W.Q: Axmed Ibraahin
Cawaale
Waxa ay ahayd 1970kii. Gu’gii koowaad ee dugsiga sare
ayaan ku jiray oo aan gelinka dambe ka dhigan jiray Dugsiga Faarax Oomaar oo
aannu beryahaas u niqiinnay “Xabbadi Keentay”.
Waxa uu dugsigaasi ahaa mid ka dhasahy fooshii kacdoon ay ardaydii dhammaysatay dugsiyada dhexe ku kaceen.
Maxaa wacey, waxa xilligaas kala batay tiradii ardayda iyo dugsiyadii
sare ee dhinaca Waqooyi ka jiray. Bal malee magaalo-labaaddii dalka oo aan
lahayn hal dugsi sare! Sidaas oo ay
tahay, bannaan-baxaas ay ardaydu sameeyeen ma uu ahayn mid ka madhan dhiillo
iyo dhiig daata.
Dugsigii dhexe waxaan ku soo dhammaystay tuulo, waxana aan
Hargeysa u imid in aan sii wato waxbarashadii dugsiga sare. Cid xigaal ahi iima joogin Hargeysa, se nin
aannu qaraabo-qansax nahay, oo aan adeer ugu yeedhi jiray ayaa guri uu seexan jiray oo ku yaallay
“Sekatu-Liire” igu marti geliyay. Sekatu-Liire waxa ay ahayd dhismeyaal yaryar oo xidhiidhsan oo
dhinaca galbeed ka xigay dhismaha Dawladda Hoose iyo Masjid Jaamaca, waxana la
sheegaa in xooggagii Talyaanigu dhiseen ammintii koobnayd ee ay gacanta ku
hayeen Somaliland bilowgii 1940aadkii. Dhuuniga
aan quuto waxa aan ka doonan jiray xarumaha soor-bisleeyeyaasha ay danyartu
wax ka cuni jireen oo ku dhex yiillay suuqa Waaheen, waxana loo yiqiinnay
“Dooro-lebenleyaal”, se waxa ay ahaayeen “miskiin-koris”. Dhaqaalaha yar ee aan biishado waxa laga keeni
jiray xoolaha nool ee qoyskagayga. Aniga
oo yaraan ku agoomoobey, hooyo-macaan ayaa xilli-xilli dhowr neef oo ahmin ah qoorta
isugu soo xidhi jirtay. Berri-samaad baa
lagu jiray, xoolodhaqataduna tirooyin adhi ah iyo meesiyada kale ayay xawadamin
jireen, deegaankuna waa bed qabay,
nolosha reer magaalkuna si xooggan ayay ugu tiirsanayd ta reer guuraaga. Is-barbardhig haddii lala sameeyo beryahan
dambena waxa si fudud kuugu soo baxaya in tayadii nololeed ee bulshada reer
guuraanimo ay si aad ah hoos ugu dhacday, isla markaana ay noqotay mid mar kasta ay ku xeeran tahay saansaan nololeed oo aad u adagi.
Gurigan yar ee aan 'adeerkay' la wadaago waxa ugu doorka roon
leh ee nagu weheliyay waxa ay ahaayeen dhowr abxadood (sanduuq) oo buugaagi ku
jirtay una badan sheeko-faneedyo (novels). Oggolaansho aan ka helay 'adeerkay' ayaan
akhris ku meyracan jiray. Waxa ay ahaayeen badidoodu buugaag waayadaas adduunka
aad looga akhrisan jiray. Waxana ugu mudnaa kuwii James Bond ee ay ka mid
ahaayeen From Russia with Love, The Spy
Who Loved Me, Casino Royale, For Your Eyes Only, iyo qaar kale oo
badan. Hore waxa loo yidhi “nimaan dhul marini dhaayo la’”, se
arrinku waxa uu xaggayga ka ahaa “nimaan akhris badan helini dhaayo la’”. Akhriska buugaagtaas waxa ay iiga dhignaayeen
dalxiis aan kala go’ lahayn oo aan ku galaa-bixin jiray arlada dacalladeeda.
Haddaba maalin maalmaha ka mid, oo aan buug kale la soo
baxay, waxa dhexda ugu jirtay warqaad laalaaban oo sida mastaradda u dhiibsan.
