W/q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Beryahan waxaa socda
baraarug aqooneed oo lagu dabaqabanayo hiddaha, afka iyo taariikhda sii lumaya
ee soomaalida. In kasta oo uu weli yar yahay talaxtagga ama takhasuska
arrimahan loo lee yahay waxbarasho ahaan, haddana dadaal hagarla’aan ah oo ay
dad niyad wanaagsani hawsha geliyeen baa midho wanaagsan dhalay. Afar buug oo
masladaa ku saabsan oo aan dhowaanahan helay baa aragtidaa i geliyay.
Buugaagtaa waxaa la ka la yidhahdaa: ”Taariikhda
Afka iyo Dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed” Cabdalla Cumar Mansuur, ”Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga”
Caliqeyr Maxamed Nuur”, ”Dirkii
Sacmaallada” Axmed Ibraahin Cawaale, iyo kan cusub ”Sitaad: Is-dareen Gelinta Diineed ee Dumarka Soomaaliyeed” Axmed
Ibraahin Cawaale.
Axmed Ibraahin Cawaale
buuggan ”Sitaad” iyo kiisii hore ee ”Dirkii Sacmaallada” labadaba waxa uu ka
soo carraabiyay oo si wacan uga soo hooyay hilinka taariikhda iyo hiddaha,
waxaana laga helayaa aqoon baaxad leh. Labada buugba wax ay isku dayayaan in ay
soo nooleeyaan hidde iyo af soomaali dhintay ama sii dhimanaya, iyo fikirkii
iyo ilbaxnimadii bulsheed ee halkaa ku jiray. Afartankii sano ee af soomaaligu
qornaa wax badan baa hawlahan laga qaban lahaa, waa tii se qalabarogashada lagu
lumay. Imika ayaad mooddaa in waallidii laga soo miiraabayo oo xilkaa lagu
hambaabbaray. Isbeddelkaa bulsheed ee wanaagsan baa qoraalladan dhalay.
Taariikhda, hiddaha iyo
af soomaaliga marka la baadhayo kun waddo ayaa laga abbaari karaa. Buuggan
”Sitaad” haddaba waa baadhitaan toolmoon oo qoraagu ku dabaqabanayo dhaqan
qurux badan oo haweenka soomaaliyeed boqollaal sano soo dhisayeen, kuna fidsan
idil ahaan daafaha bulshada soomaalida iyo dhulkeeda. Sitaadka, oo marar kalena
loo yaqaan Axadaysi, Xaawo-iyo-Faadumo, Abbaay-Siti iyo Abbaay-Abbaay, waa duni
barwaaqaysan, bulshaysan, nafsiyad wanaagsan, diin iyo Alle ka cabsi ka buuxda,
taas oo suugaan, murti iyo ciyaar lagu dhiso. Waa gole khayr leh oo ujeedkiisa
oo dhami yahay in Eebbe lagu weyneeyo oo diinta la isugu sheego, wanaag la isku
faro, baahanaha lagu caawiyo oo lagu ducaysto. Waa dhaqan soomaaliyeed oo
dumarka gooni u ah.
Qiimiga weyn ee golaha
Sitaadku nolosha bulshada u lahaa sidan ayuu qoraaga buuggu u qeexay:
Sitaadku waxa uu suurto geliyaa in qofka dumar ahi ay
madasha kala tagto xasillooni, yididiilo iyo in ay si fiican ula jaan qaaddo
(isna oggolaysiiso) saansaanka ku xeeran, isla markaana ay ka hesho tamar iyo
firfircooni ay ugu babac dhigi karto dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ka hor
iman doona. Sitaadku waxa uu u ahaa Carruurta maalin ciideed oo kale,
socotadana meel ay kaga haqab beelaan harraadka iyo gaajada. /…/ Waxa ay [se]
ka dhigtaan madal ay ugu laab qaboojiyaan kuwa iyaga ka mid ah ee ay haleeshay
ama la deristay ayaan-darro; waxa ay ugu gargaaraan kuwooda buka iyo kuwa
saboolka ah. Waxa ay isku faraan iskuna waaniyaan wanaagga, waxana ay iskaga
digaan xumaanta (buugga, 11-12).
