Ijibbaati
W/Q:
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Eray
guun ah, oo gun weyn, ula jeeddadiisana laga dhex heli karo dhaqan ka horreeyay
Islaamka.
Waxa
la maqlaa goor ay geeriyi dhacday ama timid. Kolkaas qofka geeriyooday cidda
ugu dhow – ha ahaadaan xaaskiisii, hooyadii/hooyadeed, walaashii/walaasheed ama
ayaydii/ayaydeed – loo sii daayo in ay ka ag dhawaato hilbaha (maydka) si ay
ugu “ijibbaatido”. Ijibbaatigu waxa uu koobsadaa mararka qaarkood oohin iyo ku
dhegdheg. Waxana la rumaysnaa in uu u dhigan yahay “samirsiis” iyo in uu qofku
maanka ku guntado ARAGGII UGU DAMBEEYAY ee qofka qoyska ka baxay. Qof maqane ah
haddii loo sheego geerida qof sokeeye ah , ayaa mararka qaar lala sugaa si uu
ugu “ijibbaatiyo”. Marka uu yimaaddona waxa la lagu dhawaaqaa “Waar u banneeya
ha ku ijibbaatido e!”
Waxa
aan baadhay bal in eray la mid ah laga heli karo Afka Oromada, waxana aan helay
“Ijibbaata/ijibbaatii” oo u dhigan erayga Af Carabiga ah ee “taxaddi تحدي” ama Af Soomaali
ahaan “carin”.
Haddii
ereyga asalkiisu la ula jeeddo ahaa “carin/hawiraad”, oo ay labada erey
(Soomaali iyo Oromo) ay isku ula jeeddo yihiin, waxa ay u egtahay in eegmada
ugu dambaysa ay sahay u tahay qofkaas waayay mid ka mid ah xigaalkii; sahaydaas
oo uu ugu babac dhigi karo dareenno nafsi ah oo sii daba jebin lahaa ammin
dheer - haddii aanu indhaha ku sii sagootiyin. Waa ta qof la waayay, lana baadi
goobayo la yidhaahdo "Raq iyo Ruux" ama "Geeri iyo Nolol"
ama "Inta ay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto!" Haaheey, aragga
kama-dambayska ahi raadayntiisa ayuu leeyahay.
Kuusha iyo Adeegsigeeda: Milicsi Taariikheed
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Kuushu waxa ay ka mid tahay agabka ay dumarka Soomaaliyeed isku qurxiyaan. Waana dhaqan soo jireen ah oo la fili karo in uu la bilaabmay jiritaanka aadanaha. Kuusha ugu caansan ee weli ka sii hadhay dhaqankii hore ee Soomaalidu waxa ay tahay cunnaabi. Waxa yaalaaba laga soo dhoofin jiray carriga Hindiya. Dhallinyarada wiilasha ah ayaa iyaguna xarrago ahaan, qoorta ku xidhan jiray hal ama laba mid oo kuul ah, oo odhon jiray ‘Makaawi.' Sidoo kale, magaca ‘Kuul' oo ragga loo bixin jiray ayaa muujin u ah in raggu xidhan jireen kuusha – ama tusbax ahaan ha u qaataan, ama qurux ahaan ha u xidhaan e.
Waxa haddaba la is-weyddiin karaa, sida dharkii cudbiga ka samaysnaa ee ay ka mid ahaayeen Baftadii,[1] Maraykaanidii, Maxamuudidii iqk, ay suuqa uga saareen hugii saanta laga diyaarin jiray – ee uu ka mid ahaa Dhuugu, ma laga yaabaa in kuushaas dibedda laga soo dhoofsan jiray ay iyana meesha ka saartay kuulo hore, oo herodhalad ahaa, ragga iyo dumarka Soomaalidu xidhan jireen? Haddaba, sida uu qabo qoraagani, erey-celintu waa “HAA”.
Sida ka jirtay, ama ilaa maantaba looga adeegsado, dhulal kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxa ay dumarka Soomaalidu kuusha ka samaysan jireen midhaha dhirta qaarkood ama qorigooda. Mararka kale, sida ka jirta meelo kale oo Afrika ah, waxa kuusha laga diyaarin jiray xabko iyo caleemo la isku budliyay, lana biyeeyay, kaddibna dab la saaray, ugu dambaynna marka ay isla qaboobaan loo qaabayn jiray kuul ahaan, markii xigayna dalool loo sameeyay si loo taxo.
Badhtamihii 2016kii, waxa gacantayda soo gashay kuul la ii sheegay in laga soo qoday meel aan ka fogayn Hargeysa. Kuushaasi waxa ay judhiiba iigu muuqatay in ay ahayd mid aan walaaya (dibed) laga keenin. Waxa ay keloo iila muuqatay in laga qoray dhagaxciideed. Kaddib, meel ayaa aan ku xereeyay si aan ugu kaydiyo. Haddaba waxa dhacday maalin dambe oo aan is-idhi la soo bax, in markii aan furay kiishkii ay ku jireen, aan arkay in qaarkood qoyeen, isla markaana ay kala furfurmeen, gudahoodana uu ka muuqday cagaar caleemeed! Show qolkii aan dhigay ayaa ku soo darroorimooday. Waxa aan is idhi, da'ahaan facweynaantooda ayaa laga yaabaa in ay la furfurmeen. Se markoodii hore ee ay dhulka ku aasnaayeen, weel dhoobo ah ayaa ay ku dhowrsoonaayeen.
Kuul aad u fac weyn oo xilliyo hore Soomaalidu adeegsan jirtay, kana samaysan caleen iyo xabko
Dhagxanta ayaa iyana laga samaysan jiray kuul, iyada oo loo xulanayo quruxda ay leeyihiin, sida ka muuqata kuwan ku muujisan muuqaalkan hoose, oo la ii sheegay in laga soo qoday meel u dhow magaalada Jinacsani, oo ka tirsan degaanka Jigjiga.
Kuul dhagaxaan kala midab duwan laga sameeyay oo laga helay magaalada Jinacsani, oo u dhow Jigjiga
Xograadin aan sameeyay oo ku saabsan kuulaha xerodhaladka ah ee bulshooyinka Afrikaanka, iyo meelo kale oo adduunka ahba laga adeegsado, waxa si xiisahayga soo jiitay dhaqan ka jira Afrikada Galbeed.
Dalalka Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal, waxa jira kuulo ay dumarku diyaariyaan, kaddibna qurux ahaan u xidhaan. Waxa ay bulshooyinkooda dumarka ahi rumaysan yihiin in xidhashada kuulahaasi xoojiyaan dareenka raganimo ee raggooda. Kuushan oo la carfiyay, waxa laga sameeyaa cajiin laga diyaariyay midho kala duwan, oo uu ugu door-roon yahay midhaha geed la yidhaahdo Detarium microcarpum. Magaca ay kuushani ku suuq gashay waa “Myrrh Beads” ama “Kuusha Malmalka”. Ha yeeshee, kuushani wax xidhiidh ah lama laha Malmalka – maxaa yeelay, geedka dhiddinka ee laga gurto Malmalku kama baxo galbeedka Afrika.
Kuul rucub-rucub ah oo dumarka Galbeedka Afrika dhexda ku xidhaan.
Qaab ay dumarkaasi u diyaariyaan kuushaas, oo ay hooyo waliba inanteeda u sii gudbin jirtay, ammin aad u dheer, ayaa sidan ah:
Waxa ay dumarku midhaha la budliyay ee geedkaas kor ku xusan ku qasaan jaws, dhegayare, iyo ubaxyo. Kaddib, biyo kulul ayay ku daraan, dab aan xoog u shidnaynna waa ay saaraan, heer uu cajiinku noqdo mid is-jiidjiidanaya marka ay biyuhu yaraadaan. Cajiinkii oo aan qaboobin ayaa ay dumarka u qaabeeyaan kuulo yaryar, daloolna qodax ama irbad ugu sameeyaan. Kaddibna cadceedda ayay u dhigaan si ay u engegaan una adkaadaan. Kuulahaas, badiba, midabkoodu waa maarriin. Se, dalka Sinigaal oo kale, waa la midabeeyaa oo loo rogaa casaan, madow ama cagaar.
Dalka Maali, tusaale ahaan, dumarka la qabo ayaa kuusha dhexdooda ku xidha; lafta misigta ayaana kor u qabata, iyaga oo laga dhigay dhowr dhudood, loona taxay qaab tusbaxyo dhaadheer oo kale (sida ku muujisan muuqaalkan hoose). Dumarka reer Sinigaal, mararka qaarkood waxa ay kuusha dhex muquuriyaan udug (cadar), waxana ay ku sii qurxiyaan kuulo quraarad ka samaysan. Marka ay haweenay dhexda ku xidhato, marada hoosteeda ayay mariyaan, kolkaas oo udugga kuushaas iyo dhididka jidhkeeda oo isku milmay ay xoojiyaan carfiga wax saaqaya – heer ku filan in ay raggooda soo dabaan! Haddaba in kasta oo aanay kuushaasi marada ka muuqan, carfigeeda wax saaqayaa, oo ay dumarkaasi ku lammaaneeyaan dhaqdhaqaaq gaar ah oo miskuhu sameeyaan, iyo jabaqda kuulaha isku dhacayaa, ayaa dhegaha, dhaayaha, iyo dareenka raggooda muusoond geliya.
