiddigo laba, Xamar gurguro……. Goor ilaa goor, ka-soofitaankayga joogtada, iyo tiigsashada tagtada,  waxa iga dhabqinayay waaqda tuke-xeebeedka aan habeen oo idil afka isku qaban ee saarnaa geed dhamas ah oo daaradda ku dhex yaallay.  Xadhig soo laalaadda oo ku xidhan daasad quruurux lagu dhex guray ayaa aan  aan kolba ruxaa, si uu uga duulo geedka.  Marka se uu fakaag  yar i siiyoba, waxa igaga darnaa damdamta durbaanka iyo guuxa codadka kooxdii Doonbarada oo ciyaar ka dhex tumanaya xaruntoodii oo aan ka dheerayn guriga aan ku sugnaa.   Doonbaradu waxa ay ahayd ciyaar-dhaqameed ku gaar ah xeebaha siiba Berbera, Saylac iyo Jabbuuti oo kooxahoodu u badan yihiin dad madow ah oo aan isirka Soomaalida ka soo jeedin iyo Carab u badan kalluumaysato. Si la mid ah suugaanta ciyaarta Saylacaawiga, ayaa midhaha heesaha Doonbaradu isugu jireen isku-dhaf afaf dhowr ah, oo ay ku jiraan Afcarabiga, Hindiga, Faarisiga, iyo Soomaaligu.  

Ban-dhiggooda ugu weyn waxa ay qaban jireen hal mar gu’gii kasta.  Heesaha ka sokow, qalabka ay tumaan waxa ugu mudnaa durbaanno, se waxa jiray hal Kaman oo weyn, dhererkiisuna aanu ka yaran laba mitir.  Waxana lagu qurxin jiray muraayado gool ah (wareegsan) iyo baalal gorayo.  Qofka tumayaa inta uu isku soo jeediyo, ayuu xadhig dhabarka ugu xidhan jiray, dhinaca dhuuban ayaa kor loo taagi jiray, faraha labada gacmoodna waxa ay kaga dananin jireen xadhkaha laga sameeyay witirka lagu kalluumaysto.  Ban-dhiggoodaas sannadlaha ah waxa ay ku tegi jireen Xabaalaha Saadada ee ku yaal xeelliga badda, halkaas ayay ka abaabuli jireen ciyaaro la-yaab leh, kuna soo laaban jireen suuqyada magaalada iyaga oo boqollaal qof daba iyo hareer socdaan.  Waxa la rumaysan yahay in ciyaarta Doonbaradu ay ka soo jeedday dalka Suudaan, sida Saarka oo kale ayaa loo tumi jiray, waxana ay lahaan jirtay dad badan oo ku xidhiidhsan.  Gu’gii 2014, mar aan Berbera kula kulmay oday ka sii hadhay raggii tumi jiray, oo aan rabay in aan ka ururiyo xog ku saabsan Doonbarada, waa uu ii bixi waayay, waxana uu ii muujiyay cabsi uu ka qabay rooxaantii Doonbarada !  Xaruntooda lalama geli jirin kabo, irbad ama wax bir ah!   Waxana uu ii la hadlay sidii oo aanay duulkaasi oggolayn in wax laga sheegsheego ciyaarta Doonbarada iyo waxa ay koobsanayso.  Xerta Doonbaradu waa ka koobnaayeen rag iyo dumar-ba.  Waana kuwan qaar ka mid ah raggii lagu yiqiinnay in ay ciyaarta si fiican u tumi jireen: Maxamed Shalameeqo, Hariiroo, Mactuuq, Axmed Al-bis, Cumar Cabdoo, Libaaxoo iyo Gaydh.[4]  Dadka madowga ah, qaar badani waxa ay kasoo jeedaan addoon la xoreeyay oo qaar badan Ingiriisku kaga furtay ganacsatadii addoomaha dhammaadkii qarnigii 19aad.  Qaar kale waxa ay soo raaceen Charles Gordon oo ka soo kicitimay Khartuum, una socday magaalada Herer, waxana ay kaga hadheen Saylac. Marka laga tago in ay baxaari ahaayeen, waxa ay aad uga shaqaysan jireen la-soo-bixitaanka luulka.[5]

