W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
Fayr waxa weeye nin da’diisa
aan ku hilaadiyey 40 gu’ oo tan iyo yaraantiisii ku naalloonayay fayoqab, Eebbena
(sarree oo korreeye) ku galladsystay dad, duunyo iyo aqoonba. Sidoo kale waxa
weeye nin toosnaan iyo dhowrsoonaan dadku
ku yaqaanaan oo aan badiba shaqadiisa iyo guriga aanay wax uga dhexaynin. Waxa
intaas u dheer oori wanaagsan iyo ubad fiican oo dadka inta aan quudhin inay
yidhaahdaan “Maasha’ Laah” ay masayr
gelin jireen.
Haddaba waxa dhacday goor arooryo ah in uu Fayr la soo toosay
yalaalugo badan iyo daal culus. Fayr
isagoo ahaa qof u dhashay nin-adeyg, ayuu wixii hawl ahayd ee maalintaas u tiillay
u maareeyay si istiillidi ku jirto. Waxa
se toddobaad kadib intaas u raacay madax wareer la mooddo in basada laba loo kala dhambalayo.
Fayr waxa u talo caafimaad ka raadsaday dhakhtarkiisii Faahiye oo uu uga cawday
cabashadiisa jidheed. Fayr, da’da uu joogo iyo inta uu jirayba, hore ugamuu
caban xanuun cabsi geliya, siiba kuwa tartiibtartiib u soo solleysta da’diisa
oo kale iyo wixii ka weyn oo ay ka mid yihiin macaan iyo dhiigkar. Sidaasna
waxa u marag furay dhakhtarkii oo markaas cadaadiska dhiigga ka qaaday,
wadnihiisana dhegaystay, isla markaana u diray shaybaad – kaasoo aan wax jirro
ah muujinin. Ha yeeshee waxoogaa kiniin kaarjebin ah ayuu Faahiye xaashi yar
ugu xarxarriiqay. Dhakhtarku waxa uu nabdigiisa ka rumaysnaa in Fayr “waraabe ka fayoqab roon yahay”. Waraysigiisii
kaddib, dhakhtar Faahiye, waxa uu u arkaayey in xanuunka Fayr aanu ka fogayn culeys
shaqo oo raadeeyay maanka Fayr ka dibna saamayn ku keenay jidhkiisa (psycho-somatic).
Fayr, maalmo kaddib, waxa
uu waxoogaa xanuun ah ka dareemay qanjidh dhegta bidix gadaasheed ku yaal –
kaasoo markii dambe ku faafay qanjidhsarceedka
lugaha iyo kuwa kilinkillooyinka, in kastoo aanay wax barar iyo buurnaan ah
samayn. Halkaas marka uu arrin marayo
ayuu kombiyuutarkiisii dhab-ku-qabadka ahaa (laptop) la kala baxay, isagoo ku
googaalaynaya (googling) ijiinnada
baadigoonka (search engines) erayadan oo la isku daray nafsaddarro + Madaxwareer + qanjoxanuun + daal + seedoxanuun… Waxa meeshii uga soo booday dhowr xanuun oo
uu ku jiro HIV/AIDS! Hayaay! Waxa uu bilaabay inuu miciinsado boggaga
internet-ka ee u adeega dadka sidiisa oo kale shakigu galo ama kuwa uu
xanuunkani haleelo. Waxa kale oo uu ogaaday in xanuunnada qaar (qaar jidheed
iyo qaar maanba) ay abuuraan astaamaha fayraska HIV-ga oo kale ah.
Laga bilaabo ammintaas
ayuu Fayr werwer hor leh bilaabay.
Werwerkaasi waxa uu ku xambaaray in isu qaato (ama isu qabo) inuu ku
sadhoobay fayraska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka. Boqolaal bog ayuu isha mariyay muddo ku siman
45 cisho oo uu ku tilmaamay inay cadaab oo kale ku ahaayeen. Waxa uu arkay
bogag naftiisa yididiilo ama abdo geliya iyo qaar
ku xambaara inuu noloshiisa halleeyo intaba.
Xaggeebuu
kaaga yimid xanuunkani! Ayay ahayd waydiinta ku ligani. Haddaba
mar uu xasuustiisa dib u celiyay toddobaadadii la soo daafay, waxa keliya ee uu
qoonsaday waxay ahayd, habeen uu qoordiid (taaloog) ka samaysanaayey timojare
(rayiisle) oo makiinaddi qadaadka ka sartay, dhiigna ka keentay. Shakigan keenay
xaaladabuurkan sirgacan waxa uu ka qaaday dhacdadaas. Ha yeeshee, markii uu u
kuur galay sida uu u fido xanuunka HIV/AIDS-ku waxa uu ogaaday, in fayrasku
aanu wax aan ka badnayn 30 ilbidhiqsi hawada ku noolaan karin, haddii se ay
makiinaddu wadatay dhiig qoyan (sida xinjir) oo ku sadheysan fayraska, in loo
malayn karo in uu fayrasku u gudbi karo qof kale.