Adeegsiyada kale ee kuulahan waxa ka mid ah in dhexda lagu yareeyo ama lagu qaabeeyo, si la mid ah sidii gashaantimihii hore ee Soomaalidu dhexda xadhigga ugu xidhan jireen. Kuushaas ay dhexda ku xidhaan dumarka Galbeeka Afrika, waxa ay kaloo ay ahayd tilmaame habboon oo lagu garan karo in dhexdu weynaanayso iyo in kale. Mar Allaale marka ay kuushu giigsanto, waa xilligii ay inantu ka howl geli lahayd in ay cuntadeeda wax ka beddesho.
Si la mid ah, dhulalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, midhaha dhegayaraha ayaa ay dumarka Carabtu dhaqan ahaan u door bidi jireen, tiiyoo ay rumaysnaayeen in ay ku lammaan tahay awoodo xoojiya dareenka ‘ragannimo’ ee raggooda. Caruusadaha ayaa xidhan jiray rucubo taxan oo dhegayare ah, lana carfiyay, oo loo qaabeeyay sidii kuul qoorxidh ah, laguna dhex tarraxay dhagaxaan midabbo leh, dhururi lacageed, alaalaxay, iyo kuulo quraarad ah – mararka qaarkoodna dhowr kuulood oo dahab ka samaysan. Sidoo kale, waxa ay rumaysnaayeen in kuusha jaadkan oo kale ahi ay baydhiso belaayada. Sidaas daraaddeed, hooyada ugubka ahi waxa ay xidhan jirtay qoorxidh ka samaysan dhegayare, ammin ku siman 40 dharaarood – ummulitaankeeda kaddib (inta ay ka afartanbaxayso).
Haddaba, waxa la is-weyddiin karaa bal in uu xidhiidh ka dhexayn karo kuushaas hore ee laga helay dhulkeenna (ee aan kor ku soo xusay), kana samaysan walaxo asalkoodu ka soo jeedaan dhir, iyo dhinaca kale dhaqankan weli ka sii jira Galbeedka Afrika - in kasta oo degaan-ahaan aad u kala durugsan yihiin. Waxa aan is-oggolaysiiyay anigu in sidaas wax ka jiraan.
Qodob xoojin kara fiditaanka iyo is-weydaarsiga farsamooyin ee bulshooyinka kala duwan, waxa ka mid ah faafitaanka ciyaardhaqameedka loo yaqaanno Leelo-goobalay. Xogo badan ayaa laga hayaa dalal badan oo Afrika ku yaal in laga ciyaaro si la mid ah sida Soomaalida dhexdeeda. Sidaas awgeed, waxa ay tahay suurotgal in waayo hore xaawaleydii carrigeenna ku noolaan jirtay ay dhaqankaas la wadaagi jireen reer Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal!
Dhinaca kale, xiise ballaadhan oo aan u hayay kuulodhaqameedkii ka horreeyay kuwa dibedda laga soo dhoofsado, ayaa igu xambaaray in aan kuushan ku muujisay midigta, oo aan u taxan qaab tusbax ah, aan ka sameeyo midhaha geedka quudka. Runtii si lama-filaan ah ayaa aan u helay maankaashiga (fikirka) ah in aan tusbax ka sameeyo. Bilowgii waxa aan is-lahaa saliid ka tuuji midhaha, sida ta geedka Kulanka loo yaqaan. Ha yeeshee, markii aan ogaaday in dhuuxa midhahani aanay dhumuc la sheegi karo lahayn, saliid wax ku ool ahna laga tuujin karin, isla markaana ay xoog u adag tahay lafta dahaadhka ahi, ayaa ay igu soo dhacday in midhahani noqon karaan kuul ama tusbax aad u tayo sarreeya.
Nasiibwanaag, geedkani midho badan ayuu bixiyaa, cimilada adagna waa u adkaysi badan yahay, xidhidkana waa uu iska tarmiyaa (rhizomes), markaa looma baqi karo in adeegsi kale oo midhahiisa ahi dhibaato ku keeni karo tiradiisa.
[1] Bafto, Maraykaani iyo Maxamuudi, waxa ay ahaayeen maryaha cudbiga ka samaysay ee Soomaalidu xidhan jirtay oo meelo kala duwan ka iman jiray. Bafto, waxa ay ka iman jiray Hindiya, Maraykaanidu dalka maraykanka, Maxamuudiduna dalka Masar.
Dawo-dhaqameedka Dhirta iyo Saansaanka ku Xeeran
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
In kasta oo carriga ay Soomaalidu ku dhaqan tahay badi lagu tilmaamo dhul qarfo-u-eeke ah (semi-arid), haddana waxa uu ku caan baxay kala-duwanaansho noole (dhir, dhiroon iyo xayawaanba) oo aad u tiro badan. Ayaan-darro se, wax badan oo ka mid ah nooleyaashaasi waa ay sii libdhayaan. Haddii aynu soo qaadanno dhirta, waxa ugu sii daran geed-gaabka oo markooda horeba u nugul ku tumashada iyo cagta xoolaha iyo dadka. Dawo-dhaqameedka intooda badanna waxa lagala soo baxaa geed-gaabka. Qaabka loo soo goosto ayaan loo miidaan deyin, iyadoo badi la abbaaro xididka ama diirka/jidhifta oo geedka naafonimo iyo dhimasho gaadhsiisa. Tusaale waxa innoo filan asal-ka-diirashada Galoolka.
Aqoonta dhiroonka loo adeegsado wax-iskula-daalku (dabiibka) waxa ay ahayd mid ay Soomaalidu waayihii hore horumar weyn ka sameysay. Waxa xilliyada dambe soo kordhaya kal-xidhiidh-furan ka dhex jira dadka iyo dhirta. Waxana arrintan loo tiirin kara dhowrkan qodob:
-
Isu-gudbintii aqoonta hadhaadiga ah (indigenous knowledge), oo horrayso iyo dambaysoba la yidhaahdo Soomaalida waa ay ku bakhaysha, ayaan beryahan jirin. Xilliyadii hore, haddii qofka geedo-gooyaha ah lagu maamuuso sabeen adhi ah waa uu sheegi jiray geedka iyo adeegsigiisaba. Hadda se, odeyga ayaabaan wiilkiisu u gudbinayn ama wax uga sheegaynin.
-
Dhiroon badan oo loo adeegsan jiray daaweyn ayaa la xaalufiyey ama iskood meesha uga baxay ka dib markii uu baaba’ay ama tayo-dhac ku dhacay hoy-deegaankoodi (habitat loss).
-
Kalsoonidii lagu qabay dawo-dhaqameedka oo hoos u sii socota. Waxana ay taasi timid kolkii ay luntay ama la lumiyey aqoontaas hadhaadiga ahayd ee lagu garan lahaa jirro walba geedka ku habboon, qaybta, xilliga iyo sida loo adeegsanaayo.
-
Faafitaanka adeegsiga dawooyinka la soo dhoofsaday.
Dadaalkii Muuse Ismail Galaal (AHN) uu sameeyey ee uu ku ururiyey magacyada dhirta loo adeegsado daaaweynta waa mid dhaxal gal ah, waxa se loo baahan yahay in halkaas laga sii amba. Waxa kale oo habboon in dhirtaas magacyadooda, adeegsigooda iyo muuqaalkoodaba meel la isugu keeno. Maxaa yeelay, kol haddii ay aqoontaasi sii lumeyso, muuqaalku (sawirku) waa muhiim.
Waxa uu arrinkani i xasuusiyey nin dhalliyaro ah oo la odhon jiray Yuusuf Cabdillahi Rooble (AHN) oo taysadiisii Jaamicadeed ku sameeyey dawo-dhaqameedka, oo ururiyey dhir aad u tiro badan; ayaan darro se waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii lagu xasuuqay xeebtii Jasiira (17 July, 1989). Qoraalkiisina sidaas ayuu ku lumay.
Liiska dhirta loo adeegsado dawo-dhaqameedku waa uu dheeraan karaa, ha yeeshee waxa aynu u baahannahay in ciduun iska xil saarto ururintooda. Waxa taas barbar yaalla ilaalinta deegaanka oo sal-dhig u ah in ay sii jiraan dhirtaasi. Dhirtaas faa’iidadeedu innaga uun innaguma koobnaan karto e waa dhaxal Aadamuhu wadaagaan, innagana xilbaa innaga saaran in aynu dhowrno si faa’iidadeedu cid walba u gaadho. Haddii se aynu aqoonteeda iyo il-baxnimadeeda la nimaadno, faa’iido weyn oo dhaqan-dhaqaale iyo mid caafimaad ayey inoo yeelan kartaa. Waxa uu se arrinkani hadda u muuqdaa mid ka-niib-keeniddiisu aad u fogyahay.
Waxa adduunka ka jira wax loo yaqaanno budhcadda dhiroonka (bio-piracy) oo abuurka ama abqaalka dhiroonka ka xada dalalka soo koraaya (sideenna oo kale) kana iibiya shirkadaha dawooyinka sameeya, ka dibna ay shirkadahaasi diiwaan-gashadaan dawooyinkaas (patenting), oo taas micnaheedu yahay in xitaa dadkii dhirta laga soo xaday aaney warshadeysan karin!
Waxa uu adduunku joogaa xilli uu sii xoogoobayo adeegsiga dawo-dhaqmeedku, hal-ku-dhigguna waa “in dib loogu laabto dabiicadda” (back to nature). War-bixin ay soo saartay WHO, wax ku dhow 80% dadka ku nool arlada ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada dawo-dhaqameed. Dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo keliya ayey dawo-dhaqameedku meel aad u sarraysa kaga jirtaa. Aqoonta dawo-dhireedkana (herbalism) waxa loo galaa jaamicado, xeel-dheerina (takhasus) waa lagu sameeyaa. Meelo badan oo Afrika ah, oo ay ku xoogan tahay adeegsiga dawo-dhaqameedku, waxa ay geeda-gooyeyaashu u ololeeyaan sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen.