Aan u soo noqdo gurigii aan dhex jiifay e, albaabkii guriga ayaa la garaacay.  Waan u kacay, waana ka furay. Mise waa Aw Gahayr Gambaweyne, oo ay aabbahay jaal ahaayeen, lana ii sheegay in uu gunaanaday ka hor intii aannu Alleysanin.  Aw Gahayr, waxa kale oo uu ahaa mid ka mid ah wadaaddada reeraha.  Xilliga gu’giina fakaag muu heli jiren.  Xoolaha ayuu u sekayn jiray reeraha, Mawliidka ayuu u akhriyi jiray, dhallinta ayuu isu meherin jiray, intaas waxa dheeraa wax-isku-la-daalka (dabiibka) ayuu dadka jiroon u qaban jiray.  Cashar ayuu diyaarin jiray, qardhaasahana waa qori jiray.   Waxa loo sheegay in aan Berbera joogo, anna aad baan u jeclaystay booqashadiisa.  Kursi caddiir ah ayaa  aan u tilmaamay in uu ku fadhiisto, jalxad biyaysanna koob ayaa aan uga daray. Is-nabdaadin ka dib,  mar qudha ayuun  buu hadalkii joojiyo, waxana aan foolkiisii (wejigiisii) ka dareemay in uu ka muuqdo u-qaadan-waa.  Hadalkan baannu is-sweydaarsannay:
Aniga: Adeer ma wax baa si ah?
Isaga: “Adeer maya e, waxa i yaab geliyay: Meesha ay sariirtu kuu taallaa waa isla goobtii ay Ibraahin naftu kaga baxday!”
Aniga: “Ma aabbahay!”
Isaga: “Haa! Waa goobtii aan ku gunaanaday, oo uu ku neefsaday neeftiisii ugu dambaysay.  Adeer Alle-bari beryahan ma u dhigtay?  Ma se u soo xashtay?  Adeer waa farriin kugu socota. Tan oo kalena weligay umaan soo joogin!”
In yar ka dib ayaannu sii wada sheekaysanaynay. Se wada-hadalkaygii waxa hadheeyay dhacdadan isla-doonshada ah.

Bishii Maarj 1986kii ayaa aan dalka Sacuudi Carabiya ka soo laabtay.  Isla markiiba reer ayaan yeeshay, waxa kale oo aan iibsaday laash kalluumaysi.  Hargeysa ayaan degganaa, se labadii toddobaadba mar ayaan u soo dhaadhici jiray Berbera si aan uga war helo shaqaalaha laaska iyo wax-soo-saarkooda.  Markaas ayaa aan  aan go’aansaday in aan guri yar Berbera ka kiraysto – kol haddii noqnoqodkaygu ku badnayd.  Se beryahaas, dadku waa ku badnaayeen magaalada, guriyuhuna cidhiidhi bey ahaayeen, waxana ay igu qaadatay afar bilood oo cir Alle ka dhashay in aan helo gurigan yar.  Weyddiinta yaabka badan ee igu soo noqnoqonaysay habeenkaas waxa ay ahayd: “Sidee bey ku dhacdaa in aan ku hagaago, oo kiraysto, ogaanshiiyo la’aan, isla gurigii ay aabbahay (AHUN) ku geeriyooday 23 gu’ ka hor! Se ayaanka igu hagaajiyay gurigan ka mid ah ugu yaraan dhowr kun oo guri oo Berbera ku yaallaa muxuu yahay?

Xasuustaasi waxa ay igu celin doontaa mar kale iyo magaaladii Cadaadlay …………………….