Fayr muddo ayuu male ama
(shaki) awgii ku noolaa saansaan (xaalad) la mid ah ta ay ku nool yihiin dadka xambaarsan
fayraska dhaliya cudurkaas. 48 maalmood ka dib dhacdadii rayiislaha ayuu inta uu
dhiirraday u socdaalay goob caafimaad si uu isu baadho. Cawadiisa e, warcelinti
waxay noqotay: “non-reactive” oo
looga jeedo “dhiiggu ma samayn falcelin
muujin karta inuu sido fayras”.
Waxoogaa yididiilo ah bay Fayr u ahayd, ha yeeshee astaamihii weli waa
ay ka muuqdaan jidhkiisa, qaar kalena waa ay ugu darsameen sida debnoqalleyl
iyo afdholow. Waxaanuu mar kale isu
aqoonsaday inuu qabo cudurkii uu ka baqo qabay, bal se weli uu ku jiro amminta loo yaqaan “window period” oo ku siman ilaa 3
bilood (laga bilaabo marka fayraska HIV-gu galo dhiigga) oo ay dhici karto
inaan dhiigga laga heli karin astaamaha fayraska.
Fayrasku marka uu jidhka
galo, badiba inta u dhexaysa 2 toddobaad ilaa bil ayaa ay astaamahiisu ka
muuqdaan qofka waxaana ka mid ah: xummad,
daal, qaash/finan, madax-wareer, cunexanuun iyo qanjo-barar. Kolkaas ayuu
difaaca jidhku bilaabaa iskacaabbi, run ahaantiina iskacaabbiga jidhku
bilow-ahaan wuu muquuniyaa fayraska, hase yeeshee fayraska oo xeelad iyo
dhabbacasho badan ayaa si tartiibtartiib ah u tarma, ilaa uu ka awood roonaado
habka iskacaabbiga jidhka, kaddibna waxa uu qofku u ban dhigmo xanuuno kala
duwan oo ka faa’iidaysta nuglaanshaha iskacaabbiga jidhka (opportunistic diseases),
ilaa uu ugu dambayn xanuunku isu rogo mid baalasha la kala baxay (full blown AIDS) – waana saansaan aan wax-ka-qabasho lahayn oo ku gebgebowda
geeri.
Fayr cabsidiisa ugu weyni
waxay ahaan jirtay booqashada dhakhtarka iyo inuu isa soo baadho. Wuxuu Fayr xasuustaa
inta sheeko ee uu maqlay ee ku saabsan dad u xanuunkani haleelay – waxa ay ku
dambeeyeen iyo sida loola dhaqmay.
Intaas kaddib, waxa uu
bilaabay inuu is dareensiiyo inay noloshiisu soo gebageboobeyso. Maxaa
yidhidiilooyin so afjarmaya! Maxaa qabyo u taal! Maxaa qorsheyaal uu muddooyin
soo abaabulayay uu laanqeyr cas saaray! ilaa uu ka gaadhay inuu si hoos-hoos ah
u dardaarmo, isagoo xasuusqor ku xarxariiqay wixii ka kala daadsanaa iyo wixii
qaan ah ee lagu lahaa. Xaaskiisii waxa uu u sheegay inuu xanuunsanaayo, si uu
uga badbaadiyo jirradan halista ahi si aanay ugu gudbin. Waxa uu suuraystay
caruurtiisii la majiiran jiray oo ay jaarka iyo ardaydu xamanayaan ama toos ugu xanaakadinayaan
jirrada aabbahood. Waxa uu yaraystay la kulankii jaleyaashiisa. Waxa se ugu
darnaa fikradaha waallida ah ee maankiisa ugu soo butaacayay sida maayadaha badweynta
oo ay ka mid ahayd: in uu gudha iska
jaro! Dhowr jeer buu malaystay inuu baabuurkiisa ka shalwiyo dawga buurta loo
yaqaanno Gebi-dheer.
Sidii uu fikradahaas
waallida lagu tilmaami karo u dhex mushaaxayay waxa Fayr u baxay dhawaaq
cirsan-ka-yeedh oo bandiirad (calan) bushaaro iyo badbaado u babbinaaya: “Waar joog!
Naftaada iyo Eebbeba ma siri kartid. Waar nin yahow Eebbe u noqo, isaga
ayaa cudurka keena, waana Bogsiiye (al-Shaafi),
waana Dile (al-Mumiit), waana ka wax
nooleeye (al-Muxi)”.
