Friday, 24 April 2015

Dharaarahaygii Istanbuul iyo Arrimaha Islaamka

Waxa qoray: Axmed Ibraahin Cawaale, aiawaleh@gmail.com

Waxa aan ku tukanayay salaaddii Jimce fagaare dibadeed oo qayb ka ah Masjid Ayuub, oo loogu magac daray saxaabigii Abu Ayuub al-Ansari (Eebbe ha ka raalli noqdee), oo ku yaal magaalada Istanbuul.  Goobtaas fagaaraha ah, xilliga aan lagu tukanaynin, waa meel loo soo nasasho iyo dalxiis tago, iyada oo ay aabbeyaal, hooyooyin, dhallinyaro, carruuur iyo dalxiiseyaal ka kala yimid dacallada dunida ay dhinac walba isu dhaafaan.    Waxa  kale oo aad arki kartaa qaar badan oo iyaga ka mid ah  oo salalkooda dhigay dhulka  marmarka lagu qurxiyay, oo cuwaaf (snack) ku cunaya, dhegahoodana ay ku soo dhacayaan dhawaaqo iyo jabaqyo ka kasoo baxaya  biyoburqatooyinka (fountains) habdhaca biyahoodu goor goor isugu rogayaan talleejin kala duduwan,  iyo weliba maqalka cida shimbiraha  iyo ciyaarta carruurta.   Mararka qaarna  eedaanka salaadaha ayaa dhex taal qurux badan u ahaa dhawaaqyadaas isku dhafan.  Waxa kale oo aad arkaysay  dadka oo kooxkoox iyo keli keli u gelaya dhismaha Masaajidka guunka ah ee la dhisay lix qarni ka hor oo qaarkood siyaaranayaan oo ama u ducaynayaan ama, sida ay qaarkood rumaysanaayeen, ka barakaysanayaan.    Dalxiiseyaal soo-galowti ah oo badi ka yimid dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Bariga Fog ayaa iyana ku ashqaraarsanaa quruxda dhismahan haybadda iyo ruuxaaniyadda huwan.   
  
