Sunday, 16 June 2013

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna



1.      Hordhac
 “Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye (qadiimiga ahaa)  – laga soo bilaabo Strabo iyo Agatharchides, ilaa laga soo gaadho qoraagii lama-yaqaanka ahaa ee qoray The Periplus of the Erythraean Sea, waxa ay run-ahaantii gar-waaqsan lahaayeen door-roonaanta (ahmiyadda) Dhulka Barakaysan ee Soomaalida (oo sida kalena xilliyo kala duwan loo yiqiinnay Arladii Bunt iyo Azania)”.
Hadhalkan waxa yidhi aqoonyahan u dhashay dalka Giriigga (Prof. Muxammad Shamsaddin Meggalomatis) ku xeel dheeraaday sooyaalka dalalka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waa hadal aad u qaayo leh. Waxa se layaab leh moogganaanta dadkeenna ay mooggan yihiin sooyaalkaas faca weyn leh iyo danayn la’aanta ku aaddan tagtada iyo raadadka duulalkii innaga horreeyay ee ku dhaqnaa dhulkeenna. 


Muuqaal bidix: Boqorkii Tutankhamun ee Masriga ahaa. Muuqaalka midig: Dhagax lag helay meel ka mid ah Somaliland  

Ka hor inta aynaan gudo gelin nuxurka qoraalkan kooban, waxa is-waydiin mudan: Maxaynnu ka rabnaa in aynnu isku howlno ogaanshiiyaha sooyaal bulsho oo soo  taxnaa ammin aad u fog oo laga soo gudbay, tiiyoo ay weliba aanay jirin dhigaal/kayd qoraallo  fac weyn oo ku saabsan arrinkaas?
Si kooban, eray-celintu waxa ay tahay: Sooyaalka, hadhaaga aqooneed iyo dhaqanka ay bulsho isu tiriso ama sheegato, waa midka iyaga ka gaar yeela bulshooyin kale, gun-dhigna u noqda astaynta ahaanshiiyaheeda.  Dhaqanka, hiddaha, afka iyo maan-kaashiga (fikirka) bulsho  waxa ay wadar-ahaantood ahaanayaan wax qaayo leh oo bulshada iska leh u ah baadi-sooc.  Kala-duwanaanshaha bulshooyinka ayaana ka qayb qaata hodminta dhaqan ee bulsho-weynta adduunka. 

Soomaali-ahaan, waxa boggaga sooyaalka innoo galay, ama dad badani iska dhaadhiciyeen  aragtida ah in bulshada Somaaliyeed  tahay bulsho cusub oo aan fac-weynaan lahayn. Ha yeeshee fac-weynaanta bulshada waxa markhaati dhow u ah afka ay ku hadlaan oo ugu horrayn ka tirsan bah-afeedka Kushitigga oo ka mid ah 5-ta af ee ku kulma bah-weyne-afeedka Afro-Asiatic ama Afafka Badda Cas (Erythraean family of languages) oo kala ah:  Kushitigga, Jaadhiga, Barbarka, Saamiga iyo Masrigii hore. 

2. Saansaanka degel-baadhiseed ee carrigeenna
Dhinaca raadadka sooyaal, laguma samayn carriga Soomaaliyeed baadhitaanno degel-baadhiseed oo qoto dheer, waxa se jiray hawlo lagu tilmaami karo in ay bilow yihiin ama guud-mar wanaagsan oo ay qabteen A.T. Curle (1937) iyo N. Chittick (1969).  Beryahan dambe se waxa xiisihii degel-baadhiseed kor u qaaday soo-shaac-bixintii ay Proff. Xavier Gutherz  iyo kooxdiisi  ku sameeyeen Laas Geel (2002) iyo Sacda Mire (degel-baadhihii Soomaaliyeed ee ugu horraysay) ay ku samaysay xaradh-godeedka Dhambaliin (2008).  Sidaas daraadeed, beryahan dambe waxa isa soo taraayay aragti ka geddisan ta aynnu kor ku soo tilmaamnay ee la’aad ama meel madhan ka dhigaysa in bulshada Soomaaliyeed ahaan jireen duul  il-baxnimooyin hore lahaa.  Waxa soo if-baxaayay raadad muujinaaya sooyaal iyo il-baxnimo fac weyn oo ka jiri jiray meelo kala duwan oo ka mid ah carriga Soomaalidu deggan tahay – siiba buuralayda Golis iyo dhulalka  xeebaha ah.  Dhinaca kalena, waa ay jiraan raadad kale oo il-baxnimo oo ka jira magaalo-xeebeedyada koonfurta carriga Soomaaliyeed, ha yeeshee  kuwaasi  ma ay ahayn qaar loo gaar yeeli karo Soomaalida, balse waxa ay intooda badani ahaayeen qaar ay door xooggan ka qaateen aloosiddooda bulshooyin kala duwan oo xilliyo kala taggan degay xeebaha koonfureed oo isugu jiray Carab, Iiraan iyo Hindi.

