W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Hordhac
Waxa aan akhriyay kana bogtay buugga uu isku dubba riday
Maxamed Cabdi Daauud ee magaciisa la dhah: Dheemantii
Lagu Maamuusay Maydh: Sheekh Isxaaq ibnu Axmed, ee uu ka tarjumay qoraal af-Carabi ah, aanse ahayn
nuqulkii asalka ahaa, kuna qoran far-guri, isla markaana laga soo dheegtay
(sida loo sheegay qoraaga) qoraalkii asalka ahaa oo yaallay Matxaf Ciraaq ku
yaalla.
Waxa uu qoraaga Maxamed Cabdi Daauud ku ammaanan yahay sida quruxda
badan ee xeel-dheeraan af-Soomaali ku
dheehan tahay ee uu u diyaariyay buugga.
Sidoo kale waxa aan la dhayalsan karin dadaalka ballaadhan ee uu geliyay
arrin wax weyn ku biirin kara doodada ku saaban “Carabnimada” beelaha Isaaqa
iyo dhinaca kale Afrikaannimadooda, ama si kale haddii aynu u dhigo
‘Dirnimadooda’.
Ha yeeshee, bar-nugaylka arrinkan uu soo ban dhigay qoraagu,
waxa uu yahay (sida aan kor ku soo
xusay) qoraalka uu xigtay oo aan ahayn asalkii (original). Taasna waxa
dhinaca sharciga loo aqoonsanaan karaa mid aan lagu qabi karin kalsooni buuxda.
Buuggu waxa uu soo ban dhigayaa eedaadkii la mariyay
ehlu-baydka (siiba Shiikh Isaxaaq iyo xigaalkiisii), waxana uu (buuggu)
markiiba gelinayaa akhristaha dareen hoose oo isugu jira hiil, iyo in loo jiidh
debco dhibbanayaasha uu buugga ka sheekaynayo wixii la soo mariyay. Mararka
qaarkood waxa laga yaabaa dareenkaas xambaarsan ladh ‘caadifadeed’ inuu ka xoog
bato in akhristuhu la yimaaddo maan-kaashi dhexdhexaad ah. Taasina ay dhalinso
in aan loo fiiro yeelanin ama wax lagala soo dhex bixin sadarrada dhexdooda.
Haddaba, aniga oo qiraya qaayaha buuggani lee yahay iyo
nuxurka ku guda jira, haddana waxa aan isku deyaya in aan wax ka iftiimiyo
meelaha aan is lee yahay waxa ka jira gol-daloolooyin wax u dhimi kara kalsoonida
lagu qabi karo farriinta uu buuggu gudbinayo.
Hal-xidhaalaha da’da
Shiikha
Mid ka mid ah arrimaha ay weydiin culusi saarnaan karto ee
lagala soo dhex bixi karo buugga waxa ay
tahay da’da Shiikha. Ugu horrayn meelna kuma xusna xilligii uu dhashay iyo
xilligii uu dhintay. Ha yeeshee marka la
isu minguuriyo werinta iyo waraysiyada kala duwan ee ay sameeyeen dadkii la
kulmay Shiikha amaba wax ka sheegay isaga, waxa inoo soo baxaya arrimahan soo
socda:
Ugu horrayn, xasuuqii lagu hayay ehlul-baydkii ka dib, waxa
uu Shiikh Isaxaaq, oo da’diisa lagu
hilaadin karo kuray yar, ka mid ahaa
koox tiradoodu sagaashan (90) kor u dhaaftay oo uu hoggaaminayay awoogiis
(Sayid Maxamed ibnu Xuseyn), oo ay la
socdeen caruurtii Sayidku dhalay iyo
kuwo uu awoow u ahaa. Waxana ay ka soo ambabaxeen magaalada Samaara gu’gii 529
Hijiri (kuna beegan 1135 Miilaadi). In
uu Shiikh Isaxaaq xilligaas kuray ahaa waxa caddaynaya Sayid Sharaf
Al-Daylamiyi, oo uu waraystay Sh.
Maxamed Al-Kibaysiyi, oo sheegay in uu Sayid Sharaf 35 jir ahaa markii ay
Samaara kasoo qaxeen, isla markaana uu rafiiq la ahaa Shiikh Isaxaaq oo wiil
yar ah.[1] Hawraartan waxa aynu ka garan karnaa, ama
sidoo kale maan gal noqon karta, in qof
35 jir ahi uusan la rafiiqi karin qof ka yar
15 gu’. Sidaas awgeed, waxa aynnu halkaas ku
hilaadin karnaa in da’da Shiikh Isaxaaq 15 jir ahayd markii ay soo qaxeen ee ay
taariikhdu ahayd 529 H (1135 Miilaadi). Sidaas daraaddeed, waxa aynu
dhalashadiisiina dib ugu riixi karnaa 514H (1120 miilaadi).
