Waxa
Afsoomaali u rogay: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Hordhac
Waa sheeko dareenka qofka taabanaysa oo xambaarsan geesinimo, naf-hur iyo yididiilo, kuna soo gebageboobeysa tiiraanyo. Sheekadan soo socota oo aan Afsoomaali u rogay waxa ay ku dhex jirtay buug magaciisa la yidhaahdo The Horn of Africa oo uu qoray 1959kii nin u dhashay dalka Denmark oo la odhon jiray John Buchholzer. Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay xarun uu aasaasay dhakhtar Talyaani ahaa hilaaddii 1925kii oo uu adeeg, daryeel iyo daaweynba ugu fidin jiray dadka juudaanka qabay meel jasiirad ah oo la yidhahdo Labada, Talyaaniguna u bixiyay Alexandra, oo ku taalla webiga Jubba ee koonfurta Soomaaliya, meel u dhow magaalada Jilib. Guudahaan, waxa laga baran karaa cudurka juudaanka oo ay Soomaalidu cabsi badan ka qabto faafitaankiisa iyo saamayntiiisa, halhaysna u lahaan jireen in meesha lagu arko cudurkan faras uun lagaga baxsan karo; iyo sidoo kale in ay carruurta dilaan oo beerkooda cunaan, si ay bogsiin uga dayaan. Sidoo kale waxa aynnu ogaan doonnaa takoorka iyo deyrinta ay u ban dhigmaan dadka uu haleelo xanuunkani. Waxa se xusid mudan in hadda uu yahay cudur laga bogsan karo. Ammintii ka dambaysay madax-bannaanidii Soomaaliya waxa daryeelka iyo daaweynta dadka juudaanka qaba ee jasiiradda ku noolaa gacanta ku sii hayn jiray dawladihii kala dambeeyay, se waxa dadaalkaas kala daadiyay dagaalladii sokeeye ee gobolkaas ka qarxay 1991kii.
Waa sheeko dareenka qofka taabanaysa oo xambaarsan geesinimo, naf-hur iyo yididiilo, kuna soo gebageboobeysa tiiraanyo. Sheekadan soo socota oo aan Afsoomaali u rogay waxa ay ku dhex jirtay buug magaciisa la yidhaahdo The Horn of Africa oo uu qoray 1959kii nin u dhashay dalka Denmark oo la odhon jiray John Buchholzer. Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay xarun uu aasaasay dhakhtar Talyaani ahaa hilaaddii 1925kii oo uu adeeg, daryeel iyo daaweynba ugu fidin jiray dadka juudaanka qabay meel jasiirad ah oo la yidhahdo Labada, Talyaaniguna u bixiyay Alexandra, oo ku taalla webiga Jubba ee koonfurta Soomaaliya, meel u dhow magaalada Jilib. Guudahaan, waxa laga baran karaa cudurka juudaanka oo ay Soomaalidu cabsi badan ka qabto faafitaankiisa iyo saamayntiiisa, halhaysna u lahaan jireen in meesha lagu arko cudurkan faras uun lagaga baxsan karo; iyo sidoo kale in ay carruurta dilaan oo beerkooda cunaan, si ay bogsiin uga dayaan. Sidoo kale waxa aynnu ogaan doonnaa takoorka iyo deyrinta ay u ban dhigmaan dadka uu haleelo xanuunkani. Waxa se xusid mudan in hadda uu yahay cudur laga bogsan karo. Ammintii ka dambaysay madax-bannaanidii Soomaaliya waxa daryeelka iyo daaweynta dadka juudaanka qaba ee jasiiradda ku noolaa gacanta ku sii hayn jiray dawladihii kala dambeeyay, se waxa dadaalkaas kala daadiyay dagaalladii sokeeye ee gobolkaas ka qarxay 1991kii.
Sidan ayaa
uu qoraalku u bilaabmay:
Goobtu waa
dhulyaraha (jasiiradda) Alexandra, oo ku dhex taal webiga Jubba, ahna meesha
dadka cudurka juudaanka qaba la iskaga karantiimeeyo. Halkaas waxa
ka dhisan taallo dhagax ka samaysan oo uu dhinac kaga xardhan yahay magaca
VITTORIO BIANCHI, dhinaca kalena isla magacaas oo ku qoran Afcarabeed.
Ninkii
juudaanka qabay ee dhinacayga taagnaa ayaa araggayga ku jeediyay taalladii,
afkiisiina wax kaga dhawaaqay, ha yeeshee Xasan (oo ii hal tebin lahaa
hadalkiisa) muu ka helin wax hadal ah oo ulajeeddo samayn kara oo ka soo baxa
afkii ninka uu cudurku sida daran u doorsoomiyay. Bushimihiisi (debnihi)
waa ay madheen, waxana ay ilkihiisi u muuqdeen sidii qalfoof uu ka dhammaaday
hilibki iyo seedihiba. Markii uu isku deyay in uu hadlo, waxa ay
indhahaygu ku dhegeen carrabkiisii oo gaabtay oo cunahiisa ka dhex
dhaqdhaqaaqaya, iskuna deyaya in uu sameeyo dhawaaqyo la garan karo (fahmi
karo). Sankiisii waa idlaaday, waxana keliya ee muuqdaa waa dulal lagu
masayn karo sidii god fulcaano beri hore ka qarxay oo dhagaxii milmay ee
uu soo tufay ku engegay hareerihiisa. Dhegahiisiina badhbaa cunmay;
wixii ka hadhayna kor ayay u urureen sidii oo ay rabaan in aysan doonaynin in
ay isu dhiibaan cidhib tirnaan dhammaystirin. Inta ka soo hadhay
foolkiisa - haddiiba lagu sheegi karo weji – waxa uu ahaa burooyin iyo
turunbuuqooyin (meel taagan iyo meel godan). Addimadiisa iyo qaybaha kale
ee jidhkiisa ee aan ku qarsoomin maryaha calalka ah ee uu gashanaa, waxa
daboolay boogo midabkoodu furan yahay. Labadii suul waa maqan yihiin,
labada cagoodna mid ayaa gaabtay, inteeda hore oo dhammina waa cunmatay, waxa
keli ah ee ka soo hadhayna waxa qummudkii lugta ee ay cidhibtu ku
taagnayd. Farihii gacmuhu iyana waa gaagaabteen, waxana ay u
ekaadeen burooyin. Markii ay suutogal noqon weyday in uu wax na dhacsiiyo
(fahansiiyo), ayuu dhinac kale u sii hoonbiyay isaga oo cuskanaya ul uu ku
tukubayay. Isaga oo ku sii libdhaya mid ka mid mutulleyaashii ka dhisnaa
meesha, ayaa waxa aan xasuustay sharcigii dadka juudaanka qaba lagula dhaqmi
jiray ee kitaabka Axdigii Hore ku dhigan:
“And the leper in whom the plague is,
his clothes shall be rent, and his head bare, and he shall put a covering upon
his upper lip, and shall cry, Unclean, unclean.”
“Sidoo kale juudaan qabaha uu haleelay alhuumadani,
waa in uu dharkiisu jeexjeexnaado, madaxiisuna uu muldhisnaado, bushimihiisuna
daboolnaadaan, goor walbana ku qayliyo (inuu yahay) Sadho, sadho!”
Xasan ayaa
iga codsaday in aannu meesha si dhaqso ah uga tagno. Waxyaabo badan
buu u soo adkaystay oo uu ila soo maray aawaday, ha yeeshee tani waa
meel-joogsigii ugu darnaa ee aan geliyo isaga. “Waa aynnu cudurka ku sadhoobi
karnaa” ayuu i yidhi. Ha yeeshee ma uu garwaaqsanayn isagu halista aan u
badheedhay, isagu se ma uu rabin in uu noqdo juudaan-qabe.