Midabkeedu waxa uu ahaa cir-u-eke furan
(buluuki furan), waxana aan judhiiba hoos isugu sheegay in ninkii
buugaagtan lahaa u warqaaddan u adeegsan jiray “kala-qaybis” u fududaysa kolba
meesha uu akhriska marinayo. Dafdafnimo
(faduulinimo) awgeed, waxa aan guda galay in aan kala bixiyo warqaaddii, misane
waaba qoraal dhex maray laba qof oo is-jecel. Waxa isku key qabsaday laba dareen oo
midna igu riixayay inaan akhristo, ka kalena ii diidayay, se kii hore ayaa
gacan sarreeyay, in kasta oo aanay maankayga ka maqnayn u-haysaho beryahaas
dadka dhexdooda caan ku ahayd, oo ah in “akhriska dhambaallada dadka kale, oggolaansho la’aan, iyo qoraallada gees-xawaallada ku
qoran qalbi-can ama fahmo-guur ayaa laga qaado”. Ninkaas buugaagta lahaa ee dhinacayga
lama-aqoonka ka ahaa, murwaadda (ixtiraamka iyo qiimaynta) uu u hayay qoftii uu
jeclaa awgeed waa ta keentay in uu warqaadda ka dhigto “kala-qaybiye” aan
gacantiisa iyo araggiisa ka fogaanin mar kasta
oo uu buug akhriyayo.
Waxa ay ka koobnayd toban bog oo farqoraal midabkiisu
yahay cir-u-eke rib ah, si fiicanna looga dhex arki karo warqaadda ay isku midabka
yihiin. Dheeldheelna uma ay dooranin midabkaas; maxaa yeelay, waxa lagu yaqaan
in midabkaasi yahay mid la jaal ah jacaylka, dhaliyana (sida la yidhi) nabdoonaan iyo
xasillooni, kuna habboon in uu qarqarsiyo kacdoonnada nafsiga ah ee ka dhasha
jacaylka. Waxa ay ku taariikheysnayd
1967kii, meesha laga soo dirayna waxa ay ahayd Nikoosiya, caasimadda dalka
Qubrus, waxana ay ku socotay nin Faarax la yidhaahdo oo Cadan degganaa. Waxa markiiba maankayga ku soo degay in warqaaddan
filanwaaga ahi u baahan tahay furfurid.
Waxaan keloo iska dhaadhiciyay in ninkan Faarax ee warqaaddu ku socotay,
isla markaana aan filayo in uu buugaagta guriga taalla lahaa uu ka mid ahaa
Soomaalidii loogu yeedhi jiray “Xabbadi-keentay”. Dagaalkii xorrnimo-doonka ee dadka reer
Koofur Yaman waxa uu ahaa mid dhiig badani ku daatay, maxaa yeelay Ingiriisku
ma rabin in uu si howl yar Cadani farihiisa uga baxdo – istaraatijinimadeeda awgeed
iyo sidii uu wax u gashaday, laga soo bilaabo 1839kii oo uu kala wareegay
Suldaankii Laxaj. Tanina waa ka duwanayd
howlyaridii uu kaga baxay British Somaliland oo isaga iyo beelaha waqooyigu ay
hore heshiisyo saaxiibtinnimo, ganacsi iyo kor-ka-ilaalineed u dhex mareen. Sidaas awgeed, colaaddii ayaa mid dhinac u qaxisay.
Markii aan aqoonsaday in ninka warqaaddu ku socotay yahay Soomaali,
isla jeerkaasba waxa aan indhaha kula rooray gebagebadeeda – laga yaabee in aan wax ka ogaan karo cidda soo
qortay. Waxana ay ku soo
gunaanadantay tuduc ka mid ah gabaygii
jacaylka ahaa ee caanka ahaa ee Annabel
Lee, ee uu qoray Edgar Allan Poe 1849kii, oo ay u qaabaysay waayaha
jacaylkooda, eraygii Annabel Lee ku beddeshay "Faarax":
For the Moon never
beams, without bringing me dreams of my dearest Farah,
And the Stars never
rise, but I see the bright eyes of my dearest Farah.
(Dayaxba miyuu ii soo baxaa, isagoon ii keenin (xasuusin)
riyooyinkii Faaraxayga igu dheer,
Xiddiguhuna miyay ii soo baxaan, iyagoon i tusinin
indhihii qurxoonaa ee Faaraxayga igu dheer)
U gartay in gabadh “Anne” la yidhaahdaa soo qortay oo aan
looga dhoweyn in ay u dhalatay dalka Ingiriiska. Waxa kale oo iiga baxay warqaadda in jacayl xooggani ka dhexeeyay
labadan qof se aanay weli is hanan. Waxana
aan ka dhex akhriyay sadarrada dhexdooda in aabbaheed iyo hooyadeed aanay ka
raalli ahayn in iyada iyo Faarax is guursadaan. Waxa dareenkaas ii si xoojiyay iyada oo
buugaagtii guriga yaallay uu ku jiray buugga Blame Me On History (1962) ee uu lahaa qoraagii reer Koonfur
Afrika, Bloke Modisane, si faahfaahsanna
ugu dhex xusay jacayl isaga iyo gabadh caddaan ah dhex maray, xilli uu dalkaas ka jiray nidaamka kala-qoqobka
isirrada (Apartheid), kaas oo uga dhignaa dembi weyn in laba qof oo iyaga oo kale ahi is-guursadaan.