Dhinaca kale, waxa uu sheegayaa Cali bin Yaxya Al Khusaaciyi,
oo kula kulmay Shiikh Isaxaaq magaalada Maydh, gu’gii 681H (1282), in Shiikhu
markaas da’diisu ahayd 120 gu’ iyo dheeraad.[2]
Lamana hayo cid wax ka qortay xilligii geeridiisa.
Haddaba, haddii aynu kala goyno taariikhda dhalasho ee kor
innoogu soo baxday iyo tii ugu dambaysay ee nolol lagula kulmo waxa ay
noqonaysaa sida: 514H – 681H = 167 jir
! Haddaba waxa halkan ka muuqda
is-maan-dhaaf aad u weyn marka 167 sano la barbar dhigo odhaahda sare ee uu
Cali bin Yaxya Al Khusaaciyi ku sheegay in kulankiisii uu Shiikh Isaxaaq la
kulmay ku hilaadiyay dad’diisa ‘120 iyo
dheeraad’. Iyada oo markeeda horeba
120 gu’ iyo dhiidhii/dheeraad ay tahay da’ aad u weyn, haddana waxa ka sii
la-yaab badan 167 jir. Sidaas awgeed,
gorfaynta arrinkan waxa aan door-biday in aan qaato 120+dheeraad.
Dhinaca kale, haddii aynu qoraalka buugga kala soo dhex baxno
goobahii uu ku negaa Shiikhu, isla markaana u sii kala qaybinno amminta uu ku
negaa berri-Carab iyo berri-Cajam (dhulka Soomaalida iyo Xabashida) waxa inoo
soo baxaya arrimahan:
Iyada oo aysan buugga ku xusnayn xilligii uu Shiikh Isaxaaq u
ambabaxay Saylac, waxa aynu se ka ogaan karnaa xilligaas hadal uu Shiikhu ku
yidhi Cali ibnu Yaxya Al-Khusuuciyi oo kula kulmay Maydh oo sida u dhigan: “…….. Ilaahay baan ku dhaartay e 86 sano
inaanan helin ammaan (nabadgelyo) aniga iyo ahlu-baydka ila nooli, mooyaane markii aan qariyay
nasabkaygii, oo aan Ilaahay talo saartay, deedna aanu soo degnay dhulkan..”[3] Haddaba, sida buugga ku qoran waxa xusid
mudan in Shiikh Isaxaaq bilaabay qarinta nasabkiisa laga soo bilaabo markii uu
soo caga dhigtay Saylac. Sidaas
aawadeed, mar wax la odhon karaa in da’da Shiikhu ahayd 86 sano markii uu
Saylac yimid. Ha yeeshee, waxa ay u
muuqan kartaa in ay (isaga oo da’daasa) ku cuslaan lahayd in uu dhul kale u qaxo.
Markaa waxa maan gal ah in Shiikhu
hadalka sare uga jeeday inuu nabad helay markii uu Maydh soo gaadhay uun, bal
se 86kii sano ee uu soo jiray ay isaga iyo ehlu-baydkaba u ahayd silic. Saylacna waxa uu joogay 11 sano, ka hor intii
aanu u sii ambabixin Herer oo iyadana uu joogay 16 gu’. Ka dib waa uu soo xashay (xajkii buu tegay)
isaga oo ay la socdaan dad dhan 500 oo
rag ah iyo 80 dumar ah.[4] Ha yeeshee markii uu ku laabtay Herer wax ka
badan 2 sano muu sii joogin – tiiyoo uu dhibaato la kulmay, ka dibna dhinac
kale uga amba baxay.
Haddaba, si aynu u helno xilligii uu soo gaadhay Saylac, 86-kaas sano ayeynu ka jari karnaa muddadii u
joogay Herer iyo Saylac oo ah (16+11 = 27 sano). Waxa halkaas innooga soo
baxaya 59 sano jir markii uu Saylac yimid (86-27 = 59).