Mar kale
sidan ayuu u tilmaamay waxtarka nafsiyadeed iyo bulsheed ee Sitaadka:
Sitaadku waxa uu ahaa/welina yahay madal ay dumarku isku tabantaabiyaan,
isku taakuleeyaan, ku nafisaan, ugu laab qaboojiyaan kuwa iyaga ka midka ah ee
ay haleeshay ama la deristay ayaan-darro, uguna gargaaraan kuwooda buka iyo
kuwa saboolka ah. Waxa ay isku faraan iskuna waaniyaan wanaagga, waxana ay
iskaga digaan xumaanta.
Meerisyadan soo socda ee golaha
Sitaadka laga tiriyo ayaa faallada kore markhaati u ah:
Kuwii kici waayay kaalmeeya baa la yidhi
Waa is-dhaantaane isu dhiiba baa la yidhi
Kuwii goolmoon u garaaba baa la yidhi
Middii dhali wayday u dhabreeya baa la yidhi
Middii gambo wayday gobol
siiya baa la yidhi (buugga, 29).
Meerisyadan
kale wax ay ka mid yihiin siyaalaha haweenku diinta isugu wacdiyi jireen, iyo
sida ay isla markaa dhambaalkaa uga jawaabayeen:
Xasuuslaawoyinow Xaawi waxaydin tidhi:
Ma ka soo xaadirteen deriska xamashadiis?
Ma ka soo xaadirteen seyga xamashadiis?
Ma ka soo xaadirteen xan iyo beenawaas?
Ma ka soo xaadirteen xaydho dedashadii?
Ma ka soo xaadirteen xumo dhammaanahood?
Waan ka soo xaadirnoo waxaannu nahay xalaal
Alla ka soo xaadirnoo waxaannu nahay xariir
(Buugga, 72).
Sida
qoraagu xusayo haweenka soomaaliyeed, iyo guud ahaan dumarka dunida,
fursaddooda barashada diintu waa ay yarayd kolka la dhinac dhigo ragga. Waayo
haweenku weligood iyo meel walba wax ay hoos yaalleen dulmiga isla weynida
ragga iyo cadaadiskooda. Iyada oo ay sidaa ahayd intii itaalkood ah wax ay ku
jireen dadaal ay diintooda ku baranayaan, wax ayna qabsan jireen kulanno ay
aqoontaa isugu gudbiyaan. Kolba toodii diinta wax ka taqaan baa abaabulka
hawshaa hormuud ka ahayd. Gabadhaa fariidda ah oo la yidhaahdo Sheekhad ama
Qaliifad u fiirso sida ay golaha Sitaadka ugu laqbanayso qiimiga Bisinku u lee
yahay qofka Ilaahay rumaysan:
Bisinku waa afka buulkiyo carrabka baalashiis
Wax la bartoon bisin lahayni barako yeelan waa
Badaha waa lagu maraa biyaha waa lagu cabbaa
Beerta waa lagu falaa oo beydka lagu galaa
Bisin Allow maalintii la baqo adigu noo bayaan
Baadi noqon maynno oo bisin baa
horteenna yaal
Bisin Allow baraka qabe beloo dhan naga xijaab
Bisin Allow burde na saar Allow belada naga
xijaab
Wax la bireeyo
oon bisin lahayn waa baqtoo la jiid
Bisin allow Baraka qabe Allow nagu badbaado yeel
Bisinka Yaasiinka Nebi
Maxammed barakadiis (buugga, 36-37).
Anigu berigii aan carruurta ahaa,
gobolka Hawd, wax aan arki jiray dumar aad u badan oo maalmaha qaar isugu soo
urura geed weyn oo hadhac ah, dabadeed cunto ka la jaad jaad ah halkaa ku
diyaariyay. Cid wal oo maalintaa meesha timaadda ama socod ku martaa cuntadaa
waa ay ka haqab beeli jirtay. Haweenka iyo carruurta ayaa golahaa iman jiray,
laakiin waa ay dhici jirtay haddii nin ama rag socoto ah la arko in ay dumarku
si walba isugu dayaan in raashinkaa ku sooraan. Haweenka goobta jooga intooda
adeegaysa mooyee inta kale wax ay fadhi iyo sarajoogba ku xoonsanaan jireen
meesha ay sheekhaddu fadhido, taas oo durbaan kaga daryaaminaysa, isla markaa
luuq qurux iyo qiiro leh ku qaadaysa qasiidooyin af soomaali iyo carabiba ah.