Haddii aynu u soo noqonno dhinaceenna, iyadoo ay xilli hore habboonayd in dadaal la geliyo aqoonta dawo-dhaqameedka iyo dhiroonka wax lagu dabiibaa xaaladda ay ku sugan yihiin, haddana “caano qubtayba dabadeed la qabay”. Waxana habboon in ay jaamicadaha dalka, siiba kuwa bixiya aqoonta dhakhtarnimadu, iyo ciddii kale ee danaynaysaba sidii ay uga howl-geli lahaayeen diiwaan-gelinta aqoontaas hadhaadiga ah ee sii lumaysa. Waxa, sidoo kale, habboon in aqoon-baadhisyo (daraasado) la xidhiidhsan arrinkan la sameeyo, ka dibna lagu daba cidhbiyo wax-qabad ku aaddan badbaadinta iyo horumarinta dawo-dhaqameedka.
W.Q.: Ahmed Ibrahim Awale
aiawaleh@gmail.com
++++++++++++++
Suxuloow Waa Saxar!
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘ili ayaan badanaa, hareeraheeduna ayaan daranaa’. Odhaah kale ayaa u dhigan sidan “Ileey ama itaal lahow, ama ayaan lahow! Waxay dooratay ayaankii!” Waxa ay se ila tahay in ishu aanay wax dheeraad ah ka sidanin jidhka intiisa kale bal se “ayaan badnaanteeda” loo tiirin karo uun aragga ay iska arki karto halisaha oo markaa ay baalasha is-qabadsiiso ama (iyadoo kaashanaysa maanka) ay dhinac isaga barbariso halis ku soo fool leh.
Ishu aad bey ugu nugushahay walaxa soo-galowtiga ku ah gurigeeda ama baradeeda. Waxa ugu yar ee dhibaatayn kara waxa ka mid ah saxarka. Doorroonaanta araggu u leeyahay noolaha awgeed, dadku ma fududaystaan waxa ugu yar ee soo gaadha isha. Markiiba qofku waxa uu cid kale ka raadsadaa gacan siin. Ciddaasina si hagar la’aan ah ayay ugu fidiyaan wixii samato bixin ah. Markiiba waxa la arki karaa qofkii isha saxarku ka gaadhay oo isu dhiibay qofkii kale ee uu wax-tar biday. Indhaha ayuu u kala qabtaa, marna baalasha ayuu kala jiidaa, mar kor marna hoos eeg buu ku yidhaahdaa, isagoo indhaha ku biniininaya oo raadinaya meesha ay taallo walaxda soo-galowtiga ah.
Haddii ay dhibtu ka timid ciid ay sidatay saxar-qaad dabayleed, waxa uu isku dayaa in uu xoog ugu afuufo isha gudaheeda, isagoo neef ka buuxiyay labada can, dibnahana (bushimahana) soo ururiyay si uu u xoojiyo xawaaraha neefta – in ku filan in ay isha bannaanka ka soo dhigto ciid yar oo ay ilmo qoysay. Sida uu u kala daran yahay xanuunku, mararka qaarkood, sanka ayaa isha la ooya oo biyo ka yimaaddaan.
Waxay kaloo Soomaalidu rumaysan tahay in ishu liqdo walaxa qaarkood sida ciidda iyo saxarrada yaryar. Ha yeeshee, mararka qaarkood, siiba arooryada hore, waxa dacallada isha lagu arkaa xafajo ay la socdaan wax ka mid ah walaxihii soo-galowtiga ahaa.
Islaamaha qaarkood baa la yidhaahdaa hoodo ayay ku leeyihiin saxar bixinta iyagoo carrabka caaradiisa ula taga isha oo ku maraanmara. Waxana la rumaysnaa in carrabku si dhibirsan dibedda uga soo dhigi karo isha.
Farsamo kale ayaa iyana ah in maro yar la isugu laablaab si ay caaro dhuuban u yeelato oo badiba candhuuf lagu qoyn jiray (gabaabsiga biyood awgeed) marka la helana biyo lagu qooyo, ka dibna saxarka ama ciidda lagu soo qaadi jiray.
Haddii ay ishu yeelato kaar iyo garaac badan, waxa la yeeli jiray in dacasha hoose ee dhegta xigta dhinaca isha dhibaataysan lagu xidho xadhig yar, waxana la arki jiray in kaarku ka yaraado. Waana hab-maarayneed u dhigma farsamo wax-iskula-daal (dabiib) ka jirta dalka Shiinaha oo loo yaqaanno Akubanjar (acupuncture) – oo ku salaysan turqin la abbaarsiinayo meel aan badiba ahayn meeshii ama xubintii jirranayd si bogsiin ama ladnaanshiiyo loogu helo.
Arrinta ugu la-yaabka badani waxa ay tahay in suxulka loo adeegsado maaraynta saxarka, siiba marka la doonayo in ay ‘ishu saxarka liqdo’ oo maarayn kale loo waayo. Mar kan oo kale inta isha la isku qabto ayaa suxul qof kale guudka lagaga marmarin jiray. Waana ta ay Soomaalidu odhon jiray “Suxulow waa Saxar!” iyada oo aad mooddo in lagu cabsi gelinaayo saxarku in uu ka muquurto meesha.
+++++++++++++++++++++++
Anynnu Ducaysanno
Qalinkii: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Goortu waa casar, goobtuna waa gudaha Masaajid ku yaal Hargeysa. Dad tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay ayaa heegan u ahaa in ay faralka gutaan. Waxa dhinacayga midig ku tukanaayay oday da’ ah oo maryo cascas oo sunuftii abaartii naahuurada ahayd ee jiilaalku sankayga daandaansanayso. Waxay ahayd sunuf aan ka dhalan fayo-dhowr xumo iyo basarinnimo la mid ah ta lagu arko reer-magaalka badhkood, bal se ka dhalatay cidhiidhiga joogtada ah ee dareeraha nolosha (biyaha) ee ka jirta dhulka Hawdka.
Waa la salaamo-naqsaday, dadka badankoodiina waa ay oogsadeen sidii ardey dugsi-Qur’aan oo hor-joogahoodi (kabiirkoodi) ugu tiraabay “fantashiruu!” {kala dareera !}; ka dibna mid wal oo dadkii ka mid ahaa dhinaca irridaha ayuu ula hulleelay jaamahiisii (kabahiisii).
Soddon gu’ ka hor, qof kasta oo Hargeysa ku noolaa, muuqaalkaasi ma uu u ahaadeen mid la soo dhawaysto, foolasha (wejiyada) dadkana waxa uu ku sunti lahaa af-kala-qaad iyo giirasho. Ha yeeshee, aniga oo meeshii cabbaar ku sii negaa, ayaa odaygii, isagoo amankaagsan uu weydiin iila holladay:
Kuye: “Adeer durraamashadii (ducadii) miyaa la iska daayey?”
Aan idhi: “Oo adeer xagee ayaad ka timid, miyaanad magaalka joogin?”
Odaygi waxa uu ii sheegay in socdaalkiisani ahaa kii ugu horreeyey ee uu weligii Hargeysa ugu soo kicitimo, si uu u booqdo Cisbitaalka Manhal, si indhaha loogu fiiqo. Intii aannu (labadayadu) ku gudo jirnay is-dhaafsiga labadaas waydiinood, waxa uu odaygu kor u hayay labadiisa baabaco. Waxana uu u eekaa sidii qof tebaya wax uu yiqiinnay, oo mar weheshi, mar waano, marna ruux-korin u ahaa. Waxa kalena ma ay ahayn e, waa DUCO-WADAREED uu tan iyo yaraantiisii madal kasta oo arrin lagu maaraynayo, mayd korkii, mawlaxooyin iyo mag la go’aaminayo iyo Masjid kasta gudihiisa ka maqli jiray, midhaheeda sida maanshaallida u macaanna u raaricin jiary maankiisa, ka dibna laga dareemi jiray korkiisa iyo kalkiisa raad muuqan kara. Waxa kale oo uu xasuustay marka uu wadaadku ducada marinaayo (siiba Af-Soomaali) oo la arki jiray dhegaysteyaasha oo dhadhansanaaya erayyada la suugaaneeyey (loo dhigay qaab suugaaneed) – taasoo dhalisa in maankooduna u socdaalo isla markaana mayracado kolba kobta ugbaadsan ee uu wadaadku u tallaabsho. Haddaba, wax kale iyo kuma garatid e, saansaanka ka muuqday odaygaas, waxa uu u dhignaa sidii wadaad u soo hoyday reer, oo si gobannimo leh loogu loogay neef shilis, aane se maraqii loo raacin!
Isla goobtii aan fadhiyay, hadalkii odaygu waxa uu igu xambaaray in aan isha mariyo Masaajidka gudahiisa, iskuna howlo (si daandaansi ku jiro), bal inaan ogaado inta qof ee iskood u ducaysanaysa – anigoo tilmaame ka dhiganaya gacmaha kor loo taagayo. Waxana aan dhaafin waayey tirada dadka qacmaha kor u haya (ducaysanaya) shan qof oo keliya!