Haddaba, dhowr qodob oo u baahan in la is dul taago ayaa ka unkami kara da’da ah 86 jir markii uu Maydh
gaadhay (haddii ay sidaas wax u jiraan):
Miyaa ay isu dhigmi karaan firfircoonida ganacsi ee uu ka
bilaabay Shiikhu magaalada Maydh ee uu ku geddislaysanayay beeyada, malmalka,
hargaha iyo xoolaha nool iyo da’da uu markaas ku sugnaa?
Si la mid ah, baahida guur ee qof da’daas ahi ku guursan karo
ama maarayn karo 3 dumar ah iyana waa
arrin aad u la-yaab badan.
27 sano oo ka horreeyay imaatinkiisii Maydh, oo uu ku sugnaa
Saylac (11 sano) iyo Herer (16) oo nabad iyo xasillooni ku naalloonayay, jidhkiisuna
ka awood badnaa, waxa xoog u maan gal ah in uu guurku uga fududaan lahaa.
Baahida diin-fidineed (dacwadeed) ee meesha ka jirtayna waxa
ay u baahan tahay firfircooni la mid ah
kuwan aan kor ku soo xusay.
Socdaalkii Shiikha:
Chercher (Sheersheer) ilaa Maydh
Sida ku qoran buugga, markii Shiikha iyo xertii la socotay ay
ka fakadeen cadaadiskii ku bilowday iyaga oo jooga Herer, ugu horraynna u
kaceen dhinaca Sheersheer oo galbeed kaga qumman Herer, waxa ay u xadho xidheen
in ay dar Alle u socdaalaan, oo ay degaan meesha uu Shiikhu warankiisa dhulka
ka fujin kari waayo. Waxana ay gaadheen
xeebta Maydh 15 cisho ka dib. Haddaba,
kol haddii Sheersheer ku taallo badhtamaha Itoobiya, hilaaddii meel u dhexaysa
Hawaas iyo Herer, Maydhna ku taal xeebta Sanaag, waxa u dhexaya fogaan aan ka yaran 1500
km. Haddaba iyada oo dhulka sidan
maanta ka halis badnaa, dadka meesha socdayna ay ku jireen qaar waayeel ah
(sida Shiikha), ma suurtoobi karto in ay 15 cisho ku dhambalaan fogaan intaas
le’eg. Marka ay ugu yartay 2 bilood ayay
ku jiri lahaayeen – weliba haddii ay ahaan lahaayeen dad yoolkoodu u cad yahay.
Magaca dhulka Soomaalida
ee ku xusan buuggan
Dhowr meelood ayaa buugga lagaga xusay magaca ‘Soomaali’. Waxa
se la isla aqoonsan yahay in markii ugu horraysay ee magaca Soomaali uu qoraal
galay ay ahayd xilligii boqorkii
Xabashiga ahaa ee Negus Yeshag (1414-1429) kolkaas oo uu ku soo baxay
hees-libineed ku saabsanayd guushii uu boqorkaasi ka gaadhay dagaalkii uu ku
qaaday Imaaraddi Ifat.[5]
Al-Idriisi (560 H/1060 miilaadi) oo maray xeebta
Soomaaliyeed, wax yar ka hor, xilliga lagu sheegay in Shiikh Isaxaaq
berri-Soomaali joogay, waxa uu ku sheegay in dhulka Soomaalida la odhan jiray Ard-al-Barbar, meelaha qaarkoodna waxa uu ku sheegay Ard-al-Hawiya, meelo kale oo dhulka Soomaaliyeedna ku sheegay Ard-al-xabasha[6].
Si la mid ah, Yaaquut al-Xamaawi (574H/1179 miilaadi) waxa uu dhulka
Soomaaliyeed meelaha qaarkood ku sheegay ‘Bilaad-a-Sinj’,
meelaha qaarkoodna ‘bilaad-al-barbar’.[7] Ibn Baduuda (779H/1377milaadi) oo isna si
mug leh u maray xeebta Soomaaliyeed, xilligiisuna ka dambeeyay xilliga Shiikh
Isaxaaq la sheegay in uu Maydh degganaa, isna meelna kuma uu sheegin magaca
“Soomaali” buuggiisii caanka ahaa.[8] Sidoo kale, Al-Mascuudi waxa uu sheegay uun
‘ard-al-barbar’.
Haddaba, kol haddii ay socoto iyo sooyaal-yahanno Muslimiin
ah ay soo booqdeen xeebaheenna xilliyo ka horeeyay, qaar ku beegan iyo xilliyo
ka dambeeyay goorta Shiikha la sheegay in uu soo degay carrigeenna, isla
markaana aanay tibaaxin wax magac ah oo ‘Soomaali’ la yidhaahdo, waxa uu
arrinkani keenayaa in aynu indho hubsiimo leh ku eegno xogaha lagu soo
minguuriyay buuggan.
