Laafyoodku
waa socod xarrago leh, oo aan ahayn mid iska-yeel-yeel ah, oo u gaar
ah dumarka Soomaaliyeed. Waxana jirta in socotadii waageeniga
(ajnebiga) ahayd ee u soo socdaali jirtay carriga Soomaaliyeed
xilliyo kala duwan in qaarkood wax ka sheegeen hab-socodkaas
soo-jiidashada leh, heer ay qaarkood ku tilmaameen in ay u socdaan sida dumarka dharka xayaysiiya. Haddaba socodkaas uu weheliyo, waxoogaa cagculays ah iyo tallaabo dheeraantu
waxa dumarka u dheer gacmaha (midkood ama labadaba) oo ay soo laabaan, oo
ay si quruxi ku jirto kolba dhinac u tuuraan iyaga oo aan is ogayn
(baraad la’aan). Waxa la arki karaa gacmahaas oo si tacab la’aan
ah u lulmaya oo mararka qaarkood baabacooyinkoodu dhulka hoos ugu
jeedaan, mararka qaarna cirka u rogan yihiin. Deggannida tallaabada iyo laafyoodka waxaba aad mooddaa sidii ay hawada dabbaalanayaan!
Laafyoodku waxa uu noqday mid Suugaanyahannada Soomaaliyeed (qaar hore iyo qaar dambeba) ku hal qabsadaan marka ay sifaynayaan quruxda haweenka Soomaaliyeed – kuwaas oo laga dhex heli karo gabayada ama heesaha qaar, sida:
Gaatin-socodka laafyaha,
Xarragada u gaarka ah,
Goonyahaaga tiiciyo..”
(Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHUN) - Gabaygii Fad Galbeed)
----------
“Markay socodka damacdee,
Deggannida tallaabada,
Miisaana lagu daray;
Laafyaha la daawado,
Dadku waxay yidhaahdaan:
May daarin Ciiddee,
Indhadeeraleeyeey!”
( Hees uu midhaheeda tiriyay: Maxamed Cumar Huryo (AHUN)
----------
“Tusmo barashadeediyo,
Taltallaabsigeediyo
Taratarinta laafyaha
Meeshay i turuqdiyo
Towstay i gelisaa
Igu sii tarmaaysee
(Hees uu qaado Nuur Daalacay)
--------
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin
(Mid ka mid ah gabayada Maxamed Ibrahim Warsame ”Hadraawi”)
_____
Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Sunniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heegga iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
(Cilmi Boodheri – AHUN)
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin
(Mid ka mid ah gabayada Maxamed Ibrahim Warsame ”Hadraawi”)
_____
Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Sunniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heegga iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
(Cilmi Boodheri – AHUN)
Waxa
aan haddaba is-weydiiyaa sida uu ku yimid ama ay u qabatimeen dumarka
Soomaaliyeed qaab-socodkaas la-yaabka leh, isla markaana ugu gaar
noqday iyaga uun. Bulshooyin kala duwan oo adduunka ka jira ayaan u
fiirsaday, illaa haatanna kuma hayo cid sida dumarka Soomaaliyeed u
laafyoota. Arrinkani waxa uu iga geyn waayay (ama iga kaxayn waayay)
in uu yahay mid ku lug leh habka dhaqan dhaqaale ee dhulkeenna ka
jira iyo falliimooyinka/wax-qabadyada maalinle ee u kala asteysan ama
loo og yahay ragga iyo dumarka (gender roles).
Waxa
aan is-weydiiyay bal in xidhiidh ka dhexayn karo farsamo-gacmeedka
dumarka ee soohidda xadhkaha iyo dhinaca kale rabitaankooda in ay
gacmahooda kor u hayaan, kuna laafyoodaan. Inantu iyada oo xoolaha la
joogta ayaa ay maalinta inteeda badan kor u heyn jirtay gacmaheeda
iyada oo soohaysa xadhigga. Gacmo siideysani (laalaada) oo aan waxba
lagu heynini waxa ay u dhignaan jirtay maraannimo ama qof aan reerka
waxba ugu fillayn. Boqollaal gu’ iyo in ka badan muuqaalka inanta
ama haweeneyda ku dayashada mudan waxa ka mid ahaa in marka ay
sarajoogto ama soconayso aysan sarroognayn, una eekaanin qof aan la
ciidansan, bal se in gacmuhu kor ugu laaban yihiin (wax ha ku sidato
ama yeysan ku sidanine) waxa ay qayb ka ahaayeen quruxda haweenka.
Dhanka
kale, dhulka miyiga ah, halka raggu had iyo goor ka qaadan jiray
faralaab (ul, waran, murjin, budh, bakoorad iwm), dumarka waxa u ahaa
faralaab howlaha kala duwan ee ay gacmahooda ku qabtaan sida soohidda
xidhigga ee aynnu kor ku soo xusnay, ama wax kale oo ceeryoomiya
gacmahooda sida nayl ama waxar yar oo dhalatay oo ay dhabta ku hayaan
iwm. Waxa kale oo dhacda haddii socod dheer loo kicitimo, in sida ay
luguhu u daalaan, ay si la mid ah laalaadka iyo walqinta/weedhaafinta
gacmuhu u keenaan daal. Kolkaas raggu waxa uu gororka dhiigga ee
gacmaha iyo daalkooda ku maarayn jiray iyaga oo faralaabka garbahooda
saara isla markaana ku cuskada gacmahooda. Dumarku se kol haddii
aanay badi faralaab qaadanin, waxa ay qabatimeen in ay gacmahooda kor
u hayaan ama ugu qaadaan (meel la siman laabahooda) si uu daalku uga
yaraado.
Haddaba
waxa ay u dhowdahay in is-kaashiga arrimahaas kala duwani dumarka
Soomaaliyeed uu qaabeeyeen hab-socodka qaayaha leh ee aanay eegmadu
ka daalaynin, muujinna u ah dumarnimadooda. Waxaana habboon in aan
loo arkin astaan u dhigan wahsi iyo jiljileyc oo aan, dhinaca kale,
is-godidda iyo dugdugleynta dumarka reer Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
loo arkin qurux.
aiawaleh@gmail.com
Xuquuqda sawirka: http://www.paintingsilove.com/
No comments:
Post a Comment