In la xooro duco-wadareedka salaadaha lagu daba cidhbin jiray waxa ay la kowsatay intii uu bilaabmay fufka dhaqdhaqaayada cusub ee Islaamiga ahi, isla markaana ay ka hana-qaadeen carriga Soomaaliyeed. Waxana hab-dhaqankaas (duco-wadareedka) lagu suntay in uu yahay wax diinta lagu soo daray (bidco). Bulshada Soomaaliyeedna waa ay hoggaansantay – taas oo ay culimada dambe ku xoojiyeen dooddoodii in ducada keli-kelida ahi ka dheerad (fadli) badan tahay midda wadareed – maxaa yeelay: halka uu Imaamku keligii ka ducaynayo, ayaa qof kasta oo ka mid ah jamacu uu naftiisa iyo ummadda Muslimka ahba u ducaynayaa.
Waa arrin wanaagsan haddii taas la helaayo. Ha yeeshee arrinka ii muuqday kama uu duwanayn “wax tarso, wax beel ayey keentaa.” Horrayso iyo dambayso, ma aanan u dhaadhicin quluubta dadka, bal se haddii aan ku tago in gacmo-fidintu tilmaame u tahay durraamashada (ducada) waxa muuqata in ducadii laga dayriyay Masaajiddada gudahooda. Intii odaygaasi arrinkaas igu baraarujiyayna waxa aan naftayda ugu sheekeeyaa “Aar malaa Soomali meel kale loogama iman e, AYNU DUCAYSANNO”.
Duco-wadareedka salaadaha faralka ah ka dambeeya, waa mid culimada Islaamku isku maan-dhaafsan yihiin. Haddiiba se aan la samayn jirin xilligii Nebi Maxammed (NNKHA) iyo afartii Khulafaa-u-raashidiin, oo keli-keli dadku u ducaysan jireen, ma laga yaabaa in duco-wadareed loo soo kordhiyey qaab dadaal (ijtihaad) ay sameeyeen culimadii hore, ka dib markii ay dhacday tan aynnu ka sheekaynayno oo kale!
Arrinkani waxa uu iila muuqdaa mid u baahan wax-qabad. Maxaa se la gudboon culimadadeenna:
· Ma xasuusin joogto ah, oo la mid ah “fadlan moobillada damiya” iyo “kabaha ilaashada” ayey ku daba cidhbin doonaan“ducadana ha illoobina?”
· Mise waxa ay dhiirri-gelin doonaan duco-wadareedkii in loo noqdo, oo mudan in marka horeba la is-waydiiyo waxa keenay in la laasimo?
+++++++++++++++++++++++
Xuddun iyo Mandheer
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Qolkii maydhashada ee gurigayga ayaan is dhex taagay, waanaan qubaystay. Intii aan jidhkayga biyaha tuwaalka kaga tirtirayay ayaan isku eegay muraayad weyn oo qolka ku dhex tiillay. Waxana indhahayga si gaar ah u soo jiitay xuddunta ku kala badhan bogcalooleedkayga. Waxayna indhahayga u soo jiidatay si ka duwan sidii ay hore iigu muuqan jirtay. Ugu horrayn waxa yaab i geliyay falsuubbanaanta uu Eebbe (sarree oo korreeye) ku kala badhay caloolsha; waxana aan is-weyddiiyay, bal haddii ay meesha ka maqnaan lahayd, miyaanay meeshaas ka muuqateen dhinnaansho, foolxumo iyo kala-dhantaalnaan? Waxa kale oo maankayga ku soo dhacay in raadkaasi yahay mid ka goonni ah jidhka intiisa kale, maxaa yeelay, ma jiro qayb ama xubin kale oo jidhka aadamaha ka mid ah oo sideeda oo kale adeegsigeedu mar qudha uun yahay. Xudduntu se isla kolkii qofka ay ku taallay madaxa ifka ula soo baxay ayuu waxtarkeedi soo gebageboobay!
Mar labaad baan jalleecay xudduntii, waxana iiga muuqday wax ka badan astaan dhalasho; waxana ay tilmaan u tahay dhibtii ay hooyo ila soo martay – laga soo bilaabo wallaceedii, sidkii ay sagaal bilood uurka igu sidday, dhiiggii hodonka ku ahaa hawadii ogsajiinta iyo nafaqadii aan la wadaagi jiray. Si kale haddii loo dhigo, waxba kama aanan duwanayn deris-ku-noole nuugaya jidhkeedii. Waxa ay mararka qaarkood cuskan jirtay udubdhexaadka aqalkayagii, tamardarro awgeed iyo iyada oo ka baqo qabtay in ay diiddo, dhulkana ka soo go’day. Haddaba iyada oo aan jidhkeeda iyo nafteeda waxaas oo howl iyo culays ah ku hayay ayaanan haddana ka daynin gujooyin hoose oo ay mararka qaar hurdada ledi weydo.
Eedaadkii foosha iyo taaheedii ayay mararka qaarkood nafteedu hoos ugu sheegi jirtay in aanay dib ugu noqonin ilmoqaadis kale. Ha yeeshee, sunnaha nolosha ayaa sidaas ah, oo haddii aanu jirin rabitaankaasi, aadamuhuba waa tafiirgo’i lahaa.
Haa, aniga iyo hooyaday isku mid baannu ahayn, se xidhiidhkaasi jidheed waxa uu kala go’ay isla markii ay ummulisadi, oo gacmaheedii farsmoyaqaanka ahaa (oo ay weliba taageero ka helaysay dihashadeedii ay seedaha ilmagaleenkeeda kusoo ururinaysay) ku guulaysatay in ay madaxaygii ifka soo dhigto. Isla markiiba cimiladii ifka ee igu cusbayd ee martay madaxaygii iyo dhabannadaydii dhaylada ahaa, ee laga soo “barokiciyay” qolkii yaraa ee diirranaanta iyo raaxada badnaa ayaa dhaliyay in aan ku fal celiyo warraaq aan afka kala qaado, markiibana aan kabbado hawo ka baxsan tii aan mandheerta ka nuugi jiray. Waxa se uu ahaa, goor kastana noqon doonaa, kala go’ iyo kala qaarnaan door (ahmiyad) u leh nolosha iyo taranta aadamaha. Waana, sida uu u dhigay Niitjee (Nietzsche), faylasuufkii Jarmalka ahaa ee noolaa qarnigii 19aad, in xilliga dhalashada oo keliya uu ilmuhu ahaanshiiyo qofeed oo gaar ah yeelanayaa, inta se isaga iyo hooyadii ay xudduntu isugu taallo, yaa odhon kara waa laba naflay oo midba ka kale ka madax bannaan yahay? Tusaalaha Niitjee waxa u markhaati kacaya gabayaagii Soomaaliyeed ee Cige Aw Cali oo tix uu lahaa ay ku jirtay “….Markii xigay caweys baan dhashoo, Cige la ii bixiyay..!”
Markii aan dhashay, xudduntiina sideeda u go’day, ma ay tuurin hooyo hilibkii yaraa ee qallalnaa, waxa ay se ku xidhay qoriweger, iyada oo sida dumarka Soomaaliyeed rumaysnayd awoodaha dahsoon ee qoriwegerka. Xilli kale markii uu kasoo wareegayna waxa ay hilibkii yaraa ee tawafsanaa ku xidhay sabeen, waana meesha ay ka timid waxa loo yaqaanno “Xuddunxidhka”. Xirribta (xigmadda) ka dambaysa xuddunxidhku waxa weeye in ilmaha yari (dheddig iyo labba) lagu dareen geliyo in uu reerka wax ku leeyahay. Maxaa yeelay, isaguba xilli aan sidaas u sii dheeraan doonin ayaa la ciidansan doonaa, waxana uu ka qayb qaadan doonaa howlaha kala duwan ee reerka oo ay ugu mudan tahay, uguna horrayso raacidda maqasha.
Beryahan dambe, dhulalka reer Galbeedka (Yurub iyo Waqooyiga Ameerika), waxa soo baxay habdhaqan la-yaab leh oo la yidhaahdo “Lotus Birth” oo ah in aan la goynin garka mandheerta, kaddib ilmuhu marka uu ifka u soo baxo ku sii xidhiidhsanaado mandheerta, jeeroo laga gaadhayo dhowr cisho, inta ay iskeed mandheertu uga fuqayso. Dadka sidaas yeelaa waxa ay uga jeedaan in la sugo (hubiyo) in ilmaha yari helo nafaqo dheeraad ah, isla markaana kala-xidhiidh furanka hooyada iyo ilmaheeduna noqdo mid ay ku dheehan tahay degganaan, marka la barbar dhigo habdhaqanka qallafsan ee foosha iyo jarista degdegga ah ee garka mandheerta. Mandheerta ilmaha ku xidhiidhsan ee sidan oo kale loo hayo, waxa la dhex dhigaa weel ay ku jiraan biyo milix leh oo la carfiyay, ama maro ayaa lagu duubaa, inta ay iskeed uga xidhiidh furmanayso ilmaha 3 ilaa 7 maalmood!
Xayawaanka dhexdooda, daayeerka jaadkiisu yahay Shimbaanze ee ku nool dhulka duudda ah (keymaleyda) Afrika, ayaa keli ah midka lagu yaqaanno dhalmada jaadkan oo kale. Xayawaannada kale, badankoodu, marka ay dhalaan, garka ama xadhigga mandheerta waa ay qaniinaan si ay u gooyaan, ka dibna mandheerta ayay cunaan, si aan habar dugaaggu u soo urinin, kaddiba dhasha uga cunin.