[1] Gat, Moshe (1 May 1997), The Jewish Exodus from Iraq, 1948–1951, Routledge, ISBN 978-0-7146-4689-3, retrieved 5 April 2010
[2] (Morris &  Black, 1992, Israel’s Secret Wars: A History of Israel’s Intelligence Services p. 92) 
[3] Warkan waxa ii sheegay Cumar Hadraawi (AHUN), isla markaana ii tilmaamay barta uu ku yaallay gurigaas macbadka ahaan jiray. Cumar Hadraawi waxa uu ahaa ganacsadi iyo siyaasi aad u firfircoonaa lixdanaadkii ilaa siddeetanaadkii qarnigii tegay.  Waxa uu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbigii Somali Democratic Union (SDU) oo loo yiqiinnay "Calan-cas".  Maxaa yeelay, calankooda ayaa casaa. Waxana uu xisbigaasi u dhaqdhaqaaqi jiray mabda'a hantiwadaagga.. Waxa Cumar xidhiidh fiican la lahaa Shiinaha. Waxana jirtay badhtamihii 1960aadkii in uu hormood ka ahaa in Shiinuhu Hargeysa ku soo ban-dhigo wax-soo-saarkooda. Ban-dhiggaas waxa lagu qabtay Beerta xorriyadda. Intaas waxa dheer in uu 'thaqaafaddiisa' diineed iyo carabidu aad u xeel dheerayd. Waxa kale oo uu ahaa nin hal abuur leh oo waxyaabo ugub ah soo kordhin jiray. Magaciisu wax xidhiidh  ah lama laha Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
[4] Waxa warbixintan i siiyay nin magaciisu ahaa Ahmed-Nuur oo ka tirsanaan jiray xerta Doonbarada.
[5] Rayne, M. C. H., Sun, Sand and Somals. (1921);


+++++++++++++++++++++++

Siddeeddii Jeenaweri, 1993kii


Waxa qoray: Axmed Ibraahin Cawaale

Siddeeddii Jeenaweri 1993, Hargeysa gudaheeda, shan dumar ah ayaa dhagax lagu dilay.  Dembiga lagu soo oogayna waxa uu ahaa in ay jidhkooda ka ganacsan jireen.  Waxa la saaray “maxkamad” Islaami ah.  Waxa kale oo jirtay in dawladdii xilligaas jirtay  suurtogal u noqon weyday in ay wax ka qabato.  Xilli adag oo ku suntan dawlad aan cago adag  ku taagnayn buu ahaa – taas oo ka dhalatay  Jabahaddii Xoraynta Soomaaliyeed (SNM)  oo  si qorshe-la’aan ah Hargeysa ku soo gashay.  Dadku aad buu u qaybsanaa, waxana jiray hoggaamiye kooxeedyo iyo dayday (mooryaan) aad u doobyaya.  Waxa kale oo hawada ka soo urayay dagaallo sokeeyo oo soo food lahaa.  Waxa aan xasuusanahay in ay goobtu ahayd BEERTA XORRIYADDA.  Shan god oo yaryar oo goobtaas laga qoday ayaa mid wal oo ka mid ah dumarkii qaarka dambe loogu riday, kaddiba lagu dhagax dilay.  Qof-ahaan ma aanan tegin goobta, filin laga soo duubayna oo la igu marti qaaday in aan daawado waa aan ka gaabsaday.  Maxaa yeelay, waxa aan is idhi indhaha siin kari maysid.  Waa run oo intii aan reer lahaa weli reerkayga neef Alle-bari ah gacantayda ugumaan gowracin. Geddayda (dabcigayga) ayaa sidaas iska ah.