3.  Daah-fur degel-baadhiseed oo cusub
Arrimaha ugu xiisaha badan ee waa/xilli cusub u berinaya sooyaalka Soomaalida iyo dhulka ay  Geeska Afrika kaga dhaqan yihiin, waa daah-fur cusub oo la xidhiidha raadad iyo hadhaa aad u fac weyn oo lagu hilaadin karo in ay la fac yihiin  il-baxnimadii Masaaridii Hore (haddii aysan kaba da’weynayn karin).   Raadadkaasi waxa ay u dhigan yihiin qaab kuro (madaxyo) ka samaysan dhagax iyo alaabooyin kale oo aan laga garan karin  kuwii ay samayn jireen Masaaridii dhaqnayd xilligii Faraaciinta. 
U kuur gal aan ku sameeyay raadadkaas, oo laga helay meelo kala duwan oo Somaliland ka mid ah, siiba Hargeysa, Buuraha Naasa Hablood, Laas Geel iyo meelo kale, waxa iiga soo baxay sida ay u xidhiidhsan yihiin sooyaalka Masaaridii hore iyo dadkii ku dhaqnaa Arladii Bunt.
Qof kasta oo Soomaali ah oo wax ka yaqaanna ama ka og sooyaalka bulshada Soomaaliyeed, haddii  la waydiiyo meesha ay ku oolli jirtay ama loo yiqiinnay Arladii Bunt waxa aan muran ka jirin in uu ku sheegi doono carriga Soomaaliyeed siiba dhulka ku dherersan Gacanka Berbera (Cadmeed).   Ha yeeshee 50-kii gu’ ee u dambeeyay arrintaas waxa la geliyay muran badan,  waxana ay  badiba culimada ku xeel dheeraatay sooyaalka Bariga iyo Waaqooyiga Afrika u badan yihiin in ay dhulka Eriteriya ku sheegaan meeshii ay ahaan jirtay Arladii Bunt.
Haddaba murankaas ku saabsan meesha ay ahaan jirtay Arladii Bunt waxa uu u dhow yahay in uu soo gebageboobayo marka loo kuur galo raadadka dhowaalahan soo  if baxaya ee laga helay meelo dhowr ah oo Somaliland ka tirsan.

4.      Cilmi-baadhis ku saabsan Arladii Bunt
Faahfaahinta meesha ay ahayd Arladii Bunt waxa aan si qoto dheer ugaga hadlay buug dhowaan soo bixi doona oo magaciisa la yidhaahdo ‘The Mystery of the Land of Punt Unravelled”.  Doodda uu buuggu xambaarsan yahay iyo aragtiyaha uu soo ban dhigayaa waxa aan ku soo koobayaa dhowrkan qodob:
a)      In Arladii Bunt ay ahayd carriga Soomaaliyeed. Doodda buugguna waxa ay kaga duwan tahay doodaha ay soo jeediyeen culimadii hore in dhammaan soo jeedintoodu aysan lahayn caddayn degel-baadhiseed (archeological evidence) tani se ay ka duwan tahay, oo raadad la taaban karo badhi-taar u yihiin.
b)      In dadkii ku noolaa Arladii Bunt (oo ah carriga Soomaaliyeed), sooyaal-yahannaduna ku tilmaameen “the People of Punt” ama “Punitites” iyo Masaaridii Hore ay isku dad ahaayeen.
c)      In ay Masaaridii hore ka tegeen carriga Soomaaliyeed, il-baxnimadii dhulkan ka jirtayna ay hordhac u ahayd il-baxnimadii sida weyn uga aloonsan tahay dacallada webiga Niilka.

