Tuesday, 7 May 2013

SITAAD: Is-dareen Gelinta Diineed ee Dumarka Soomaaliyeed



Iyada oo markeeda horeba  raggu  yaraysan jireen suugaanta haweenka, ayaa haddana Sitaadku ka sii xag jiraa oo aan raggu xaalayn jirin.  Sitaadku waxa uu u taagan yahay   suugaan diineed xambaarsan  ruuxaaniyad, u hilow iyo rabitaan ku-dayasho tusaale sare oo ku suntan ama ku qofaysan haween hore oo diinta Islaamka magac iyo maamuus ba ku leh iyo qaar ka horreeyayba (Islaamka) sida  Xaawa oo ahayd hooyadii ugu horraysay.  Sidaas  awgeedna, magaca ‘Xaawaleey’ ayaa muujin u ah xidhiidhkaas iyo dunta isugu xidhan dumarka ee aan ku xidhnayn xilli, meel iyo rumayn toona (caqiido).  Sitaadku waxa kale oo uu ahaa madal ay dumarku iskaga furdaamiyaan  haddii uu jiro dareen weecan oo ka dhasha tabasho, dudmo ama dilmo kaga timaadda ragga qaarkood. Marka lagu gudo jiro Sitaadka oo badiba jiibta lagu lammaanaysiiyo sacab iyo durbaan, dumarka qaar waxa haleela jibbo ama waxa loo yaqaanno muraaqo (muraaqood).   Sitaadku waxa uu suurto geliyaa in qofka dumar ahi ay madasha  kala tagto xasillooni, yididiilo iyo in ay si fiican ula jaan qaaddo (isna oggolaysiiso) saansaanka ku xeeran, isla markaana ay ka hesho tamar iyo firfircooni ay ugu babac dhigi karto dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ka hor iman doona.   Sitaadku waxa uu u ahaa Carruurta maalin ciideed oo kale, socotadana meel ay kaga haqab beelaan harraadka iyo gaajada.

Dhinaca kale, si ka geddisan ula jeeddooyinka ururrada haween ee beryahan dambe soo shaac baxay oo u jira awoodsiinta dumarka – kuwaas oo badiba raggu dhaqdhaqaaqyadooda ku eego il tuhun, dumarka Sitaadku marnaba uma adeegsadaan isu-imaatinkooda xadhig-maleegid iyo  ka hor imaanshaha kaalinta ragga ee ku suntan in ay ka mudan yihiin – haba ka dhalato arrin dhaqan ama mid diineed ba e.   Waxa ay se ka dhigtaan madal ay ugu laab qaboojiyaan kuwa iyaga ka mid ah ee ay haleeshay ama la deristay ayaan-darro; waxa ay ugu gargaaraan kuwooda buka iyo kuwa saboolka ah. Waxa ay isku faraan iskuna waaniyaan wanaagga, waxana ay iskaga digaan xumaanta.  Ugu dambayn, qofnimo ay gabadh kasta is-tidhaahdo u hiloow,  isla markaana ay jeceshahay in lagu tilmaamo iyada waxa ay tahay “Raalliyo” oo u dhiganta “Mar’at-u-Saalixa” oo ah tilmaan lagu ammaanay dhaqanka Islaamka gudihiisa.  Tilmaan ku liddi ah “Raalliyo” waxa ay tahay “Arliyo” oo u taagan qof dumar ah oo kacdoon badan isla markaana aan hoggaansamin.


Buuggani waxa uu soo bandhigayaa sooyaalka Sitaadka, meel-kasoo-jeedkiisa, madasha, arrimaha kala duwan ee lagu qabsado, is-dhalan rogga ku socda xilliyadan dambe, muuqaallada cusub ee uu yeelanayo iyo oddoroska timaaddada. Waxa kale oo uu lafa gur ku samaynayaa saamaynta ay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee dambe ku yeesheen jiritaankiisa iyo joogtayntiisa.   Dhinaca kale, tiiyoo buuggani xusayo kaalinta ballaadhan ee ay dumarka Sitaadku ku lahaayeen in ay bilista (xaawaleeyda) kale ku dhex faafiyaan qaybo ka mid ah nuxurka Islaamka, ayaa aan haddana raggu gacan ku siin jirin xaqa ay u lahaayeen barashada iyo ku dhaqanka diinta.  Bal se raggu waxa uu dumarka u arki jiray in ay u jiraan in ay iyaga ku kaalmeeyaan  socdaalkooda ruuxiga ah ee gaadhsiin kara Jannada.   
Iyada oo ay dhif yihiin qoraallada ku saabsan Sitaadku, buuggani waxa uu qaadaa dhigayaa sooyaalka iyo dhaqanka Sitaadka, waxana aan qoraal gelin u sameeyay ama ku gudo jira  ama aan ku ladhay (lifaaq) meerisyo kala duwan  oo ku saabsan arrimaha ay ka mid yihiin ruuxaaniyaadka, anshaxa, nabadda, sama-falka  iyo guud ahaan dareenka iyo maan kaashiyada (fikradaha) dumarka ka dhex guuxaya ee badiba aan inan-rag dhegta u dhigin ama hoos u daymoon.

Iyada oo ay sidaas tahay, haddana waxa aan qiri lahaa in aqoonta diineed ee ku yarayd dumarka awgeed, iyo diin-jacaylkooda darteed, in weedhaha qaarkood ee ku jira meerisyada Sitaadka toos loola  xidhiidhin ama loo arki karo Shirki – kuwaas oo lagu sixi karo aqoon.



Axmed Ibraahin Cawaale







2 comments: