Qalinkii:
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Goortu waa casar, goobtuna waa gudaha Masaajid ku yaal Hargeysa. Dad
tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay ayaa heegan u ahaa in ay faralka
gutaan. Waxa dhinacayga midig ku tukanaayay
oday da’ ah oo maryo cascas oo sunuftii abaartii naahuurada ahayd ee jiilaalku
sankayga daandaansanayso. Waxay ahayd sunuf aan ka dhalan fayo-dhowr xumo iyo
basarinnimo la mid ah ta lagu arko reer-magaalka badhkood, bal se ka dhalatay
cidhiidhiga joogtada ah ee dareeraha nolosha (biyaha) ee ka jirta dhulka Hawdka.
Waa la salaamo-naqsaday, dadka
badankoodiina waa ay oogsadeen sidii ardey dugsi-Qur’aan oo hor-joogahoodi
(kabiirkoodi) ugu tiraabay “fantashiruu!”
{kala dareera !}; ka dibna mid wal oo
dadkii ka mid ahaa dhinaca irridaha ayuu ula hulleelay jaamahiisii
(kabahiisii).
Soddon gu’ ka hor, qof kasta oo
Hargeysa ku noolaa, muuqaalkaasi ma uu u
ahaadeen mid la soo dhawaysto, foolasha (wejiyada) dadkana waxa uu ku sunti
lahaa af-kala-qaad iyo giirasho. Ha yeeshee, aniga oo meeshii cabbaar ku sii
negaa, ayaa odaygii, isagoo amankaagsan uu weydiin iila holladay:
Kuye: “Adeer durraamashadii
(ducadii) miyaa la iska daayey?”
Aan idhi: “Oo adeer xagee ayaad ka
timid, miyaanad magaalka joogin?”
Odaygi waxa uu ii sheegay in
socdaalkiisani ahaa kii ugu horreeyey ee uu weligii Hargeysa ugu soo kicitimo,
si uu u booqdo Cisbitaalka Manhal, si indhaha loogu fiiqo. Intii aannu
(labadayadu) ku gudo jirnay is-dhaafsiga labadaas waydiinood, waxa uu odaygu
kor u hayay labadiisa baabaco. Waxana uu u eekaa sidii qof tebaya wax uu yiqiinnay, oo mar weheshi, mar
waano, marna ruux-korin u ahaa. Waxa kalena ma ay ahayn e, waa DUCO-WADAREED uu
tan iyo yaraantiisii madal kasta oo arrin lagu maaraynayo, mayd korkii, mawlaxooyin
iyo mag la go’aaminayo iyo Masjid kasta gudihiisa ka maqli jiray, midhaheeda sida maanshaallida u macaanna u
raaricin jiary maankiisa, ka dibna laga dareemi jiray korkiisa iyo kalkiisa raad
muuqan kara. Waxa kale oo uu xasuustay
marka uu wadaadku ducada marinaayo (siiba Af-Soomaali) oo la arki jiray
dhegaysteyaasha oo dhadhansanaaya erayyada la suugaaneeyey (loo dhigay qaab
suugaaneed) – taasoo dhalisa in maankooduna u socdaalo isla markaana mayracado kolba kobta ugbaadsan ee uu wadaadku u
tallaabsho. Haddaba, wax kale iyo kuma garatid e, saansaanka ka muuqday odaygaas,
waxa uu u dhignaa sidii wadaad u soo hoyday reer, oo si gobannimo leh loogu loogay neef shilis, aane se maraqii loo
raacin!
Isla goobtii aan fadhiyay, hadalkii
odaygu waxa uu igu xambaaray in aan isha mariyo Masaajidka gudahiisa, iskuna
howlo (si daandaansi ku jiro), bal inaan ogaado inta qof ee iskood u
ducaysanaysa – anigoo tilmaame ka dhiganaya gacmaha kor loo taagayo. Waxana aan
dhaafin waayey tirada dadka qacmaha kor u haya (ducaysanaya) shan qof oo
keliya!
In la xooro duco-wadareedka
salaadaha lagu daba cidhbin jiray waxa ay la kowsatay intii uu bilaabmay fufka
dhaqdhaqaayada cusub ee Islaamiga ahi, isla markaana ay ka hana-qaadeen carriga
Soomaaliyeed. Waxana hab-dhaqankaas (duco-wadareedka) lagu suntay in uu yahay
wax diinta lagu soo daray (bidco). Bulshada Soomaaliyeedna waa ay hoggaansantay
– taas oo ay culimada dambe ku xoojiyeen dooddoodii in ducada keli-kelida ahi
ka dheerad (fadli) badan tahay midda wadareed – maxaa yeelay: halka uu Imaamku
keligii ka ducaynayo, ayaa qof kasta oo ka mid ah jamacu uu naftiisa iyo
ummadda Muslimka ahba u ducaynayaa.
Waa arrin wanaagsan haddii taas la
helaayo. Ha yeeshee arrinka ii muuqday
kama uu duwanayn “wax tarso, wax beel
ayey keentaa.” Horrayso iyo dambayso, ma aanan u dhaadhicin quluubta dadka,
bal se haddii aan ku tago in gacmo-fidintu tilmaame u tahay durraamashada
(ducada) waxa muuqata in ducadii laga dayriyay Masaajiddada gudahooda. Intii
odaygaasi arrinkaas igu baraarujiyayna waxa aan naftayda ugu sheekeeyaa “Aar malaa Soomali meel kale loogama iman e,
AYNU DUCAYSANNO”.
Duco-wadareedka salaadaha faralka ah
ka dambeeya, waa mid culimada Islaamku isku maan-dhaafsan yihiin. Haddiiba se
aan la samayn jirin xilligii Nebi Maxammed (NNKHA) iyo afartii Khulafaa-u-raashidiin, oo keli-keli
dadku u ducaysan jireen, ma laga yaabaa in duco-wadareed loo soo kordhiyey qaab
dadaal (ijtihaad) ay sameeyeen culimadii hore, ka dib markii ay dhacday tan aynnu
ka sheekaynayno oo kale!
Arrinkani waxa uu iila muuqdaa mid u
baahan wax-qabad. Maxaa se la gudboon culimadadeenna:
·
Ma xasuusin joogto ah, oo la mid ah “fadlan moobillada damiya” iyo “kabaha ilaashada” ayey ku daba cidhbin
doonaan“ducadana ha illoobina?”
·
Mise waxa ay dhiirri-gelin doonaan duco-wadareedkii
in loo noqdo, oo mudan in marka horeba la is-waydiiyo waxa keenay in la
laasimo?
No comments:
Post a Comment