Haweenka kalena si macaan ayay ugu jiibin jireen iyaga oo laxanka durbaanka ku
ladhaya sacab kulul, waxyaalahaas oo marka ay isku wada dhacaan qofka maqla
dareenkiisa samada u la baxa. Kolkaa dumarka shucuurtooda wax aan ka arki jiray
farxad, rayn rayn, caafimaad, naxariis iyo gacaltooyo aan soohdin lahayn.
Gabadh kasta oo goobta joogtaa wax ay isku dayi jirtay in ay samayso wanaagga
ugu badan ee suurtagal ah, sidaa darteed jawiga oo dhami waxa uu noqon jiray
khayr durduraya. Wax ay ahayd xaalad aad uga xamaasad iyo ruuxaaniyad badan
madasha la midka ah ee raggu ku xadreeyo, ku shallaado ama ku digriyo.
Dhaqankaa quruxda iyo caafimaadka
badan soddoneeyadii sano ee la soo dhaafay dhaawac weyn baa gaadhay, sidii
dhaawacu u gaadhay guud ahaanba dhaqanka soomaalida. Sidan ayuu qoraaga
fadqalalladaa dhacday u arkaa:
Ka sokow saamayntii dagaalladii dalka ka qarxay
1980-aadkii, waxa burburka dhisme kaga sii darnaa weerarradii fikir ee ka
aloosmay faafitaankii ururrada diineed ee gadaal kasoo baxay – kuwaas oo
abuuray fikir bulsho oo aan soo dhoweynin Sitaadka, kuna tilmaamay in uu
koobsanayo waxyaabo aan diinta ku bannaanayn…waxa la arkaa in Sitaadku weli ku
xooggan yahay, kana badbaaday ‘sunaamida’ fikir ee magaalooyinka sida xooggan u
saameeyay (buugga, 55).
Iyada oo Sitaadku yahay
dhaqan Islaam oo soocan, ujeedkiisa iyo eraydiisa oo dhamina halkaa ku salaysan
yihiin, haddana sida uu qoraagu qabo xididdadiisu wax ay ku aroorsan yihiin
hiddihii fogaa ee soomaalida. Haddaba marka ay joogto baadhista iyo barashada
hiddaha halkan iyo mar walba waxaa la innooga baahan yahay bisayl maskaxeed iyo
aqooneed. Taasi wax ay tahay in aynnu is garansiinno isirka soomaalidu in uu
aad u fac weyn yahay, intii uu soo jirayna marxalado badan buu soo maray oo leh
fikir, diimo iyo dhaqammo midba mid dooriyay. Tusaale ahaan waxaa la isla
qirsan yahay shiicannimada soomaalidu in ay soo dhowaatay. Ilaa casriyadii
fircoonnada iyo ka sii hor ayaa jiritaanka afka iyo dhaqanka soomaaliyeed dib
loogu celiyaa. Sidaa darteed wax wal oo nolol hore ka soo hadhay barashadooda
iyo ilaalintoodu waxa ay lee dahay qiimi iyo waxtar dhinacyo badan leh: af
ahaan, taariikh ahaan iyo nafsiyad-bulsheed ahaan. Eray wal oo af soomaali ahi,
tusaale ahaan, wax uu inna bari karaa duni dhimatay oo la soo maray.
Maahmaahyada, maansooyinka,
odhaahyada, magacyada, alaabadii hore… wax aynnu ka baran karno ayaa jira.
Tusaale ahaan ”tukasho” waa eray dib ugu noqonaya afkii diineed ee Islaamka ka
horreeyay, wax aana lagu baadhi karaa diintii hore waxa ay ahayd iyo sida loogu
dhaqmi jiray. Tusaale ahaan maxaa ka dhexeeya shimbirka tukaha iyo tukashada?
