Aboorku waa noole sida
qudhaanjada ah oo koox koox u nool. Aboorku inta badan waxa uu quutaa qoryaha
engegan, waxana uu diirtaa dhirta siiba kuwa yaryar ee curdinka ah. Waxa kale
oo uu cunaa maryaha. Jaadadka aboorku waa tiro badan yihiin, waxana la sheegaa
in Afrika oo keliya ay ku nool yihiin boqolaal jaad oo dhowr ka mid ah mudnaan gaar ah la siiyo –
kuwaas oo waxyeello gaadhsiiya dalagga beeraha iyo dhirtaba. Dhirta qoyan,
siiba geed gaabka iyo dhiroonka aadka u yaryar inta badan waxa uu aboorku
weeraraa xilliga qallaylka ee ay biyuhu yar yihiin isaga oo abbaaraa xididka
iyo laamaha. Waxana dhacda in uu waxyeelleeyo koritaanka geedka ama mararka
qaarkood geedkuba dhinto.
Aboorka waxa uu koox koox ugu
nool yahay ‘qalcado’ uu ka samaysto dhulka hoostiisa oo badiba qaab dundumo
dhulka korkiisa ugu qotonsan. Xaabka uu cunto-ahaan soo urursado waxa uu kula
dhaadhacaa godadkaas, halkaas oo noole ili-ma’aragtay ahi (fungus—
termitomyces) uu burburiyo qoryaha yaryar kana dhigo ama u dooriyo cunto uu
quudan karo aboorku.
Koox kasta oo aboor ah oo meel deggani waxa ay
leeyihiin boqor iyo boqorad; waxana ay ku nool yihiin qolal leh derbiyo adadag
oo dhoobo ka samaysan oo ku yaal badhtanka qalcadda. Marka ay boqoraddu
dhashoba, shaqaalaha aboorka ayaa ugxaanta daad gureeya oo u rara meelo u gaar
ah oo lagu koriyo. Boqorka iyo Boqoraddu marnaba kama baxaan qolkooda. Ha
yeeshee gu’ kastaba, xilliga roobabawga ayaa aboorka baalasha leh oo ah kuwa
noqon doona boqorro ama Boqorado ay kasoo baxaan godadka, ka dibna waxa ay isu
raacaan laba laba, waxana ay unkaan ama samaystaan koox cusub oo ka madax
bannaan kuwii ay ka yimaaddeen ama ka dhasheen.
Tirada iyo taranka aboorka
waxaa xadeeya qudhaanjada, shimbiraha, xamaaratooyinka iyo xaywaanka kale
qaarkood.
Aboorka dhulkeenna ku nool
dherarkiisu waa ilaa 10mm, midabka madaxiisu waa maarriin, qaarkiisa dambena
waa caddaan, askarta aboorkuna waxay leeyihiin laba ilig oo waaweyn, waxana ay
Soomaalidu ku magacawdaa “Ilka-weyne.”
Siyaabaha loo yarayn karo
dhibaatada aboorku ku hayo dallaga beeraha waxa ka mid ah ciidda oo lagu badiyo
carrogeddiska iyo nafaqada ciidda oo la kordhiyo iyadoo lagu daro digo. Badiba
aboorku waxa uu abbaaraa ama weeraraa dhirta taagta daran isla markaana
waraabku ku yaryahay. Dhirta qaar ayaa adkaysi u leh dhibaatada aboorka oo ay
ka mid yihiin dhirta qodaxda leh, jaleelooyinka, wegerka, dayibka, hareeriga,
bisiqa, woobka iyo garbida. Dhirta qaar waxa ay leeyihiin iska caabbi
wax-ku-ool ah waxana ay siidaayaan dheecaan kimiko ah oo u yaal qaab xabag ama
maaleey oo keena in aboorku ka dheeraado (ama uusan u dhawaanin) dhirta
jaadkaas oo kale.
Qaabka aynnu kor ku soo xusnay
ee ah sida uu aboorku qoryaha engegan ugu doorsho cunto uu quudan karo ayaa ah
arrin xiise leh oo ay qaar ka mid ah aqoonyahannada caalamku baadhitaan ku
wadaan si si la mid ah loogu adeegsan karo bal suurto-galnimada in qoryaha
qallalan nafaqo looga raadin karo aadanaha!
Aqoonta bulshooyinku isu soo
dhiibdhiibaan (indigenous knowledge)
ee ka jirta meelo ka mid ah adduunweynaha, siiba dhulka qallaylka ah
(qarfe-u-eke) ayaa muujinaysa in dundumooyinka laga sahamin karo xaddiga biyaha
dhulka hoostiisa ku jira iyo fogaantooda inta ay dhulka ka hooseeyaan.
Wax kasta oo arladan korkeeda
Eebbe (sarree oo korreeye) ku abuuray xigmad iyo adeegsi la dheefsan karo ayaa
ku lammaan. Sidaas daraaddeed, dhowrista kala-duwanaanshaha nooleyaasha kala
jaadjaadka ah iyo sugidda joogtayntoodu waa arrin u baahan in mudnaan weyn la
siiyo.
No comments:
Post a Comment