Sidan ay dumarka qaar kaga daydeen dhalmada jaadkan oo kale ah, waxa uu qofku is-weyddiin karaa, bal in aadamnimadi ay hoos ugu sii noqonayso noolihii ka hooseeyay! Iyada oo dhanka kalena, caddaanka wax takooraa, dadka diirka ama dubka madow, quudhsi awgii, iyo sida ay rumaysan yihiin, ku tilmaama “qaar jaranjaradii lagaga soo koray daayeerka, weli meel hoose ka soo fuushan”. Waxa kale oo dalalka qaar lagu arki karaa in dumarka qaar ay daneeyaan qurxinta xubintaas jidheed ee howl gabtay, isla markaana ay ka laalaaadiyaan hilqado dahab ah, kuulo, ama waxyaabo kale.
Dhinaca kale, dadka riyooyinka ka warransiiya, waxa ay u arkaan in xuddunta oo qof ku arko riyadiisa lagu fasiran karo “soo noolaanshiiyaha xidhiidho hore, iyo isu hilowga dad kala baaday”.
Guntii iyo gebagebadii, laga bilaabo maalintaas aan fiirada gaarka ah u yeeshay xudduntayda, la-yaab ma laha in dareen gaar ah oo kalgacal, kana badan intiisii hore, ii qabto hooyo, iyo in aan abaalkeeda sinaba loo gudi karaynin.
Ijibbaati
W/Q:
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Eray
guun ah, oo gun weyn, ula jeeddadiisana laga dhex heli karo dhaqan ka horreeyay
Islaamka.
Waxa
la maqlaa goor ay geeriyi dhacday ama timid. Kolkaas qofka geeriyooday cidda
ugu dhow – ha ahaadaan xaaskiisii, hooyadii/hooyadeed, walaashii/walaasheed ama
ayaydii/ayaydeed – loo sii daayo in ay ka ag dhawaato hilbaha (maydka) si ay
ugu “ijibbaatido”. Ijibbaatigu waxa uu koobsadaa mararka qaarkood oohin iyo ku
dhegdheg. Waxana la rumaysnaa in uu u dhigan yahay “samirsiis” iyo in uu qofku
maanka ku guntado ARAGGII UGU DAMBEEYAY ee qofka qoyska ka baxay. Qof maqane ah
haddii loo sheego geerida qof sokeeye ah , ayaa mararka qaar lala sugaa si uu
ugu “ijibbaatiyo”. Marka uu yimaaddona waxa la lagu dhawaaqaa “Waar u banneeya
ha ku ijibbaatido e!”
Waxa
aan baadhay bal in eray la mid ah laga heli karo Afka Oromada, waxana aan helay
“Ijibbaata/ijibbaatii” oo u dhigan erayga Af Carabiga ah ee “taxaddi تحدي” ama Af Soomaali
ahaan “carin”.
Haddii
ereyga asalkiisu la ula jeeddo ahaa “carin/hawiraad”, oo ay labada erey
(Soomaali iyo Oromo) ay isku ula jeeddo yihiin, waxa ay u egtahay in eegmada
ugu dambaysa ay sahay u tahay qofkaas waayay mid ka mid ah xigaalkii; sahaydaas
oo uu ugu babac dhigi karo dareenno nafsi ah oo sii daba jebin lahaa ammin
dheer - haddii aanu indhaha ku sii sagootiyin. Waa ta qof la waayay, lana baadi
goobayo la yidhaahdo "Raq iyo Ruux" ama "Geeri iyo Nolol"
ama "Inta ay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto!" Haaheey, aragga
kama-dambayska ahi raadayntiisa ayuu leeyahay.
Kuusha iyo Adeegsigeeda: Milicsi Taariikheed
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Kuushu waxa ay ka mid tahay agabka ay dumarka Soomaaliyeed isku qurxiyaan. Waana dhaqan soo jireen ah oo la fili karo in uu la bilaabmay jiritaanka aadanaha. Kuusha ugu caansan ee weli ka sii hadhay dhaqankii hore ee Soomaalidu waxa ay tahay cunnaabi. Waxa yaalaaba laga soo dhoofin jiray carriga Hindiya. Dhallinyarada wiilasha ah ayaa iyaguna xarrago ahaan, qoorta ku xidhan jiray hal ama laba mid oo kuul ah, oo odhon jiray ‘Makaawi.' Sidoo kale, magaca ‘Kuul' oo ragga loo bixin jiray ayaa muujin u ah in raggu xidhan jireen kuusha – ama tusbax ahaan ha u qaataan, ama qurux ahaan ha u xidhaan e.
Waxa haddaba la is-weyddiin karaa, sida dharkii cudbiga ka samaysnaa ee ay ka mid ahaayeen Baftadii,[1] Maraykaanidii, Maxamuudidii iqk, ay suuqa uga saareen hugii saanta laga diyaarin jiray – ee uu ka mid ahaa Dhuugu, ma laga yaabaa in kuushaas dibedda laga soo dhoofsan jiray ay iyana meesha ka saartay kuulo hore, oo herodhalad ahaa, ragga iyo dumarka Soomaalidu xidhan jireen? Haddaba, sida uu qabo qoraagani, erey-celintu waa “HAA”.
Sida ka jirtay, ama ilaa maantaba looga adeegsado, dhulal kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxa ay dumarka Soomaalidu kuusha ka samaysan jireen midhaha dhirta qaarkood ama qorigooda. Mararka kale, sida ka jirta meelo kale oo Afrika ah, waxa kuusha laga diyaarin jiray xabko iyo caleemo la isku budliyay, lana biyeeyay, kaddibna dab la saaray, ugu dambaynna marka ay isla qaboobaan loo qaabayn jiray kuul ahaan, markii xigayna dalool loo sameeyay si loo taxo.
Badhtamihii 2016kii, waxa gacantayda soo gashay kuul la ii sheegay in laga soo qoday meel aan ka fogayn Hargeysa. Kuushaasi waxa ay judhiiba iigu muuqatay in ay ahayd mid aan walaaya (dibed) laga keenin. Waxa ay keloo iila muuqatay in laga qoray dhagaxciideed. Kaddib, meel ayaa aan ku xereeyay si aan ugu kaydiyo. Haddaba waxa dhacday maalin dambe oo aan is-idhi la soo bax, in markii aan furay kiishkii ay ku jireen, aan arkay in qaarkood qoyeen, isla markaana ay kala furfurmeen, gudahoodana uu ka muuqday cagaar caleemeed! Show qolkii aan dhigay ayaa ku soo darroorimooday. Waxa aan is idhi, da'ahaan facweynaantooda ayaa laga yaabaa in ay la furfurmeen. Se markoodii hore ee ay dhulka ku aasnaayeen, weel dhoobo ah ayaa ay ku dhowrsoonaayeen.
Kuul aad u fac weyn oo xilliyo hore Soomaalidu adeegsan jirtay, kana samaysan caleen iyo xabko
Dhagxanta ayaa iyana laga samaysan jiray kuul, iyada oo loo xulanayo quruxda ay leeyihiin, sida ka muuqata kuwan ku muujisan muuqaalkan hoose, oo la ii sheegay in laga soo qoday meel u dhow magaalada Jinacsani, oo ka tirsan degaanka Jigjiga.
Kuul dhagaxaan kala midab duwan laga sameeyay oo laga helay magaalada Jinacsani, oo u dhow Jigjiga
Xograadin aan sameeyay oo ku saabsan kuulaha xerodhaladka ah ee bulshooyinka Afrikaanka, iyo meelo kale oo adduunka ahba laga adeegsado, waxa si xiisahayga soo jiitay dhaqan ka jira Afrikada Galbeed.
Dalalka Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal, waxa jira kuulo ay dumarku diyaariyaan, kaddibna qurux ahaan u xidhaan. Waxa ay bulshooyinkooda dumarka ahi rumaysan yihiin in xidhashada kuulahaasi xoojiyaan dareenka raganimo ee raggooda. Kuushan oo la carfiyay, waxa laga sameeyaa cajiin laga diyaariyay midho kala duwan, oo uu ugu door-roon yahay midhaha geed la yidhaahdo Detarium microcarpum. Magaca ay kuushani ku suuq gashay waa “Myrrh Beads” ama “Kuusha Malmalka”. Ha yeeshee, kuushani wax xidhiidh ah lama laha Malmalka – maxaa yeelay, geedka dhiddinka ee laga gurto Malmalku kama baxo galbeedka Afrika.
Kuul rucub-rucub ah oo dumarka Galbeedka Afrika dhexda ku xidhaan.
Qaab ay dumarkaasi u diyaariyaan kuushaas, oo ay hooyo waliba inanteeda u sii gudbin jirtay, ammin aad u dheer, ayaa sidan ah:
Waxa ay dumarku midhaha la budliyay ee geedkaas kor ku xusan ku qasaan jaws, dhegayare, iyo ubaxyo. Kaddib, biyo kulul ayay ku daraan, dab aan xoog u shidnaynna waa ay saaraan, heer uu cajiinku noqdo mid is-jiidjiidanaya marka ay biyuhu yaraadaan. Cajiinkii oo aan qaboobin ayaa ay dumarka u qaabeeyaan kuulo yaryar, daloolna qodax ama irbad ugu sameeyaan. Kaddibna cadceedda ayay u dhigaan si ay u engegaan una adkaadaan. Kuulahaas, badiba, midabkoodu waa maarriin. Se, dalka Sinigaal oo kale, waa la midabeeyaa oo loo rogaa casaan, madow ama cagaar.
