Waranku
waxa uu ka mid yahay hubka ay Soomaalidu qaadan jirtay. Waxa uu
wadan jiray ul samay ah oo dhuuban, isla markaana ah mid liilmi og,
howl yaraanna aan ku jabin. Waxa ay Soomaalidu door bidi jireen in
samayda waranku ahaato mid leh kurtimo aad u yaryar oo wanaajiya
gacan qabsiga, kana ilaaliya siibashada. Dhirta ugu mudan ee samayda
laga goosan jiray waxa ka mid ah Dhebi, Dhiitacab iyo Maqaari. Marka
laanta laga soo gooyo geedka waa la dubi jiray, la qolof ridi jiray,
lana dhalaalin jiray iyada oo la adeegsanayo xoqitaanka dhalo
(quraarad) jabkeed ama dhagax xalluufsan oo caaro siman leh, ka dibna
waa la subki jiray. Waxana soo bixi jiray midab qurux badan oo hurdi
madow xiga. Waxa la hubin jiray in samaydu tahay mid toosan, haddii
kale riddada iyo liishaanka ayaa majaro habaabi kara. Dhererka
samaydu waxa ay badi ahaan jirtay 1.40 mitir; birta warankuna (ama
afku) waxa uu ahaan jiray celcelis ahaan 0.50 mitir; halka dhererka
waranka oo idilina ahaan jiray ugu badnaan 2 mitir. Mararka qaar
birta waranka oo idil waxa lagu caddayn jiray soofe – ka dib marka
lagu caseeyo dab, tumidna lagu qaabeeyo. Waranka sidan oo kale ah
marka ay cadceeddu dhinac ka qabato waa uu walac layn jiray, ninka
sittana waxa la odhan jiray ‘Waran-cadde’. Ha yeeshee badi birta
waranka (labada af mooyaane) waa la madoobayn jiray iyada oo la
adeegsanayo gees lo’aad oo inta la kululeeyo lagu xoqi jiray. Waxa
kale oo waranka lagu qurxin jiray xassoow bir ah oo dhalaal dahabi ah
leh.
Soomaalidii
hore badiba waxa ay qaadan jirtay laba waran oo midkood yahay hooto.
Kan dambe (hootada) oo dherer-ahaan gaadhi jiray ilaa 1.20 mitir waxa
loo adeegsan jiray riddada gaadhaysa ilaa 30 mitir, in kasta oo
dhugtu ama liishaan wanaaggu lumayo wixii intaas ka badan, ha yeeshee
tartannada riddo dhigashada waxa suurto gal ahayd in tuuryada hootada
la gaadhsiiyo 70 mitir. Riddo dhigashadu waxa ay ahayd tartannada
ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Ragga qaar inta ay xoog ka qabaan,
waxa ay xadhko ku xidhan jireen muruqa cududda, waxana dhici jirtay
in muruqu goyn karo xadhiggaas marka tuuro dheer oo xooggan lagu
fuliyo. Meel ka mid ah Buuraleyda Golis (siiba degaanka Marso) waxa
ku oolli jiray geed Dayib ah oo dherer inta uu ka qabo loo bixiyay
Samayo Hawir (oo looga jeedo in uu cubbo dhowr ku ahaa warmaha laga
dul lalinayo), waxana dhif ahaan jirtay in qof ku guulaysto in uu ka
laliyo warankiisa.
Dhinaca
kale waranka waxa loo adeegsan jiray riddada dhow (ilaa 12 mitir) iyo
wareemidda tooska ah ee ka dhexaysa dadka dirirtamaya.
Kol
haddii aynnu ka hadalnay waranka, waxa mudan iyana in aynnu wax ka
tilmaamnno gaashaanka. Waxa laga diyaarin jiray saanta wiyilka
(labka wiyisha), waxa sidoo kale la door bidi jiray Bayciidka
(Biciidka). Isu celcelis ahaan, wiyisha waxa laga goosan jiray harag
ku filan 35 gaashaan oo qaradiisu tahay 2 sentimitar. Waxana loo
sameeyaa qaab wareeg ah, dhex roorkiisuna yahay 38-40 sentimitar,
badhtankana ku leh gacan qabsi, dibeddana xagga hore ugu xoodan.
Gaashaanka laga diyaariyo Bayciidka midabkiisu waa caddaan waxana
badiba haragga laga goosan jiray garbaha. Ninka sittana waxa la
odhon jiray ‘Gaashaan Cadde’!
Axmed Ibraahin Cawaale
No comments:
Post a Comment