Waxa aan
isku deyay in aan u laab qaboojiyo oo u sheego in fursadda aan ku sadhoobi
karnaa ay yar tahay kol haddii ama inta aanaan taabanin qof cudurka qaba.
Intii aannu wada soconnay carriga Soomaalida waa aannu soo aragnay dad qaba
cudurka. Waxa aan xasuusiyay mid nin ahaa oo jid barbarkii wadhnaa, goob
tuulo bannaanka uga baxsan, isla markaana tuugsanayay. Waxa uu heystay
xeedho yar oo barbarkiisa taalla oo dadka jidka marayaa gambooyin lacag ah ugu
tuuraan. Meel durugsan marka laga jeedaaliyo, lama kala garanaynin in uu
nool yahay iyo in uu fiddigay (dhintay). Se marka uu jabaq ama
jaanta maqlo, waxa uu kor u yara
qaadayay madaxiisii, si uu farriin sheegaysa in uu nool yahay u gudbiyo, oo uu isla
markaana qabo baahi la mid ah midda ay dadka kale lee yihiin. Waa uu
maqli karayay marka uu qof soo ag maro, se muu wax arki karayn, maxaa yeelay
juudaankii ayaa indha beel qaadsiiyay. Keliya waxa ka hadhay ninkaasi ama
lagu masayn karayay waxa uu ahaa sidii nabar weyn oo bannafaya (uraya), oo
malaxi dhaamisay, finanna ka kor taagan yihiin sidii jasiirado badweyn ku yaal,
duqsi iyo dirxina si hunguri weynaani ku jirto u haanfiirayaan ‘hilbihiisa’.
Wax kale iyo kuma garatid e, waxa uu ahaa hilbo aan noolayn, haddana
neefsanaya.
Xasan waa uu
xasuustay ninkaas, ha yeeshee meeshan ay haatan joogaan iyo goobtii uu
ninkaas ku arkay waxa ay isu ahaayeen kala haab. Waa kala duwan
tahay nin keliya oo meel cidla’ yaalla iyo degaan dhan oo juudaan-qabeyaal ah.
Ka hore, waa aad hareer mari kartaa, ha yeeshee halkan, meesha ay
jaanta dhigaanba waxa uu Xasan u maleeyay in uu ahaa dhul sadhaysan, waxana uu
is dareensiiyay in jaamihiisu jeermiska soo qaadanayaan.
Waxa aan
Xasan u sheegay in uu u dhaqmayo sida dumarka; taasina waxa ay ahayd is-barbardhig
aysan ragga Soomaaliyeed aaney qaadanin ama ka dhiidhiyaan, maxaa yeelay,
Soomaalida dhexdeeda dumarka hoos baa loo dhigaa. Ka dib (markii uu wax
iga garawsanwaayay) waxa aan ku idhi: “Dareygaaga iska xul!” (Qoraagu
waxa uu adeegsaday: Go to hell), waxana aan u sheegay in aan arrimahayga iskay
u maamulan karo (la’aantii). Se waa iga tegi waayay, oo waa i daba
galay isaga oo aanu ka madhnayn werwerkii uu cudurka ka qabay, isla
markaana si anfariisan u fiirfiirinayay degaankan lagu go’doomiyay juudaan
qabeyaasha.
Dhul yar oo
ka mid ah jasiiradda ayaa beernaa. Juudaan-qabeyaashuna waxa ay ahaayeen
qaar wax la soo baxa (in kasta oo ay ku tiirsanaayeen gacan
dibadeed). Waxa la siin jiray meseggo/hadhuudh lacag la’aan ah oo
ay dumarku tumi jireen, oo inta bur (daqiiq) lagu daro, sida boorashka loo
diyaarin jiray. Baahidooda kale ee cunno waxa ay kala soo bixi jireen
beeraha. Kuwooda caafimaad ahaan ka roon kuwa kale ayaa daryeel u
fidiya kuwa liita. Waa is guursadaan oo waxa ay isu dhalaan ubad
caafimaad qabta. Ha yeeshee ma dheera marka ay carruurtuna cudurka ku
sadhoobaan. Tuulada waxa gacanta ku hayna nin Wadaad ah oo isaguna
xilliyo hore cudurka qaaday, se iminka ka bogsaday. Wuu se diiday in uu
ka tago meesha, waxana uu ugu negaaday si uu u taakuleeyo bulshada
juudaan-qabeyaasha ah oo isaga aad u weyneeya, ugana dambeeya sidii boqorkoodii
oo kale.