Masjid Aya Sofiya - Istanbuul
Masjid Axmed (Blue Mosque) - Istanbuul
Buur yar oo ka dambaysa Maasjidka oo badi geedka dayibka iyo dhir kale oo ay isku bah yihiin ka baxaan waxa ceeryoomiyay xabaalo si fiican loo dhowray oo qarniyo la iskaga daba xabaalayay – kuwaas oo geesxawaalladoodu wax ka sheegayaan magaca,  taariikhaha dhalashada iyo  dhimashada cidda ku duugan.  Sidoo kale, jidad jaranjaraysan iyo baro nasasho ayaa ku dhex yaalla.   Derbiyada wadiiqooyinka waxa ku dhejisan hal-ku-dhegyo qofka xasuusinaya aakhirada, samafalka, dhaqan iyo dad-la-socod wanaagga.   Waxana aad ogaanaysaa in dadka ugu badan ee soo booqda xabaalahani ay yihiin qaar da’da hore ugu maray – sidayda oo kale.   Waxana uu muuqaalkaasi i xasuusiyay sidii adhi kallahii arooryo daaq tegay oo ku soo laabtay xeradiisii xilli ay cadceeddu liiqa sii dhigayso.  Waana iska caddahay xidhiidhka ka dhexeeyay tusaalaha cadceed-dhaca iyo gabowga waayeelka.
Buur wada xabaaalo ah oo ka sarraysa Masjid Ayuub, Istanbuul
Waxa ay dadki isu diyaarinayeen salaaddii Jimce, waxanna aan door biday in aan ku tukado fagaaraha bannaan ee Masjidka.   Waxa aan weliba ayaan (nasiib) u helay in aan dhinaca hore meel ka helo.  Meel ii jirta hilaaddii shan tallaabo, oo kasoo horjeedkayga ah waxa fadhiyay dad tiro door ah oo dalxiiseyaal reer Yurub u badan.   Waxa ay sugayeen in ay dalxiiskooda sii wataan marka salaaddu dhammaato oo Masaajidka qaarkood galaan qaybtiisa loo oggolyahay in ay dadku kabaha la geli karaan.   Intii qudbadda uu akhriyay wadaadki iyo  ka dib intii salaadda aannu ku gudo jirnayba waxa ay indhahaygu ku urursanaayeen laba ka mid ah dadkii hortayada fadhiyay, oo ahaa nin iyo gabadh.   Ninku waxa uu gashan yahay garan gacmo leh (T-shirt) oo uu laabta kaga aslan yahay calankii dalka Jarmalku.   Waxa si gaar ah ii soo jiitay sida ay  indhahooda ula raacayeen dadkii tukanayay iyaga oo aamusan, mararka qaarna si xanshashaq leh wax isugu sheegayeen.  Waxa falaaddooda iiga dhex baxay in joogitaankoodu muujin karo wax ka weyn in ay iskaga nasanayaan goobta ilaa laga gaadhayo dhammaadka salaadda.  Waxa aan is idhi  waxa ay buuxin u rabaan madhnaan ruuxi ah,  waxana ay sahan ugu jiraan in ay Islaamka wax ka ogaadaan. 
Salaaddii baa dhammaatay.  Waa la kaakacay, xaggoodiina waan u dhaqaaqay aniga oo nabdaadinaya.    Ereyo koobkooban baannu is-weydaarsannay, waxana ay ii sheegeen sidii aan malaysanayay  in ay ku jireen sahan ruuxi ah oo ay hore u soo dhugteen ama soo tijaabiyeen diimo kale, se ku xasili waayeen.    Intii aan soo dhoweyn karayay waan soo dhaweeyay,  si koobanna waan ugaga warramay meesha aan ka imid iyo waayaheeda – mid Islaamnimo iyo mid kaleba.   Waa is nabadgelyaynnay.
Waxa igu soo dhacay bal haddii dhacdadaas oo kale ka jiri lahayd Hargeysa – taas oo meesha aad ku tukanayso meel aan ka fogayn ku soo hor kuududaan dad aan Muslim ahayni, maxaa toloow dhici lahaa?  Arrinku male ma laha.  Waa la caydhsan lahaa, lagu oorin lahaa,  laguna dhawaaqi lahaa odhaaho ay ka mid yihiin “Maxaa inna ag dhigay nijaastan balagta leh!”
Maalin kale ayaan booqasho iyo dalxiis ku tegay Masjidka Suldaan Axmed (The Blue Mosque) oo ka mid ah dhismeyaasha ugu yaabka iyo quruxda badan ee caalamka Islaamka oo isu celcelin maalin walba ay booqdaan tiro dad ah oo dhan 3,300 oo qof.   In badan oo ka mid ah dadka booqda masaajidkaasi waa gaalo.   Goortii yarayd ee aan ku negaa gudaha Masaajidka waxa aan arkay xagal ka mid ah dhismaha oo ay ku qoran tahay “xogsiinta dadka danaynaya Islaamka” oo lagu siinayo xogo Islaamka ku saabsan.    Ugu yaraan 31 qof oo ardaagaas yar dhex fadhiyay 25 ka mid ah ayaa dumar ahaa.   Taas oo tilmaan u ah sida uu Islaamku u soo jiidasho badan yahay dumarka – haba jiraan waxsheeg  gurracan oo reer Galbeedku ka fidiyaan Islaamku in uu cadaadiyo dumarka e.
Intii aan Masaajidkaas dhex socsocday, waxa aan la kulmay tiroba 5 qof oo ii sheegay in ay xilliyo  kala duwan soo Islaameen, dhammaantoodna waxa ay ii raaciyeen in Islaamnimadoodu ay ka dhalatay booqashada dalka Turkiga iyo dhismeyaasha Islaamka ee taariikhiga ah.   Waxa kale oo ay sheegeen in saamaynta uu socdaalkoodii ugu horreeyay kaga tegay laabahooda uu ku xambaaray in ay baadhitaan iyo barasho Islaamka ku saabsan sameeyaan.
Haddaba, mar kale, waxa i soo hor maray  is-barbardhig saansaanka meeshaas ka jiray iyo kii dhulkii aan ka imid.   Waxa aan is-weyddiiyay:  Horta intee gaalo ah ayaa dalkeenna ku Islaamay?   Ereycelinta waxa aan ka badin waayay  in badi caddaanka islaamka qaata ee dhulkeenna ay ka dhalato doonista guursi gabadho Soomaaliyeed,  si  la mid ahna haddii ay ka soo jeedaan dalalka deriska innala ah ay dhici karto in ay u Islaamaan arrimo dhaqaale! 
Maanta oo uu holoc ka baxayo caalamkii Islaamka, dib-u-dhac badani ka muuqdo, saboolnimo iyo heerka aqooneed oo aad u hooseeya, waxa aan mar kale is-weyddiiyay dalkan (Turkiga) oo meel mariyay tallaabooyin wax ku ool ah oo horumar dhinac kasta ah, isla markaana noqday dal ay majeertaan dadyow badan iyo dalal badan oo Islaam ahi,  miyaanu ahayn kii la innoo bahalo gelin jiray qaabka ay madaxdoodi wax u wadeen?
Caalamka Islaamka dhammaantii,  tijaabo kasta oo ay bilaabeen dhaqdhaqaayadii Islaamka ee u tafaxaytay dib-u-cusboonaysiinta Islaamku – in kasta oo ay midhadhal iyo horumar dhinacyo ka sameeyeen, tiiyoo ay weliba hagardaamooyin dibadeed u weheliyeen – haddana   burbur iyo jahowareer dhaliyay in ay sii kala dhambalmaan ayaanay ka dhammaanin.    La-yaabna ma laha in Ikhwaan al Muslimuunka dalka Masar ay  sheegeen in ay jecelyihiin in ay waayo-aragnimada Turkiga wax ka bartaan iyo  Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP).
Mar kale, iyada oo dhadhaqaaqyada Islaamka qaarkood ay qaadeen tallaabooyin ay ku burburinayaan kaydadka taariikheed ee xilliyadii kala duwanaa ee Islaamka iyo ka horba, meelo badan oo dunida Islaamka ka mid ah, waxa tusaalahan Turkigu innoo muujin karaa kaalinta uu hadhaaga ‘thaqaafadeed’ – mid dhaqan iyo mid diineedba – iyo weliba dhismeyaashaasi (ha noqdaan Masjid, mawlac, qudbi ama dhisme kale) ay ku leeyihiin faafinta Islaamka.   Ha yeeshee, aragtida ah “dumi oo seeka kasoo bilow”  waxa uu yahay mid dhex-ka-siib ku samaynaya hodantinnimada xadaaradda Islaamka.    Horaana loo yidhi magac bilaash uma baxo.  Magaca “Al-Qaacida” waxa uu Afsoomaali ku noqonayaa “sees” ama “bar bilow”.