Maxaa ka dhexeeya magaca aynnu Eebbe u naqaan ama u aqoon jirnay ee Waaq iyo
dhawaaqa shimbirkaa madow ee aynnu maanta kolka uu dhawaaqo sharaysanno kuna
afjugno ”waaq lagaa sii!”? Waxaa jira qaab deggan oo marmar tukuhu u dhawaaqo,
markaas oo aan carruurnimadii arki jiray iyada oo dadku sidii qof warramaya uga
koobinayaan. Wegerka, hangoolka, geedka laga saaciidaysto ee mukayga/damalka,
taraaraha ama madaxshubka haweenka uurka lihi samaystaan, dhaarta dhaqanka
qaarkeed, intaas iyo in kale oo aad u badan baa maanta warar taariikheed laga
keenay. Sidaas baa dad lagu yahay sooyaalka iyo siiyaalkuna weligood isugu
tallaalan yihiin, haddii aan la isku hayn waayana waxaa la noqonayaa sidii ilmo
la helay oo aan wax dhalay la garanayn, markaas oo ay fududdaanayso in ay cid kale
teeda ku gashato.
Hiddaha fog ee qoraagu ku
aroorinayo taariikhaynta dhaqanka Sitaadka waxaa loo soconayaa ilaa xilli
Islaamka ka horreeyay. Taasi wax ay ka muuqanaysaa erayo gaboobay oo ku sii
hadhay maansooyinka Sitaadka. Xogta Sitaadka ku saabsan ee aan buuggan ku arkay
waxaa iigu xiiso badan qisada la yidhaahdo ”Sange Baxarka” taas oo maskaxda
akhristaha aad u dhaqdhaqaajinaysa. Waa maxay haddaba ”Sange Baxar”? Sange
maanta badanaa wax aynnu u naqaan faraska lab, waxaa se kale oo loo yaqaannay
dibiga weyn. Waa run sida qoraagani ina xusuusiyay lo’du dadkeennii hore in ay
ugu jirtay meel ka weyn halka uu geelu ugu jiray dadkeennii dambe (geelu
sidiisaba inta uu Geeska Afrika joogaa ka ma badna 2000 sano). Farshaxanka ku
xardhan bohosha Laas Geel iyo waxyaalo la mid ah ayaa sugay arrintan.
Haddaba ”Sange Baxarka” ama Dibiga
Weyn ee buuggu innooga sheekaynayo qisadiisu wax ay ka bilaabmaysaa meerisyo ab
ka soo gaadh ah oo Sitaadka ku jira. Waa tuduca odhanaya:
Arooskii Aasiyiyo ururkii Maxamed-Sharaf
Ilaahow Sange Baxarka beerkiisa hayga qadin
Kuwa qalee qaybiyee ka qada ha iga dhigin
(buugga, 80)
Meerisyadaa nuxurkooda cabbaar ayuu
qoraagu falanqaynayaa, faalladiisana waxaa ka mid ah:
Haddaba Sanga Baxarka ku xusan meeriskan sare waxa ay dumarka Sitaadku ku
asteeyeen dibiga arlooyinku dul saaran yihiin geesihiisa (mararka qaarna waxa
ay yidhaahdaan gees keliya buu ku hayaa!) Waxa kale oo ay rumaysnaayeen
maalinta dhulkan la rujinayo ee Qiyaamuhu dhacayo, in dibigu geeskii uu dhulka
ku hayey uun ka hoos saarayo, dabadeed dhulku waa uu dayaamayaa oo waa la
duubayaa. Dabadeed Sanga Baxarkii maalintaas baa la qalayaa – illeyn howshiisii
wuu gutay e! Dabadeedna waxa ay yidhaahdaan dumarkii Muuminaadka ahaa ee
Xaawiyo-Faadumada garaacan jiray, ee Nebiga (NNKHA) xusi jiray waxa la siinayaa
oo lagu abaalinayaa Sange Baxarkii la gawracay beerkiisa. Ha yeeshee kuwii kele
(ee aan tuman jirin Sitaadka) inta lagaga shaqaysiiyo oo la yidhaahdo qala, oo
ay ku howshoodaan, oo haddana la yidhaahdo qaybiya, ayaa haddana laga qadinayaa
(buugga, 82).