Carruurta,
qaar ka mid ah oo uu cudurku si daran u hayay, ayaa markii ay na arkeen naga
cararay cabsi aawadeed. Waaweynkina waa is qarinayeen – iyaga oo digniino
isu gudbinaya. Dumarkina waa ay daadiyeen wixii ay sideen, ama faraha
ayay ka qaadeen wixii ay qabanayeen iyaga oo ku socda qummudyadii cagahooda,
una sii heetinaya dhankii buulashooda. Mar labaad waxa aan u
dhaqaaqay dhinacii taalladu ka dhisnayd. Nin wejigiisu u ekaaday sida ka
libaaxa (waa astaan lagu yaqaan dadka juudaanka qaba e) ayaa ii soo dhawaaday
oo i hor galay.
“Waan
aqaannay Vittorio Bianchi” ayuu yidhi. “Waxa aan ahaa wiil yar markii aan
halkan nimid aniga iyo hooyaday. Waxa aannu ka gacan siinnay in aannu
dhisno buulashii ugu horreeyay. Xilligaasi waxa uu ahaa afartan gu’ ka
hor, sida aan filayo. Dakhatar Bianchi ayaa naga soo ururiyay meel
walba: Tuugsadeyaal baannu ahayn isaga dab qaada tuulo ilaa tuulo, oo
hoygoodu yahay uun jaakada iyo duurka cidla’da ah; jasiiraddan baanu ku soo
hirannay. Halkan waxa aannu ka helnay cunto, cid naga caydhsataana ma
jirto – sidii aabbahay aniga iyo hooyaday nooga caydhiyay tuuladayadii.
Waxaannu soconnaba halkan baa qof noogu sheegay in aannu ku noolaan
karno. Bianchi ayaa nabarradayadii saxar tiray (nadiifiyay) oo
dhayay. Ma ay jirin cid kale oo isaga gacan siisaa. Waxa ay
ahayd uun xilli dambe, iyo si tartiib tartiib ah in intayadii faraha
qabtay barannay dhayitaanka nabarrada. In kasta oo aan anigu
xilligaa wiil yar ahaa, haddana waxa aan bilowgiiba bartay sida nabarrada
loo saxar tiro, loona dhayo. Maxaa yeelay xilligaas faraha ayaan qabay,
dareenna waa lahaayeen. Waa dareenka waxa marka ugu horraysa aad
waayeysaa, ka dibna faraha. Kuweygina beri hore ayay
galbadeen.” Gacantiisiibuu i tusay. Ma ayna lahayn wax faro ah.
Dhakhtarka
Talyaaniga ahi waxa uu ka iman jiray cisbitaal yar oo ku yaal webiga
dhinaciisa. Arooryo kastana, isaga iyo laba kalkaaliye caafimaad oo rag
Soomaali ah ayaa soo raaci jiray si ay jasiiraddu ugu soo tallaabaan, dhaymo
iyo duritaan (irbado) u fidiyaan bukaanka juudaan-qabeyaasha ah.
