Waxa
qoray: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
La-yaab muu lahayn, nin
caddaan ah oo kal hore aannu Madaarka Hargeysa kaga soo wada degnay, isla markaana
soo wada raacnay gaadhi, in markii baabuurkii
aannu fuushanayn soo gaadhay figta tiirada ‘Shanta Maylka’ in muuqaalka Minnaaradaha
tirada badan ee qaar badani dhisemyaasha Hargeysa ka mudh baxeen ay ninkii xasuusiyaan Gacanka Kanaaferal (Cape Canaveral) ee Maraykanka ku yaal.
Meeshaasina waa goob ku caan ah ganidda
gantaallada ama sawaariikhda cirka sare loogu sahan tago. Waxa ninkii si xoog leh u soo jiitay dhismeyaasha
minnaaradaha dhuubdhuuban ee la moodo midho sigaar ah ama qalin beensil caarada
xururflay lagaga fiiqay – kuwaas oo beryahan dambe ku sii badanaya caasimadda.
Weliba marka loo sii fiirsado, waxa xoojinaya isu ekaanshaha minnaaradaha iyo
gantaallada aynu soo sheegnay qaybahooda meersan ee aan laga garan karin
xubnaha Sayruuq kastaaba ka kooban yahay ee lagu kaydiyo shidaalka awoodda u siiya in dayax-gamceedku kor cirka ugu jiciirto, si looga gudbiyo soo
jiidashada awoodda garaafatiga. Baahsanaanta iyo qabatinka
dhiska jaadkan oo kale ahi waxa uu iila muuqdaa in uu ka dhashay dhowr arrimood: a) Yamxeerid ama
tashiilidda lacagta ku bixi karta oo yaraan karta kolba marka la yareeyo ama la
dhuubo dhumucda minaaradda, iyo b) Iyada oo aan loo baahnayn in la hulo (dhexda
laga dalooliyo) maxaa yeelay beryihii hore ee uusan jirin codbaahiyuhu,
Mu’adinku waxa uu fuuli jiray dhakada ama figta minnaaradda si meel fog
codkiisa looga maqlo. c) Dhaqanka curis-la’aaneed ama iskaga dayashada indha-la’aaneed ee shaqaalaheenna
dhisme oo toos u dheegta kolba wixii uu qof bilaabo.
Ninkii caddaa isaga oo indhahiisii si xiiso leh ula raacraacaya
tirada badan ee minnaaradaha caasimadda ayaan ku qalin daaray erayo sidan u
dhigan: “Annaga sawaariikhdayadu waa minnaaradaha. Yoolkayaguna waa
raalli-gelinta Eebbeheenna iska leh arlooyinka iyo cirarka. Ma se aha, sidiinna
oo kale, gaafwareegga cirka madhan iyo haybsashada xiddigaha ay ka mid yihiin
Cir-jiidh iyo Maqala xidhxidha. Miyaanad arakayn minnaaradaha waxa la moodaa
durraamasho (duco) kor u baxaysa. Haddii
se ay noqon lahaayeen sawaariikh, culayska ay sidaan ma ay noqdeen qaar burbur
iyo hoog kaga taga meesha ay abbaaraan (sida kuwiinna oo kale), waxa se ay
ahaan lahaayeen qaar xambaarsan neecowda rumaynta (iimaanka), xasillooni iyo
walaaltinnimo.”
Intaas markii aannu is
dhaafsannay baa la soo gaadhay xilligii aanu kala tegi lahayn, maxaa yeelay
waxa uu igaga hadhay hoykiraale (hudheel hurdo) ku yaal jidka u dhexeeya
Madaarka iyo magaalada.
Dhacdadaas ka dib, waxa uu
maankaygi dib isugu fireeyay wixii xogo ah ee aan ka maqlay sooyaalka bulshada Islaamka – kor u
kacoodii ama horumarkoodii iyo hoos u
dhacoodii. Dhinaca kale, minnaaradahaas
loo ekaysiiyay sawaariikhda, waxa aan is weydiiyay, ‘Toloow ma noqon karaa dareen falcelineed oo ka dhashay ummad la
bahdilay, oo hadba hubka cusub ee dalalka Reer galbeedku soo saaraanba lagu tijaabinayo
iyaga.’