Qiso kale oo buuggu soo qaaday waa
ta ku saabsan hinaasaha la sheego in uu ka dhex dhacay Aadan iyo Xaawa. Taasina
waa Sheyddaanka oo si uu labadaa qof isugu diro Xaawa biyo dul geeyay, dabadeed
hummaageedii biyaha uga dhex muuqday ugu sheegay naag kale oo Aadan iyada la
guursaday. Qisadaasi Diinta Islaamka ka mid ma aha, wax ay se ku jirtaa qaar ka
mid ah diimaha kale ee Bariga Dhexe. Haddaba sida ay taasi Sitaadka soomaalida
ku soo gashay waa qulqulka ama sunsunka dabiiciga ah ee fikirka iyo dhaqanka
bulshooyinka weligood ka dhex socday. Waa kuwan meerisyo Sitaadku dhagartaa
sheyddaanka ku hiifayaa:
Musbaar lagu joojiyow, musbaar lagu joojiyow
Maalintii Xaawa iyo Aadan la isku xidhay
Xilkeeda la saarayee xilaha looga dhigay
Xareed intuu geeyay buu Xaawa laba ka dhigay
Xanaaqay qaadday bay Aadan
kala xidhmeen (buugga, 33)
Wax aan se qoraaga ku baraarujin
lahaa xigashada masaladaa kore ku saabsan oo uu raadraac uga dhigay John
Milton, gabyaaga Ingiriis ah oo noolaa qarnigii 17-aad, waxaa ka habboon kana dhow in kutubta ay ku qoran tahay loo celiyo.
Ugu dambayn, iyada oo bulshooyinka
hayaanka noloshoodu heerar taariikheed maro, marxalad walibana lee dahay
garashadeeda iyo dhaqankeeda, ummad walba isku xidhka nololaheedii ka la
dambeeyay waa nafaqaynta iyo xoojinta teeda markaa iyo tayaynta ama qurxinta
nafsiyaddeeda. Taa beddelkeeda in hiddaha xididka loo siibo waxaa laga qaadaa
saboolnimo aqooneed iyo mid nafsiyadeed. Sidaa darteed marka aynnu u dan lee
nahay barashada iyo ilaalinta hiddaha ma jiraan wax kale oo ay tahay in lagu
qiimeeyaa, waayo waa wax isagu sidiisa qiimi u leh. Dhaqanka Sitaadka ee mar
walba sidan soo socota diintiisa Islaamka uga turjamayaana taageerid iyo xoojin
mooyee nicid ma leh. Wax uu yidhi Sitaadku:
Meel camalkaaga mooyee an cid kale fadhiyin
Meel midigtaada mooyee aan miciin lahayn
Meel qoys la sheegto iyo aan qaraabo jirin
Meel aan geel laga godlayn adhina loo gelayn
Meel geed la hadhsadiyo an gal biyood lahayn
(buugga, 61)
Iyo haddana:
Qalbiga bani-aadan ma qar baa sow ma qoyo
Qabraa lagu riday kuwaan la qosli jiray dorraad
Maxaa Qalbiga bani-aadan qalin lagula meerayaa
Maxaa labadeenna garab gaadhka laga hayaa
FIIRO! Meerisyada maanseed ee aan
halkan ku soo qaatay waan xushay si aan dan ugu la baxo, tifatirkoodana waan
farafareeyay.
Xogta buugga:
Ciwaanka: Sitaad: Is-dareen Gelinta
Diineed ee Dumarka Soomaaliyeed
Qoraaga: Ahmed Ibrahim Awale.
Soosaarid: Liibaan Publishers,
Denmark, Copenhagen
Tirada bog: 117
Sannadka: 2013
Halkan ka raadi:
Ama
http://www.amazon.com/Sitaad-Is-dareen-Gelinta-Diineed-Soomaaliyeed/dp/8799520818#reader_8799520818
No comments:
Post a Comment