Ninki isaga
oo dhakhtarkii Talyaaniga ahaa ka sheekaynaya waxa uu yidhi:
“Vittorio
Bianchi waxa uu sameeyay wax kasta oo loo qaban karo dad juudaan qaba waayadaas
hore - in kasta oo ayba iska yaraayeen. Ha yeeshee waxa uu garwaaqsanaa
in ay tahay lagama maarmaan in dadkan la dar yeelo, haddii se uu ku guulaysan
waayo in ay bogsadaan, in uu ugu yaraan u fidiyo hoy iyo meel ay ku nabad
galaan oo ah jasiiraddan. Halkan gaajo kama ay baqanayn, waxana uu dhayi
jiray nabarradooda, waxa kale oo uu ku abdo weynaa (rajo weynaa) in ay maalin
uun bogsoomi doonaan. Waxa uu tijaabiyay farsamo iyo daaweyn kasta.
Ha yeeshee ajashiisa ayaan sidaas u sii dheeraan – afar gu’ oo keliya
ayuu sii noolaa. Xitaa umuu sii joogin in uu arko tallaabooyinkii
yaryaraa ee uu qaaday guulihii ka dhashay – siiba horumarka laga sameeyay
adeegsiga saliidda hydrocarbus (hydrocarbus oil). Saliiddan,
oo dhakhaatiirta la tacaasha cudurka juudaanka oo dhammi ay kalsoonidooda
geliyeen, ma ay ahayn mid keenta bogsiin dhammaystiran, ha yeeshee waxa ay
yaraysaa kaarka, waxana ay engejisaa nabarrada. Waxana ay ku fillayd in
ay sii noolayso ama joogtayso abdada (rajada) ah in mar uun daaweyn
dhammaystiran loo heli karo cudurka juudaanka. Ha yeeshee waxa ay ahayd
uun markii la soo saaray isku-dhis dawooyinka Sulfooyinka (Sulpha compounds) in
la helo hub wax ku ool ah oo lagula dagaallamo cudurka.
“Cabdiga
halkan taagan ayaa si ka fiican sidayda wax uga sheegi kara sidii
nololshii Dhakhtar Bianchi ku soo gebagebowday. Cabdi, ilaa yaraantiisii,
waxa uu ahaa gacanyarihiisii aadka daacadda ugu ahaa uguna dhadhawaa.
Cabdi waxa uu bukaanka dhayi jiray ilaa ay farihiisi gaagaabteen
oo gamuurmeen. Ha yeeshee waxa aan ogahay in Cabdi uusan jeclayn in uu ka
hadlo dhimashadii Bianchi. Waxa uu weli u arkaa in ay ahayd dhacdo xanuun
badan. Bianchi waxa uu isaga u ahaa wax ka badan aabbe oo kale..
“Runti,
sheeko dheer ma aha. Dhakhtar Bianchi waxa uu ku sadhoobay
cudurkii; waxa uu noqday juudaan-qabe, xasuusqorkiisuna waxa uu wax ka
taabanayaa niyadjabkii la soo dersay ka dib markii uu baag (nabar) ku arkay
lugtiisii. Waxa uu sii joogteeyay shaqadii u adeegidda juudaanqabeyaasha ammin ku siman hal gu’ oo ay
nabarradii ku sii fideen lugtiisii oo dhan. Markaas, isaga oo soddon gu’ keliya jiray, waxa uu arkay isaga oo ku sii siqaya hooggiisii.
In aad aragto qof jidhkiisii caafimaadka qabay si tartiib tartiib ah u
luminaya dareenkii, qaabkiisina doorsoonmayo; in aad aragto nabarradii oo
fidaya oo burburinaya jidhkii; arrimahaas dhammaan waa wax abuuri kara
cabsi lala miyir doorsoomi karo. Juudaanku dadka kuma dilo hal gu’ ama
laba. Waxa ay qaadataa dhowr gu’ in juudaan-qabuhu si qunyar qunyar ah u
dhinto. Dhakhtar Bianchi toogasho ayuu isku dilay, waxana uu ahaa Cabdi
ninka markii ugu horraysay helay isaga oo naftiisii halleeyay.”
Ixsaankiisii ayaa dilay!
ReplyDeleteillaahii lahaa ayaa diley
ReplyDeleteGood Ustaad Axmed I. Cawaale
ReplyDelete