Waxa aan xusuustaydii dul joojiyay xilliyadii ay
laambaddu u shidnayd caalamka Islaamka ee mararka qaarkood lagu tilmaamo
“casrigii dahabiga ahaa” – taas oo uu Islaamku
kaalin hormoodnimo ah kaga jiray dhinacyada kala duwan ee aqoonta. Xilligaas oo
ahaa ammintii u dhexaysay qarnigii 8aad ilaa 12aad oo caalamka Islaamka ay ka
talinayeen Cabbaasiyiintu, isla markaana ay Muslimiintu xuddin u noqdeen
sayniska, falsafadda, xiddiginta, daaweynta iyo waxbarashada. Waxa ay Baqdaad ka qotomiyeen xarun lagu
magacaabi jiray Gurigii Xigmadda (Bait-ul-Xigmah), halkaas oo culimo muslimiin
ah iyo kuwo kaleba iska kaashadeen in ay
wixii aqoon ah ee heer caalami ah soo ururiyaan una haltebiyaan af Carabi. Haddaba halkii ay soo gaadhsiiyeen uun kuma
ay ekaysiin e waxa ay horumar ku sameeyeen aqoontaas ay ka heleen Roomaankii,
Shiinaha, Hindida, Faarisiyiinta, Masaaridii Hore, Girigga, Biisantiin iyo
Finiiqiyiintii.
Waxyaabaha dhaliyay
sibibixashadii iyo hoos u dhacii bulshooyinkii Muslimiinta ahaa waxa ka mid
ahaa: Weerarkii baahsanaa ee Tataarku ku soo qaadeen dhulka Islaamka, xasuuqii ka dhacay iyo baab’intii xarumihii
aqoonta ee ku oollaan jiray Baqdaad,
madaxdii Muslimiinta oo badidoodu noqotay qaar ka badin waayay raaxaysi,
curis la’aan iyo ku dayasho indhala’.
Waxa kale oo meesha ka baxay fikirkii xorta ahaa iyo isu dulqaadashadii.
La iskuma hayo in yoolka
aadamuhu yahay lakulanka Eebbe (sarree oo korreeye) iyo in uu helo
raalli-ahaanshihiisa. Taasina waxa ay u baahan tahay ramayn badhax la’ iyo
camal wanaagsan. Ha yeeshee waxa muuqata in
camalkaas suubban lagu soo ururiyay uun cibaadooyin la faral yeelay, bal
se la iska hilmaamay amaba aan la danaynin wax Alle wixii falliimooyin ah ee
kale ee qofka ka yeelsiinayay in uu noqdo mid u qalma in lagu sifeeyo dhalad (muwaadin) arlada la wadaaga abtirsin
oo wanaaggeeda iyo joogtaynta kheyraadkeeda dabiiciga ah wax kusoo kordhiya, kana midho dhaliya
awoodaha ku duugan (qaar jidheed iyo qaar maskaxeed) ee makhaayahadaha, mafrishyada iyo gidaarada lala fadhiyo. Se ayaan darrada jirtaa waxa ay noqotay in
dadyowga Muslimiinta ahi u badanyihiin
qaar ka madhan soosaaridda midhihii aqooneed ee lagu dhisi lahaa laguna
tahayn lahaa nolosha arlada. Waxa ay noqdeen bulshooyin halabsada waxsoosaarka
(qalab, farsamo, adeeg iyo fikrado) ay cid kale soo saartay (consumer society). Waxana laga yaabaa in nafahooda saamayn weyn
ku yeesheen xadiisyada Rasuulkeenna suubban (NNKHA) ee sheegaya qiimo la’aanta
dunida, sida “Arladu waa shookiga/xabsiga Mu’minka, waana Jannada kaafirka”,
iyo tusaalihii kale ee uu Rasuulku (NNKHA) bixiyay ee uu dunida ku tilmaamay in ay ka liidato ‘neef
bakhti ah oo weliba dhukan’.
Waxa dadku aanay badiba isu dheelli tirin baahida qofka mu’minka ahi u qabo in uu ku sifoobo ‘suhdi’ (adduunka oo laga saahido), dhinaca kalena uu dadaal la mid ah siiyo arrimaha adduunka. Silic maryaalka iyo saboolnimada barriinsatay bulshooyinka Islaamka ku abtirsada iyo horumar la’aanta ay dhex kuududaan kama baxsana qaar ka dhashay aragtida laga qaatay adduunka.
Xal-u-helidda
dhibaatooyinkaasi waxa ay ugu horrayn u baahan yihiin aqoonsigooda ama in la
garto. Waxa kale oo aynu u baahannahay in aqoonyahankeennu hoos u eegaan qaabka
waxbarasho, barbaarineed iyo mas’uuliyad xambaarka facyowga soo koraya. Wixii hadba iyaga la gashado ayuunbey noqdaan
isla markaana soo ceshaan. ‘Geed kasta waxa lagu garanayaa midhihiisa.
Waayo canab lagama guro geed qodax leh, midho berdena lagama goosto
yamaarugga.’ Waxa sidoo kale mudan in daymo loo yeesho, wax-ka-qabadna
lala beegsado sidii loo daaweyn lahaa
‘xaalufka maskaxeed’ iyo awoodaha innagu
duugan ee la halleeyay.
No comments:
Post a Comment