Beeyada iyo malmalka oo
aan ka horraynin Shiikha
Dhowr qodob oo kale oo buugga ku jira ayaa u baahan in la is
dul taago. Mid ka mid ahi waa xog
silloon oo sheegaysa in markii goobta Maydh
uu soo gaadhay Shiikh Isaxaaq, inaysan meeshu ahayn meel la deggan yahay
iyo sidaas oo kale in uu isagu sabab u ahaa (karaamadiisa awgeed) in xabkaha
(sida Beeyada, Mayddiga iyo malmalka) uu dhulkaasi caanka ku yahay ka baxaan
arladaas.
Magaalada Maydh waa goob aad u fac weyn, waxana xusay
qoraagii lama aqoonka ahaa ee u dhashay dalka Giriigga, kuna sheegay magaceeda
Mundus, ammin laga joogo 2000 gu’.[9]
Kolkaasna sheegay in laga dhoofsho
xabkaha kuwa ugu firi wanaagsan iyo alaabooyin kale. Masaaridii hore iyana waxa
ay odhan jireen “Matoi”. Sidoo kale,
Soomaalidu waxa ay xilliyo kala duwan la ganacsan jirtay bulshooyin kale
sida Masaaridii Hore, Carabta, Faarisiyiinta, Finiiqiyiinta, Giriigga, Hindida
iyo Roomaanka.
Dhinaca kale, wax cad in Shiikh Isaxaaq uusan keligii imanin
Maydh, bal se ay socdaalkiisii ku weheliyeen tiro ka mid ah xertiisii Ashraafta
ahayd (oo la sheego in xitaa laba ka mid ahi kula geeriyoodeen Maydh).[10]
Haddaba waxa is-weydiin mudan, haddii Shiikha durriyaddiisu ay maanta ka badan
tahay hal milyan iyo badh oo ruux,
miyaanay, si la mid ah, ka bateen tirooyinka kale ee ka farcami lahaa kuwii la
socday iyo bulshadii kale ee loogu yimid Maydh? Xaggee bey se mareen?
Qodobbo kale
Qodobbo kale
Dood kale oo
mus-dambeedkeedu yahay muuqaalka qorqoran iyo hab-dhiska jidheed ee
Soomaalida u gaarka ah ee ka duwan muuqa Afrikaanka kale, ee odhonaysa
‘Soomaalidu waa iska-dhal labada isir ee kala ah Carab iyo dad Afrikaan ah oo
loogu yimid Geeska Bari ee Afrika’, waxa ka hor imanaysa (ama turunturro ku
noqonaya) xogaha ka soo baxay degel-baadhis cusub oo dhowaan laga daah furay
dhulka Somaliland, siiba Hargeysa iyo agagaarkeeda. Waxa soo baxay muuqaallo
dad laga sameeyay dhagax oo da’dooda lagu hilaadin karo xilligii ay Masaaridii
Hore dhulkeenna imin jirtay isla markaana ay la ganacsan jirtay dadkii Arlada
Bunt. Muuqaalladaas waxa ay lee yihiin muuqa dadka Soomaaliyeed. Mid kasta oo
ka mid ahna waxa lagu soo sooci karaa qof aynu ku garanayno suuqyada
magaalooyinkeenna. Baadhitaanka arrinkan
dambe waxa uu ku soo baxay buug aan dhowaan qoray oo magaciisa la yidhaahdo “The Mystery of the Land of Punt Unravelled.’
Qodob kale oo isna la is-weydiin karo waxa uu yahay
haddii ninka baadhitaanka taariikhda
Shiikha sameeyay ee kasoo socdaalay dalka Marooko oo magaciisa la yidhaahdo Sayid
Maxamed Axmed Al-Qarbaani uu meelo badan oo dhulka Yamanta ah soo maray si uu u
raad guro taarikkhda Shiikha, miyuu tahli waayay in uu Maydh iyo dariixa
(meesha uu yaal) Shiikha soo booqdo – kol haddii isu socodka badda ee ka
dhexeeyay Cadan iyo Maydh uu aad isugu dhow yahay una fududaa xilligaas (1912)
oo labada xeeboodba uu Ingiriisku xukumayay?
Haddaba halkee meeshan
looga socon doonaa?