Dalka Maali, tusaale ahaan, dumarka la qabo ayaa kuusha dhexdooda ku xidha; lafta misigta ayaana kor u qabata, iyaga oo laga dhigay dhowr dhudood, loona taxay qaab tusbaxyo dhaadheer oo kale (sida ku muujisan muuqaalkan hoose). Dumarka reer Sinigaal, mararka qaarkood waxa ay kuusha dhex muquuriyaan udug (cadar), waxana ay ku sii qurxiyaan kuulo quraarad ka samaysan. Marka ay haweenay dhexda ku xidhato, marada hoosteeda ayay mariyaan, kolkaas oo udugga kuushaas iyo dhididka jidhkeeda oo isku milmay ay xoojiyaan carfiga wax saaqaya – heer ku filan in ay raggooda soo dabaan! Haddaba in kasta oo aanay kuushaasi marada ka muuqan, carfigeeda wax saaqayaa, oo ay dumarkaasi ku lammaaneeyaan dhaqdhaqaaq gaar ah oo miskuhu sameeyaan, iyo jabaqda kuulaha isku dhacayaa, ayaa dhegaha, dhaayaha, iyo dareenka raggooda muusoond geliya.
Adeegsiyada kale ee kuulahan waxa ka mid ah in dhexda lagu yareeyo ama lagu qaabeeyo, si la mid ah sidii gashaantimihii hore ee Soomaalidu dhexda xadhigga ugu xidhan jireen. Kuushaas ay dhexda ku xidhaan dumarka Galbeeka Afrika, waxa ay kaloo ay ahayd tilmaame habboon oo lagu garan karo in dhexdu weynaanayso iyo in kale. Mar Allaale marka ay kuushu giigsanto, waa xilligii ay inantu ka howl geli lahayd in ay cuntadeeda wax ka beddesho.
Si la mid ah, dhulalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, midhaha dhegayaraha ayaa ay dumarka Carabtu dhaqan ahaan u door bidi jireen, tiiyoo ay rumaysnaayeen in ay ku lammaan tahay awoodo xoojiya dareenka ‘ragannimo’ ee raggooda. Caruusadaha ayaa xidhan jiray rucubo taxan oo dhegayare ah, lana carfiyay, oo loo qaabeeyay sidii kuul qoorxidh ah, laguna dhex tarraxay dhagaxaan midabbo leh, dhururi lacageed, alaalaxay, iyo kuulo quraarad ah – mararka qaarkoodna dhowr kuulood oo dahab ka samaysan. Sidoo kale, waxa ay rumaysnaayeen in kuusha jaadkan oo kale ahi ay baydhiso belaayada. Sidaas daraaddeed, hooyada ugubka ahi waxa ay xidhan jirtay qoorxidh ka samaysan dhegayare, ammin ku siman 40 dharaarood – ummulitaankeeda kaddib (inta ay ka afartanbaxayso).
Haddaba, waxa la is-weyddiin karaa bal in uu xidhiidh ka dhexayn karo kuushaas hore ee laga helay dhulkeenna (ee aan kor ku soo xusay), kana samaysan walaxo asalkoodu ka soo jeedaan dhir, iyo dhinaca kale dhaqankan weli ka sii jira Galbeedka Afrika - in kasta oo degaan-ahaan aad u kala durugsan yihiin. Waxa aan is-oggolaysiiyay anigu in sidaas wax ka jiraan.
Qodob xoojin kara fiditaanka iyo is-weydaarsiga farsamooyin ee bulshooyinka kala duwan, waxa ka mid ah faafitaanka ciyaardhaqameedka loo yaqaanno Leelo-goobalay. Xogo badan ayaa laga hayaa dalal badan oo Afrika ku yaal in laga ciyaaro si la mid ah sida Soomaalida dhexdeeda. Sidaas awgeed, waxa ay tahay suurotgal in waayo hore xaawaleydii carrigeenna ku noolaan jirtay ay dhaqankaas la wadaagi jireen reer Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal!
Dhinaca kale, xiise ballaadhan oo aan u hayay kuulodhaqameedkii ka horreeyay kuwa dibedda laga soo dhoofsado, ayaa igu xambaaray in aan kuushan ku muujisay midigta, oo aan u taxan qaab tusbax ah, aan ka sameeyo midhaha geedka quudka. Runtii si lama-filaan ah ayaa aan u helay maankaashiga (fikirka) ah in aan tusbax ka sameeyo. Bilowgii waxa aan is-lahaa saliid ka tuuji midhaha, sida ta geedka Kulanka loo yaqaan. Ha yeeshee, markii aan ogaaday in dhuuxa midhahani aanay dhumuc la sheegi karo lahayn, saliid wax ku ool ahna laga tuujin karin, isla markaana ay xoog u adag tahay lafta dahaadhka ahi, ayaa ay igu soo dhacday in midhahani noqon karaan kuul ama tusbax aad u tayo sarreeya.
Nasiibwanaag, geedkani midho badan ayuu bixiyaa, cimilada adagna waa u adkaysi badan yahay, xidhidkana waa uu iska tarmiyaa (rhizomes), markaa looma baqi karo in adeegsi kale oo midhahiisa ahi dhibaato ku keeni karo tiradiisa.
[1] Bafto, Maraykaani iyo Maxamuudi, waxa ay ahaayeen maryaha cudbiga ka samaysay ee Soomaalidu xidhan jirtay oo meelo kala duwan ka iman jiray. Bafto, waxa ay ka iman jiray Hindiya, Maraykaanidu dalka maraykanka, Maxamuudiduna dalka Masar.
Ijibbaati
W/Q:
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Eray
guun ah, oo gun weyn, ula jeeddadiisana laga dhex heli karo dhaqan ka horreeyay
Islaamka.
Waxa
la maqlaa goor ay geeriyi dhacday ama timid. Kolkaas qofka geeriyooday cidda
ugu dhow – ha ahaadaan xaaskiisii, hooyadii/hooyadeed, walaashii/walaasheed ama
ayaydii/ayaydeed – loo sii daayo in ay ka ag dhawaato hilbaha (maydka) si ay
ugu “ijibbaatido”. Ijibbaatigu waxa uu koobsadaa mararka qaarkood oohin iyo ku
dhegdheg. Waxana la rumaysnaa in uu u dhigan yahay “samirsiis” iyo in uu qofku
maanka ku guntado ARAGGII UGU DAMBEEYAY ee qofka qoyska ka baxay. Qof maqane ah
haddii loo sheego geerida qof sokeeye ah , ayaa mararka qaar lala sugaa si uu
ugu “ijibbaatiyo”. Marka uu yimaaddona waxa la lagu dhawaaqaa “Waar u banneeya
ha ku ijibbaatido e!”
Waxa
aan baadhay bal in eray la mid ah laga heli karo Afka Oromada, waxana aan helay
“Ijibbaata/ijibbaatii” oo u dhigan erayga Af Carabiga ah ee “taxaddi تحدي” ama Af Soomaali
ahaan “carin”.
Haddii
ereyga asalkiisu la ula jeeddo ahaa “carin/hawiraad”, oo ay labada erey
(Soomaali iyo Oromo) ay isku ula jeeddo yihiin, waxa ay u egtahay in eegmada
ugu dambaysa ay sahay u tahay qofkaas waayay mid ka mid ah xigaalkii; sahaydaas
oo uu ugu babac dhigi karo dareenno nafsi ah oo sii daba jebin lahaa ammin
dheer - haddii aanu indhaha ku sii sagootiyin. Waa ta qof la waayay, lana baadi
goobayo la yidhaahdo "Raq iyo Ruux" ama "Geeri iyo Nolol"
ama "Inta ay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto!" Haaheey, aragga
kama-dambayska ahi raadayntiisa ayuu leeyahay.
Kuusha iyo Adeegsigeeda: Milicsi Taariikheed
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Kuushu waxa ay ka mid tahay agabka ay dumarka Soomaaliyeed isku qurxiyaan. Waana dhaqan soo jireen ah oo la fili karo in uu la bilaabmay jiritaanka aadanaha. Kuusha ugu caansan ee weli ka sii hadhay dhaqankii hore ee Soomaalidu waxa ay tahay cunnaabi. Waxa yaalaaba laga soo dhoofin jiray carriga Hindiya. Dhallinyarada wiilasha ah ayaa iyaguna xarrago ahaan, qoorta ku xidhan jiray hal ama laba mid oo kuul ah, oo odhon jiray ‘Makaawi.' Sidoo kale, magaca ‘Kuul' oo ragga loo bixin jiray ayaa muujin u ah in raggu xidhan jireen kuusha – ama tusbax ahaan ha u qaataan, ama qurux ahaan ha u xidhaan e.
Waxa haddaba la is-weyddiin karaa, sida dharkii cudbiga ka samaysnaa ee ay ka mid ahaayeen Baftadii,[1] Maraykaanidii, Maxamuudidii iqk, ay suuqa uga saareen hugii saanta laga diyaarin jiray – ee uu ka mid ahaa Dhuugu, ma laga yaabaa in kuushaas dibedda laga soo dhoofsan jiray ay iyana meesha ka saartay kuulo hore, oo herodhalad ahaa, ragga iyo dumarka Soomaalidu xidhan jireen? Haddaba, sida uu qabo qoraagani, erey-celintu waa “HAA”.
Sida ka jirtay, ama ilaa maantaba looga adeegsado, dhulal kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxa ay dumarka Soomaalidu kuusha ka samaysan jireen midhaha dhirta qaarkood ama qorigooda. Mararka kale, sida ka jirta meelo kale oo Afrika ah, waxa kuusha laga diyaarin jiray xabko iyo caleemo la isku budliyay, lana biyeeyay, kaddibna dab la saaray, ugu dambaynna marka ay isla qaboobaan loo qaabayn jiray kuul ahaan, markii xigayna dalool loo sameeyay si loo taxo.
