Friday, 3 May 2013

Ilka Suubbanaanta iyo Aragsamida W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Ka sokow adeegsiyada kala duwan ee ilkuhu u leeyihiin aadamaha ee ay ka mid yihiin rudhidda (af-ku-goosashada), calaalinta iyo kaabidda habka dheef-shiidka, waxa intaas dheer adeegsiyo kale. Mar waa agab sida faraha wax lagu qabsado ama taageero u noqda gacmaha. La-yaabna ma laha in maydhaxda iyo xadhkaha gala aqal-Soomaaliga oo dhammi ay yihiin qaar lagu calaaliyay gowsaha dumarka ama lagu soohay taageerada foolasha. Waxa kele oo la arkaa in dadka qaar ku furaan ilkahooda furarka dhalooyinka cabbitaannada oo xitaa qaarkood bir ka samaysan yihiin! Sidoo kale ilkuhu waa hub ay badiba dumarku isu adeegsadaan marka ay dirirayaan.
Dhinaca kale, waxa aan la dhayalsan karin kaabitaanka biliceed ee ay ilkuhu u leeyihiin qofka. Ugu horrayn waxa ay qaabeeyaan lafaha labada daan – taasoo la’aantood ay isku dhacaan, ka dibna waxa luma isu-dheelli-tirnaantoodii quruxeed. Ilkuhu waxa ay hagaajiyaan ku-dhawaaqidda iyo garashada fudud ee erayada iyo hawraaraha; la’aantoodna waxa uu hadalku noqonayaa tow-tow ama wax aan si fudud loo kasi karin.
Ilka suubbanaantu waxa ay qofka u samaysaa u-soo-joogsi ay cidi ama dad kale u soo joogsadaan. Muusoodka ama dhoolla caddayntu waa furaha laabaha (quluubta). Waxana ay kaga tagtaa dubaaqa (maanka) qofka raad aan si fudud xasuusta uga dhici karin. Sidoo kale, waxa ay abuurtaa saansaan ay ku dheehan tahay soo dhoweyn iyo jalenimo (saaxiibtinnimo) – in kasta oo mararka qaarkood ilka-caddayntu maldahaad u tahay dareen weecsan oo gudaha qofka ku laban-legdoonaya. Bal aynnu is-xasuusinno gabaygii Faarax Nuur ee ay ku jirtay: “…..Qosol been ah, foolal wada qayaxan, qiil an garanaayo, ma anigaa middiyo la ii qarshaa, la igu qali doono!”

Laba qof marka ay iska soo hor baxaan, waxa ay u badan tahay in indhahoodu ugu horrayn ku dhacaan qaab-dhismeedka guud ama jidheed ee qofba leeyahay; marka xigana afartooda indhahood baa kulma; marka xigana indhuhu waxa ay abbaaraan midba qofka kale afkiisa – taas oo uu qofba filanayo dhawaaq ka soo baxa ka kale debnihiisa. Intaas oo tallaabo ahi waxa ay ku qabsoomaan il-bidhiqsiyo gudahood oo degdeg la mid aha maanku rogrogo, maareeyo, kana fal celiyo.
Mar kale ilka caddaanta waxa lala xidhiidhiyaa astaan togan oo qofka xoojisa qofnimadiisa iyo kalsooni-qabkiisa. Tusaale ahaan, haddii qof uu tartan ugu jiro shaqo, waxa ay u badan tahay in cidda tartanka kula jirta uu kaga rayn karo (ama bara dheeraysiin karo) ilka caddayn uu foolkiisa (wejigiisa) huwiyay, dhextaalna uga dhigo war-bixintiisa iyo waraysigiisa – taasoo muujin u ah qof kalsooni iyo furfurnaan xambaarsan. Sidoo kale, ilka caddaantu ama ilkaha dhammays-tirnaantoodu waxa ay qofka ka yeelsiisaa in loo arko in uu da’diisii runaad dhowr gu’ ka yar yahay. Maxaa yeelay, qofku marka uu da’da hore ugu maro, waxa ay ilkuhu yeeshaan casuus – adeegsigooda dheeraaday aawadeed.
Xilliyadii hore ee dadka waageeniga ahi (qalaad) socdaalka ku iman jireen carriga Soomaaliyeed waxa ay la amankaagi jireen quruxda ilkahooda – ha ahaato isku-sar-jarnaantooda ama caddaanta la moodo alaalaxeyda badda. Weliba si ka xeel dheer sidan maanta la joogo ayaa ay Soomaalidu ugu roonaayeen daryeelka ilkahooda ilaa heer huuraalenimada loo aqoonsanaa doqonniimo. Ninkii nacaska ahaa ee lala yaabay huurada afkiisa dhex hoganaysa waxa uu ku erey celiyay in uu “maalintiina geela la joogo (raaco), habeenkiina seexdo!” Soomaalidu, dedaalka ay gelin jireen ilkahooda awgeed, waxa had iyo goor la arki jiray iyaga oo cadaygu (rumaygu) afka ugu jiro, ama ay ku sitaan dhegta korkeeda, ama (si uusan hawl yari uga lumin) u sudhnaan jiray qoor-xidh la odhan jiray “Makaawi” oo ka samaysnaa lacag (fidda) – kaasoo qoorta laga laalaadin jiray. Si ay u joogteeyaan bilicda ilkaha, waxa ay mararka qaarkood ku xoqaan dhuxusha oo la rumaysan yahay in ay soo celiso caddantooda.
Haddaba intii ay Soomaali badani qabatintay raabsiga iyo cunidda qaadka, waxa la arkaa in geedkaasi galaaftay dad badan ilkahoodii, kana dhigay aayo-la’aan. Waxa tusaale wacan innoogu filan ninkii Soomaaliyeed ee dhakhtar ilkood oo dibadeed booqasho ugu tagay, ka dibna afkiisii u kala waaxay si looga soo saaro gaws uu idleeyay suus. Ka dib dhakhtarkii oo amankaagsani waxa uu ninkii weydiiyay da’da uu jiray, ugu dambayntiina waxa uu u sheegay in la moodo in ilkihiisu soo qabteen calaalis ku suman laba boqol oo gu!” Runtu se waxa ay ahayd dhakhtarka oo aan ogayn in ninku qaad-qamax ahaa. Ugu dambayn waxa ka dhasha cunista qaadka in ilkuhu rifmaan oo madoobaadaan, daataan, cirridka sare iyo ka hoosena is-barkadaan.
Guntii iyo gebogebadii, ilka suubbanaatu waa hilin ka mid ah jidadka qofka gaadhsiiya in uu guul ka gaadho nolosha. Maxaa yeelay, si aan la dhaadi karin ayaa ay ilkuhu iyo dareennada ay bixiyaan u raadayn karaan cidda uu qofku la xidhiidhayo. Haddaba miyaanay habboonayn in lala dagaallamo nacabka ugu weyn ee ilkaha waxyeellada gaadhsiiya. Maxaa yeelay, Qaad iyo quruxi kala dheer!

No comments:

Post a Comment