Warqaaddaasi waxa ay ahaatay mid ammintii gurigaas aan degganaa oo dhan iga ag dhoweyd. Mararka
qaar aan xasuusan jiray jacayl beryahaas i saf-mareeyay (i yar taabtay), se aan
taabbo gelin, waxaaba aan weyddiin jiray
in jacaylkaas anigii iyo qof aan ogahay naga barriiqday bal in uu sidan kan
warqaaddan ku dhex qofaysan oo kale u kobci lahaa jeer lagu sifayn lahaa “jacayl dhiirran oo kulul…” sida ku jirta heestii ay ku luuqayn jirtay
Maryan Mursal. Waan ku noqnoqon jiray,
ereyda iyo howraaraha qaarna waan is-dul taagi jiray, dhadhamin jiray, dhuuxi
jiray, maankayga ayay la fal geli jireen, farriimo iyo dareeno ayay ku dhex abuuri
jireen. Se gacan keli ahi sacab ma tumi
karto e, waxa aan muuqaal-maskaxeed ku suuraysan jiray falcelintii Faarax ay
dhammaystir u ahaan lahayd farriintan dhinaca keli u socota. Si
kastaba arrimuhu ha ahaadaane, waxa aan ahaa
qof la jira labadaas qof “Faarax
iyo Anne” oo hiil iyo hooba la garab taagnaan lahaa haddii aan in uun
garanaayo, ama ay in uun suurogal ahaan lahayd inaan ku kaalmeeyo!
Maanta oo laga joogo afartan gu’ dheeraad markii aan
warqaaddaas isha mariyay weli maankayga kama ay fuqin xasuusteedu, waxana aan mararka
qaar is-moodi jiray in aan akhriyayo sheekooyinka jacaylka kuwa loogu
jecelyahay ee qarna iyo baruuda (weligood) buug
la qoray sida Lorna
Doone, marka la eego sida ay uga fog yihiin iska-yeelyeel, mukur, iyo ka-badbadin, waxana aan mararka qaar
is-weyddiiyaa meeshii ay isla mareen Faarax iyo Anne.
Waa mudan tahay in is-barbar-dhig lagu sameeyo
qaab-farriimeedkii ka horreeyay xilligan tiknoolajiyaddu wax walba fududaysay iyo
waayahaas hore.
Xilli ay yaraayeen
dadka wax akhriyi karaa, waxana qori karaa, bal xasuuso sheekadii ku qornayd
buuggii “Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl”
ee uu qoray Faarax Maxamed Jaamac Cawl.
Maanta waa yaryahay in la arko qof mid kale uga baahan gacansiin qoridda
warqaad. Haddiise uu jiro, se jecel yahay
in sirtiisa kula keliyeysto qofka kale ee uu jecelyahay, tilifoonkii ayaa u
buuxinaya kaalintaas.
Farriimahaas hore ee qoran, qofka dirayaa xil weyn buu
iska saari jiray quruxinta farta iyo in uu qoraalka ku kaabo muuqaallo sida
wadne leeb laga dhex taagay, oo dhiiggu ka tifiqleeyay, ama raadka dibno
xamuurad la mariyay, kaddibna lagu aslay warqaadda, mararka qaarna indho ooyaya. Qofka waxa ay ku xambaari jirtay in uu
raadsado qalimmo (qalmaan) midabbo kala gaar ah leh. Sidoo kale, is-gaadhsiinta iyo amminta
dhur-sugga falcelineed ayaa culays ku ahaan jiray labada is-jecel.
Maanta se xawaare aan ka yarayn ka iftiinka ayaa
dhamballada la isugu gudbiyaa. Agabka tiknoolajiyaduna waxa ay fududeysay qoraalkii
iyo qurxintiisii. Halkii ay saacado kugu
qaadan lahayd qurxinta dhambaalka iyo muuqaal u samaynta, waxa aad
kombiyuutarka kasoo dhufsanaysaa uun muuqaallo kuugu xeraysan (emmoticum) oo kun erey wax ka iftiimin
og.
Haddaba, tiknoolajiyaddu keliya waxa ay soo ururisay ama koobtay ammintii,
is-dhaafsigiina (transactions) wuu
badiyay, se geddii (dabeecaddii) aadamaha ee dhinaca jacaylka iyo nacaybka
waxba kama doorin.
No comments:
Post a Comment