Dhowr toddobaad kaddib
ayuu Fayr mar labaad u kicitimay inuu dhiigiisa ka soo shay baadho meel ka
duwan meeshii hore, goortaas oo ay kasoo wareegtay 78 maalmood maalintii uu
timojaraha ka samaystay qoordiidka. Mar kale iyo cawadiisa e, waxa uu
shaybaadki sheegay “non-reactive”. War-bixintii ayuu haddana la dul tegay
internetkii, waxa durba u muuqday yididiilo, waxa se uu si kaadsiiyo la’aan ah
u dhowrayay inay buuxsamaan 90 cisho. Mar
saddexaad ayaa maalintii ay 90 cisho u buuxsantay uu ku noqday
shaybaadhkii. Wiilkii shaybaadhka
samaynayay oo u diyaargaroobay inuu gacantiisa bidix siriij (irbad) kaga qaado
dhiig, ayuu Fayr weydiiyay jaadka shaybaad ee uu u adeegsanaayo, isagoo ka
shaki qaba runsheegnimada kuwii hore. Hadalkanbaana la is weydaarsaday:
Fayr: “Jaadka shaybaadh ee
aad adeegsanaysaa magacii?
Shay-baadhe:“Waa kan oo
waa ka ugu fiican saxnimadiisa iyo degdeggiisa. Afar iyo toban cisho
marka laga bilaabo goorta
uu qof ka shakiyo in fayras dhiiggsa galay ayuu kusoo saari karaa cad”, “oo meel
kale miyaad iska baadhay?”
Fayr: “Haa, waxaanuu ahaa
NEGATIF”
Shay-baadhe, “Waar
ninyahow, shakigu waa dilaa e, orod oo Quraan isa-saar” ayuu ugu eray celiyay
isaga oo la yaabban oo madaxa ruxaya.
Warbixintii shaybaadkii
saddexaad waxa uu Fayr qaatay aroornimadii dambe, galkii ay warbixintu ku
jirtayna ma uu furin ilaa uu gurigii gaadhay, isagoo ka cabsi qaba haddii ay
warcelintu noqoto BOOSATIF inuu naxdin awgeed miyir doorsoon suuqa ku dhex dhaco. Mar saddexaadkiina
waxa ay warbixinti sheegtay NEGATIF. Alxamdullilaah iyo neef weyn ayaa kasoo
baxday. Maalintaasbaana fayoqab ugu horraysay muddo 75 cisho ah, laga bilaabo
maalintii uu yalaalugada iyo daalka la soo toosay.
Fayr casharrada uu ka
bartay dhacdadan uu soo maray waxa ka mid ahaa:
·
Kol haddii uu gartay waayaha dadka qaba
jirradan, inuu si xeel dheer ugu
debecsanaado dadka la nool xanuunka oo lagu tilmaamo inay yihiin ama lagu tiriyo
dadka nugul. Waxa ay dadkaasi u
baahan yihiin in loo muujiyo taageero (mid niyaddhis ah iyo gacansiin kaleba)
iyo samafal;
·
Aragtida gurracan ee laga qabo in
xanuunkani ku yimaaddo galmo xaaraan ah oo keliya, ama uu yahay ciqaab Eebbe
waxa barbar taalla, kumannaanka iyo kaakaca qof ee ku qaadaya siyaabo kaa duwan
(sida dhiig lagu shubo, irbad sadhaysan oo mudda, adeegsi qalab sadhaysan oo
loo isticmaalo hilibdalqe, gudniin, iwm..)
·
In shakigu yahay dilaa, oo loo baahan yahay
inu qofku sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidho goob caafimaad. Haddii qofka dhiiggiisa laga helo fayraska,
oo uu bilaabo inuu qaato dawada lagu maareeyo taranka fayraska, waxa sidoo kale
weynaanaysa fursadda uu nolol caadi ah kula noolaan karo cudurka.
·
Caafimaadku waa deeq Eebbe inna siiyey oo u
baahan inaynnu ku dadaalno ilaalintiisa.
Bal
u fiirso mucjisada Eebbe (sarree oo korreeye) ee laga dhex arki karo habka iskacaabbiga
jidhkeenna. Waxa innagu dhex nool
kumanyaal iyo kaakac unugyo heegan u ah
inay jidhkeenna ka ilaaliyaan jeermiska iyo fayrasyada dibedda kaga imanaaya.
Ma dareemi karno, mana suurayn karno baaxadda dagaallada isugu jira weerar iyo
weerarcelin iyo tabaha la isu adeegsanaayo ee xeeldheeridu ku dheehan tahay.
Waa weerarro ku sal leh nolol iyo geeri. Waa goobo guullo iyo guuldarrooyin iyo
wadhi is-daba cidhbinayaan, waa weerarro aan ka hallayn (khasaare) yarayn kuwa
ay adduunkan korkiisa ka dhaliyaan adeegsiga awoodda nuukileerku. Nooleyaashaas
ili-ma-qabatayda ah, ee Eebbe (SOK) inoo sandulleeyay ee huritaanka intaas
le’eg aawadeen u bixinaya, miyaanay habboonayn inaynnu kaabno, kana ilaalinno
wixii u nuglaynaya nacabkooda iyo nacabkeenna oo ah fayraska iyo jeermiska?
No comments:
Post a Comment