Badhtamihii 2016kii, waxa gacantayda soo gashay kuul la ii sheegay in laga soo qoday meel aan ka fogayn Hargeysa. Kuushaasi waxa ay judhiiba iigu muuqatay in ay ahayd mid aan walaaya (dibed) laga keenin. Waxa ay keloo iila muuqatay in laga qoray dhagaxciideed. Kaddib, meel ayaa aan ku xereeyay si aan ugu kaydiyo. Haddaba waxa dhacday maalin dambe oo aan is-idhi la soo bax, in markii aan furay kiishkii ay ku jireen, aan arkay in qaarkood qoyeen, isla markaana ay kala furfurmeen, gudahoodana uu ka muuqday cagaar caleemeed! Show qolkii aan dhigay ayaa ku soo darroorimooday. Waxa aan is idhi, da'ahaan facweynaantooda ayaa laga yaabaa in ay la furfurmeen. Se markoodii hore ee ay dhulka ku aasnaayeen, weel dhoobo ah ayaa ay ku dhowrsoonaayeen.
Ijibbaati
W/Q:
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Eray
guun ah, oo gun weyn, ula jeeddadiisana laga dhex heli karo dhaqan ka horreeyay
Islaamka.
Waxa
la maqlaa goor ay geeriyi dhacday ama timid. Kolkaas qofka geeriyooday cidda
ugu dhow – ha ahaadaan xaaskiisii, hooyadii/hooyadeed, walaashii/walaasheed ama
ayaydii/ayaydeed – loo sii daayo in ay ka ag dhawaato hilbaha (maydka) si ay
ugu “ijibbaatido”. Ijibbaatigu waxa uu koobsadaa mararka qaarkood oohin iyo ku
dhegdheg. Waxana la rumaysnaa in uu u dhigan yahay “samirsiis” iyo in uu qofku
maanka ku guntado ARAGGII UGU DAMBEEYAY ee qofka qoyska ka baxay. Qof maqane ah
haddii loo sheego geerida qof sokeeye ah , ayaa mararka qaar lala sugaa si uu
ugu “ijibbaatiyo”. Marka uu yimaaddona waxa la lagu dhawaaqaa “Waar u banneeya
ha ku ijibbaatido e!”
Waxa
aan baadhay bal in eray la mid ah laga heli karo Afka Oromada, waxana aan helay
“Ijibbaata/ijibbaatii” oo u dhigan erayga Af Carabiga ah ee “taxaddi تحدي” ama Af Soomaali
ahaan “carin”.
Haddii
ereyga asalkiisu la ula jeeddo ahaa “carin/hawiraad”, oo ay labada erey
(Soomaali iyo Oromo) ay isku ula jeeddo yihiin, waxa ay u egtahay in eegmada
ugu dambaysa ay sahay u tahay qofkaas waayay mid ka mid ah xigaalkii; sahaydaas
oo uu ugu babac dhigi karo dareenno nafsi ah oo sii daba jebin lahaa ammin
dheer - haddii aanu indhaha ku sii sagootiyin. Waa ta qof la waayay, lana baadi
goobayo la yidhaahdo "Raq iyo Ruux" ama "Geeri iyo Nolol"
ama "Inta ay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto!" Haaheey, aragga
kama-dambayska ahi raadayntiisa ayuu leeyahay.
Kuusha iyo Adeegsigeeda: Milicsi Taariikheed
W/Q: Axmed Ibraahin CawaaleKuul aad u fac weyn oo xilliyo hore Soomaalidu adeegsan jirtay, kana samaysan caleen iyo xabko |
Kuul dhagaxaan kala midab duwan laga sameeyay oo laga helay magaalada Jinacsani, oo u dhow Jigjiga |
Dawo-dhaqameedka Dhirta iyo Saansaanka ku Xeeran
In kasta oo carriga ay Soomaalidu ku dhaqan tahay badi lagu tilmaamo dhul qarfo-u-eeke ah (semi-arid), haddana waxa uu ku caan baxay kala-duwanaansho noole (dhir, dhiroon iyo xayawaanba) oo aad u tiro badan. Ayaan-darro se, wax badan oo ka mid ah nooleyaashaasi waa ay sii libdhayaan. Haddii aynu soo qaadanno dhirta, waxa ugu sii daran geed-gaabka oo markooda horeba u nugul ku tumashada iyo cagta xoolaha iyo dadka. Dawo-dhaqameedka intooda badanna waxa lagala soo baxaa geed-gaabka. Qaabka loo soo goosto ayaan loo miidaan deyin, iyadoo badi la abbaaro xididka ama diirka/jidhifta oo geedka naafonimo iyo dhimasho gaadhsiisa. Tusaale waxa innoo filan asal-ka-diirashada Galoolka.
Aqoonta dhiroonka loo adeegsado wax-iskula-daalku (dabiibka) waxa ay ahayd mid ay Soomaalidu waayihii hore horumar weyn ka sameysay. Waxa xilliyada dambe soo kordhaya kal-xidhiidh-furan ka dhex jira dadka iyo dhirta. Waxana arrintan loo tiirin kara dhowrkan qodob:
-
Isu-gudbintii aqoonta hadhaadiga ah (indigenous knowledge), oo horrayso iyo dambaysoba la yidhaahdo Soomaalida waa ay ku bakhaysha, ayaan beryahan jirin. Xilliyadii hore, haddii qofka geedo-gooyaha ah lagu maamuuso sabeen adhi ah waa uu sheegi jiray geedka iyo adeegsigiisaba. Hadda se, odeyga ayaabaan wiilkiisu u gudbinayn ama wax uga sheegaynin.
-
Dhiroon badan oo loo adeegsan jiray daaweyn ayaa la xaalufiyey ama iskood meesha uga baxay ka dib markii uu baaba’ay ama tayo-dhac ku dhacay hoy-deegaankoodi (habitat loss).
-
Kalsoonidii lagu qabay dawo-dhaqameedka oo hoos u sii socota. Waxana ay taasi timid kolkii ay luntay ama la lumiyey aqoontaas hadhaadiga ahayd ee lagu garan lahaa jirro walba geedka ku habboon, qaybta, xilliga iyo sida loo adeegsanaayo.
-
Faafitaanka adeegsiga dawooyinka la soo dhoofsaday.
Dadaalkii Muuse Ismail Galaal (AHN) uu sameeyey ee uu ku ururiyey magacyada dhirta loo adeegsado daaaweynta waa mid dhaxal gal ah, waxa se loo baahan yahay in halkaas laga sii amba. Waxa kale oo habboon in dhirtaas magacyadooda, adeegsigooda iyo muuqaalkoodaba meel la isugu keeno. Maxaa yeelay, kol haddii ay aqoontaasi sii lumeyso, muuqaalku (sawirku) waa muhiim.
Waxa uu arrinkani i xasuusiyey nin dhalliyaro ah oo la odhon jiray Yuusuf Cabdillahi Rooble (AHN) oo taysadiisii Jaamicadeed ku sameeyey dawo-dhaqameedka, oo ururiyey dhir aad u tiro badan; ayaan darro se waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii lagu xasuuqay xeebtii Jasiira (17 July, 1989). Qoraalkiisina sidaas ayuu ku lumay.
Liiska dhirta loo adeegsado dawo-dhaqameedku waa uu dheeraan karaa, ha yeeshee waxa aynu u baahannahay in ciduun iska xil saarto ururintooda. Waxa taas barbar yaalla ilaalinta deegaanka oo sal-dhig u ah in ay sii jiraan dhirtaasi. Dhirtaas faa’iidadeedu innaga uun innaguma koobnaan karto e waa dhaxal Aadamuhu wadaagaan, innagana xilbaa innaga saaran in aynu dhowrno si faa’iidadeedu cid walba u gaadho. Haddii se aynu aqoonteeda iyo il-baxnimadeeda la nimaadno, faa’iido weyn oo dhaqan-dhaqaale iyo mid caafimaad ayey inoo yeelan kartaa. Waxa uu se arrinkani hadda u muuqdaa mid ka-niib-keeniddiisu aad u fogyahay.
Waxa adduunka ka jira wax loo yaqaanno budhcadda dhiroonka (bio-piracy) oo abuurka ama abqaalka dhiroonka ka xada dalalka soo koraaya (sideenna oo kale) kana iibiya shirkadaha dawooyinka sameeya, ka dibna ay shirkadahaasi diiwaan-gashadaan dawooyinkaas (patenting), oo taas micnaheedu yahay in xitaa dadkii dhirta laga soo xaday aaney warshadeysan karin!
Waxa uu adduunku joogaa xilli uu sii xoogoobayo adeegsiga dawo-dhaqmeedku, hal-ku-dhigguna waa “in dib loogu laabto dabiicadda” (back to nature). War-bixin ay soo saartay WHO, wax ku dhow 80% dadka ku nool arlada ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada dawo-dhaqameed. Dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo keliya ayey dawo-dhaqameedku meel aad u sarraysa kaga jirtaa. Aqoonta dawo-dhireedkana (herbalism) waxa loo galaa jaamicado, xeel-dheerina (takhasus) waa lagu sameeyaa. Meelo badan oo Afrika ah, oo ay ku xoogan tahay adeegsiga dawo-dhaqameedku, waxa ay geeda-gooyeyaashu u ololeeyaan sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen.