Si arrinka iyo sirta ku gedaamin nolosha Shiikha loo shaac
bixiyo, waxa habbon:
In la raadsho qoraalladii asalka ahaa ee lagu ururshay
sooyaalka Shiikh Isaxaaq, laguna saleeyay buuggan aan gorfeeyay, ee uu soo
tarjumay qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.
Kol haddii arrinka aan qoraalkan ku gorfaynayaa uu ammin
dheer soo jiray, waxa habboon in la kaashado farsamada hiddde-sidka (DNA) si
loo so af-jaro murankaas. Maxaa yeelay,
qof waa uu doorin karaa magaciisa iyo haybtiisa, ha yeeshe ma doorin karo
hidde-sidkiisa (gene). Tusaale ahaan, tiro dad ah oo ka mid ah Isxaaqiyiinta
dhulkeenna ayaa hidde-sidkooda la barbar dhigi lahaa Isxaaqiyiinta Yaman.
[1]
Bogga 30aad
[2]
Bogga 39aad
[3]
Bogga 40aad
[4]
Bogga 18aad
[5]
Axmed Ibraahin Cawaale, Dirkii Sacmaallada, Bogga 50
[6]
Al-Idriisi: Nushat-ul-Mushtaaq fi ixtiraaq Al-aafaaq. 1/48
[7]
Yaaquut al-Xamaawi: Mucjam al Buldaan. 5/173
[8]
Ibn Baduuda: Tuxfat a-Nadaar fii Qaraa’
ib al Amsaar 1/261
[9]
The Periplus of the Erythrean Sea.
[10]
Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Dubbeh), Tuxfat-al-Mushtaaq Li-Nasab a-Sayid Isxaaq,
bogga 16aad
Asalaama calaykum cawaale salaan kabacdi waxaa iiga muuqda qoraalkaagan in aad aad u akhrriday oo intii awoodaada ahayd aad rogrogtay jawaabta kuusoo baxday waxaan filayaa hadii aanfahmay faaladaadu aniga oo aragtidaada aad iyo aad u ixtiraamaya inaad sidaahira uun aad u khriday sababta aan sidaa kuu leeyahayna buugan intii aanu qoraagu gudo galin wuu u soo idanqaatay isaga oo soo mariyay ilaahay raali haka ahaade culumadii gayiga ee waliba xag sirta sida sheekh cumarqawdhan rd oo 2weeg ka hor xijaabtay daud yare rd iyo qaarkaloobadan oo dhamaantoodbba ah ilmo sayid isaxaaq rd culumadaasaa ogolaatay saxdayna walaalkayoow arinka sayidku wuxuu bilaw ilaa dhamaad ahaa mid sira aragtida daahirka ahna ka fog buugaa waxa ku qoran waa dhacdo xaqa daliilkayguna waa rijaalulaahigaa aan kor ku xusay.
ReplyDeletebal hada walaalkayoow bilawgii buugaa iyo siduu hindisuhu ku soobaxay dib ugu yara noqo..
ma ihi nin kuu jawaabaya e qoraalkaygan gaabani waa sixid uun, sikastaba ha ahaatee waxaan kaa raaligalinayaa waxkasta oo aad diido guul alaa
Asalaama calaykum cawaale salaan kabacdi waxaa iiga muuqda qoraalkaagan in aad aad u akhrriday oo intii awoodaada ahayd aad rogrogtay jawaabta kuusoo baxday waxaan filayaa hadii aanfahmay faaladaadu aniga oo aragtidaada aad iyo aad u ixtiraamaya inaad sidaahira uun aad u khriday sababta aan sidaa kuu leeyahayna buugan intii aanu qoraagu gudo galin wuu u soo idanqaatay isaga oo soo mariyay ilaahay raali haka ahaade culumadii gayiga ee waliba xag sirta sida sheekh cumarqawdhan rd oo 2weeg ka hor xijaabtay daud yare rd iyo qaarkaloobadan oo dhamaantoodbba ah ilmo sayid isaxaaq rd culumadaasaa ogolaatay saxdayna walaalkayoow arinka sayidku wuxuu bilaw ilaa dhamaad ahaa mid sira aragtida daahirka ahna ka fog buugaa waxa ku qoran waa dhacdo xaqa daliilkayguna waa rijaalulaahigaa aan kor ku xusay.
ReplyDeletebal hada walaalkayoow bilawgii buugaa iyo siduu hindisuhu ku soobaxay dib ugu yara noqo..
ma ihi nin kuu jawaabaya e qoraalkaygan gaabani waa sixid uun, sikastaba ha ahaatee waxaan kaa raaligalinayaa waxkasta oo aad diido guul alaa