W/q Ahmed Ibraahin
Cawaale
(Waa qoraal ku soo
baxay buugga Qaylo dhaan Deegaan - 2010)
Haddii Saacaddu (Maalinta Qiyaame)
ay timaaddo, oo mid idinka mid ahi ku hayo gacantiisa geed-abqaal; oo uu ogsoon
yahay in uu beeri karo inta aanay dhicin ama iman Saacadda Qiyaamuhu, ha beero,
waayo sidaas abaal-marinbaa ugu jirta.”
______
Xadhiith Nabawi ah
Waxa laga hayaa Lucy Larcom oo ahayd gabayaa,
macallimad iyo tafatirad Maraykan ah oo nooleyd qarnigii 1800aad maahmaahdan: “Qofka Geed Beeraa, Rajo ayuu Beeraa”. Maahmaahdan ayaan
is-dul-taagay, waxanaan garwaaqsaday murtida weyn ee ay xambaarsan tahay.
Geed-beeristu qofka waxa ay si maldahan
ugu xidhaa mustaqbal dhow iyo mid dheerba waxaanay tahay wax-qabad
abaal-marin weyn oo la hubo leh.
Xadiith
laga soo weriyey Nebigeenna Suubban (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee - NNKHA) ayaa sidan u dhigan: Ma
jiro mid ka mid ah Rumeeyeyaasha (Mu’miniinta) oo geed beera, ama iniin beera,
oo ay ka dibna (wixii kasoo baxay)
cunaan shimbir, ama qof, ama xayawaan, oo aan falkaas loo aqoonsanaanayn
bixin same-fal (oo abaal-marin weyni ku jirto). {Al-Bukhari, III:513}.
Qofka
geed beeraya waxa uu sidoo kale naftiisa ku beeraa kaad-kaadshiiyo
(samir) iyada oo xilli dheeri u dhexayn karo beeristiisa iyo taabba-galnimadiisa.
Marka uu qof go’aansado inuu geed beero, wuxuu ogsoonaan doonaa inuu
wax-sii-dhigasho (keyd) samaysanaayo, taasoo la barbar dhigi karo adoogyadu
(waalidiintu) danta ay ka leeyihiin caruurtooda yaryar: Dantaas oo ah inay
tabantaabo iyo daryeel ubadkooda ka helaan marka ay duqoobaan. Adoogyadu,
markaa, waxay hubiyaan ama sugitaan ku sameeyaan in ay daboolaan (ku fillaadaan)
baahiyaha jidheed, nafeed iyo tan ruuxeed ee ubadkooda.
Sidii
ilme (wiil ama gabadh) wanaagsan oo kale, geedkuna marnaba ma noqdo
abaal-ka-dare (abaal-laawe). Tani waxay i xasuusinaysaa hadal uu igu yidhi oday
bar-laawe ah oo kasoo bara-kacay dhulka webiyada koonfurta Soomaaliya – kaas oo
aan Hargeysa kula kulmay. Waxa soo bara-kiciyey
oo beertiisii ka soo eryey dagaallada sokeeye. Wuxuu yidhi: “Geed cambe ah oo
50 gu’ jiray ayaan anigu cid walba kaga kalsoonaa ka hor intaan la iga soo
mijo-xaabin meeshaas. Haddii aad ilmo koriso, laga yaabaa inuu kaa dhaqaajiyo
(kaa tago), balse geedka cambe lafka ah ee aad beertaa wuu kula joogi. Waan
hoos jiifsan jiray, oo sugi jiri ama dhowri jiray midhihiisa igu soo dul dhaca
oon tiigsan jiray, cunina jiray”.
Waa
sidaas e ! beerista geed waxay u dhigantaa yidhidiido la beeraayo oo kale.
Xilligii 1991-kii, aniga oo kasoo laabtay xero-qaxooti ku taal bariga Itoobiya,
magaalada Hargeysa oo ahayd meel dagaalkii si xun u burburiyey, waxaad
moodaysay inay quruumo aan la arkayni degganaayeen. Marka aad eegto guryaha
burbursan, ee daaqada, irridaha iyo dedka la’ waxaad moodaysay sidii gashaanti
la qaawiyey, la bah-dilay lana kufsaday. Waxaan dhex socon jiray dhismeyaasha
burbursan anigoo xambaarsan wadne tiiraaneysan. Deeto maalin maalmaha ka mid
ah, sidii aan u socday, ayuun baan isha
ku dhuftay geed-ubaxeedka loo yaqaanno boungavillea
oo si qab-weyni ku jirto ka dhex muuqda guri burbursan. Ubaxiisii guduudka
ahaa wuxuu iila muuqday inuu la
jaan-qaadsan yahay dilkii iyo dhiig-baxii ballaadhnaa ee magaalada ka dhacay. Farriinta uu geed-ubaxeedkaasi gudbinaayay waxay ahayd
mid cad oo la garan ogyahay. Wuxuu ahaa muuqaal maanka ii dejiyey oo baroor
diiq xambaarsan, maalintaas oo dhanna waxa i gashay firfircooni iyo yididiilo hore leh. Waayaha adag waxa daba cidhbin doona fudeyd. “ Inna macal cusri yusran”[1].
Hargeysa iyo dadkeeduba wey guuleysan! Laga bilaabo maalintaas aniga iyo
geed-ubaxeedka boungavillea xidhiidh soke
ama hoose, oo aanan erayo ku sharraxi karin, ayaa na dhex maray.
Gebogebo: Waxaan ammaan u hayaa
bulshada magaalada Gebilay oo dhir-beerista micne kale u sameeyey. Waxa la
sheegaa in lammaanihii kasta ee Gebilay isku guursadaaba ay iskood isu diraan
in ay geed ku beeraan jidka u dhexeeya Gebilay iyo Arabsiyo. Sidaas daraadeedna
waxa ay sugeen (xaqiijiyeen) xidhiidhka ka dhexeeya dhir-beerista iyo
ubad-beerista.
No comments:
Post a Comment