Caddaymaha tirada badan ee aan cilmi-baadhistayda ku helay waxa ka mid  ah isu ekaanshaha labadan muuqaal (ee kor ku sawiran) oo ka bidix yahay boqorkii dhallinyarada ahaa (16 jir) ee ka tirsanaa Faraacinadii Masar, magaciisuna ahaa Tutankhamun oo ku gaadhan gashigiisii (hugiisii) boqornimo:  Waxa uu labada gacmood, si is-weydaar ah ugu haystaa laba shay oo astaan u ahaa awoodda boqornimo oo kala ah ul  (flabellum) u samaysan qaab hangool, dhinaca kalena waxa uu ku haystaa ul kale (crook) oo madaxeedu sida bakooradda u samaysan tahay.  Waxa kale oo ka muuqda madaxiisa muuqaal mas (jaadka kobraha loo yaqaan) iyo gorgor.  Maska madaxa lagu muujinayo waxa ay Faraacinadii hore ka rumaysnaayeen in uu dab holoc ah afka ka tuuri jiray, lana beegsan jiray nacabkooda (cadowgooda).  Astaan kale oo muuqaalka Tutankhamun ka muuqataa waa gadhka dheerer ee dhammaan boqorradii Masaarida lagu arki jiray muuqaalladooda.
Bal haddaba aynnu barbar dhigno muuqaalkan midigta xiga oo laga helay meel ka mid ah Somaliland, siiba agagaarka Hargeysa.  Wax lagu kala sooci karaa ma jiraan!   Maskii, gorgorkii, hangoolkii, bakooraddii iyo gadhkii.
Fari kama qodna, ha yeeshee akhristaha ayaan u daayay in uu aragti ka yeesho muuqaalladan.

5.      Gebagebo
Bulshada aan tagtadeeda ku haysanin wax ay dib ugu laabataa waxa ay ka dhigan tahay sidii baal shinbireed ay dabaysha kolba gees u qaadayso. Waxana hodannimada dhaqan iyo raadadka sooyaal ee ay leedahay bulsho koriyaan hankeeda. Dhinaca kale, soo-shaac-bixinta, kaydinta iyo soo bandhigidda raadadkaas hore waxa ay ka qayb qaadan karaan isku-dhafka dhaqaale ee dalkeenna – halkii ugu badnaan il keliya ama laba uun lagaga tiirsanaan lahaa – tiiyo dad badan oo dalxiis ahi soo booqan karaan dalkeenna, dhaqaalena kusoo kordhin karaan.

Haddaba waxa habboon in daryeel iyo ilaalin loo fidiyo dhaxalka sooyaal ee dhulkeenna ku duugan.  Xilka ugu weynina waxa uu ka saaran yahay xukuumadda. Ha yeeshee waxa muuqata in xukuumadihii isaga dambeeyay Somaliland aysan ku tallaabsan wax-qabad muuqda oo ku aaddan dhinaca raadadkaas sooyaal (aathaar) ee qaayaha leh.   Waxa kale oo muuqata in Agaasinka loo igmaday howlaha jaadkan oo kale ahi ahaado mid kolba Wasaarad lagu ladho, isla markaana ay hadhayso saldhigasho-la’aan iyo dhaqaale la’aani. 
Haddaba waxa fiicnaan lahayd  in agaasin ama wasaarad madax bannaan  oo ku suntan ama ka shaqaysa  Hiddaha iyo Degel-baadhista  (Culture and Archeology), loona awood siiyo in ay xilkaas culus ee qaayaha leh si fiican u gutato. 
Ahmed  Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com


No comments:

Post a Comment