Arrintaas oo ugub ku ahayd carriga Soomaalida, iyo caalamka Islaamka oon ammin aad u dheer laga fulin (marka laga tago dalka Sucuudiga), gacan-ku-heynta cajalladdaas laga duubay dhacdadaas waxa ay aniga iigu muuqatay in  ay noqon karto agab ay cadowga Islaamku u adeegsan karaan in dad badan Islaamka lagaga “fidneeyo” ama loo bahalo geliyo.  Waxana aan u soo jeediyay ciddii gacanta ku heysay in  la burburiyo cajaladdaas.  Se ilaa maanta ma ogi in howshaasi suuro gashay iyo in kale.  Waxana ay iga ahayd lexejeclo aan u hayay Islaamka.  Hase ahaatee, waxa beryahan dambe arrinkiiba biyo dhiciyay falaadaha sida joogtada ah loogu soo ban dhigo dhagax-ku-dilka ee ka socday Koonfur Soomaaliya ammin ku siman tobaneeyo gu’.

Doorashada goobta dilka oo ahayd Beerta Xorriyadda, waxaaba aad moodaysay in farriin lagu dhex gudbinayay – taas oo ah  “in xorriyaddu seero  leedahay; ciddii falkaas oo kalena ku kacda loogu quus goynayo”.

Waa jirtay in arrinkan hay’ado shisheeye wax ka qoreen, se ilaa hadda maan arag cid gudaheenna  ah oo wax ka qortay – marka laga tago warkii ku soo baxay wargeysyadii xilligaas la soo saari jiray.   Dadkii goob joogga ah - carruur iyo cirroleba – qaar badan baa nool.  Se waxa cad in uu u eg yahay qodob lama taabtaan ah  oo inta ka hadashaana hoos ugu sheekaysato, aan se weyddiin dambe la iska sii weyddiin.

Maalintii ku saddexda ahayd dilka ayaan booqday meeshii. Godadkii oo dhagxaan ku hareero filqan yihiin ayaan dhex marmaray. Waxana i hor yimid saansaanka xilligii dilka oo u dhigan masraxiyad ay metelayaan fuliyeyaal, daawadeyaal iyo lagu-fuliyeyaal.  Markii aan kasoo baxay goobtii, waxa indhahayga soo jiitay deyrkii Beerta Xorriyadda oo maalmo ka hor ka saxar la’aa faygar carruureed, se dhacdada kaddib ay carruur iyo dhallinyaro ku muujiyeen dareenkooda,  iyaga oo adeegsaday dhuxul.  Waxa aan is idhi waa qaab ay isu muujinayeen kuwii aamusnaa.  Qofka xeel dheeri ku haysta cilmiga bulshada iyo sykoolajigana wax weyn ayaa uga bixi lahaa faygarkaas.

Dhacdadan iyo qaar kale oo door-roonaantooda leh oo dalka ka dhacay, ha ahaadaan qaar magac diineed huwan ama qaar keleba, waa ay fiicnaan lahayd in wax laga qoro: Tan oo kale, haddii ay ahaan lahayd musdambeedkii dumarkii oo aan laga eegin uu dhinaca taban, se noloshoodii dhaqandhaqaale iyo guud-ahaan saansaankii ka jiray dalka.  Waxa kale oo la is-weyddiin karaa maxaa is-beddello ah ee ka dhashay arrinkaas, oo uu ka mid yahay in ka-ganacsigii jidhka ee furnaa, isla markaana lahaa meelo loogu hagaago, ilaa waagii gumaysigana qayb magaalada ka mid ah loogu magac daray,  in uu hoos u daaddego ama qarsoodi noqdo, aanse la odhon karin waa tirtirmay.


Goobtii maanta waa fagaare lagu kulmo – siiba dadka faxaasiga iyo jimicsiga xiiseeya. Waxa aad ku arkaysaa dhallinyaro  gocoso (kubbad) ku ciyaaraysa, iyo dhallinyaro cuslaatay (waayeel) galabtii iyo arooryada hore lugeeya gudaha deyrka, intooda badanina aanay kaba war haynin dhacdadaas.  

No comments:

Post a Comment