Haddaba, dadkeennu, siiba inta  danaysa meelmarinta ajandaha Islaamku, ma u arki karaan in waayo-aragnimadaas Turkiga wax innoogu jiraan, iyada oo ay innoo muuqato kala daadsanaan aragtiyeed, loona baahan yahay dhiirrasho iyo halabuurnimo innaga gudbisa saansaanka adag ee aynnu ku jirno?  

2 comments:

  1. Aad iyo aad wax badan baynu ka baran karnaa habka Turkigu u maray soo celinta xadaaradii iyo sharafkii Islaamka, iyo weliba kusoo casuumida quruxda badan ee uu diinta Islaamka kusoo casuumayo dadyowga diimaha kale.

    Hase ahaatee hadii aynu inna naawilayno in aynu ku dhaqaaqno habkaas quruxda badan, waxa marka hore ila qurux badan anniga in aan daraasad aad u balaadhan ku sameeno dadkeena, isla markaana ka dhaadhicino habka ugu haboon ee diinteenna iyo dhaqankeena suuban loogu soo bandhigi karo ummadaha kale.

    Mahadsanid Axmed Awale, wadaagista wacan ee aad nala wadaagtay wixii aad kusoo aragtay Turkey.

    ReplyDelete
  2. Ahmed Ibrahim Awale, Alle a la Abaal Mariye, Qormo aad u qimo badan ayaad Bulshadaada usoo bandhigte, Ruun ahaantina Qofka Akhrista Aqoon Dheerad ah ayaaga Kordheysa, Suasha aad Gabagaabada Qormadaada Na weydiiseyna, Waxan Odhaaan kara Jwabteedu waa Haa, Waliba Ayaada oo Aad loo Darso Xadarada IYo Tarikkhda Turkiga ayaa waxbadan inoo kordhin karta Mahadsanid

    ReplyDelete