Haddii aynu u soo noqonno dhinaceenna, iyadoo ay xilli hore habboonayd in dadaal la geliyo aqoonta dawo-dhaqameedka iyo dhiroonka wax lagu dabiibaa xaaladda ay ku sugan yihiin, haddana “caano qubtayba dabadeed la qabay”. Waxana habboon in ay jaamicadaha dalka, siiba kuwa bixiya aqoonta dhakhtarnimadu, iyo ciddii kale ee danaynaysaba sidii ay uga howl-geli lahaayeen diiwaan-gelinta aqoontaas hadhaadiga ah ee sii lumaysa. Waxa, sidoo kale, habboon in aqoon-baadhisyo (daraasado) la xidhiidhsan arrinkan la sameeyo, ka dibna lagu daba cidhbiyo wax-qabad ku aaddan badbaadinta iyo horumarinta dawo-dhaqameedka.
W.Q.: Ahmed Ibrahim Awale
aiawaleh@gmail.com
aiawaleh@gmail.com
++++++++++++++
Suxuloow Waa Saxar!
Anynnu Ducaysanno
Xuddun iyo Mandheer
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
++++++++++++++++++++++
Cigaal Bookax
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Magaaladii ayuu galay, mar se uu ka gudbayay suuq-weynaheedii, ayuu maqlay koox rag ah oo Afsoomaali ku hadlaysay. Si raynrayni ku jirto ayaa uu u nabdaadiyay iyagii, waxana ay u sheegeen in yihiin Dhuxul-beegeyaal la socda markab badda yaalla. Waxa kale oo ay Cigaal u sheegeen in ay gacan ka gaysan doonaan in uu markabka shaqo ka helo. Kaddib Cigaal waxa uu is-helay isaga oo durbadiiba hor taagan naakhuudihii markabka - kaas oo indha-indhayn ka dib go’aan ku qaatay in Cigaal markabka ka shaqo galo, kana mid noqdo bad-maaxyada. Habeenkaas ayuu markabkii oo Cigaal la socdaa ka shiraacday dekaddii. Waa kaas ninkii waxaas oo xumaan ah falay uu meel ammaan ah isku hubsaday, waxana uu dareemay degganaansho gudeed.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Waranka iyo Riddayntiisa
aiawaleh@gmail.com
Ceel-Walwaaleed
Sidee buu Doorsoonka Cimilo u Saameeyey Xilligii Idaha
Sumalka Lagu sii Deyn Jiray?
aiawaleh@gmail.com
Qoraalkani waxa uu
qayb ka yahay aqoon-baadhis ay wada sameeyeen hay’adda Candlelight iyo
Jaamacadda Camuud. Waxa uu ku saabasan yahay sida uu doorsoonka cimilo u
saameeyey xoolo-dhaqatada.
Dhaqan-ahaan,
xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, xilli go’an mooyaane, si joogto ah sumalka uguma
daraan idaha. Waxa ay sidaas u yeelaan in dhalmadoodu aaney ugu beegmin xilli
adag (sida Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo
dhalitaan, ka dibna laga yaabo in ay abaarta ku riiqdaan oo ka soo doogi waayaan.
Habeenka la yidhaahdo
"Dambasame" ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii
deyso si ay u rimaan.
Habeenkaasi waxa uu
ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale,
Dambasamuhu waxa uu
ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dabshidka
ama Nayruuska) oo
Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida.
Habeenkaas
(Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar). Kolkaas oo
(sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay
Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaasbey iduhu 150 cisho ka dib u dhalaan oo ugu
beegmi jireen xilli roobku si fiican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Waa
xilliga la yidhaahdo “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.
Is-beddelka ku dhacay
habeen-tirisigaas, oo loo tiirin karo doorsoonka cimilada, waxa ay badi
bulshada reer-guuraaga ahi dareentay bilowgii toddobaataneeyadii boqolleydii
(qarnigii) laga soo gudbey.
Waxa ay xoolo-dhaqatadu
ogaadeen in beryahan dambe aanay habboonayn in habeenka dambasame sumalka idaha
lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku
habboonaa ee roobka di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan beryahan dambe
isku halleyn lahayn. Saas daraadeed waxa ay reer-guuraagu door-bidaan in ay 30
habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha
bisha Mey. Halkaas waxa innooga muuqan karta sida ay reer-guuraagu isugu
habeeyeen ama ula jaan-qaadeen saamaynta doorsoonka cimilada.
Hab kale oo ay
Soomaalidu u adeegsan jirtay talo-ka-gaadhista goorta ay Sumalka idaha ku sii daayaan
oo ay aad ugu kalsoonaan jireen waxa uu ahaa iyadoo ay ka faashadaan qoobleyda
ah Cawsha (Gazella soemmerringii); maxaa yeelay lama arag weligeed iyada oo
dhashay xilli abaar ah, tiiyoo laga yaabo in xoolaha iyo ugaadha kale ay
dhalaan xilli adag, kolkaasna dhashu ka dhimato.
Sheeko-dhaqameed ayaa
odhonaysaa sidan:
Cawshu waxa ay
daalacataa xiddigaha, waxaana la yidhi waa ay ka saadaalin og tahay dadka,
maxaa yeelay lama arko cawsha oo xilli abaareed dhasha, marka la barbar dhigo
ugaadha
kale. Saas darteed, waxa xoolo-dhaqatada caado u ahaan jirtay in ka hor inta
aaney
sumalka ku sii deyn idaha in ay hubiyaan in ay ku beegaan xilliga uu Cawlku
cawsha
orgaynayo. Goor habeennimo ah ayey gudi jireen (guurayn jireen) iyagoo
raad-guraya
Cawsha. Kolkaas haddii ay arkaan in Cawlku cawlaha orgaynayo, markiiba sumalka
ayey
idaha ku sii deyn jireen. Waxana jira in idaha iyo cawshu isku sid yihiin (ama
muddo is le’eg
caloosha ku sidi karaan dhasha).
Sidoo kale,
aqoon-baadhis ayaa xidhiidh ka dhexaysiinaysa hab-dhaqanka galmada ee Cawsha iyo
kolba sida uu xilligu yahay (in uu ku habboon yahay in ay hawshaas gutaan iyo
in kale).
(Spinage, 1973).
Waxa jira odhaahyo
badan, heeso, maahmaaho iyo gabayo laga tiriyey fariidnimada Cawlka, marka laga
hadlayo arrinkan. Gabayaagii caanka ahaa ee Cali Dhuux ayaa tixdan tiriyey:
Markuu cawlku cawlaha
orgayn, waa u cibaaroone
Cisaday ku uuraysatiyo, caadaduu garane
Cashaday calool gelahayaan, canugga beertiisu
Curcurada iyo lawyada intuu, ku cuskaduu saaro
Cirridiyo iyo cagaar miday ku dhalan, caadka kor u eegye
Hadba cirirka loo nuuriyuu ku cibro qaataaye
Sheekadani waxa ay
isku-xidh ku sameyneysaa aqoonta hadhaaga ah, ku-tidh-ku-teen, iyo isbeddellada
beryahan dambe jira. Qoobley ugaadheed oo xiddigaha daalacataa waa arrin la
yaab leh. Ha yeeshee, haddii aynu isku deyno in aynu aqoontaas hadhaaga ah
barbar dhigno aqoonta cusub ee sayniska, waxa la xaqiijiyey in ay qoobleyda
qaarkood awoodaan in ay dib u dhigi karaan foosha, haddii aanu ahayn xilliga ay
cawsha dheddiga ahi dhali doonto mid ku habboon – sida abaarta oo kale. Halkaas
waxa ay ku xaqiijin karaan in neefka ay dhalaan uu ka badbaado silica iyo
soomal-haadka abaarta. Taas waxa aynu uga jeednaa in Cawshu ay goor kasta
dhasho xilli roob curtay!
Haddaba arrinka
murugada lehi waxa weeye in Cawshii tiro ahaan ay carriga Soomaalida ku sii yaraanayso.
Waxa uu Ururka Caalamiga ah ee Badbaadinta Dabiicadda (International Union for
the Conservation of Nature) ku suntay in Cawshu ku sugan tahay xaalad
‘nuglaaashiinyo', waxaana la geliyey Liiska Guduudan ee muujinaaya in
xayawaankaas uu ku sii siqayo dabar go'. Saas daraadeed, dhifnimada Cawsha ayaa
ka dhigi karta in aan si baahsan loogu adeegsan karin ku-jaan-goynta
sumal-ku-darsigii Urur-xiddigeedka “Laxaha”
maxaa yeelay lama arko cawsha oo xilli abaareed dhasha, marka la barbar dhigo ugaadha
kale. Saas darteed, waxa xoolo-dhaqatada caado u ahaan jirtay in ka hor inta aaney
sumalka ku sii deyn idaha in ay hubiyaan in ay ku beegaan xilliga uu Cawlku cawsha
orgaynayo. Goor habeennimo ah ayey gudi jireen (guurayn jireen) iyagoo raad-guraya
Cawsha. Kolkaas haddii ay arkaan in Cawlku cawlaha orgaynayo, markiiba sumalka ayey
idaha ku sii deyn jireen. Waxana jira in idaha iyo cawshu isku sid yihiin (ama muddo is le’eg
caloosha ku sidi karaan dhasha).
Cisaday ku uuraysatiyo, caadaduu garane
Cashaday calool gelahayaan, canugga beertiisu
Curcurada iyo lawyada intuu, ku cuskaduu saaro
Cirridiyo iyo cagaar miday ku dhalan, caadka kor u eegye
Hadba cirirka loo nuuriyuu ku cibro qaataaye
mahadsanid adeero. haw;lweyn ayaad haysaa. Allaha kula garab galo
ReplyDeleteMahadsanid adeero, wax weyn ayaan kaa faaiidnay. Alle cimriga
ReplyDelete