Warramidda, weelaynta warka, wargaleennimada iyo tebinta warku waxa ay
xilliyo hore Soomaalida dhexooda ka ahaayeen arrimo ay ka sameeyeen horumar
xooggan. Haddii ay laba qof meel cidlo ah ku kulmaan, isla markiiba waxa ay
hadalkooda ku bilaabi jireen ereyo sidan oo kale u yaal: Bal warran! Ma nabad baa? ama nabad
sheeg! Maxaa la sheegay? Maxaa lagu beryay? Maxaa lagu waabariistay? Maxaa lagu
soo hoyday? “Weeye?” Iyo qaar kele.
Wayddiinahan sare waxa aynnu kala dhex bixi karnaa waayaha
degganaansho-la’aaneed, colaadeed, iyo cabsida ku gedaaman moogganaanta ama
filashada in uu soo dhaco wax aan hore loo filanaynin – arrimahaas oo si joogto
ah ugu xeernaa nolosha bulshada Soomaaliyeed. ‘War la helyaaba, talo la hel’ waa maahmaah Soomaaliyeed.
Ka-fal-celinta waxa uu xambaarsan yahay war (ha ahaado mid togan ama mid tabanba
e) iyo go’aan-qaadashada, ka-tashiga iyo ku-tashiguba waxa ay uu baahan yihiin
in la hayo war iyo wacaal.
Haddaba halkan waxa aan ku soo tebin doonaa muuqaal iyo dhacdo xog
waraysi oo ku kayd gashay buuggii Richard Burton, First Footsteps in
East Africa, gu’gii 1854. Waxa se aan ku daray faahfaahin dheeraad ah
oo ku saabsan madashii uu xog warrankaasi ka dhacay – taasoo iga ah iftiimin iyo
xiise gelin guud waxyaalo badan oo lagu arki jiray madalahaas oo kale.
Sida uu xusay Burton, Soomaalidu waxa ay tahay dad war-ku-nool ah. Mana
jirin qof socoto ah oo si fudud u waydaaran jiray reer meel deggan, ama qof uu
jidka kula kulmo, isaga oo aan isla taagin, ka dibna u hollan in uu waraysto.
Warkuna Soomaalida dhexdeeda sida haadka oo kale ayuu u lalaa oo meel fog ku
gaadhaa ammin yar. Tusaale-ahaan, waxa uu xusay Burton kol uu duufaan darani
dhibaato ba’an gaadhsiiyay xeebta Bumbay ee dalka Hindiya, waxyeellona u
gaystay doonyihii ka ag dhowaa marsadaas, in Soomaalidu dhacdadaas warkeeda ay
ku sheekaysanayeen 14 cisho oo keliya ka dib markii ay dhacday – tiiyoo aynnu
garan karno qaabka war is-gaadhsiineed ee xilligaas fog jiray marka la barbar
dhigo waayadan dambe.
Warka kale ee Soomaalida dhexdooda hadal hayntiisu kusoo noqnoqonaayay
(sida uu sheegay Burton) waxa uu ahaa dagaalkii Ruushka oo aan filayo in uu ula
jeeday dagaalkii “Crimean War” (1853-1856) ee dhexeeyay is-bahaysi ay lahaayeen
imbaraadooriyadihii Ingiriiska, Faransiiska iyo Turkigu oo dhinac ah, iyo Ruushka
oo dhinaca kale ah. Arrinka dagaalku ka dhacay waxa uu ahaa sidii loo kala
hororsan lahaa ama loo qaybsan lahaa dhulal uu maamuli jiray Turkigii ay
awooddiisu sii liicaysay ama nuglaanaysay. Haddaba nin ka mid ah kooxdii
Soomaaliyeed ee Richard Burton ku wehelisay socdaalkiisii Saylac ilaa Herer oo
loo diray socdaal gaaban oo isugu jiray xog ururin iyo sahamin biyood ayaa ku
soo laabtay iyagii si uu ugu warramo. Waana tan sida ay wax u dhaceen:
“Hebel hebel dameerkii uu fuushanaa waxa uu uga degay si uusan isbaba
dhibaynin (si fudud). Waana kaas ku soo dhowaaday kooxdiisii. Cabbaar yarna
waxa uu isu taagay qaab uu labadiisa cagood mid ka mid ah baabacadoodii saaray
meel ku beegan lafta madhanta ama xoogga lugta (ee u dhexaysa jilibka iyo
gommodda). Kanina waa qaab-joogsi ku caan ah Soomaalida dhexdooda. In yar ka
dibna, isaga oo taageersanaya warankiisii ayaa uu u fadhiistay qaab uu salkiisa
dhulka taabsiiyay, labadiisii lugoodna waxa uu isu weydaariyay qaab ay labada
qonof iyana ciidda taabteen.
Wuu baalla-daymooday, ka dibna candhuuf yar oo xidhiidhsan ayuu kasoo
dhex ganay foolashiisa fanaxda lahaa (tsst!),
si xarrago lehna waxa uu ugu ganay, kuna arooriyay ciidda meel barbarkiisa ah.
Falkanina, kol haddii aan toos cid kale loola abbaarin looma aqoonsana in ay
dhibaato weheliso ama la qoonsado. Caddaanta ilkahiisa waxa lagu masayn karaa
alaalaxaydii badda – taas oo ka dhalatay cadayga (rumayga) aanu afka ka dhigin,
haddii aanu afka ku hayninna ugu jira dhegta korkeeda.
Hubkiisii (warankii, hootadii iyo gaashaankii) ayaa uu hortiisa dhigay.
