W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Bal duul Alloow ila jeedaaliya dayaxan
iyo arladan is-qooraansanaya, isku sidkan sidii hal iyo nirigteed, aan kala fogaanayn,
haddana is gaadhaynin, majareyaasha ay kala marayaanna aanay mar qudha is laanqayraynaynin, ,
jeeroo dhulka sidii dermo loo laablaabo, kaddib
marka Saacadda Qiyaame timaaddo, kala
dhantaalnaanina ku dhacdo isu dheellitirankii iyo habsami-u-shaqayntii Kawnka.
Dahabo iyo Deyr
waa laba isbidhaansada, isqooraansada, isuna qaba kalgacayl oo goor walba isu
soo hilooba sidii laba qof oo laabahoodu isku xidhan yihiin, marka uu midba ka
kale isha ka qaadona wadneyaashooda ay ka gedmadaan habdhacii isku sar jarnaa ee dhiigtuurka halboowleyaashoodu. Dahabo
iyo Deyr ammin dheer ayay isu qalbi furnaayeen, isu qushuucsanaayeen, isna
quuddarraynayeen.
Sida aanay dayaxa iyo arladu isu gaadhin, una sii kala fogaanin, isa saamayntooduna tahay mid joogto ah, ayay si la mid ah Dahabo iyo Deyr, goor iyo ayaan, isku yeeshaan saamayn wax-ku-ool ah. Raadaynta dayaxu ku lee yahay arlada waxa ka mid ah awoodda cufjiidashada ee badda ka kicisa maayadaha meelo fog ka hira, dhalisana buuxsanka iyo caarriga badda – taas oo u dhigmi kara sidii neefsasho noolaha laabtiisa si xilliyaysan kor iyo hoos u dhaqdhaqaajin karta. Maxaa se u diidaya sidaas, miyaanay iyaduba ahayn arlo nool!
Isku wareegga Dayaxa iyo Arlada iyo hooyadooda ka sii weyn ee Cadceedda, waxa ka dhasha dayaxmadoobaadka iyo cadceedmadoobaadka. Dhacdooyinka dayax/cadceed madoobaadka oo jira ama la arki karo gooro kooban, waxa xilliyo hore loo aqoonsanaa qaar aadamaha ku abuuri jiray filashooyin aan la mahadin oo laga bilkeedsho dhiillooyin, muruqo, cabsi iyo hoog.
Si la mid ah sida uu Dayaxa innoogu soo baxo ama innoogu bidhaamo
bil cusub, ugu sii caddaado afar-iyo-tobnaad,
ugu shiikho bil sii libdhaysa, daahana ugu sii rogto gudcur, waxa ay Dahabo ugu
soo baxdaa isaga (Deyr) muuqaallo iyo saansaanno kala duwan: Sida bilnaan, baashaashnimo,
iyo kaaheeda oo
isa sii baahiya goorba goorta ka dambaysa, soona dabra wadnihiisa, jeer
oo la arki karo in uu jiro ku-dhowaanshiiyo
xaggeeda ah oo maragfur u noqon kara tabashooyinka wadnihiisa.
Ayaan darro se, sida Dayaxa iyo Arladu ay u kala weyn yihiin, isla markaana ay ugu kala socdaan jidad kala duwan oo aan weligood kulmaynin, ayaa si la mid ah isaga iyo iyadu aanay marnaba majareyaashoodu isu laanqayraynin.
Isagu waa waayeel sii gaabinaya oo gabow sii gerbiyayo, waayuhuna si tartiib-tartiib ah u
soo dabrayaan. Dahabo se (sida dayaxa oo
kale) jiiro kasta oo ay soo samayso, waxa ay isaga (Deyr) ku dhaaftaa
jeeraaro. Sidaas daraaddeed, waxa
uu naftiisa hoos ugula xanshashaqaa in
ay is-oggolaysiiso saansaanka dhabta ah ee ku sheeggan
odhaahda caanka ah “hadhkaaga ama dantaada lagama boodo”. Waa sidaas e, waxa uu waayadan dambe laabta
ka jeclaystaa in xawaaraha ay Dahabo isaga ku dhaafayso sii
kordhiso, siina labalaabto; maxaa yeelay, kol haddii aanay labadoodu is
gaadhaynin, inta ay kolba u sii muuqatoba, waxa ay u tahay boholyow iyo
damqasho. Sidaas daraaddeed, waxa
uu go’aansaday in uu ku sagootiyo ‘noolow oo nolosha cusub soo dhawee!’ Waxana
ay, ugu dambayn, isku isla meel dhigeen in ay jacaylkoodii ku soo dabbaalaan mid ruuxi
ah, sidii walaalo dar Eebbe isu xidhiidhiya, ama dhinaca kale lagu hal qabsan karo xidhiidhkooda waxa loo yaqaan Jacaylkii Aflaadoon (Platonic Love), iyo in ay ka midaysnaadaan maan-hagga (fikirka) iyo aragtida nololeed, noqdana qaar isku maamuusa midhaha ka dhasha ama ka baxa maan-hadalkoodu iyo male’awaalkoodu.
No comments:
Post a Comment