Ka dib waxa uu bilaabay in uu ciidda ku xarxarriiqo qori yar oo uu dhulka ka
qaatay – isaga oo indhaha la raacaya jeexdimaha kala saafaya ciiddii omoska
ahayd, si la mid ahna kooxdiisii waxa ay indhahooda kolba raacayaan
dhaqdhaqaaqa qoriga yar iyo raadka uu ciidda kaga tago. Falkan oo kale waxa
laga yaabaa in bulshooyin kale oo ka baxsan Soomaalida ay u arki karaan mid ku
keeni kara qalindaar sunsunka fikradaha ku laban legdoonaya maanka, ha yeeshee
waxa uu u muuqdaa mid maskaxaha goobjoogeyaasha ku carbinaya in ay soo tubaan
dhegahooda, dhugmona u yeeshaan warka la sheegi doono.
Aamusnaan ayaa hadhaysay goobtii, waxana dhammaantood foolashooda
(wejiyadooda) ka muuqday wax ka fog dhayalsi. Dhegahoodii waa ay soo wada
tubeen si ay u maqlaan warka uu sido ninkan ay dirsadeen. Maxaa yeelay, kol
haddii ay ku nool yihiin carri ku ceeryoonsan colaad, cabsi iyo lama-filaanno,
tallaabo kasta oo noloshooda ahi waxa ay u baahan tahay go’aan qaadasho ka
dhalatay ka-fiirsi iyo rogrogid. Hore ayaa loo yidhi “war baa ugu gaajo kulul.”
War-galeennimada iyo gudbinta wanaagsan ee warkuna waa mid ay Soomaalidu
aad ugu horrayso iskuna qaddariso.
War-sugeyaashii oo u fadhiyay wareeg ama qaab u yaal sidii bil dhalatay
oo kale, waxa ay dhulka ku qottomiyeen warmahoodii, kuwaas oo caarooyinkooda
afaysan ee wax heeri og la moodayay in uu olol ka baxayo – cadceedda dhinac ka
qabatay awgeed. Warmaha waxa ku jiray qaar caaro yuuban oo dhabanno
looxlooxsan, iyo qaar ganto leh oo meesha ay galaan u gooya hor iyo gadaal.
Badidoodu waxa ay u fadhiyeen kadaloob, qaarkoodna waa ay doonyaysnaayeen.
Dharkoodu waa labadii go’ ee Maraykaanida ama Baftada ahayd, halka odayaasha
qaarkood siiba kuwa waxoogaa hanti ah is biday ama magaca lehi ay ku
gaadhnaayeen go’ khayli ah. Dhallinyarada qaarkood timahooda waxa ay ku
dhoobeen malaas (darro), qaarna dhakooyinkoodu waxa ay hadhsanayeen woofil weyn
(oo timo ah). Waxa kale oo meesha ka muuqday odayaal madaxa muldhistay,
shaarubaha xiiray, gadhkana siidaystay. Waxa ay dhammaantood indhahoodii ku
xoomiyeen ninkan warrami doona.
Haddaba markii la gaadhay ammintii la sugaayay ayaa hor-joogahoodi ku
tiraabay: “Guhaadoow, Soo daa warka!”
Warqabeenki waxa uu u gudbin doonaa warka ah in uu ceelkii gaadhay.
Sidan soo socotana ayuu ku war bixiyay – isaga oo erayada uu rabay in si gaar
ah loogu dhug yeesho uu ugu dhawaaqayay si ay ku jirto xeeldheeraan iyo codayn
sare, mararka qaarkoodna u raacinayay qoriga yar ee uu gacanta ku yahay –
kaasoo uu dhulka ku dhufto.
“Waan warramayaa – idanka Eebbe!”
“Wa yaheey!” (ayay ugu eray celiyeen)
“Dameerkii ayaan saaka caarray halkan ka fuulay!”
“Wa yaheey!”
“Sidaasbaan idinkaga ambabaxay!”
“Warkaa ha jiro!”
“HALKAAS!” (wuxuu ku bixiyay cod dheer isaga oo qorigii yaraa ee gacanta ugu
jiray iyo indhihiisiiba ku fiiqaya dhinacii uu tilmaamayay).
“Wa sidaa!”
“Halkaas baan ka baxay/ka boodhiyay!”
“Wa yaheey!”
“Ay jiq ah baan sii dhex jibaaxay!”
“wa yaheey!”
“Bacaad weyn baan ka sii gudbay!”
“Wa yaheey!”
“Anoon Eebbe mooyee cid kale ka cabsi qabin!”
“Eebboow adaa weyn!”
“Ugu dambayn waxa aan arkay raad lo’aad!”
“Ho! Ho!” (waxa ay u yidhaahdeen si la yaab ku dheehan yahay)
“Raad cusub ayuu ahaa!”
“Wa yaheey!”
“Dumar raadkood baan arkay!”
“Wa yaheey!”
“Ugu dambayn waxa aan arkay gendello saaran rakooyin!”
“Wa yaheey!”
“Biyo xareed ah oo galacle!”
“uuuh!”
“Dameerkii baan ka degay anigoo harraaddan!”
“Wa yaheey!”
“Jilbahbaan u dhacay!”
“Wa yaheey!”
“Harraadka i hayay awgiis waanigaas gacmahayga kaga dhergay!”
“Warkaa ha jiro!”
…………………………
Dhammaad.
Marka uu warramuhu sidaas iyo si la mid ah ku dhiibto warkiisa waxa
bilaabma falanqayn, baaraandeg iyo rogrogid iyada oo doc walba laga eegayo
arrin kasta oo saamayn dhow iyo mid dheerba ku yeelan kara noloshooda, ka dibna
lagu dhaqaaqo wixii artatabasho ah (diyaar garow ah), arrinkooduna noqdo “war
la helyaaba, talo la hel!”
No comments:
Post a Comment